Taliyaha ciidamada qalabka sida Uganda oo war ka soo saaray dadka ku saxarooda dhinacyada wadooyinka

Xigashada Sawirka, AFP
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota ragga ku saxarooda dhinacyada waddooyinka, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo xiro, laguna xukumo ugu yaraan shan sano oo xarig ah.
Farriin uu soo dhigay barta X, Jeneraal Muhoozi, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay in ragga ku kaadiya dhinacyada waddooyinka iyadoo ay dadweynuhu arkayaan—oo ay ku jiraan carruurtu—ay tahay in si degdeg ah loo xiro.
"Dhammaan ragga ku saxarooda dhinacyada waddooyinka iyadoo ay dadweynuhu arkayaan, oo ay ku jiraan carruurtu, waa in si degdeg ah loo xiro. Waxaa lagu xukumi doonaa ugu yaraan shan sano oo xarig ah," ayuu yiri Kainerugaba.
Hadalkan ayaa dhaliyay dood ballaaran oo ka dhex aloosantay baraha bulshada; iyadoo dadka qaar ay taageerayaan tallaabooyinka adag ee lagula dagaallamayo wasakheynta deegaanka, halka kuwa kalena ay su'aal ka keenayaan heerka adkaanta ciqaabta la soo jeediyay.
Dadka taageersan mowqifkan ayaa ku doodaya in kaadida lagu kaadiyo goobaha dadweynaha ay khatar ku tahay nadaafadda deegaanka, ay carruurta u noqoto tusaale xun, isla markaana ay waxyeello u geysato goobaha dadweynaha.
Sheekooyin kale:










