You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Brasil oo maalin cusub oo xus u qoondaysay mid ka mid ciyaartoydii soo maray

Wararkii u danbeeyey

Tebin toos ah

  1. Shiinaha oo doon Taiwan laga leeyahay ku qabtay 'kalluumaysi sharci darro ah'

    Shiinaha ayaa sheegay in ay qabteen doonni laga leeyahay dalka Taiwan, oo ay saarnaayeen shan shaqaale ah, kadib markii ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen badda Shiinaha habeenkii Talaadada.

    Taiwan ayaa ka codsatay Shiinaha in la sii daayo doontaas - iyo raggaas saarnaa, oo kala ahaa laba Taiwanese ah iyo saddex Indonesian ah - oo lagu hayo dekedda Weitou, oo ku taal koonfur-bari.

    Saraakiisha Taiwan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in doonida lagu qabtay gudaha badda Shiinaha, oo qiyaastii 2.8 nautical miles (5.1km) u jirta xeebteeda.

    Waxa kale oo ay shaqaynaysay intii lagu jiray mamnuucista kalluumaysiga wakhtiga xagaaga ee Shiinaha ee May ilaa Agoosto.

    Labada dhinaca ayaa kolkii hore isu dabacsanaa marka ay timaaddo dhanka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, waxaa se hadda muuqata in Shiinuhu qaatay isbeddel cusub.

  2. Doorasha UK oo soo dhaw xilli aad moodo in xisbi mucaarad ahi gacanta sare leeyahay

    Hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda ee Britain ayaa codsigoodii ugu dambeeyay u jeedinayay codbixiyayaasha xilli ay tahay maalinta ugu dambeysa ee ololaha doorashada guud.

    Xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka ayaa aad uga horreeya ra'yi ururinta qiyaasta ee illaa hada la sameeyey kaddib lix toddobaad oo olole ah.

    Raiisel wasaaraha, Rishi Sunak, ayaa marar badan ka digay in hogaamiyaha mucaaradka, Keir Starmer, uu helo aqlabiyadda baarlamaanka.

    Xisbiga Labour-ka ayaa lumiyay afar doorasho oo xidhiidh ah, waxaana Sir Keir uu ku booriyay taageerayaasha inay hubiyaan inay codeeyaan Khamiista.

    Suella Braverman oo ah xoghayihii hore ee xisbiga Conservative-ka, ayaa sheegtay in codbixiyayaasha joogtada ahaa ee xisbigu ay u weecanayaan xisbiga Reform UK iyo si gaar ah iyaga oo ugu xilanaya farriimaha ad adage e dhanka socdaalka.

    Waxayna hadalkeeda sii raacisay in Xisbiga Consertive-ku ay isu diyaariyaan door mucaaradnimo ku dhawaad afar iyo toban sano oo ay dawladda dalkaas hoggaaminayeen.

  3. Haddii uu doorashada ka baxo Biden yaa beddeli doona?

    Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dooddiisii liidatay ee telefishinka laga sii daayay todobaadkii hore waxa ay ka nixisay xisbiga Dimuqraadiga waxaana ay dhalisay dood ku saabsan cidda ku tartami karta booskiisa haddii uu ka tanaasulo.

    Halkan hoose ka akhriso faahfaahinta

  4. Brasil oo maalin cusub oo xus ah u qoondaysay mid ka mid ah ciyaartoydii soo maray

    Maalin cusub oo xus gaar ah ayaa lagu soo daray maalmaha fasaxa iyo xusaska ah ee dalka Brazil.

    Maalintan cusub ayaa qorshuhu yahay si loogu xuso loona maamuuso cayaaryahankii ugu weynaa kubbadda cagta ee soo mara dalkaas, Pelé -- kaasoo dhintay sannadkii 2022.

    Maalinta King Pelé, sida dalkaas looga bixiyey, waxaa la dabaaldegi doonaa sanad walba 19-ka bisha Noofamber.

    Maalintaas oo si gaar ah loogu xushay, maalinteedii sannadkii 1969 uu dhaliyey goolkiisii kumaad eee waayihiisa ciyaareed.

    Pelé ayaa loo yaqaan Boqorka Kubadda Cagta ka dib markii uu ka caawiyay Brazil ku guuleysiga Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay sannadkii 1958-dii, markaas oo uu jiray keliya toddoba iyo toban sano.

    Laba jeer oo kale ayuu kKoobka Aduunka la qaaday Brazil.

  5. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee maanta oo arbaca ah bisha Julaay ay tahay 3. Halkan kala wararkii u danbeeyey