Brasil oo maalin cusub oo xus u qoondaysay mid ka mid ciyaartoydii soo maray
Wararkii u danbeeyey
Tebin toos ah
Kaydinta caanaha hooyada ee la siiyo ilmaha aysan dhalin iyo murankii culimada Islaamka ee ka dhashay
Mashruuc hami sare laga lahaa oo lagu bilaabayo bangigii ugu horreeyay ee lagu kaydiyo caanaha bini'aadmiga ee Pakistan ayaa burburay sababo la xiriira diidmo ka timid machad Islaami ah oo ku yaal Karachi.
Shiinaha oo doon Taiwan laga leeyahay ku qabtay 'kalluumaysi sharci darro ah'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha ayaa sheegay in ay qabteen doonni laga leeyahay
dalka Taiwan, oo ay saarnaayeen shan shaqaale ah, kadib markii ay si sharci
darro ah uga kalluumeysanayeen badda Shiinaha habeenkii Talaadada.
Taiwan ayaa ka codsatay Shiinaha in la sii daayo doontaas
- iyo raggaas saarnaa, oo kala ahaa laba Taiwanese ah iyo saddex Indonesian ah
- oo lagu hayo dekedda Weitou, oo ku taal koonfur-bari.
Saraakiisha Taiwan ayaa BBC-da u xaqiijiyay in doonida
lagu qabtay gudaha badda Shiinaha, oo qiyaastii 2.8 nautical miles (5.1km) u
jirta xeebteeda.
Waxa kale oo ay shaqaynaysay intii lagu jiray mamnuucista
kalluumaysiga wakhtiga xagaaga ee Shiinaha ee May ilaa Agoosto.
Labada dhinaca ayaa kolkii hore isu dabacsanaa marka ay
timaaddo dhanka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, waxaa se hadda muuqata in Shiinuhu
qaatay isbeddel cusub.
Doorasha UK oo soo dhaw xilli aad moodo in xisbi mucaarad ahi gacanta sare leeyahay
Xigashada Sawirka, PA and Reuters
Hogaamiyayaasha
xisbiyada siyaasadda ee Britain ayaa codsigoodii ugu dambeeyay u jeedinayay
codbixiyayaasha xilli ay tahay maalinta ugu dambeysa ee ololaha doorashada
guud.
Xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka ayaa aad uga horreeya
ra'yi ururinta qiyaasta ee illaa hada la sameeyey kaddib lix toddobaad oo olole
ah.
Raiisel wasaaraha, Rishi Sunak, ayaa marar badan ka digay
in hogaamiyaha mucaaradka, Keir Starmer, uu helo aqlabiyadda baarlamaanka.
Xisbiga Labour-ka ayaa lumiyay afar doorasho oo xidhiidh
ah, waxaana Sir Keir uu ku booriyay taageerayaasha inay hubiyaan inay codeeyaan
Khamiista.
Suella Braverman oo ah xoghayihii hore ee xisbiga
Conservative-ka, ayaa sheegtay in codbixiyayaasha joogtada ahaa ee xisbigu ay u
weecanayaan xisbiga Reform UK iyo si gaar ah iyaga oo ugu xilanaya farriimaha
ad adage e dhanka socdaalka.
Waxayna hadalkeeda sii raacisay in Xisbiga Consertive-ku
ay isu diyaariyaan door mucaaradnimo ku dhawaad afar iyo toban sano oo ay dawladda
dalkaas hoggaaminayeen.
Haddii uu doorashada ka baxo Biden yaa beddeli doona?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dooddiisii liidatay ee telefishinka laga sii daayay todobaadkii hore waxa ay ka nixisay xisbiga Dimuqraadiga waxaana ay dhalisay dood ku saabsan cidda ku tartami karta booskiisa haddii uu ka tanaasulo.