You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

'Waan ka daalnay barakaca, waana ka daalnay dagaalka ' – ayay reer Qasa u sheegeen BBC-da

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta - Abdishukri Haybe

Tebin toos ah

  1. Maxay yihiin gantaalada uu Mareykanka ka iibinayo Turkiga?

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ogolaatay suurtagalnimada in 13-kii April laga iibiyo Turkiga gantaallo iyo qalab kale oo qiimahiisu dhan yahay $304 milyan.

    Oggolaanshaha iibku waxaa ka mid ah in Turkiga laga iibiyo gantaalada AIM-9X Sidewinder Block II iyo AIM-120C-8 oo dhammaantooda ah gantaalada lidka diyaaradaha.

    Gantaaladan ayaa ah kuwa riddada gaaban ee hawada waxaana loo adeegsadaa diyaaradaha dagaalka si ay u soo ridaan diyaaradaha kale ee dagaalka.

    Gantaalkan oo culeyskiisu yahay 85 Kg, ayaa kulaylkooda ku ogaanaya bartilmaameedkiisa, isla markaana si toos ah isu hagaya, waxaana uuna xambaaraa waxyaabaha qarxa.

    Laba maalmood ka hor dalalka Turkiye iyo Norway ayaa loo ogolaaday inay soo iibsadaan 300 oo gantaalladaas ah.

  2. Trump oo aad u yaabay markii uu booqday misaajidka weyn ee Sheikh Zayed, muxuu yiri?

    Madaxwaynaha dalka Mareykanka oo maalmahan booqasho ku joogay dalalka Khaliijka ayaa intii uu booqashada ku joogay Imaraadka waxaa uu booqday goobo kala duwan.

    Trump waxa ka mid ah goobaha uu Masjidka weyn ee Sheikh Zayed isga oo uu weheliyo dhaxal sugaha Abu Dhabey, Sheikh Khalid bin Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

    "Aad ayuu u qurux badan yahay," ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta gudaha masjidka, oo la sheegay in uu xirnaa maalintaas.

    "Tani waa markii ugu horeysay oo ay xiraan, si ay u sharfaan Mareykanka, tani waxay ka wanaagsan tahay in la i sharfo, tani waa mid dalka sharfeysa, waana abaal weyn," ayuu intii raaciyay.

    Bin Zayed waxa uu Trump ku abaalmariyey Biladda Zayed, oo ah Abaalmarinta ugu sarreysa ee Imaaraatka Carabta la siiyo Madaxda, Boqorrada iyo Madaxweynayaasha