You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ilhaan Cumar: Hayaankayga xero qaxooti ee ilaa Aqalka Congress-ka ayaa ka cadhaysiinaya Donald Trump

Ilhaan Cumar: Hayaankayga xero qaxooti ee ilaa Aqalka Congress-ka ayaa ka cadhaysiinaya Donald Trump

Kooban

Tebin toos ah

  1. Midowga Yurub oo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ku daraya liiska argagixisada

    Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub ayaa tiri: “Toddobaadkan, Yurub waxay haysataa fursad iyo waajibaad taariikhi ah oo ah in ugu dambayn Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee iiraan (IRGC) u aqoonsadaan urur argagixiso.”

    Roberta Metsola waxay go’aanka ku tilmaantay “wax ka badan tallaabo astaan ah,” iyadoo adkaysay mas’uuliyadda Yurub ka saaran in ay arrintan ficil ahaan loo muujiyo.

    Waxaan ku baaqayaa “in caddaalad loo sameeyo “kumannaan qof oo lagu dilay waddooyinka,” iyo in “malaayiin Iiraaniyiin ah ay ku noolyihiin cadaadis ayna na sugayaan.”

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan cunaqabatayn cusub maanta oo Khamiis ah 29-ka Janaayo, kuwaas oo lagu beegsanayo kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha iyo 10 shirkadood oo ku lug leh soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Iiraan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa horraantii toddobaadkan sheegay inuu soo jeedin doono in IRGC lagu daro liiska ururrada argagixisada ee Midowga Yurub. Faransiiska, Jarmalka iyo Isbaanishka ayaa sidoo kale sheegay inay ku raacsan yihiin soo jeedintaas.

  2. Iiraan oo Trump ugu jawaabtay in ay diyaar u tahay weerar kasta oo lagu soo qaado

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa ka digay in ciidamadiisu ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah oo xoog leh uga jawaabaan weerar kasta oo lagu soo qaado dalka.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu ku sheegay in militariga Iiraan ay “ay riishadda hayaan qoryaha, isla markaana ay diyaar u yihiin inay si dhaqso ah oo awood leh uga jawaabaan gardarro kasta oo lagu soo qaado dhulka, hawada iyo xuduudaha badda ee dalka.”

    Hadalka Cabbaas Araqchi ayaa imanaya xilli uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, dhowaan ku sheegay baraha bulshada ee Truth Social in maraakiib dagaal oo waaweyn ay ku sii jeedaan Iiraan, kuwaas oo uu hoggaaminayo markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln.

    Sida uu sheegay Madaxweyne Trump, “ciidankan oo ah kuwa badda waa kuwo diyaar ah, oo go’aan adag leh, isla markaana awood u leh inay si degdeg ah u fuliyaan howshooda, oo ay ku jirto adeegsiga awood militari haddii loo baahdo.”