You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Warar hor leh oo ka soo kordhay hawlgalka ciidammada ICE ee Minnesota

Donald Trump iyo Tim Walz ayaa yeeshay wicitaan “wax ku ool ah”, oo ku saabsan hawlgalka ciidammada ICE, sida uu sheegay guddoomiyaha Minnesota

Kooban

Tebin toos ah

  1. "Trump oo lagu yiri sharciga kama sarreysid, cid kastana xuquub ayay leedahay"

    Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom oo aad uga soo horjeeda tallaabooyinka madaxweyne Trump ee dadka soo galootiga ah ayaa qoraal uu barihiisa bulshada ku baahiyay waxaa u uku yiri:

    Madaxweyne iyo maamul midna kama sarreeyo Dastuurka dalkeenna, mana jiro qof dalkan ku nool oo aan xuquuq lahayn. Wuxuu intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo nabadda isla markaana la taageero dadka wajahaya dhibaatooyinka.

    “Taageer bulshadaada adigoo nabadda aaminsanoo diyaarsan. U sheeg xadgudubyada wakiillada federaalka,”

  2. Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo ku sii jeeda gacanka Faaris iyo cabsi sii kordhaysa

    Markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln, kuna sii jeeda Gacanka Faaris, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kiciyay falcelinno badan, gaar ahaan tan iyo markii uu galay aagga amniga ee CENTCOM.

    Dhinaca kale, qaar ka mid ah mudaharaadayaasha Iiraan oo ka careysan dilka kumannaan qof intii lagu jiray tallaabooyinkii adkaa ee dhowaan la qaaday, ayaa laga yaabaa inay rajeynayaan in Maraykanku qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo kuwa cabburinta ku haya. Dhinaca kale, waxaa jira hadal-hayn ka jirta gobolka, iyo sidoo kale Yurub iyo Maraykanka, oo ku saabsan in dagaal cusub uu ka qarxi karo Bariga Dhexe.

  3. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo waxa ka dhacay Minnesota ku tilmaamay wax aanu fileyn

    Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.

    Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.

    Wuxuu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.

    Madaxweyne hore Clinton ayaa si gaar ah uga hadlay labadii qof ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee Renee Good iyo Alex Pretti.

    Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.,

    Bayaanka Clinton waxaa sidoo kale ku jiray baaq ah in dadka Mareykanka ah ay codkooda u istaagaan si ay u muujiyan in dalku weli leeyahay mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo inay ku jirto gacanta shacabka.

  4. Shirkadaha ganacsiga gobolka Minnesota oo war ka soo saaray xaaladda halkaa ka taagan

    Madaxda sare ee shirkadaha 3M, Best Buy, Target, iyo UnitedHealth Group - oo ay weheliyaan tiro kale oo ganacsiyo kale ah oo fadhigoodu yahay Minnesota - ayaa saxiixay warqad furan oo ku baaqaysa "in si degdeg ah loo yareeyo xiisadda" iyo in mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa federaalkuba "ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal dhab ah".

    Warqadda waxaa soo saartay Rugta Ganacsiga ee Minnesota waxaana ku jira in ka badan 60 shirkadood oo ah saxiixay warqaddaas.

    "Waqtigan adag ee bulshadeenna," ayay leeyihiin hoggaamiyeyaasha ganacsigu, "waxaan ugu baaqaynaa nabad iyo iskaashi diiradda saaraya hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, gobolka iyo federaalka si loo gaaro xal degdeg ah oo waara oo u suurtagelinaya qoysaska, ganacsiyada, shaqaalaheenna, iyo bulshooyinka Minnesota oo dhan inay dib u bilaabaan shaqooyinka si aan u dhisno baa la yiri mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah."

  5. Madaxweynihii hore Barack Obama oo si adag uga hadlay howlgallada ICE ee Minnesota

    Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Marwadii hore Michelle Obama ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay "musiibo qalbi jab leh".

    War-saxaafadeed ay soo saareen, lamaanahan ayay ku sheegeen in toogashadii "ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro".

    "Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump "uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo" iyada toogashooyinkii dhacay oo aan "wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka".

    "Tani waa inay joogsataa," ayaa lagu yiri bayaanka.

  6. Dibadbax looga soo horjeeda howlgallada ICE oo hadda ka socda Minneapolis

    Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.

    Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.

    Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero.

    Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE”.