Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa codsaday markab dagaal oo dheeraad ah si loo difaaco Israel
Washington Post, oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Yurub uu toddobaadkan warqad sir ah u diray wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, isagoo u sheegay in aysan haysan awood ku filan oo dhinaca ciidamada badda ah si ay u sii wadaan in ay Israel ka sii difaacaan gantaallada ridada dheer ee lagu weerarayo dalkaas.
Sida uu sheegay wargeyska oo xiganaya saraakiishaas, Jeneraal Alexus Grynkewich, oo ah taliyaha taliska Yurub ee ciidamada Mareykanka, ayaa warqaddiisa ku sheegay in haddii aan loo qoondayn markab kale oo dagaal, uu ku qasbanaan doono in uu kala hormariyo difaaca Mareykanka iyo kan Israel.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in digniinta uu bixiyay Jeneraal Grynkewich ay waafaqsan tahay habraaca caadiga ah ee taliyeyaasha sare ee militariga.
"Waxay Pentagon-ka u diraan digniinno noocan oo kale ah marka ay arkaan khataro u baahan in Washington ay go'aan ka gaarto," ayuu yiri sarkaalka.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in xaaladahan ay inta badan dhacaan marka taliyeyaasha ciidamada ay doonayaan agab ciidan.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto: