You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo ku yiri UK iyo dalalka kale 'socda shidaalkiinna ka keensada' Marinka Hormuz ee 'iska qaata'

Saameynta colaadda Bariga Dhexe ayaa sii baahaysa, iyadoo aysan muuqan calaamado muujinayo goorta dagaalku soo afjarmayo maadama weli weerarrada iyo hanjabaaduhu sii socdaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ciidamo Israa'iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

    Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la dilay labo kalena la dhaawacay Isniintii, sida lagu sheegay bayaan cusub oo lagu daabacay barta Telegram.

    Sida lagu sheegay qoraalka, Kabtan Noam Madmoni, 22 jir ahaa, Sarreeye Ben Cohen, 21 jir ahaa, iyo Maxsim Entis, 22 jir ahaa, ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan.

    Labo qof ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaalka hal askari waxaa lagu tilmaamay “in dhaawiciisu uu daranyahay”, halka askari kale la sheegay inuu dhaawiciisu fududyahay.

    IDF waxay sidoo kale sheegtay in askari afraad lagu dilay isla dhacdadaas, balse magaciisa weli lama shaacin.

  2. Maxey dowladda Soomaaliya ka tiri madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed?

    Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka hadlayay magaalada Muqdiso ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Baydhabo oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

    Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin rabshado iyo aar-goosi isla markaana ay dadka reer Koonfur galbeed ay yeelan doonaan “madax aan iyaga loo xuleyn ee iyagu ay keensadaan”.

    Wuxuu u mahadceliyay dadweynaha deegaannada Koonfur galbeed, isagoo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen khayr u rajeyay.

    Wuxuu sheegay in wax badan uu soo qabtay Laftagareen, laakin dhawaan doorashadii ka dhacday Baydhabo ay ahayd in aanu ku darsan diiwaanka.

    Sii akhri:

  3. Waa maxay fursadaha uu Maraykanku hawlgal milatari oo dhulka ah uga fulin karo Iran?

    Iyadoo dagaalka Iran iyo Maraykanka iyo Israa'iil uu galay bishii labaad, ayaa inta uu socdo dagaalka waxaa laga dareemayaa horumarro degdeg ah iyo jihooyin isa soo taraya, inkastoo ay socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka.

    Horumarkii ugu dambeeyay ayaa ah hadal heynta suurtagalnimada howlgal militari oo dhanka dhulka ah oo ay Washinton ka geysato dalka Iran, kaas oo ay u badan tahay in uu damacsan yahay, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhowr ah, si ay ula wareegaan jasiiradda Kharg ee Iran iyo dhul xeebeedka dheeraadka ah ee ku dhow marinka Hormuz.

  4. War deg deg ah, Trump iyo Netanyahu maxey ka yiraahdeen dagaalka socda?

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in in ka badan kala bar yoolalkii militari ee uu ka lahaa Iiraan la gaaray, balse uusan doonayn inuu “waqti cayiman u qabto” goorta la soo afjarayo colaadda.

    Hoggaamiyaha Israa’iil wuxuu sheegay in weerarrada ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil ay wiiqayaan hoggaanka Iiraan, iyagoo hoos u dhigaya awoodda militari, gantaallada iyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

    Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu la hadlayay telefishinka Maraykanka laga leeyahay, wax yar kadib markii madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu burburin doono xarunta ugu weyn ee dhoofinta saliidda Iiraan ee jasiiradda Kharg, iyo sidoo kale xarumaha korontada iyo kuwa biyaha macaan laga dhaliyo ,haddii Tehran aysan si degdeg ah u aqbalin heshiis.

    Aqalka Cad ayaa yareeyay walaaca la xiriira in hanjabaadaha lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka ay keeni karaan in Maraykanku galo dambiyo dagaal. Mr. Trump wuxuu sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ay horumar sameynayaan, inkastoo afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan uu mar kale beeniyay in wax wadahadallo ah ay la leeyihiin mas’uuliyiinta Maraykanka.

    Sii akhri:

  5. Netanyahu oo rajo xumo ka muujiyay dhamaadka dagaalka Iiraan ay kula jiraan

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa u sheegay warbaahinta Maraykanka ee Newsmax inuusan doonayn inuu “waqti cayiman u qabto” goorta dagaalka ay kula jiraan Iiraan uu dhammaan karo.

    Netanyahu wuxuu sheegay in dagaalku “si dhab ah uga gudbay rajadii dhamaadka,” isla markaana Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay ugu dambayn “gudaha ka burburi doonto,” sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

    Hadalka Netanyahu ayaa ku soo aadaya xilli Trump-na sii wado hanjabaadaha xaruumaha tamarata Iiraan.

    Sii akhri: