You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Go'doominta Maraykanka ee dekadaha Iiraan oo dhaqan gashay, iyadoo Trump sii wado hanjabaada ka dhana ah dalkaas

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in la “baabi’in doonno” maraakiibta Iiraan” haddii ku soo dhwaadeen marakiibta badda ee Marayakanka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump ka hor wadahadalada Pakistan: Marinka Hormuz wuxuu furmi doonaa goor dhow

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay weriyeyaasha, in marin-biyoodka Hormuz la furi doono dhawaan.

    Markii la weydiiyay waxa uu u sheegay ku-xigeenkiisa, J.D. Vance, ka hor safarkiisa Islamabad ee wadahadallada xabbad-joojinta, wuxuu yiri: “Waxaan u rajeeyay guul.”

    Mr. Trump wuxuu sheegay inuusan hubin in wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhammaan doonaan hal wareeg ama ay sii socon doonaan toddobaadyada soo socda. Markii la weydiiyay haddii uu jiro qorshe kale, wuxuu yiri: “Looma baahna qorshe kale.”

    Weriyayaal kale ayaa weydiiyay waxa uu u arko heshiis wanaagsan oo lala gaaro Iiraan.

    Mr. Trump wuxuu ku jawaabay: “Inaanay jirin hub nukliyeer ah,” isagoo intaas ku daray inuu aaminsan yahay in isbeddel nidaam uu horey u dhacay.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in marin-biyoodka Hormuz la furi doono “si dhakhso ah” iyada oo lala kaashanayo Iiraan ama la’aanteed, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uusan u baahnayn.

    Isagoo ka jawaabaya wararka sheegaya in Iiraan ay qorsheyneyso inay lacag ka qaaddo maraakiibta mara marin-biyoodkaas, Mr. Trump wuxuu yiri: “Ma oggolaan doonno inay taasi dhacdo.”

  2. Duulimaadka Wafdiga Iran waxaa loogu magac daray 'Minab 168'

    Wafdiga Iiraan ayaa gaaray Pakistan si ay uga qayb qaataan wadahadallada nabadda, iyagoo saarnaa duulimaad loogu magac daray dugsi gabdho oo ku yaalla Iiraan oo la beegsaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, sida ay sheegtay dowladda Iiraan.

    Duulimaadka waxaa loo bixiyay “Minab 168” si loogu maamuuso 168 gabdhood, oo intooda badan carruur ay ahaayeen, kuwaas oo ay masuuliyiinta Iiraan sheegeen in lagu dilay weerar gantaal ah oo lala beegsaday Dugsiga Hoose ee Gabdhaha Shajarat Tayyiba ee ku yaalla magaalada Minab 28-kii Febraayo 2026.

    Warbaahinta ayaa sheegtay in baarayaasha milatariga Mareykanka ay rumeysan yihiin in ciidamada Mareykanka ay u badan tahay inay si aan ula kac ahayn u garaaceen dugsiga, halka Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu hore u sheegay in arrintan ay weli baaritaan ku socoto.

    Ka dib markii ay diyaaraddu ka degtay Pakistan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan Mohammad Baqer Qalibaf ayaa bartiisa X ku daabacay sawir muujinaya afar carruur ah oo sawirradooda lagu dul dhigay kuraasta diyaaradda, mid kastaana uu wato boorso dugsi iyo ubax korka laga saaray, isaga oo yiri: “Kuwani waa saaxiibaday safarkan.”

  3. Wadahadalada Iran iyo Mareykanka oo lagu wado inay maanta furmaan

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in wadahadallada nabadeed ee Mareykanka iyo Iran ee la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Sabtida ay noqon doonto "fursad masiiri ah" si xal looga gaaro dagaalka.

    Shahbaz Sharif ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in wakiilo ka socda labada dal ay ku sugnaan doonaan Islamabad maanta si ay u bilaabaan wada xaajoodyada.

    Waxa uu sheegay in kulanka uu yahay mid aysan ku faani karin Pakistan oo kaliya, balse uu yahay mid loogu faano dunida Muslimka.