Sacuudiga ayaa ganaaxaya dadka jabiyo qeynuuanda xajka

Xigashada Sawirka, Reuters
Ganaax iyo ciqaab ayaa la saarayaa dadka ku xadgudbaya nidaamka xajka sida ay sheegtay dowladda Sacuudiga.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bilowday in ay hirgeliso qeynuuno la xiriira xadgudubka xajka iyo awaamiirtiisa. Waa olole soconaya laga soo bilaabo labadii bishan ilaa iyo 20-ka bishan June.
Dadka aan haysan ogolaashaha xajka ee lagu arko magaalada Makah, gobolka bartamaha iyo goobaha barakeysan ayaa ka mid ah dadka uu saameynayo xeerkan. Sidoo kale waxaa ku jira kuwa geynaya xujeyda ee aan haysan ogolaasho ay dadk ku geeyaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee yimid dalka in ay u hoggaansamaan qeynuunada iyo awaamiirta Xajka







