You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Maraykanka oo duqeeyay xarumaha nukliyeerka ee Iiraan iyadoo Trump uu sheegay in Tehran ay tahay inay ‘nabadda qaadato’

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

Fatuma Maalim

  1. Israa’iil iyo Iiran oo shaaciyay baaxadda khasaaraha soo kala gaaray

    Milatariga Israa'iil ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqay weeraro kale oo lagu bartilmaameedsanayo "kaabayaasha militariga" ee koonfur-galbeed ee Iran.

    Maanta oo Sabti ah waxa ay ku beegan tahay maalintii 9-aad ee dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iiloo billaabmay 13-kii June.

    Wakaalada wararka ee Nour News Agency oo soo xiganaysa bayaan kasoo baxay wasaarada caafimaadka ee Iran oo ku aadan tirada dhimashada, taasoo muujineysa in ugu yaraan 430 qof ay ku dhinteen 3,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka.

    Dhinaca kale, Israa’iil waxay sheegtay in 25 qof ay ku dhinteen, 2,517 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada Iran.

  2. Khamenei oo soo xulay saddex wadaad oo sare si ay u badalaan haddii la dilo

    Saraakiisha Iran ayaa sheegay in hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, uu soo xushay saddex wadaad oo waaweyn oo u sharaxan inay xilka kala wareegaan hadii la dilo.

    Waxa ay intaa ku dareen in Hogaamiyaha Sare uu ka warqabo in Israel ama Mareykanka laga yaabo inay isku dayaan inay dilaan.

    Isaga oo ka duulaya suurtogalnimadaas, waxa uu qaatay go’aan aan caadi ahayn oo uu ku hawlgelinayo Golaha Khubarada, oo ah hay’ad diimeed u xilsaaran magacaabista Hoggaamiyaha Sare, isaga oo si degdeg ah uga dhex doortay qofka beddelaya saddexda magac ee uu soo jeediyay, sida laga soo xigtay New York Times.

    Habka magacaabista Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iran waxay caadi ahaan qaadataa bilo, iyadoo wadaadadu magacyo ka dooranayaan liiskooda. Laakin iyadoo dalka uu dagaal ku jiro, saraakiishu waxay yiraahdeen Khamenei "wuxuu rabaa inuu xaqiijiyo kala-guur degdeg ah oo nidaamsan si uu u ilaaliyo dhaxalkiisa una ilaaliyo nidaamka.

    " Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkeeyeen in Mojtaba, oo ah ina Ali Khamenei, uusan ka mid ahayn musharrixiinta beddeli doona hoggaamiyaha sare.

  3. Israa'iil oo shaacisay sawirrada burburka gaaray goobaha nukliyeerka Iiraan

    Militariga Israa’iil ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya burbur soo gaaray xarunta nukliyeerka ee Isfahan ee Iiraan kadib markii ay soo cusboonaadeen weerarrada.

    Isbarbardhigga muuqaalka iyo sawirka dayax-gacmeedka ee uu qabtay Maxar usbuucii hore, BBC Verify waxay ogaatay burbur hor leh oo soo gaaray dhismayaal badan oo ku yaal qaybta waqooyi ee goobta.

    Warbixin goonni ah, IDF waxay ku sheegtay inay garaacday "xarumaha wax soo saarka centrifuge", kuwaas oo loo isticmaalo qayb ka mid ah habka kobcinta yuraaniyumta.

    Burburka cusub wuxuu daboolayaa dhul dhan 0.3 km², kaas oo toddobo dhismo ay u muuqdaan in gebi ahaanba la simay.

    Sawirrada Maxar ee la qabtay 14kii Juun ayaa muujinaya burbur cad oo soo gaaray ugu yaraan labo dhisme oo ku yaalla qaybaha kala duwan ee goobta, iyo calaamad guban oo ka muuqata hareeraha. Ma jirin wax dhismo ah oo gebi ahaanba burburay goobtaas.

    Shalay, madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka, Rafael Grossi, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka "Weerarrada lagu qaaday goobaha Nukliyeerka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid badbaadada nukliyeerka iyo ammaanka Iiraan."

  4. Dagaalka Iran: Cabsi wayn oo soo wajahday dallaka Khaliijka iyo baaq ay direen

    Wakaaladda wararka Qatar ee rasmiga ah ayaa sheegtay in danjirayaasha wadamada xubnaha ka ah golaha iskaashiga khaliijka ee u fadhiya wakaalada caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka ee Vienna ay walaac ka muujiyeen badqabka xarumaha Nukliyeerka Iran ee ku dhow xuduudaha lixdan wadan, xili uu kulan la qaatay agaasimaha guud ee wakaalada Rafael Grossi.

    Intii uu socday kulanka, diblomaasiyiinta ayaa ka digay "cawaaqibka khatarta ah" ee ka dhalan kara weerar kasta oo Israel ay ku qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

    Qatar, Sacuudiga, Bahrain, Imaaraadka Carabta, Cumaan, iyo Kuwait ayaa xubno ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Digniintan ayaa timid ka dib markii militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Khamiistii inay beegsadeen xarunta Nukliyeerka ee Bushehr, balse markii dambe waxay sheegeen in hadalkaasi uu ahaa qalad. Bushehr waa warshadda tamarta nukliyeerka ee kaliya ee Iran.

    Waddamada Khaliijka ayaa muddo dheer ka walaacsanaa cawaaqibka ka dhalan kara weerarka lagu qaado xarumahan, gaar ahaan suurtagalnimada in lagu wasakheeyo hawada iyo kheyraadka biyaha ee gobolka

  5. Siddeed diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan oo galay Israa'iil

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in siddeed diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay galeen hawada Israa’iil in ka badan hal saac gudahood oo saaka ah.

    Inta u dhaxaysa 10:16 iyo 11:27 waqtiga maxaliga ah (08:16 iyo 09:27 BST), IDF waxa ay sheegtay in ay aqoonsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee dalka oo dhan, laga soo bilaabo Eliat oo ku taal cirifka koonfureed ee Israa’iil ilaa gobolka waqooyi ee xuduudka la leh Suuriya.

    Sida laga soo xigtay IDF, shan ka mid ah waa la qabtay, halka faahfaahinta saddexda hartayna dib loo eegayo.

  6. Maxaa u dambeeyay?

    Waxa aanu helnay warar kala duwan oo ku saabsan iska hor imaadka Israa’iil iyo Iiraan saaka, haddaba bal aynu eegno waxa dhacaya.

    Iiraan

    • Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Arakchi ayaa ka digay in ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan ay noqon doonto mid aad halis u ah.
    • Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo kula kulmaya Araghchi wada-hadallo diblomaasiyadeed oo ka dhacaya Istanbul, ayaa yiri "Israa'iil waa caqabadda ugu weyn ee nabadda Bariga Dhexe"
    • Wasaaradda caafimaadka Iiraan ayaa sheegtay in ugu yaraan 430 qof la dilay tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada 13-kii June

    Gudaha Israa'iil

    • Milateriga Israa'iil ayaa sheegtay inay ku dileen labo taliye oo Iiraaniyiin ah weerarro qorshaysan - Isku-duwaha Xamaas Saeed Izadi iyo Taliyaha Quds Force Behnam Shahriyari
    • Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in siddeed diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay ku duuleen hawada Israa’iil in ka badan hal saac subaxnimadii maanta.
    • Israa'iil waxay sheegtay in 25 qof ay ku dhinteen, oo uu ku jiro mid u dhintay wadne-xanuun, 2,517 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalku billowday.

    Dhinaca kale, agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka Tulsi Gabbard ayaa sheegtay in ay hadda aaminsan tahay in Iiraan ay ku samaysan karto hubka nukliyeerka “toddobaadyo gudahood”.

    Tani waa isbeddelka hadalka Gabbard ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shalay u sheegay suxufiyiinta "in ay ku khaldan tahay" in aysan jirin wax caddayn ah oo sheegaya in Iiraan ay sameysaneyso hub nukliyeer ah.

  7. Erdogan: Israa'iil waa caqabadda ugu weyn ee Bariga Dhexe

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarrada Israa'iil ee Iiraan ka hor inta aan la gaarin wareeg cusub oo wadahadallada nukliyeerka ah oo ay la yeelanayaan Mareykanka ay ujeeddadoodu tahay "wada xaajoodyada wax-ku-oolka ah".

    Isagoo ka hadlayay shir diblumaasiyadeed oo ka dhacay Istanbul, oo uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil “burcadnimada tooska ah”, wuxuuna ku eedeeyay inay isku dayeyso inay khalkhal galiyaan Bariga Dhexe.

    Xukuumadda Netanyahu ayaa isku caddaynaysa inay tahay "caqabadda ugu weyn ee nabadda gobolka," ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

    Waxa uu intaa ku daray: "Xukuumadda Netanyahu waxay dhab ahaantii rabtaa inay wiiqdo hannaanka wada-xaajoodka iyo weerarradeedii June 13."

  8. Iiraan oo digniin kulul u dirtay Mareykanka

    Waxaan hadda war ka helnay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabaas Araghchi, oo u sheegay warfidiyeennada in dalkiisu "aanay wax wada xaajood ah la geli karin Maraykanka marka ay dadkeenna duqeymo ku socdaan".

    Waxa uu ku andacoonayaa in "Mareykanku uu ku lug lahaa gardarada dalkiisa tan iyo maalintii koowaad", inkastoo uusan bixin caddayn.

    Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Istanbul, halkaasoo lagu wado in ay ka sii socdaan wadahadallada diblomaasiyadeed, Araghchi waxa uu ka digay in ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan ay noqon doonto "mid aad khatar u ah".

    Xusuusin ahaan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay qorshayaal lagu weerarayo Iiraan horraantii toddobaadkan, laakiin waa uu ka joogsaday weerarrada lacalla haddii Iiraan ay oggolaato inay ka baxdo barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in uu “gebi ahaanba diyaar u yahay in xal wada xaajood ah laga gaaro barnaamijkeenna Nukliyeerka”.

    Sannadkii 2015-kii, Iiraan waxay heshiis waqti dheer ah la gaartay barnaamijkeeda nukliyeerka koox quwadaha adduunka ah ka dib sannado badan oo ay xiisad ka dhalatay dadaallada lagu eedaynayo waddanku inuu ku sameeyo hubka nukliyeerka.

    Araghchi wuxuu intaas ku daray: "Diblomaasiyaddu waa hore ayay u shaqaysay, mustaqbalkana way shaqayn kartaa.

  9. Israa'iil: "Muddo dheer ayaan qorsheyneynay inaan Iiraan weerarno"

    Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay isku diyaarinayeen weerar ka dhan ah Iiraan muddo sanado ah.

    Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil Eyal Zamir ayaa sheegay in diyaargarowgu uu ahaa “si qarsoodi ah” bilihii la soo dhaafay.

    Waxa uu ku andacoodey, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeraad ah, in hawlgalku “ay suurta galiyeen in la hagaajiyo xaaladaha hawleed iyo kuwa istiraatijiyadeed” iyo in dib u dhigista ay noqon lahayd mid khatar ah maaddaama buu yiri ay xaaladda uga sii dari karto oo ay Israa’iil waxyeello u gaysan karto.

    Waxay ku sheegeen inaan ku gaarnay natiijooyin aad u wanaagsan weerar xooggan oo kedis ah.

  10. Waa kuma Maxamed Saciid, taliyaha sare ee Israa'iil ay sheegtay inay ka dishay Iiraan?

    Mohammad Saeed Izadi waxa uu ahaa taliye sare, oo u shaqaynayey madaxa ciidamada Falastiin ee ka tirsan Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) Quds Force – IRGC ee qaybta hawlgallada dibada, kaas oo xiriir la leh kooxaha hubaysan ee gobolka.

    Waxaa lala beegsaday weerar ay Israa’iil ku qaadday guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Qom ee dalka Iiraan. Sida aan horay u sheegnay Israa’iil waxay sheegtay in la dilay balse IRGC ma aysan xaqiijin dhimashadiisa.

    Isagoo lagu yaqaannay xiriiriyaha muhiimka ah ee ka dhexeeya Iiraan iyo Xamaas, Izadi wuxuu door dhexe ka ciyaaray isku xirka taageerada Tehran ee kooxaha hubaysan ee Falastiin.

    Waxa la sheegay inuu gacan weyn ka geystay hubaynta iyo maalgelinta Xamaas. Israa’iil ayaa sheegtay in uu gacan ka geystay abaabulka weerar fool-ka-fool ah oo lagu qaaday Israa’iil kaas oo ku dhammaaday weerarkii kooxda Falastiiniyiinta ay ku qaadeen bulshooyinka Israa’iil ee u dhow Gaza 7-dii Oktoobar 2023.

    Bishii Abriil 2024, Izadi wuxuu si dirqi ah uga badbaaday weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay qunsuliyadda Iiraan ee Dimishiq, Suuriya - weerar lagu dilay dhowr taliyeyaal sare oo ciidamada Quds ah.

  11. Maxaan ka ognahay gantaalka Fatax-2 ee qaban waayeen difaacyada Israa'iil?

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa habeen hore ku dhawaaqay in ay adeegsadeen gantaalka "Fattax hypersonic" kaas oo lagu weeraray Israa'iil.

    Tani waxay u muuqataa inay tahay markii ugu horeysay ee IRGC ay adeegsadeen gantaallada Fattax tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa'iil iyo Iran Jimcihii la soo dhaafay oo bishan ahayd 13 .

    Ilaalada Kacaanka ayaa Fatax ku tilmaamay gantaal aan la xakamayn karin oo gudaha u galay gaashaanka difaaca gantaallada Israa'iil.

    Milatariga Israel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gantaalada Iran ay ku dhaceen meel baabuurta la dhigto oo ku taal Tel Aviv.

  12. Israa'iil oo sheegtay inay dishay taliye sare oo Iiraani ah

    Wasiirka Gaashaandhigga Israa'iil Israel Katz ayaa sheegay in ciidamada IDF ay weerar ay ku qaadeen dhisme ku yaalla magaalada Qom ku dileen taliye sare oo Iiraani ah, sida ay tebiyeen warbaahinta gudaha iyo wakaaladda wararka ee Reuters.

    Saeed Izadi ayaa mas'uul ka ahaa maalgelinta iyo hubeynta Xamaas markii uu socday weerarkii October 7 ee lagu qaaday Israa'iil, sida uu sheeggay Katz.

    "Guul weyn ayaa usoo hoyatay sirdoonka Israa''il iyo Ciidamada Cirka," ayuu Katz ku yiri war uu soos aaray.

    Izadi ayaa xubin ka ahaa ciidamada awoodda badan ee Iiraan ee Quds, oo ah garab ka mid ah Ciidamada Ilaalada Kacaanla Islaamiga ah (IRGC) kuwaasoo mas'uul ka ah howlaha dibadda.

    IRGC weli ma aysan xaqiijin geerida Izadi.

  13. Iiraan iyo Israa'iil oo is dhaafsaday weerarro kale xilli Iiraan ay diidday wada-hadalka nukliyeerka

    Subax wanaagsan kuna soo dhawaada tebinteenna tooska ah iyadoo Israa’iil iyo Iiraan ay sii wadaan duqeymaha ay is weydaarsanayaan maalinta sagaalaad ee iskahorimaadka socda.

    Israa'iil ayaa duqaymo cusub ku bartilmaameedsatay kaabayaasha nukliyeerka iyadoo warbaahinta Iiraan ay ku warrantay in weerar lagu qaaday goob nukliyeer ah oo ku taal Ifsahan, oo ku taal bartamaha dalkaas.

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ka hortageen dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha laga soo riday dalka Iiraan habeenimadii xalay.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Arakchi uu meesha ka saaray wadahadallada nukliyeerka inta uu weerarka socdo.

    Isagoo la hadlayay suxufiyiinta shalay, Aragchi wuxuu sheegay in Iiraan ay "diyaar u tahay inay tixgeliso dibloomaasiyadda mar kale marka la joojiyo gardarrada" iyo "gardarrada waxaa lagula xisaabtamayaa dembiyada foosha xun ee uu galay".

    Waxaan sii wadi doonnaa inaan idiin soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay iyo falanqaynta maalinta oo dhan, nala jooga.