Israa'iil oo toogasho ku dishay 10 jir Falastiini ah
Xigashada Sawirka, WAFA
Wiil 10 jir Falastiini ah ayaa ciidamada Israel ku dileen tuulo ku taal koonfurta magaalada Hebron ee daanta galbeed ee la haysto.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askartoodu ay khamiistii fureen rasaas ay kaga jawaabayeen "iska horimaadyo iyo dhagax-tuur iyaga lala beegsaday".
Dadka deegaanka al-Rihiya ayaa sheegay in Muxamed al-Hallaq iyo saaxiibadii ay kubad ku ciyaarayeen barxad dugsi oo ku taal xaafadaasi markii ay arkeen gawaari ay leeyihiin ciidamada Israel kadibna ay kala ordeen.
Waalidka ayaa sheegay in askari saarnaa dhabar dambe ee gaariga uu "si qaldan uu rasaasta uga furay" caruurta. Muxamed ayaa laga toogtay miskaha, waxaana loola cararay isbitaal ka agdhawaa halkaasi oo markii dambe la sheegay inuu dhintay.
Daraasiin dad ah oo ku dhaawacmay aaskii Odinga
Xigashada Sawirka, Reuters
Toddobo iyo toban qof oo baroordiiqayaal ah ayaa laga daweynayaa dhaawacyo jimcihii ka dib markii ay isbuurasho ka dhacday aaska qaran ee hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, sida ilo ku sugan cisbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalada Nairobi ay sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Saddex qof ayaa maalin ka hor ay toogteen ciidamada ammaanku, kaddib markii dad baroor diiqayay ay xoog ku galeen albaabka garoon ay dadweynuhu ku daawanayeen meydka siyaasiga.
Iyadoo aaska qaranku uu Jimcihii ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Nairobi, ayaa qaar ka mid ah dadkii isugu soo baxay si ay u daawadaan meydka Odinga,waxay buurteen baroordiiqayaal kale, sida uu sheegay telefishinka Kenya ee NTV, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Afhayeen u hadlay Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijiyay in isbuurasho ay dhacday.
Gantaaladda culus ee Tomahawks iyo halka iyo sida uu Zelenesky u adeegsan doono
Hal sabab oo Zelensky uu u rabo gantaalada Tomahawk waa inuu weeraro xarumaha tamarta ee Ruushka.
Waxa uu u maleynayaa in weerarrada Ukraine ee goobaha wax soo saarka saliidda ay u geysan doonaan dhaawac halis ku ah ilaha muhiimka ah ee maalgelinta dhaqaalaha dagaalka Putin, wuxuuna tan la barbardhigay "awoodda cunaqabataynta fog" ee Ukraine.
Laakiin wax walba waxay ku xiran yihiin sida uu u rabo Trump - habeenkii Khamiista madaxweynaha wuxuu u muuqday inuu qaboojiyay fikradda ah iibinta Tomahawks-ka Mareykanka lagu sameeyo ee Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, wafdiga heerka sare ah ee Ukrain ee ku sugan Washington todobaadkan oo ay hogaaminayaan Ra'iisul Wasaaraha Svyrydenko iyo madaxa shaqaalaha Andrii Yermak ayaa la kulmay qandaraasleyaasha ugu waaweyn ee difaaca Mareykanka, oo ay ku jiraan Lockheed Martin iyo Raytheon, ka hor imaanshaha Zelensky.
Maaddo ku jirta cabitaan Soomaalidu isticmaasho oo la sheegay inay kansar sababto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maaddada macaan ee Aspartame oo laga helo cabitaanno kala duwan, cuntooyin iyo xanjoonka ama nacnaca ayaa si rasmi ah loogu daray waxayaabaha “kansarka ku sababa” aadmiga, sidaas waxaa ku doodaya warbixin caafimaad oo soo baxday.
Digniinta ayaa dadka wareer ku abuurtay maaddaama aysan caddeyn inta ay la egtahay halistu – in ay tahay mid yar ama halis weyn.
Waxayaabaha kale ee lagu daray kuwa “kansarka sababa” waxaa ka mid ah, dacarta, shidaalka diesel-ka iyo nooca khudaarta dadka Aasiya ugu keydiyaan daasadaha.
"Dhibaatooyin nagu filan ayaa haysanaa marka Walsall ay ciyaarayso," Lee Goodman, oo 51 jir haysta tigidhada sanadlaha ah, ayaa sidaas u sheegay BBC.
"Waan hubaa inuu yahay go'aanka saxda ah, kaliya waxay ceeb ku tahay taageerayaasha dhabta ah."
Marshall Spires, oo 32 jir ah, ayaa sheegay in ay adagtahay in aan siyaasad lagu qasin arrinkaan.
David Moss, oo 51 jir ah, ayaa yiri: "Aragtideyda ayaa ah in haddii ay keeni doonto isqabqabsi, dhibaato, waxaan dhihi lahaa waa in aysan run ahaantii imaanin taageerayaashaasi, sababtoo ah ma rabo in qof ka tirsan dhinaca Villa ama Tel Aviv uu dhaawac gaaro.
"Waa go'aanka saxda ah ee amniga iyo ciyaartoyda iyo taageerayaasha. [Laakiin] waa ceeb, dadku waxay rabaan inay yimaadaan oo ay daawadaan kooxdooda oo ku ciyaaraysa Yurub."
Qoraalka sawirka, Lee Goodman
Jeneraalo sare oo musuq maasuq lagu eedeeyey iyo talaabada laga qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda
Gaashaandhigga Shiinaha ayaa sheegtay in sagaal sarkaal oo sare oo ciidan ah,
oo uu ku jiro jeneraalka labaad ee ugu sarreeya dalka Shiinaha, He Weidong,
laga saaray Xisbiga Shuuciga ee talada haya.
Waxaa la sheegay in
xil-ka-qaadistooda ay la xiriirto musuq-maasuq lacago aad u fara badan ah oo
leh cawaaqib halis ah.
Ka saarista General He waa tii ugu horreysay ee sarkaal
xil haya laga saaro Guddiga Dhexe ee Milatariga muddo konton sano ah, waxaana
ay qayb ka tahay olole ballaaran oo nadiifin ah.
Xilka laga qaadayna waxa uu
leeyahay dhinacyo siyaasadeed, maadaama uu sidoo kale ka tirsanaa Golaha
Siyaasadda (Politburo), oo ah hay’adda ugu sarreysa ee go’aan ka gaarta
siyaasadda Shiinaha.
Tallaalka cudurka HIV AIDS oo la ansixiyay
Tallaalka HIV waxaa la ogolaaday in lasiiyo bukaanada ku sugan England iyo Wales markii ugu horeysay.
Cirbadda la siinayo bukaanad lix jeer sannadkii ama bishii, ayaa beddel u noqoneysa qaadashada kaniiniyada maalinlaha ah si looga hortago fayraska.
Khubarada ayaa rajaynaya in cirbadda cabotegravir (CAB-LA) ay gacan ka gaysan doonto in la gaaro yoolka ah in la ciribtiro kiisaska cusub ee cudurka HIV sanadka 2030 gudaha UK.
Dhanka kale, natiijooyinka hordhaca ah ee la arkayo marka laqaato cirbadda loo yaqaan lenacapavir waxay soo jeedinayaan inay xitaa suurtagal tahay in hal tallaal uun ku filnaan karo qofka sanadkii.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taageerayaasha koox ka socota Israa'iil oo laga mamnuucayo ciyaar ka dhacaysa Ingiriiska
Xigashada Sawirka, PA Media
Cutubyo ka tirsan booliiska qaranka oo ka talo bixiya ammaanka ciyaaraha kubadda cagta ayaa taageeray go'aanka looga mamnuucay taageerayaasha Maccabi Tel Aviv ciyaarta bisha soo socota ka dhici doonta Birmingham.
Waaxda Bilayska ee sugta ammaamka Kubadda Cagta UK, oo ka kooban saraakiil sarsare, waxay talo siisaa ciidamada booliiska ee England iyo Wales.
Bayaan ay soo saareen, cutubku wuxuu ku sheegay in ay uga warbixiyeen wasaaradda arimaha gudaha usbuucii hore arrimaha suurtagalka ah ee mas'uuliyiinta laga yaabo inay la kulmaan, oo ay ku jiraan xayiraado lagu soo rogo taageerayaasha imaanaya.
"Waa muhiim in aan ixtiraamno oo aan taageerno nidaamka la dajiyay ee jira si loo gaaro go'aamadan," ayaa lagu yiri bayaanka.
Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata
Xigashada Sawirka, Getty Images
Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.
Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.
Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.
Soomaaligii magaaladiisa u diiday Trump oo ka mid noqday liiska Afrikaanka ugu saameynta badan
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, MARK HOWE/SHEFFIELD CITY COUNCIL
Waxaa shaaca laga qaaday liiska dadka Afrikaanka ah ee ugu saameynta badan sannadka 2023-kii ee ay soo xusho majaladda The Africa Report .
Dadkan oo 50 qof ka kooban ayaa waxaa loo soo xushay inay yihiin Afrikaankii ugu saameynta badnaa sannadkan.
Liiskan oo ay sannad kasta soo xusho majaladda The Africa Report ayaa waxaa lagu soo daraa Hogaamiyayaasha Afrika ee qurbo joogta ah ee xitaa markii ay Afrika ka tageen aanan joojin dedaalkooda heerna gaaray.
Waxaa sidoo kale lagu soo daraa fannaaniinta Afrikaanka ah ee beddela fakarka faca weyn laga haysto ee qaaradda, iyo kuwa Afrikaanka ah ee magaca iyo maamuska ku yeeshay meelaha kale.
Waa kuma Magid Magid, ninka ku dhashay magaalada Burco ee mar Trump ka mamnuucay magaaladiisa
Xukun dil ah oo lagu xukumay hogaamiyihii hore ee Bangladesh Sheikh Hasina
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Dacwad oogayaasha dalka Bangladesh ayaa dalbaday in la
dilo raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Sheikh Hasina, kadib markii ay dad
badan ku dhinteen dibadbaxyo ay ardaydu hogaaminayeen oo dalkaas ka dhacay sanadkii
hore, kaas oo xilka looga tuuray.
Hasina, oo u carartay dalka Hindiya, ayaa waxaa lagu
wadaa in lagu maxkamadeeyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
6 dawo oo awoodda ragga hoos u dhigta, aadna loo isticmaalo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.
Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.
Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.
Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.
ad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.
Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?
Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.
Kooxda Xamaas ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay fulinta
heshiiska xabbad joojinta ah ee ay la gashay Israa’iil, iyadoo muujisay sida ay
uga go’an tahay dhaqangelinta heshiiskaas iyo soo celinta dhammaan meydadka lahaystayaaha
Israa’iil ee weli ku sugan Qaza.
Waxay xukuumadda Netanyahu ku eedeysay inay "si buuxda
mas'uul ugu tahay" dib u dhigista geeddi-socodka hanaanka soo celinta
maxaabiista.
War qoraal ah oo la soo saaray gelinkii dambe ee shalay,
ayaa lagu sheegay in soo celinta meydadka la haystayaasha laga yaabo in ay
qaadato muddo,maadaama qaar ka mid ah meydadkan ay ku aasan yihiin godad dhulka
hoostiisa ah la burburiyay, halka qaar kalena ay weli ku hoos jiraan burburka
dhismayaal la duqeeyay oo la burburiyay.
Xamaas ayaa ku celisay eedeynta ah in ciidamada Israa’iil ay
mas’uul ka yihiin dhimashada la haystayaasha iyo in lagu aaso burburka
hoostiisa, waxayna ku nuuxnuuxsatay in soo saarista maydadka haray ay u baahan
tahay qalab lagu nadiifiyo haraadiga burburka o hadda aan la heli Karin, Israa’iilna
ay mamnuucday in ay qalabkaas la soo geliyo marinka.
Waxay intaa ku dartay in hadalada Netanyahu iyo hanjabaada
ah in dib loo dhigo furitaanka isgoyska Rafah iyo in la dhimo gelitaanka
gargaarka bini'aadantinimo "ay ka tarjumayso habka dawladiisa faashiistaha
ah ee lagu ciqaabayo dadkayaga Gaza iyo wax ka qabashada xaaladda bini'aadanimo
si loo gaaro guulo siyaasadeed”.
Dhanka kale, ilo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa
Khamiistii sheegay in Ankara ay ka qayb qaadan doonto raadinta meydadka la
haystayaasha ee ku hoos jira burburka dhismayaasha Marinka Gaza iyada oo u
diraysa koox takhasus leh.
Ma dhab baa in hadda ka hor kacbada laga xaday Xajarul Aswad, yaase xaday
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Dawaafka Kacbada ee Makka waa cibaadada udub dhexaad u ah gudashada xajka. Malaayiin Muslimiin ah ayaa ku wareegaya (ku dawaafa) Kacbada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay isku dayaan in ay gaaraan Dhagaxa Madow (Xajarul Aswad) oo ay dhunkadaan, iyaga oo raacaya dhaqankii Nebi Muxamed. Muuqaalkan ayaa soo noqnoqday in ka badan 1,400 oo sano.
Sida laga soo xigtay xisaabaadka taariikhiga ah, Xajarul Aswad ayaa laga xaday Maka qiyaastii 1,100 sano ka hor, ka dib weerar dhiig badan ku daatay oo salka ku hayey khilaafaadyo diimeed iyo siyaasadeed, waxaana la la'aa in ka badan labaatan sano.
Sanadkii 317 ee Hijriyada (930 AD) waxaa Maka soo weeraray dad ka soo jeeda qowmiyadda Qaraamidiyiinta. Marka laga soo tago dilka xujeyda, waxay kaloo meesha ka saareen Xajarul Aswad, waxayna u rareen caasimadooda, oo hadda ku taal gobolka Al-Axsa ee bariga Sacuudiga.
Waa ayo Qaraamidiyiinta
Ilo wareedyo u dhuun daloola taariikhda firqooyinka Islaamka ayaa sheegaya in Qaraamidi ama Qaramatax ay ahaayeen kuwo raacsan urur diimeed iyo mid siyaasadeed oo ka dhex abuurmay dhaqdhaqaaqii Ismaaciiliga qarnigii saddexaad ee Hijriyada, balse ay isla markiiba ka go'een oo ay samaysteen laan raacday akhrin diimeed iyo mid siyaasadeed oo xag jir ah.
Ismaaciiliya lafteedu waa mad-hab shiico ah oo ka soo ifbaxday caqiidada kala duwanaanshaha qarniyadii hore ee Islaamka.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay dalka Kenya kadib markii
ciidamada booliska ay rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen garoon ay
ku sugnaayeen dad badan oo baroor diiqayay si ay u daawadaan meydka raysal
wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga.
Kooxda caanka ah ee xuquuqda aadanaha u dooda ee Vocal
Africa, ayaa BBC u sheegtay in saddex meyd oo ka mid ah dadkii lagu dilay
qalalaasaha la geeyay xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo meydadka magaalada.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramay in qof afraad uu
sidoo kale dhintay, iyada oo saraakiisha ay doonayeen in ay kala eryaan dadka
isku soo baxayay.
Ilaa hadda ma cadda in boolisku ay rasaas nool nool ama
xabbado caag ah u adeegsadeen fagaaraha ay dadka ku sugnaayeen, oo ku yaalla
caasimadda Nairobi. Vocal Africa ayaa sheegtay in dadka dhintay ay soo gaareen
dhaawacyo rasaas ah.
Odinga, oo ahaa nin aad uga dhex muuqday masraxa siyaasadda
Kenya, ayaa Arbacadii ku dhintay dalka Hindiya.
Meydkiisa ayaa subaxnimadii khamiista soo gaaray gegida
dayuuradaha ee ugu weyn dalkaasi, halkaasi oo mas’uuliyiinta ay ku qasbanaadeen
inay muddo kooban hakiyaan duulimaadyada, sababo la xirriira dadka faraha badan
ee isugu soo baxay halkaasi.
Maxaa loo hadal hayaa gabadha Soomaalida ah ee saaxiibka la ah xiddiga Manchester City?
Xigashada Sawirka, Instagram
Qoraalka sawirka, .
Maya Xuseen Jaamac oo soo jeedisa barnaamijka Love Island
ayaa laga hadal hayaa baraha bulshada.
Gabadhan Soomaaliyeed ee caanka ah ee milyaneerka ah ayaa
aabeheed yahay Soomaali halkahooyadeeduna tahay Swedish, waxay ku dhalatay
magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska halkaas oo ay ku soo barbaartay.
Waxa keenay hadal deynteeda ayaa ah, Khamiista shalay ahayd,
ayaa waxay soo bandhigtay calaamadaha jirka lagu sameyst ee tatoo-ga loo
yaqaanno.
Arrintan ayaa su’aalo ka abuurtay dad badan, gaar ahaan
bulshada ay u dhalatay ee Soomaaliga, Swedish-ka iyo Scotland oo ay ayeeydeed
ka soo jeedo.
Maya ayaa sawirada tatoo-ga ay sameysatay soo dhigtay
baraheeda bulshada iyo sidoo kale sawir ay wada galeen iyada iyo saaxiibkeed, Ruben
Diaz, oo u cayaara kooxda Manchester City.
Xirriirka Maya Jaamac iyo Ruben Diaz ayaa socday muddo hal
sano ah, iyadoo xirriirkoodu la ogaaday bishii April ee sanadkan 2025.
Bishii Agoosto waxaa soo baxay warar sheegaya in Maya ay
doonaysay in wakhti badan joogeyso Ingiriiska gaar ahaan magaalada Manchester,
iyadoo uu sii xoogeeysanayo xirrirkooda, iyada iyo Diaz oo sidoo kale daafaca
ugu dheela xulka qaranka Burtqaal.
Netanyahu oo jeediyay hanjabaad cusub isaga oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara
Qoraalka sawirka, .
Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in Israa’iil ay gaari doonto dhammaan yoolalka dagaalka Qaza ee ay hiigsanayso.
Waxaa uu hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka hadlayay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog intii lagu guda jiray munaasabad xasuus baroor diiq ah, waxaana uu intaa ku daray in kuwa halista ku ah Israa’iil ay la kulmi doonaan ‘ciqaab adag’, waxaana uu xoojiyay in dagaalka uusan weli dhammaan.
‘’ Cidd kasta oo na soo daandaansata waa ogtahay inay la kulmi doonaan cawaaqib adag’’ ayuu yiri Netanyahu.
Hadii aad sameyso siddeedaan caado 24 sano oo dheeraad ah ayay cimrigaaga ku dari kartaa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waa la yaabnaa markaan aragno waayeel gaaray da'da 100 sano, waayo ma aha qof walba oo intaas gaaro. Sababtoo ah qofkasta ma noolaado waqtigaas dheer, waxaa jira siyaabo badan oo lagu hagaajin karo laguna kordhin karo cimriga.
Dad badan cimri dheerida waxay ku timaadaa hiddo-side, balse daraasado ayaa muujinaya in hab nololeedkeennu uu saameyn ku yeelan karo cimrigeenna. Dhammaanteen waan ognahay hal dariiq oo sahlan oo cimriga lagu dheerayn karo, taasoo ah in la qaato hab nololeed caafimaad leh.
Sahanka hadda la sameeyay ayaa daboolay 2,76,000 oo qof.
Kuwa soo socdaa waa siddeed siyaabood oo aad ku noolaan karto waqti dheer.
Kuwani waa siddeeda qaab oo cimriga ku dheerayna
Cunto kala duwan oo dheellitiran ayaa muhiim ah. Inta badan dadka waxay ogyihiin in cuntooyinka degdega ah, kuwa sokorta badan leh iyo kuwa cusbada badan ay caafimaadka waxyeello u leeyihiin. Sidoo kale, cuntooyinka si aad ah loo shiilay waa in laga fogaado.
Raysal
wasaaraha Israa'iil ayaa ka sheegay in ay "ka go'an tahay" in ay soo
celiyaan la haystayaasha weli ku dhintay weli Qaza, isla markaana uu waddanku
sii wadi doono la dagaalanka argagixisada si " buuxda".
Benjamin
Netanyahu ayaa hadalkan jeediyay saacado kadib markii Xamaas ay soo celisay
maydadka laba qof oo kale oo la qafaashay balse waxa ay sheegeen in aysan
awoodin in ay helaan 19-ka qof ee soo haray.
Waxaa
Israa'iil ay ka carootay in Xamaas aysan soo celin dhammaan meydadka iyadoo la
raacayo heshiiskii xabbad joojinta Gaza ee todobaadkii hore, inkastoo
Mareykanku meesha ka saaray inay taasi ka dhigantahay jebinta heshiiska la
gaaray.
Soomaali ku xiran xabsiyada Sweden oo cabanaya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Mid ka mid ah Soomaali la qorsheeyay in laga musaafuriyo dalka Sweden loona celiyo Soomaaliya, balse safarkooda dib loo dhigay ayaa BBC la hadlay isaga oo ku sugan xarun lagu hayo dadkaas oo ku taalla Sweden.
Maxamed ayaa xusay in muddo saddex bilood ah ay halkaasi ku xirnaayeen.
"Waxaan ku suganahay xabsi ka mid ah xabsiyada sweden ee lagu hayo dadka la celinayo in wadanka laga tarxiilo, tirada aan nahay waa 22 qof inta aan hadda halkan ku joogno, "
Waxaa uu intaa ku daray in qorshuhu ahaa in 14 bishan oo ku beegan Talaadadii loo musaafuriyo Sooamaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
"Khamiistii ayaa waxay na geeyeen hal meel oo ay rabeen in ay naga wadaan...si ay Xamar noogu tarxiilaan,"ayuu yiri Maxamed.
Balse waxa uu sheegay in inkastoo oo ay imika baaqataya diyaaradii qaadi lahayd Talaadadii hadana loo sheegay in ay bixi doonaan oo la qaadi doono.
"Sababta aan u baaqanay noolama sheegin ma dhanka Soomaaliya mise dhanka kale laakiin hadda waxay noogu caga-jugleynayaan inay diyaarad kale jirto ay baxayso dhawaan" ayuu yiri.
Maxamed ayaa farta ku fiiqay in dadkan Soomaalida ah laga soo uruuriyay gobolada kala duwan ee dalka Swedn ayna isugu jiraan rag iyo dumar lana doonayo in Soomaaliya lagu celiyo.
"Ilaa hadda waxaa la ii sheegay afar dumar ah gobolada kala duwan ee sweden ayaa laga soo uruuriyay inta badan" ayuu intaa ku daray.