Xamaas oo aqbashay siidaynta maxaabiista Israa'iil

Xamas ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa'iil; kuwa nool iyo meydadka kuwa dhintayba, iyagoo uga gol leh joojinta duullaanka Israa'iil ee Qasa iyo in ciidamadeeda si buuxda uga baxaan dhulkaas, sida ku xusan qorshaha is-weydaarsiga ee uu soo jeediyay Donald Trump.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump wuxuu rabaa in heshiiska nabadeed la dhameystiro, balse waa yididiilo aanan weli muuqan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

    Trump mar walba waxa uu rabay hal shay oo ku weynaa, waana: in uu yiraahdo aniga ayaa soo daayay dhammaan maxaabiista oo dagaalka soo afjaray.

    Hadallada Xamaas, sida uu isagu u arko, waxay ku dhow yihiin in ay gaarsiiyaan yoolkaas. Waxa uu u sawirayaa jawaabta Xamaas in ay dirayso calaamad ah rabitaanka “nabad waarta”.

    Waa na mida sababtay in weedh layaab leh ay ka timaado madaxweynaha Mareykanka, taas oo ahayd in Israa’iil “ay isla markiiba joojiso duqeynta Qasa” si maxaabiista si degdeg ah loogu sii daayo.

    Hal waddo ayaanu ognahay in arrintan loo hirgelin doono, waana in la dhaho: “Wadahadallo faahfaahsan ayaa horey u socday si wax looga qabto arrimaha harsan.”

    Laakiin faahfaahintaas harsan ayaa ah furaha hirgelinta qorshahan oo dhan. Haddii Xamaas wareejiso dhammaan maxaabiista nool, waxay lumineysaa inta badan awooddii ay ku gorgortami lahayd. Taasna waxay muhiim u tahay marka la eego qaybta ugu dambeysa ee bayaankooda; taas oo muujinaysa in ay diidan yihiin dalabka Trump ee ah in ay hubka dhigaan oo ay qaxaan si heshiis nabadeed loogu dhammeeyo dagaalka.

    Waxa kale oo ay dalbanayaan in Israa’iil gebi ahaanba ka baxdo Qasa. Waxaan hadda joognaa waqti aad u xasaasi ah, Trump-na waxa uu doonayaa in arrinta isla markiiba la dhammeeyo, balse waa yididiilo aanan weli la gaarin.

  2. Trump oo doonaya natiijo degdeg ah, taas oo adkayn doonta wadahadallada

    Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Trump dulqaadkii ayaa uga dhammaaday soo afjaridda colaaddan, wuxuuna rajeynayaa in uu degdeg ku arko natiijooyin muuqda.

    Waxaa aad u yar suuragalnimada in Trump uu oggolaado muranka iyo doodda ka dhalan karta shuruudaha heshiis buuxda oo laga yaabo inay bilooyin sii socdaan, wuxuuna u badan yahay inuu isku haleeyo dalalka sida Qatar iyo Masar ah in ay gacan ka geystaan dhexdhexaadinta.

    Arrintani waxay u muuqataa mid dhali doonta wadahadallo adag oo kulul.

  3. Xamaas oo afka ka duwday dalabkii Trump ee ahaa inay hubka dhigto

    Al-Qassam, garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Al-Qassam, garabka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas

    Bayaanka Xamaas ma xusin mana aqbalin si toos ah qorshaha 20-ka qodob ah ee Trump, balse waxa ay sheegeen inay “cusboonaysiiyeen heshiiskiisa ah in maamulka Qasa lagu wareejiyo hay’ad Falastiini ah oo madaxbannaan, taas oo ku dhisan heshiis qaran Falastiini ah isla markaana heysata taageerada Carabta iyo Islaamka.”

    Balse, bayaanku kama hadlin mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee qorshaha Trump; oo ah in Xamaas ogolaato inay hubka dhigto isla markaana aysan door dambe ku yeelan maamulka Qasa.

    Su’aasha ugu weyn ayaa ah in ogolaanshaha lagu sii daynayo la haystayaasha ay ku filnaan doonto Donald Trump oo ku qanca in dagaalku uu u muuqdo mid soo afjarmaya.

  4. Trump oo ka falceliyay jawaabta Xamaas ka bixisay qorshihiisa Qasa

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, uga falceliyay bayaankii dhawaan Xamas kasoo baxay ee ku saabsanaa qorshihiisa nabadeed ee Qasa.

    Bayaankaas oo ay Xamas ku muujisay inay oggolaan karto si shuruudaysan sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil, haddii dagaalka la joojiyo lagana saaro ciidamada Israa'iil dhulka Qasa.

    Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:"Marka la eego bayaanka hadda Xamas soo saartay, waxaan aaminsanahay inay diyaar u yihiin NABAD waarta. Israa'iil waa inay isla markiiba joojisaa duqeynta Qasa, si aan maxaabiista si nabad ah oo degdeg ah ugu soo saari karno! Hadda, xaaladdu aad bay khatar u tahay in la sameeyo sidaas. Wadahadallo faahfaahsan oo arrintan ku saabsan waan wadnaa. Tani kaliya Qasa kuma saabsana, waa nabad muddo dheer laga sugayay Bariga Dhexe."

    Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Trump uu horay u dejiyay waqti kama dambeys ah oo uu Xamaas ugu sheegay inay aqbalaan qorshihiisa nabadeed.

  5. Mareykanka oo lacago ugu deeqay dowladda Lubnaan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay lacag dhan 230 milyan oo doolar oo loogu talagalay ciidamada ammaanka Lubnaan usbuucan, xilli ay ku dadaalayaan inay hubka ka dhigaan kooxda awoodda leh ee Xisbullah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Washington iyo Beirut.

    Ilo Lubnaani ah oo la socda go’aanka ayaa sheegay in maalgelinta ay ku jirto $190 milyan oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee Lubnaan iyo $40 milyan oo loogu talagalay ciidamada amniga gudaha.

    Kaaliyeyaasha Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa sheegay in lacagaha la fasaxay wax yar ka hor inta uusan dhammaan sanad-maaliyadeedka Washington oo dhammaanayo 30.

  6. Afghanistan: Sheekada naadirka ah ee dhexmartay gabadh wariye ah oo aan xijaabnayn iyo hoggaamiye Taliban ah?

    Shazia Haya (lBidix) waxay la hadashay xubin sare oo ka tirsan Talibaan intii ay socdeen wadahadalka ay la leyihiin dowladda Afghanista

    Xigashada Sawirka, Lyse Doucet

    Qoraalka sawirka, Shazia Haya (lBidix) waxay la hadashay xubin sare oo ka tirsan Talibaan intii ay socdeen wadahadalka ay la leyihiin dowladda Afghanista

    "Ma ahi dilaa, laakiin markii la i kaa barayay ayaa laguu sheegay inaan dilaa ahay. Ma doonayo inaan ka hadlo siyaasad, laakiin aan wakhti idin raadiyo dhamaantiin, aan wada shaahno waxaana idinkaga sheekaynayaa gabayada," ayuu yiri isaga oo si tartiib ah u hadlaya oo dhoola cadeynaya.

    Tani ma ahayn wax aan ka filayay in aan ka maqlo xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Taliban.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad faahfaahinta u hesho

  7. Maxaad kala socotaa qiimaha aadka qaaliga u ah ee lagu dhisay Xaramka, Maka?

  8. Putin oo digniin culus u jeediyay Mareykanka

  9. Boqoradii ugu saameynta badan taariikhda Islaamka ee 'saaxiradda' lagu naaneysay

    Qoraalka sawirka, .
  10. Xiisadda u dhaxeysa Venezuela iyo Mareykanka oo cirka isku sii shareertay

  11. Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday Macbad Yahuuda ay leeyihiin dalka UK