Xiisadda Hindiya iyo Pakistan oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa

Ku soo dhowaada tebinteena tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Halka Iiraan ay ka taagantahay dagaalka Pakistan iyo Hindiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Araghchi, waxa uu booqday labada dal ee Pakistan iyo Hindiya toddobaadkan.

    Iran ayaa cambaareysay weerarkii Pahalgam waxayna sidoo kale soo bandhigtay inay dhexdhexaadin doonto labada dhinac, si loo dejiyo xiisadda labada dal .

    Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray raysal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si uu u cambaareeyo weerarkii Pahalgam ka dhacay laba todobaad ka hor, wuxuuna sidoo raysal wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif kala hadlay xiisadda.

    Iiran iyo Pakistan waa wadamo jaar ah, waxaana jira xuduud dheer oo u dhaxaysa labadaas dal. "Iran waxay jeclaan lahayd in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka Hindiya iyo Pakistan, sababtoo ah haddii colaada gobolka ay ka sii darto, waxaa laga yaabaa in Iran ay saameyso maadaama ay xadka ay la wadaagto Pakistan." Ayuu yiri khabiir.

    Ilaa hadda ma jiro wadan ay Iiraan la safatay ka dib weerarkii ay Hindiya dhawaan ku qaaday Pakistan.

    Dhanka kale, xiriirka ganacsi ee Hindiya iyo Iran ayaa ahaa mid xooggan sababtoo ah sababo la xirriira arrimo taarikheed, mid istiraatijiyadeed iyo dhaqaale. Sannadkii 2022 ilaa 2023-kii, ganacsiga u dhexeeya Hindiya iyo Iran wuxuu ahaa ku dhawaad $2.5 bilyan.

    Hindiya waxa ay Iran u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $1.9 bilyan halka Iran ay Hindiya u dhoofisay alaabo qiimaheedu dhan yahay $600 milyan.

    Wax badan ka ogoow wixii xalay dhacay.

  2. Maxaa maanta la filayaa inay dhacaan?

    • Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Rajnath Singh, uu gelinka dambe ee maanta kulan la qaadan doono taliyeyaasha ciidamada dalkaas
    • Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa la filayaa inuu maanta ka dagomagaalada Islamabad ee caasimadda Pakistan, ka dib booqasho aan hore loo shaacin oo uu khamiistii ku tagay dalka Hindiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya, S Jaishankar ayaa sheegay in uu “kulan wanaagsan” la yeeshay wasiirka, isla markaana uu “la wadaagay aragtida Hindiya ee ku aaddan sidii looga hortagi lahaa argagixisada”.
    • Cumar Cabdallah, oo ah madaxa Kashmir ee ay Hindiya maamusho, ayaa booqanaya koonfurta magaalada Jammu ka dib qaraxyo iyo seeriga digniinta oo xalay fiidkii laga soo sheegay deegaankaas.
  3. Sidee xalay wax uga dhaceen Hindiya?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xalay, Hindiya waxay Pakistan ku eedaysay inay saddex ka mid ah saldhigyadeeda millatari ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, eedeyntaas oo Islamabad ay beenisay.

    Ciidamada Hindiya ayaa Khamiistii sheegay inay fashiliyeen isku daygii Pakistan ay ku doonaysay inay ku weerarto saldhigyadooda ku kala yaala Jammu iyo Udhampur, oo ka tirsan Kashmirta ay Hindiya maamusho iyo Pathankot oo ka tirsan gobolka Punjab ee Hindiya.

    Qaraxyo ayaa fiidnimadii Khamiista laga soo sheegay magaalada Jammu ee ka tirsan Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho.

    Wasiirka difaaca Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka dambeyn weerarka. "Waan beeninaynaa, waxba ma aannu sameyn ilaa hadda," ayuu yiri Khawaja Asif oo la hadlay BBC-da, isaga oo intaas ku daray: "inta aan weerar qaadno hadane ma dafiri doono".

    Weerarada iyo duqeymaha ka dhacay xuduuda labada dal, ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo in uu qarxo iska horimaad balaaran oo dhex mara wadamadan leh hubka Nukliyeerka.

    Wax badan ka ogoow wixii xalay dhacay.

  4. Qoys Soomaali ah oo ka kooban lix qof oo aano qabiil loo dilay