Kooxaha
hubeysan ee Falastiin waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis balse waxay
si gaar ah u muujiyeen in ay u baahan yihiin in Israel ogolaato xabadjoojin
rasmi ah.
Israel weli
kama hadal balse sarkaal magaciisa la qariyay ayaa sheegay in jawaabta Xamaas
ay u muuqato diidmo. Masar iyo
Mareykana oo dhexdhexaadinaya heshiiska ayaa doonaya in qorshaha la hirgeliyo. Xoghayaha
arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, wuxuu talaadadii sheegay in ra’iisul
wasaaraha Israel u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay heshiiska, Xamaasna ay mas’uuliyadda
qaadeysa hadii aan wax horumar ah laga gaarin.
Mr Netanyahu
si cad uma aqbalin qorshaha uu madaxweyne Biden ku sheegay in Israel ay la
timid markii uu soo bandhigayay 12 maalmood ka hor.
Hadal kooban
oo ay soo saartay Xamaas ayey si cad uga jawaabtay xabadjoojinta taas oo soo
jiidatay taageero balaaran oo caalami ah. Xamaas waxay
ku celisay dalabkooda ah in si buuxda loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in ciidamada
Israel ka baxaan dhulka Falastiin.
Sarkaal Xamaas
ka tirsan, Cisaat Al-rishqi, ayaa sheegay in jawaabta ay tahay mas’uuliyad,
ayna furtay dariiq hehsiis lagu gaaro. Ra’iisul wasaaraha Israel lagama hayo jawaab
rasmi ah oo tixraac leh.
Balse hadalka
Israel waa mid uu sheegay sarkaal magciisa qarsoodi yahay kaas oo sheegay in Xamaas
ay beddeshay dhammaan arrimahii ugu muhiimsanaa iyadoo diiday qorshaha lagu sii
deynayo la haystayaasha ee uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
Qatar iyo
Masar hadal ay wadajir u soo saareen ayey ku sheegeen in ay eegayaan jawaabta
Xamaas, ayna la xiriirayaan dhinacyada ay quseyso wixii laga yeeli lahaa. Waxay
sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadayaan dadaalada dhexdhexaadinta ilaa inta
heshiis laga gaarayo.