Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali
Kooban
Ten Hag oo sii ahaanaya maamulaha Man Utd
Ururro caalami ah oo ku baaqay joojinta mamnuucidda xijaabka ee orod-yahannada Faransiiska
Mareykanka oo soo jeediyay qorshe kale haddii uu fashilmo qaraarka xabbad-joojinta Gaza
Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada
Tebin toos ah
Maxay maraakiibta dagaalka Ruushka ka dooneen Cuba?
Xigashada Sawirka, Reuters
Afar maraakiibta
dagaalka Ruusha oo uu ku jiro mid xambaarsan hubka nukliyeerka oo ah kuwa quusa
ah ayaa iyadoo ay taagan tahay xiisadda Ruushka iyo reer galbeedka ku soo
xirtay Cuba.
Maraakiibta oo
loo arkay in ay Cuba u yimaadaan ismuujin ayaa ku xirtay gacanka Havana kaas oo u jira 145 km gobolka Florida ee Mareykanka.
Wasiirka difaaca
Ruushka, Admiral Gorshkov, ayaa sheegay in hub casri ah ay ku xiran yihiin
maraakiinta. Hubka waxaa ka mid ah gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Zircon. Dhoolatus
ayey hore uga soo sameeyaan Atlantic.
Wasaaradda
arrimaha dibadda Cuba ayaa sheegtay in maraakiibta aysan ku xirneyn hubka
nukliyeerka, booqashadooda shanta maalmoodna khatar kuma ahan gobolka.
Mareykanka waxay
sheegeen in ay si dhow ula socdaan booqashada maraakiibtaas.
Madaxweyne Nigeria oo kufay ka hor inta uusan fuulin gaarigii qaadi lahaa
Xigashada Sawirka, af
Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa simbiriiraxday oo
dhacay ka hor xuska 25 guurada dimuqraadiyadda dalkaas.
Madaxweynaha oo 72 jir ah ayaa dhacay isagoo korayay
jaranjarada gaariga u qaadi lahaa fagaaraha Eagle ee caasimadda Abuja.
Mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay in uu lugta
la gafay jaranarajada, wuxuuna sheegay in ay u suuragashay in uu qeyb ka ahaado
inta ka hartay barnaamijka.
Shehu Sani oo ah siyaasi caan ah ayaa sheegay in aysan wax
weyn aheyn, madaxweynahana uu san ka duwaneyn dadka caadiga.
Inta badan dadka Nigeria ayaa u rajeeyay caafimaad balse
qaar ayaa su’aalo ka keenay caafimaadkiisa taa oo la mid ah tii mucaaradka ay
sheegeen ololihii doorashada ee sanadkii hore
Mareykanka oo qiimeynaya jawaabta Xamaas ee qorshaha xabadjoojinta
Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxaha
hubeysan ee Falastiin waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis balse waxay
si gaar ah u muujiyeen in ay u baahan yihiin in Israel ogolaato xabadjoojin
rasmi ah.
Israel weli
kama hadal balse sarkaal magaciisa la qariyay ayaa sheegay in jawaabta Xamaas
ay u muuqato diidmo. Masar iyo
Mareykana oo dhexdhexaadinaya heshiiska ayaa doonaya in qorshaha la hirgeliyo. Xoghayaha
arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, wuxuu talaadadii sheegay in ra’iisul
wasaaraha Israel u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay heshiiska, Xamaasna ay mas’uuliyadda
qaadeysa hadii aan wax horumar ah laga gaarin.
Mr Netanyahu
si cad uma aqbalin qorshaha uu madaxweyne Biden ku sheegay in Israel ay la
timid markii uu soo bandhigayay 12 maalmood ka hor.
Hadal kooban
oo ay soo saartay Xamaas ayey si cad uga jawaabtay xabadjoojinta taas oo soo
jiidatay taageero balaaran oo caalami ah. Xamaas waxay
ku celisay dalabkooda ah in si buuxda loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in ciidamada
Israel ka baxaan dhulka Falastiin.
Sarkaal Xamaas
ka tirsan, Cisaat Al-rishqi, ayaa sheegay in jawaabta ay tahay mas’uuliyad,
ayna furtay dariiq hehsiis lagu gaaro. Ra’iisul wasaaraha Israel lagama hayo jawaab
rasmi ah oo tixraac leh.
Balse hadalka
Israel waa mid uu sheegay sarkaal magciisa qarsoodi yahay kaas oo sheegay in Xamaas
ay beddeshay dhammaan arrimahii ugu muhiimsanaa iyadoo diiday qorshaha lagu sii
deynayo la haystayaasha ee uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
Qatar iyo
Masar hadal ay wadajir u soo saareen ayey ku sheegeen in ay eegayaan jawaabta
Xamaas, ayna la xiriirayaan dhinacyada ay quseyso wixii laga yeeli lahaa. Waxay
sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadayaan dadaalada dhexdhexaadinta ilaa inta
heshiis laga gaarayo.
Dab qabsaday dhismo deegaan oo ay ku dhinteen 35 qof dalka Kuwait
Xigashada Sawirka, REUTERS
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay dhismo deegaan
ahaa magaalada Mangaf ee dalka Kuwait sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha
gudaha.
Muuqaal fiidiyow ah oo baraha bulshada lagu wadaagay
ayaa lagu arkayay dab qabsaday dhismo dheer iyo qiiq madow oo ka soo baxay dabaqa
ugu sareeya.
Ugu yaraan 15 kale oo dhaawac ah ayaa loo qaaday
isbitaalka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Inta badan dadka wax noqday ayaa
ahaa shisheeye dalka ka shaqeynayay oo halkaas ku noolaa.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Sheikh Fahad Yusuf
al-Sabah, oo booqday goobta ayaa ku eedeeyay milkiilayaasha guriga in ay qeynuunada
jibiyeen oo ay wax badan doonayeen sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in dhismaha
uu ahaa mid aad looga buuxay. Sida uu sheegay taliyaha booliska dad badan ayaa joogay
dhismaha markii uu dabka qabsaday.
Wax faahfaahin ah lagama bixin ilaa hadda dalalka ay ka
soo jeedaan shaqaaha iyo wixii ay ka shaqeynayeen.
Xisbullah ayaa weerartay Israel taas oo jawaab u aheyd dilka afar xubnood oo hoggaamiye ku jiro
Xigashada Sawirka, Reuters
Militeriga Israel ayaa sheegay in madaafiic gaareysa 90 oo
laga soo tuuray Lubnaan ay ku soo dhaceen waqooyiga Israel shalay kaddib markii
duqeyn lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Xisbullah koonfurta Lubnaan maalin ka
hor.
Qoraal ka soo baxay ciidamada wax yar ka hor ayaa lagu
sheegay “90 madfac oo laga soo tuuray
dhinaca Lubnaan ayaa badidooda laga hortagay” inkastoo qaarkood ay ku dhaceen
waqooyiga Israel. Qaar ku soo dhacay dhulka waxay sababeen in ay dab ka kicyaan
halkaas.
Wararka waxay sheegayaan in Xusbullah ay ay hal mar ku soo
tuurtay 200 oo gantaal waqooyiga Israel iyagoo bartilmaameed ka dhigtay gobolka
Tiberias markii ugu horeysayilaa
dagaalkii Xibsullah iyo Israel ee 2006-dii.
Habeenkii talaadada ayey ciidamada Israel weerareen guri ku
yaal Joya iyagoo halkaas ku dilay hoggaamiye iyo saddex dagaalyahan.
Xisbullah waxay sheegeen in uu ahaa hoggaamiyaha lagu dilay
duqeynta cirka Israel Talib Sami Abdullah oo 54 jir ahaa loona yaqaanay Abu
Talib.
Ten Hag oo sii ahaanaya maamulaha Man Utd
Xigashada Sawirka, Getty Images
Erik Ten Hag ayaa sii ahaanaya maamulaha Manchester United kadib qiimeyn uu sameeyay guddiga naadiga.
Waxaa loo maleynayaa inay haatan Ten Hag kala hadlayaan in qandaraaska loo dheereeyo.
United ayaa sameeyay qiimeyntooda wax yar kaddib fiinaalkii FA Cup.
Dhanka kale, Thomas Tuchel ayaa Isniintii sheegay inuusan damac uga jirin shaqada maamulaha kooxda Manchester United.
Tababarihii hore ee kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea coach ayaa loo maleynayay inuu ku jiro liiska magacyada ay kooxdu indha indheyneyso si loogu beddelo Erik ten Hag.
Baasto ay cuniddeeda Youtuberrada isku xujeystaan oo laga mamnuucay dal Yurub ku yaalla
Ururro caalami ah oo ku baaqay joojinta mamnuucidda xijaabka ee orod-yahannada Faransiiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Faransiiska
Ururrada cayaaraha iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa madaxweynaha Guddiga Caalamiga ah ee Olimbikada Thomas Bach ugu baaqay inuu gacan ka geysto laalidda mamnuucidda uu Faransiisku orod-yahannada ka mamnuucay xirashada xijaabka.
Guddiga Caalamiga ah ee Olimbikada (IOC) ayaa bishii September ku dhawaaqay in orodyahannada ay xor u noqon doonaan xirashada xijaabka marka ay furmaan Cayaaraha Olimbikada ee Paris 2024.
Si kastaba, Wasiirka Cayaaraha Faransiiska Amelie Oudea-Castera ayaa orodyahannada ka mamnuucday in tartamada ay ku xirtaan xijaabka, iyadoo sheegtay inay waajib ku tahay xushmeynta kala saaridda xooggan ee dalkaas uu kala saaray diinta iyo dalka.
Shacabka Faransiiska ayaa xor u ah inay muujiyaan diintooda balse waxaa laga mamnuucday goobaha bulshada.
Hay'adda Amnesty International iyo 10 kale oo kooxood ayaa warqad saxiixan u diray Bach, iyagoo sheegay in mamnuucidda ay kasoo horjeeddo cahdiga olimbikada.
Mareykanka oo soo jeediyay qorshe kale haddii uu fashilmo qaraarka xabbad-joojinta Gaza
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha
arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in haddii qorshaha ugu dambeeyay ee
nabadeed ee Gaza uu fashilmo ay hoos u dhigi doonto hogaamiyaha Xamaas ee Gaza.
Antony Blinken, oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayaa sheegay in caqabada
keliya ee hortaagan hindisaha ay tahay "hal nin oo ku qarinaya dhulka
hoostiisa toban dabaq " –hadalkaas oo uu ula jeeday Yahya Sinwar.
Ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday
Xamaas. Balse waxa ay soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay uu Isniintii ku taageeray qorshaha xabbad-joojinta ee Mareykanka,
waxaana sarkaal ka tirsan kooxda uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada-xaajood.
Mr Blinken ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu,
uu dib u xaqiijiyay in uu aqbalay qorshahaas intii lagu jiray kulan ay la
yeesheen.
Dalal badan oo Yurub ku yaalla oo qaati ka taagan kaneecada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda caafimaadka ee Midowga Yurub ayaa ka digtay in kiisaska qandhada dengue iyo cudurrada kale ee ay qaaddo kaneecada ay si weyn ugu soo badanayaan qaaradda.
Xarunta Yurub ee Kahortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ayaa sheegtay in isbeddelka cimilada uu gabbaad wanaagsan u abuurayo kaneecada faafisa qandhada dengue iyo fayraska Zika.
Ilaa 13 dal oo ka tirsan qaaradda Yurub, ayna ka mid yihiin Faransiiska, Spain iyo Giriigga, ayay kaneecadu faro kulul ku heysaa.
Magaalada Paris, oo cayaaraha Olimbikada ay ka dhici doonaan dhammaadka July, ayaa dowladda Faransiiska waxay sheegeysaa inay isha ku hayaan ayna ka hortagayaan kaneecada.