You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Gambaleelka bixiya digniina weeerarada soo fool-leh oo laga yeerayay wuqooyiga Israa'iil

    Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in seeriga digniinta la shiday kadib markii la ogaaday wax ay ku tilmaantay “shay duulaya oo laga shakiyay” oo ka muuqday hawada deegaanka Kfar Yuval ee waqooyiga dalka.

    Sida ay sheegeen militariga Israa’iil, digniintaas hadda waa la soo afjaray, mana jirto cid wax ku noqotay ama dhaawac soo gaaray.

    Isla waqtigaas, militarigu wuxuu sheegay in digniin kale la diray kadib markii la ogaaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu arkay tuulada Arab Aramsha ee u dhow halkaas, balse markii dambe la xaqiijiyay inay ahayd digniin been ah oo khalad ku diray nidaamka ogaanshaha.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  2. War deg deg ah, Booliiska gobolka Banaadir oo ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho

    Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa war qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay inn 'in ciidanku ku hawlan yihiin soo afjaridda hawl-gal uu ku sheegay "in ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda".

    Tan iyo shalay galab magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socday iska hor imaadyo dagaal sababay, kuwaas oo dhex maray ciidanka dowladda iyo ilaalada qaar kamid xubnaha mucaaradka oo maanta qorsheenayey in ay qabtaan bannaan bax lagaga soo horjeedo dowladda.

    Sida uu sheegay taliyaha booliiska ma jiro wax bannaan ah oo la iskugu iman karo isaga oo dadka ugu baaqay "nay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda", ayuu ku yiri qoraalka.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  3. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo Ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali kheyre ku eedeesay in uu soo abaabulay weerar lagu qaaday xarun ciidan degmada Howlwadaag

    War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay in dowladdu ay ka digeyso falalka amniga lagu dhaawacayo, iyada bayaanka lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.

    Dhanka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    "Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'

    Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

    "Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan", lama hubo in uu dhici doono dibad-baxa ay ku baaqeyn mucaaradka.

  4. Wa kuwee 4-ta dal ee markii ugu horeysay ka qeyb galaya Koobka aduunka?

  5. Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad-joojinta ah, iyada oo Xisbullah ay tahay shuruudda ugu weyn ee heshiiska

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Israa’iil iyo Lubnaan ay gaareen heshiis lagu hirgelinayo xabbad-joojintii ay hore u wada galeen, taas oo dhaqan geli wayday

    Tani waxay imaaneysaa kadib markii ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan maalintii Arbacada oo keliya.

    Sida lagu sheegay heshiiska, shuruudda ugu weyn waa in si buuxda loo joojiyo waa weerarrada ay Xisbullah ku hayso Israai'iil.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  6. Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaah oo sheegay in ay go'doon yihiin isaga iyo nabaddoono kale oo ku sugan guriga ra'iisul wasaarihii hore-Xasan Cali Kheyre

    Goor dambe oo Arbacadii ah waxaa degmooyinka qaar ee Muqdisho laga maqlay rasaas xooggan, taas oo ka dhalatay kadib markii ay isku dhacayn ilaalada qaar kamid ah mucaaradka iyo ciidamada dowladda, goobaha iska hor imaadka uu dhacay waxaa kamid ah agagaarka guriga Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, labadooduba waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay awood isticmaaleyso, halka warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda lagu sheegay in koox af duuban oo ay maleeshiyo ku sheegtay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, "Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre", sida lagu yiri warsaxaafadeedka

    Saqdhexe waxaa sidoo kale warbaahinta la hadlay Ugaas Cabdirisaaq, Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Xaashi oo sheegay in isaga iyo odayaal kale ay ku go'doonsan yihiin guriga ra'iisul wasaarihii hore Xasan Kheyre "Anaga oo ka shaqeeneyna nabad waxaa nagu bilowday dagaal, hadda saacadda waa 2:00 AM, waxaa is hor fadhiya ciidan, dagaalka weli wuu socdaa waxaa duqeyn lagu sameenayaa Odayaal dhaqan iyo guddi ka socday dowladda." ayu yiri Ugaaska, isaga oo intaas ku daray in aysan waddo ammaan ah oo ku baxaan, inkasta oo BBC-du arrintaas si madax bannaan u xaqiijin karin.

    illaa iyo hadda wax war dheeraad ah kama soo bixin dhanka dowladda marka laga yimaado warsaxaafadeedka lagu cambaareenayey dhacdadii galabkii arbcada.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  7. Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah oo halkaan innooga bilaabaneysa

    Waxaa idin kugu soo gubin doonnaaa xaaladda Muqdisho, Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kaleba

  8. War deg deg ah, Aqalka Wakiillada Maraykanka oo meel mariyay qaraar la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Iiraan

    Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa Arbacadii qaaday tallaabo aan caadi ahayn, iyagoo muujiyay diidmadooda dagaalka uu Donald Trump kula jiro Iiraan, kadib markii uu ansixiyay qaraar ay diyaariyeen oo ay hormuud ka ahaayeen Dimuqraadiyiintu. Tallaabadan ayaa la qaaday iyadoo ay ka soo horjeedeen hoggaanka Jamhuuriga ee Aqalka.

    Qaraarka Awoodaha Dagaalka ee Iiraan oo uu soo gudbiyay xildhibaan Gregory Meeks oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto New York isla markaana ah xubinta ugu sarreysa guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka, ayaa la qorsheeyay in cod loo qaado ka hor fasaxa Memorial Day ee 21-ka May, laba toddobaad ka hor, balse si lama filaan ah ayaa looga saaray ajandaha markii ay caddaatay in xubno badan oo Jamhuuri ah aysan joogin codbixinta, isla markaana ay suuragal ahayd inuu guuldareysto.

    Ugu dambeyn, qaraarka ayaa la ansixiyay Arbacadii cod dhan 215–208, afar xubnood oo Jamhuuri ah ayaa taageeray qaraarka, iyagoo u codeeyey dhammaan xubnaha Dimuqraadiga.

    Sida ku cad qaraarkan, Donald Trump waxaa laga codsanayaa inuu ciidamada qalabka sida ee Maraykanka kala baxo iska horimaadyada militari ee Iiraan, haddii uusan Kongareesku si rasmi ah ugu dhawaaqin dagaal ama uusan bixin oggolaansho isticmaalka awood ciidan oo ka dhan ah Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, qaraarkani si sharci ah uguma qasbayo Mr. Trump inuu joojiyo dagaalka, waxaana loo arkaa inuu yahay bayaan astaan ahaan u muujinaya diidmada Aqalka ee siyaasaddiisa dagaal ee ku wajahan Iiraan.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  9. War deg deg ah, CENTCOM oo beenisay sheegashada weerarka ciidamada badda ee Iiraan ay ku qaadayn markabka Maraykanka

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa beeniyay sheegashada Iiraan ee ku saabsan weerar lagu qaaday markab burburiye ah oo uu Maraykanku leeyahay, iyagoo warbixinta Iiraan ku tilmaamay “been” isla markaana sheegay in dhammaan ciidamada Maraykanka ee gobolka ay yihiin “nabad qaba oo si buuxda u shaqaynaya.”

    Sida aan halkan ku soo sheegnay daqiiqado ka hor, Ciidanka Badda ee Iiraan ayaa sii daayay sawirro ay ku sheegayaan inay ku weerareen markab burburiye Maraykan ah, kaas oo sida ay sheegeen ku soo dhowaaday biyaha xeebaha dalka, isla markaana uu “hoggaaminayay” weerarradii dhawaan lagu qaaday “maraakiibta Iiraan ee ku sugnaa Badda Cumaan.”

    Sheekooyin dheeraad ah:

  10. Iiraan oo sheegtay in bartilmaameedsadeyn markab uu Maraykanku leeyahay

    Wakaaladaha wararka ee Iiraan iyagoo soo xiganaya Ciidanka Badda ee dalka ayaa soo sheegay in markab burburiye ah oo uu Maraykanku leeyahay la “bartilmaameedsaday,” sidoo kalena waxa ay daabaceen sawirro la sheegay inay yihiin gantaallo lagu riday weerarka.

    Bayaan ay Ciidanka Badda ee Iiraan soo saareen habeenkii Arbacada oo ay baahisay Fars News Agency iyo warbaahinno kale oo gudaha Iiraan ah, ayaa lagu yiri:

    “Saacado ka hor iyo ka dib falalka gardarrada ah, jebinta xeerarka Marinka Hormuz, iyo falalka xun ee lagula kacay maraakiibta ganacsiga ee Iiraan ee Badda Cumaan, kuwaas oo ay geysteen ciidanka argagixisada Mareykanka, ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, kadib markii ay ogaadeen oo aqoonsadeen bartilmaameedka, waxay weerareen ‘xarunta taliska iyo xakamaynta’ ee falalkan, taas oo ku dhex taallay markab burburiye Maraykan ah oo isku dayayay inuu ku soo dhowaado biyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee Badda Cumaan.”

    Shalay ayey markii ay weerarro is dhaafsadeyn Maraykanka iyo Iiraan, kuwaas oo saameeyey qaar kamid ah waddamada khaliijka.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  11. War deg deg ah, Dowladda Somaaliya oo cambaareesay weerarrada lagu qaaday dalalka Kuwait iyo Baxrayn

    Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ay ka xuntahay weerarada lala beegsaday dowladaha Baxreyn iyo Kuwait, weerarradaas oo ay Kuwait sheegtay in ay kusoo qaaday Iiraan, qoraalka DFS ayaa lagu yiri "Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada lagu beegsaday Dowladda walaalaha ah ee Kuwait iyo Boqortooyada walaalaha ah ee Baxrayn, waxayna muujineysaa walaac qoto dheer oo ku saabsan xaaladdan halista ah ee sii xumaaneysa, taas oo khatar gelinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka."

    Qoraalka bayaanka Somaaliya soo saartay ayaa sidoo kale , lagu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo xaaladda taagan "Soomaaliya waxay ku baaqeysaa is-xakameyn, wadahadal, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah si looga hortago xaaladdu inay sii xumaato loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka", ayaa lagu yiri.

    Sida ay sheegtay dowladda Kuwait illaa iyo hal qof lagu ku dhintay, 63 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay duqeeyeen dhismaha garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  12. War deg deg ah, Shariif Sheek "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid"

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goor dhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in berri ay banaan-baxa uu yahya mid ay xaq u leeyihiin qaladna ay tahay in wax berri dhici doona la isku dayo in la xukumo, "sharciga haddii la raacayo berri ayuu qofkaaan waxaan qabanayaa waxba ugama qaban kartid", ayuu yiri.

    Dhanka kale, Shariif ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in madxweynaha oo ay ka sugayaan inuu doorasho kala hadlo uu iskugu dayayo wax uu ku tilmaamay awood u adeegsado, mar uu arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "madaxweyne la gala hadlaayo doorasho, oo la gala hadlaayo mudaharaad inuu ciidankii qaranka cadowga ka difaaci lahaa soo kiciyo, inuu doroomo soo kiciyo, oo wax allaale waxii uu heli karo annaga noo soo diro taasaa horta nasiib darro ah, isaga oo diidan in la mudaharaado".

    Sida ay tebiyeen warbaahinta maxalliga ah magaalada Muqdisho, isku dhacyo u dhaxeeeya ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhacay aagga uu ka deggan yahay Degmadda Cabdicasiis, inkasta oo BBC-du ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin dhacdooyinkaasi.

    Dhanka dowladda warsaxaafadeed ay soo saartay ayey ku cambaareesay maleeshiyo ay ku sheegtay in ay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, "Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre", sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

    Sii akhri:

  13. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo iska fogeeyey in ay weerareyn Garoonka diyaaradaha Kuwait

    Hossein Mohebi, oo ah afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in burburka terminal-ka Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait uu “ka dhashay khalad ku yimid nidaamyada Patriot-ka ee Maraykanka.”

    Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha ee Iiraan, Mudane Mohebi wuxuu intaa ku daray in IRGC aysan ridin “hal xabbad oo rasaas ah” oo ku wajahneyd garoonka diyaaradaha.

    Wuxuu ku dooday in, sida ay muujinayaan baaritaannada IRGC, “burburka terminal-ka rakaabka ee Garoonka Kuwait uu sababay qalad ka dhacay nidaamyada Patriot-ka ee Maraykanka, kuwaas oo ku dhacay terminal-ka kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay qabtaan gantaallada Iiraan.”

    Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen markii gantaal ku dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Kuwait. Qofka geeriyooday wuxuu ahaa muwaadin Hindi ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaana sheegtay in dhowr muwaadiniin Hindi ah oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarka.

    Sii akhri:

  14. Dab kakacay hoteel ay Soomaali degan tahay oo ku yaalla Hindiya oo dilay 21 ruux

  15. Iska hor imaad dhex maray ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed

    Sida ay ku warramayso warbaahinta maxalliga ah magaalada Muqdisho, isku dhacyo u dhaxeeeya ciidammada dawladda iyo ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhacay aagga uu ka deggan yahay Degmadda Cabdicasiis.

    BBC-da ayaan si madax bannaan u xaqiijin karin dhacdooyinkaasi.

    Xilli sii horraysay oo galabata ah ayaa is hor imaadyo ay dhex mareen ciidmamada dawladda iyo raysalwaasarihii hore ee Soomalaiya, Xasan Cali Khayrre.

    Mucaaradka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah la filayaa in ay qabtaan bannaan-baxyo ka dhan ah dawladda.

  16. Dawladda soomaaliya oo war ka soo saartay xiisadda ka taagan Muqdisho

    Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey waxa uu ku tilmaamay israsaaseyn galabta laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag.Afhayeenku waxa uu sheegay in koox maleeshiyaad ah oo u abaabulan qaab liddi ku ah nabadgalyadu ay soo weerareen ciidammada dawladda oo ku sugan bar-kaantarool. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku uu falkaas ka jawaabay iyaga oo ka taxaddaray in khasaare uu soo gaadho dadka shacabka ah.

  17. Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xiisad ka taagan Muqdisho

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay weerar lagu qaaday Raysalwsaare hore Xasan Cali Khayrre.

    Waxa uu yidhi "Waa ficillo Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo in uu dhiig badan ku daadiyo isaga oo aan haysan muddo xileed rasmi ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday."

  18. Warar ka soo baxay xaaladda magaalada Muqdisho

    Waraka ka imanyaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay Isgoyska Dabka, kaas u dhexeeya ciidamadda dawladda iyo ilaalada raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ku dhow hay’adaha amniga Soomaaliya.

    Raysalwasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa boggiisa baraha bulshada ku sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maalinta berri ah a filayo bannaanbax ay soo agaasimeen mucaaradka Soomaaliya.

    Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo aanay BBC-du xaqiijin karin ayaa muujinaya rasaas xooggan oo la is weydaarsanayo.

  19. Xasan Cali Khayrre oo sheegay in la soo weeraray

    Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

    "Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.'

    Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

    Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya 'Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday' oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan.

  20. Kuwayt oo dalkeeda ka caydhisay diblumaasiyiin u dhashay Iiraan

    Kuwayt ayaa ku tilmaamtay laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan inay yihiin "kuwo aan laga rabin dalka" waxayna ka dalbatay in ay uga baxaan dhulka Kuwayt muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwayt ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay u yeertay Xamiid Yaquubifar oo ah u-qeybsanaha arrimaha safaaradda Iiraan ee Kuwayt, ayna u dhiibtay qoraal rasmi ah oo cabasho iyo diidmo ah.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in ogeysiiskaas loo soo saaray si looga hor yimaado "weerarrada joogtada ah ee Iiraan", iyadoo Jamhuuriyadda Islaamiga ah lagu wargeliyay go'aanka dawladda Kuwayt ee ku aaddan dhimista tirada shaqaalaha safaaradda Iiraan.