Putin oo hogaamiyeyaasha Yurub ugu yeeray "Doofaarro"

Wuxuu sheegay in Ruushka uu xoog ku qabsan doono dhul badan oo ka tirsan Ukraine, haddii Kyiv iyo siyaasiyiinta reer Yurub ee uu ugu yeeray "doofaarrada" ay aqbali waayaanheshiiska Maraykanku wado

Kooban

Tebin toos ah

  1. Koobka dalalka Carabta 2025: Urdun iyo Morocco yaa ku guuleysan doono?

    Qatar

    Xigashada Sawirka, FIFA via Getty Images

    Tartanka kubadda cagta dalalka Carabta ayaa heer gabo-gabo ah maraya, iyadoo ciyaartii ugu dambaysay ay maanta dhexmari doonto Marooko oo doonaysa inay mar labaad ku guulaysato, isla markaana ay sii wadato rikoodhkeeda guulaha kubbadda cagta, gaar ahaan sannadkan iyo dalka Urdun oo markii ugu horreysay taariikhda ku riyoonaya hanashada horyaalka.

    Saddex sano ka dib martigelinta finalka Koobka Adduunka ee FIFA 2022 ee Qatar, Lusail Stadium, oo qaadi kara ilaa 89,000 oo daawadayaal ah, ayaa martigelin doona ciyaarta kama dambaysta ah fiidnimada Khamiista (16:00 GMT - 19:00 xilliga maxalliga ah).

    Xulalka Marooko iyo Urdun ayaa si isku mid ah u sameeyay tirokoobka dhanka difaaca iyo weerarka oo markii labaad oo xiriir ah lagu qabanayo dalka Qatar.

    Ciyaarta ayaa leh xiise u gaara leh Morooko, iyadoo xulka qaranka Jordan uu hogaaminayo tababaraha reer Marooko ah, Jamal Sellami, iyagoo wajahaya tababaraha Msrooko Tariq Sektioui, kaasoo kormeeraya kooxda kaydka Morocco.

    Ka hor inta aan la gaarin finalka tartanka kow iyo tobnaad ayaa waxa la baajiyay ciyaar lagu waday in ay dhexmarto xulalka Sacuudiga iyo Imaaraadka si loo ogaado qofka ku soo baxay kaalinta 3-aad ee tartanka ka dhici doona garoonka Khalifa International ee magaalada Doha (11:00 GMT - 14:00 galabnimo ee xilliga geeska Afrika).

  2. Magaalooyinka waaweyn ee dalka Sudan oo koronto la’aan ah, kadib markii la duqeeyay

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qeybo ka mid ah dalka Suudaan ayaa koronto la’aan ah ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay weerar ku qaadeen xarun koronto oo ku taal bariga dalkaasi.

    Laba ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn, caasimadda Khartoum iyo Port Sudan, ayaa ka mid ah dadka ay saameysay.

    Goob joogayaal ayaa sheegay in la arkayay holac iyo uuro xooggan oo ka kacaysa xarunta korontada ee bariga gobolka Nile oo ah deegaan ay ciidamadu maamulaan.

    Milatariga Suudaan ayaa sheegay in kaabayaasha rayidka ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhowr magaalo oo kale oo bariga ah oo ay ku jiraan Atbara, Al-Damer iyo Berber.

    Waxay sheegtay in ciidamada RSF ay weerarrada ka bilaabeen gobolka Kordofan. Ugu yaraan labo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen duqeymaha.

  3. Fallaagada oo bilaabay inay isaga baxaan magaalada muhiimka ah ee DR Congo

    DR Congo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Maraykanku ayaa Rwanda ku eedaynayaa inay taageerto fallaagada M23 – taas oo ay beenisay

    Kooxda fallaagada ah ee todobaadkii hore la wareegtay magaalada Uvira ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegay inay bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo ballan qaaday inay soo afjari doonaan ka bixitaankooda Khamiista, ka dib cadaadis uga yimid Mareykanka.

    Kooxda M23 ayaa qabsatay magaalada istaraatiijiga ah ee u dhow xuduudka Burundi, maalmo kadib markii heshiis nabadeed “taariikheed” ah oo Maraykanku garwadeen ka ahaa oo u dhexeeyey dawladaha Congo iyo Rwanda kaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu soo afjaro colaadda muddada dheer ka taagnayd bariga DR Congo.

    Si kastaba ha ahaatee, dowladda DR Congo ayaa sheegtay in ka bixitaanka la sheegay uu yahay " xeelad " una baahan in la xaqiijiyo.

    Subaxnimadii Khamiista qaar ka mid ah dadka deegaanka Uvira ayaa BBC u sheegay in aysan caddayn in M23 ay baxayaan iyo in kale, iyadoo qaar ka mid ah gawaaridooda ay weli dhex wareegayaan magaalada.

    Qabashada Uvira waxay dhalisay cambaarayn iyo digniin Maraykan ah oo ku saabsan cunaqabataynta ka dhanka ah Rwanda. Mareykanka ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto fallaagada, taas oo ay beenisay.

    Hogaamiyaha M23 Bertrand Bisimwa ayaa Arbacadii sheegay in ka bixitaanka ay "socoto," afhayeen u hadlay Willy Ngoma ayaa intaa ku daray in tani ay tahay "nabadda aawadood".

    Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Bisimwa ku boorriyay dhexdhexaadiyaasha iyo saaxiibada caalamiga ah inay xaqiijiyaan in magaalada laga ilaaliyo "aargoosiga, rabshadaha iyo dib-u-celinta".

  4. Dagaal culus oo u dhaxeeyo Alshabaab iyo Ciidanka Dawladda oo ka dhacay Nuur Dugle

    Somalia

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararrka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saaka ka bilowdeen magaalada Nuur Dugle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa qabaa’ilka ee halkaasi jooga.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo weriyay inay dagaaladaasi dhaliyeen.

    Alshabaab oo saakay halkaasi weeraray shalay ayey isku dayeen in ay halkaasi weeraranaan laakin dagallo aya halkaasi ka dhacay , waxaana halkaasi ku sugan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab

    Waeku wuxuu intaasi ku darayaa in tan iyo saakay dagaallo culus lasoo werinayo iyo khasaaro halkaasi ka dhashay laakin ilaa iyo hadda faahfaahin dhab ah lagama hayo sida ay wax u dhaceen iayadoo Labada dhinac ay isku dayayayaan in ay yeeshaan gacangta sare.

    Al-shababa war ay soo saareen aroornimadii hore ee saakay waxa ay sheegeen in ay qabsadeen Nuur Dugle laakin ilaa iyo hadda ilo madaxbanaan oo xaqijinaya sheegashada Alshabaab ma jirto.

    Isku day aan la sameeynay saraakiisha ciidamada ee aaggaas ayaan noo suurta gelin laakin dadka deegaanku waxa ay soo weriyeen in dagaalku ilaa saakay ilaa duhurradii uu aaggaas ka socday.

    Nuur dugle ayaa muhiim u ah isku socodka waddada dheer ee xeebta ee xiriirisa gobollada dhexe iyo Muqdisho, ,ciddii gacanta ku dhigtaana waxa ay uu muuqataa inay mamauli doonto waddada u dhaxeeyso Muqdisho iyo gobollada dhexe.

  5. Sheekh Shariif oo gaaray Kismaayo si u uga qeyb galo shirka Kismaayo

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Jubaland State House

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa maantay gaaray magaalada Ksimaayo halkaas oo la filayo in uu kaga qeyb galo shirka la filayo in uu dhawaan u furmo Siyaasiyiinat Mucaardka ah iyo maamulada Jubaland iyo Puntland.

    Sheekh Shariif ayaa ka qeybgalaya Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo, kaas oo diiradda saaraya arrimaha ay ku diidanyihiin Dowladda Federaalka ah gaar ahaan hanaanka doorashooyinka.

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

    Horey waxaa halkaas u gaaray siyaayiiin ay kamid yihiin Ra’iisulwsaarayaal hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxamaa Cabdishakuur Warsame.

  6. Midowga Yurub oo wajahaya go'aan adag oo ah in lacagta la xayiray ee Ruushka la amaahiyo Ukraine

    Raiisel wasaaraha Belgian Bart De Wever ayaan wali ku qanacsanayn in lacagta lagu hayo Beljamka la amaahiyo Ukraine (keydka sawirrada)

    Xigashada Sawirka, Ukrinform/NurPhoto

    Qoraalka sawirka, Ukrain

    Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa isugu imaanaya shir madaxeedka Brussels halkaas oo go'aan muhiim ah kaga qaadan doono in Ukraine lagu amaahiyo tobanaan bilyan oo Yuuro oo hantida Ruushka ah ee la xayiray si loogu maalgeliyo baahiyaheeda milateri iyo dhaqaale.

    Inta badan hantida Ruushka ee €210bn (£185bn; $245bn) ee ah hantida ku jirta Midowga Yurub waxaa haysta hay’ad fadhigeedu yahay Belgium ee Euroclear, ilaa hadda Belgium iyo qaar ka mid ah xubnaha ururka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan isticmaalka lacagta caddaanka ah.

    Haddii aan kor loo qaadin maalgelinta, dhaqaalaha Ukraine ayaa lagu wadaa inuu ku burburo bilo gudahood.

    Mid ka mid ah saraakiisha dawladaha Yurub ayaa ku tilmaamay "in ay si taxadar leh uga rajo qabaan, oo aanu rajo badan ka qabin" in heshiis lagu heshiiyo. Ruushka ayaa uga digay Midowga Yurub isticmaalka lacagtooda.

    Waxa uu dacwad ka dhan ah Euroclear u gudbiyay maxkamadda Moscow si ay lacagteeda dib ugu hesho.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska uu si ka badan sidii hore ugu dhow yahay in lagu soo afjaro dagaalka – kaas oo ah duullaanka ballaaran ee Ruushku ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

    Saraakiisha Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan Miami dhamaadka todobaadkan si ay wadahadalo dheeraad ah uga yeeshaan qorshaha nabadda, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Waxa loo malaynayaa in ergeyga Kremlin-ka Kirill Dmitriev uu la hadli doono ergayga Trump Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

    Saraakiisha Ukraine ayaa sidoo kale ku wajahan Mareykanka, madaxweynaha Volodymyr Zelensky, oo ku sugan Brussels, ayaa u sheegay wariyeyaasha in haddii Ruushku u hoggaansami waayo dalabaadka Mareykanka ee ku aaddan joojinta dagaalka "mustaqbalka dhow, Ukraine ay xaqiiqdii u baahan doontaa in la xoojiyo".

  7. Faransiiska, Dhaqtar sumeeyay bukaan badan oo xabsi daa'in lagu xukumay

    France

    Xigashada Sawirka, ARNAUD FINISTRE/AFP

    Qoraalka sawirka, Frédéric Péchier ayaa wajahaya ugu yaraan 22 sano oo xabsi ah

    Dhakhtar hore oo dhanka suuxinta ah ayaa xabsi daa’in lagu xukumay ka dib markii uu si ula kac ah u sumeeyay 30 bukaan oo ay ku jiraan 12 qof oo dhintay.

    Maxkamad ku taal magaalada Besançon ee bariga Faransiiska ayaa Frédéric Péchier ku heshay danbi ah inuu sumeeyay faleebada oo ay ku jiraan walxo sababay wadna xanuun ama dhiigbax.

    Dhibbanihiisii ​​ugu da'da yaraa, ilmo afar jir ah, ayaa ka badbaaday laba jeer oo wadna xanuun intii lagu jiray qalliinka caadi ah oo dhanka qumanka ah sanadkii 2016. Dhibbanaha ugu da'da weyn wuxuu ahaa 89.

    "Waxa aad tahay Dhaqtarkii geerida, Sumeeye, Gacan-ku-dhiigle. Waxa aad ceeb u soo jiideysaa Dhakhaatiirta oo dhan," ayay yiraahdeen dacwad oogayaasha todobaadkii hore. "Waxa aad ka dhigteen rugtan xabaal."

    Péchier ayaa markii ugu horreysay la geliyay baaritaan siddeed sano ka hor, markii looga shakiyay inuu sumeeyay bukaanno ku jiray laba rug caafimaad oo ku yaal Besançon intii u dhaxeysay 2008 iyo 2017.

    Dhibbanihiisii ​​ugu horreeyay ee la yaqaan, Sandra Simard, waxay ahayd 36 jir markii ay la kulantay wadne xanuun degdeg ah markii ay ku guda jirtay qalliinka laf dhabarta. Waxay ka badbaaday faragelinta Péchier, inkastoo ay koomo gashay.

    Tijaabooyin lagu sameeyay bacaha faleebada ayaa muujiyay xaddiga potassium 100 jeer, qiyaasta la filayo, iyadoo qaylo-dhaan ay kamuujiyeen xeer-ilaaliyeyaasha maxalliga ah.

    Intii lagu jiray 15ka toddobaad ee tijaabada, Péchier wuxuu mararka qaarkood qiray in qaar ka mid ah bukaannada jiran ama dhintay laga yaabo in la sumeeyay laakiin wuu diiday inuu wax qalad ah sameeyay.

  8. Qalalaase ka taagan gobolka Gambella iyo taliyihii booliska ee gobolkaas oo la dilay

    Gambella

    Xigashada Sawirka, Gambella Press Secretariat Offic

    Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan gobolka Gambella ayaa BBC-da u sheegay in taliyaha booliiska magaalada Gambella iyo dad kale lagu dilay weeraro maalmihii lasoo dhaafay dhacay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rabshado dhacay ay sababeen dagaallo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada caasimadda ah ee Gambella iyo deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

    Maamulka gobolka iyo dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah lagu dilay weeraro ay fuliyeen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, waxaana la hakiyay howl maalmeedka dadka deegaanka.

    Madaxa maamul goboleedka, Alemitu Umod iyo ku xigeenkiisa, Dr. Gatluak Ron, ayaa BBC u xaqiijiyay in taliyihii booliska ee xarunta gobolka uu ku dhintay weerarka.

    Arrintan ka dib, dadweynaha ku nool magaalada Gambella ee gobolka Gambella waxay Arbacadii waxay BBC-da u sheegeen in rasaas la maqlayey tan iyo waaberigii, waxayna sheegeen inay jiraan dad dhaawac ah.

    Wararku waxay sheegayaan in xiisadda ka taagan Gambella ay u dhaxayso qabaa’ilka Nuer iyo Anuak, iyo qabaa’il kale oo ka soo jeeda dhulka joogga saree e Itoobiya.

  9. Koofur Afrika oo dalkeeda ka ceyrisay shaqaale Kenyan ah oo ka shaqaynayey xarun qaxootiga qaabilsan

    Arrintan ayaa dhaawacday xiriirka Koofur Afrika iyo Maraykanka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Koofur Afrika ayaa ku eedaysay Maraykanka in ay isticmaaleen muwaadiniin Kenyan ah oo aan haysan ogolaansho shaqo oo ku taal xarun looga shaqeeyo codsiyada qaxootiga ee Koonfur Afrikaanka caddaanka ah.

    Todobo Kenyan ah ayaa la xiray ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen in dad “dhowaan Koonfur Afrika ku galeen fiisaha dalxiiska oo ay si sharci darro ah ugu shaqo tageen xarunta” ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.

    Washington ayaa ku eedaysay Koonfur Afrika in ay "faragelin" ku hayso dadaalkeeda ku aaddan in Afrikaners-ka caddaanka ah ay qaxooti ahaan u qaataan, taasoo jawaab u ah wakaaladda wararka ee France-Presse oo arrinka wax ka weydiisay.

    Mareykanka ayaa siinaya sharciga magangalyada dadka Afrikaners-ka maadaama uu sheegay in bulshadaas ay wajaheyso cadaadis. Dowladda Koonfur Afrika ayaa diiday eedeyntaas.

    Maraykanku waxa uu hoos u dhigay qaxoontiga sannadkii uga iman jiray adduunka oo ahaa 125,000 haddase ah 7,500, balse waxa uu sheegay in uu mudnaan siin doono Afrikanerska, kuwaas oo u badan dadkii ka soo farcamay quruunihii dalkaas deegaanaka ku noqday ee Holland iyo Faransiiska.

    Arrintan ayaa ka mid ah waxyaabaha dhaawacay xiriirka labada dal

  10. Putin oo hogaamiyeyaasha Yurub ugu yeeray "Doofaarro"

    Putin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushka uu xoog ku qabsan doono dhul badan oo ka tirsan Ukraine, haddii Kyiv iyo siyaasiyiinta reer Yurub ee uu ugu yeeray "doofaarrada" ay aqbali waayaan soo jeedinta Mareykanka ee heshiis nabadeed.

    Isagoo ka hadlayay shirka sanadlaha ah ee difaaca ee Ruushka, ayuu Putin sheegay in dalkiisu uu horumar ka samaynayo dhammaan dhinacyada dagaalka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Ruushku uu ku gaari doono yoolkiisa diblomaasiyad ama xoog, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    "Haddii dhinaca kale iyo taageerayaasheeda ajnabiga ah ay diidaan inay galaan wadahadal macno leh, Ruushku wuxuu ku guuleysan doonaa xoraynta dhulalkiisa taariikhiga ah isagoo adeegsanaya hab milatari," ayuu yiri.

    Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wada-hadallo gooni-gooni ah la leh Moscow iyo Kyiv iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Yurub, kuwaas oo ku saabsan soo jeedinta lagu joojinayo dagaalka Ukraine.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo laga gaaray.

    Kyiv iyo xulafadeeda Yurub ayaa ka walaacsan ku adkeysiga Ruushka ee ku aadan in uu la wareego dhulka Ukraine.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa doonaya in la helo dammaanad amni oo dheeri ah ka dib duulaankii Ruushka, kaasoo kumanaan askari u diray Ukraine tan iyo 2022-kii.

    Dhankiisa, Ruushku waxa uu sheeganayaa in uu maamulo ilaa 19 boqolkiiba dhulka Ukraine.

    Goobahaas waxaa ka mid ah Jasiiradda Crimea oo Khasab uu dhulkiisa ugu daray 2014, inta badan gobolka Donbas ee bari, meelo badan oo Kherson iyo Zaporizhzhia ah, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah afar gobol oo kale oo Ukraine ah.

    Ruushka ayaa ku adkeysanaya in Crimea, Donbas, Kherson iyo Zaporizhzhia ay hadda ka tirsan yihiin Ruushka.

  11. Bashaar Al-assad oo dib ugu laabanaya xirafaddiisii Dhaqtarnimo

    Bashaar Al-assad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Bashaar oo yaraantisii cilmiga indhaha ku bartay Isbitaalka Indhaha ee Western Eye magaalada London ayaa dib ugu laabtay barashada xirfaddaasi, 60-dan jirkan ayaa hadda taga fasallada, isla markaana barta cilmiga indhaha iyo afka Ruushka.

    Ilo wareedyo ayaa The Guardian u sheegay in qoyska Assad ay u badan tahay inay ku sugan yihiin Rublyovka, oo ah xaafad qaali ah oo ku taalla duleedka Moscow, taas oo la sheegay inay sidoo kale u ndeggen yahay madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovych, oo taageere u ah Ruushka.

    Sanad ayaa laga joogaa tan iyo markii Assad uu ka tagay xukunka Suuriya, isaga oo magangelyo siyaasadeed ka helay Moscow, madaxweynihii hore ee Suuriya ayaa gebi ahaanba ka baxay indhaha warbaahinta.

    Xirfaddaan dhaqtarnimo ayaa ahayd mid uu waligii xiseen jiray oo uu aad u jecla inuu ka shaqeeyo, xita ka hor intii uusan dagaalka Suuriya bilaaban, wuxuu si joogto ah uga shaqayn jiray daweynta indhaha magaalada Dimishiq, sida uu sheegay mid kamid qoyskiisa.

    Inkasta oo uu ku nool yahay nolol raaxo leh, Assad xiriir kuma laha dabaqadda sare ee Ruushka, mana jirto dan uu Vladimir Putin ku qabo la kulankiisa. Ilo ku dhow Kremlin-ka ayaa The Guardian u sheegay in madaxweynaha Ruushka uu Assad u arko “mid aan wax micno ah lahayn".

  12. Shirweynaha caalamiga ah ee Dawo-Dhaqameedka iyo waxa looga hadlayo

    Dawo dhaqameed

    Xigashada Sawirka, X

    Shir madaxeedka caalamiga ah ee labaad ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ee ku saabsan dawo-dhaqameedka, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen hay’adda iyo dawladda Hindiya, ayaa furmay maanta, kaas oo ay isugu imanayaan wasiirro, saynisyahano, hoggaamiyeyaasha asaliga ah, iyo dhakhaatiir ka kala socda in ka badan 100 waddan.

    Shir-madaxeedka ayaa la filayaa in loogu dhawaaqo hindisayaal cilmiyeed oo waaweyn iyo ballanqaadyo cusub oo looga golleeyahay horumarinta hirgelinta Istaraatiijiyadda Daawada Dhaqameedka Caalamiga ah ee WHO 2025-2034, oo udub dhexaad u ah caddaymo adag, xeerar intii hore ka wanaagsan, isdhexgalka nidaamyada, iskaashiga iyo ka qaybgalka bulshada.

    Daawo dhaqameedka waxa ay ka kooban tahay habab la isku duubay iyo kuwo aan astaamo lahayn oo ka horeeyey nidaamka biomedicine-ka oo u sii horumaray isticmaalka casriga ah.

    Qaar badan oo dawo-dhaqameedka ah ayaa weli ah isha ugu weyn ee daryeelka caafimaadka-maxali ahaan la heli karo, la awoodi karo iyo dhaqan-dhaqmeed-iyo kuwo kale oo badan, waa doorasho caafimaad oo dabiici ah oo la door biday. Ku dhawaad ​​90% wadamada xubnaha ka ah WHO (170 ka mid ah 194ka xubnood) ayaa sheegay in 40-90% dadkooda ay isticmaalaan Dawo-dhaqameedka.

  13. Nin xaaskiisa iyo hooyadii ku dilay Goldogob

    Goldogob

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Degmada goldogob ee gobolka Mudug ayaa shalay sida wararku sheegayaan waxaa shalay ka dhacay dil fool xun kaasoo uu gaystay nin la sheegay inuu dilay xaaskiisa iyo hooyadiis.

    Ciidanka booliska ee degmada ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ninkii dilka gaystay.

    Dilka markii uu dhacay ka dib ayaan la xiriirnay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xuseen Cali warsame, wuxuuna uga warramay weriyaha BBC Faarax Lamaane sidii ay wax u dheceen.

    Halkan hoose ka dhegeyso waraysiga

  14. Trump oo askarta Ameerikaanka midkiiba siiyey lacag ka badan $1,700

    Trump

    Xigashada Sawirka, AP

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu siinayo abaalmarin dhaqaale ku dhawaad ​​hal milyan iyo bar ka mid ah askarta Maraykanka. Waxa uu sheegay in mid walba uu heli doono "qayb dagaalyahan" oo dhan kun iyo toddoba boqol iyo lix iyo toddobaatan dollar -- tiradaas oo loo doortay in ay la mid tahay taariikhda uu madax-bannaanida qaatay Mareykanka.

    Mr Trump ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu u jeediyay shacabka dalkaas, isagoo ku soo bandhigay waxyaabaha uu u arko guulaha uu gaaray sannadkiisii ​​ugu horreeyay ee xafiiska.

    “11 bilood ka hor qwaxaan dhaxlay qas, waanan hagaajinayaa” ayuu yiri.

    Wuxuu kaloo Trump ku faanay in dhaqaalaha uu sare u soo qaaday.