You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo ku hanjabay in uu "tirtirayo" tas-hiilaadka tamarta Iran haddii aan heshiis loo gaarin 'si dhaqso ah'

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa barbar socda kuwa saraakiisha Mareykanka ee sida ay ciidanka ugu diyaarsan yihiin inay howlgallo dhulka ah fuliyaan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Rajo laga muujiyay wadahadalaada Iiraan iyo Mareykanka

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegay in labadaba Iiraan iyo Mareykanka ay “muujiyeen kalsooni ay ku qabaan Pakistan si ay u fududeyso wada-hadallo”.

    Wuxuu sheegay in Pakistan “sharaf u arki doonto inay martigeliso oo fududeyso wada-hadallo macno leh oo dhex mara labada dhinac maalmaha soo socda”.

    Si kastaba ha ahaatee, lama xusin in Iiraan ama Mareykanku ay xaqiijiyeen inay ka qayb qaadanayaan wada-hadallada nabadda.

    Wasiirka arrimaha dibadda Ishaq Dar ayaa hadalladan jeediyay kadib maalintii ugu horreysay ee shirar ka dhacay Islamabad, kuwaas oo ay ka qaybgaleen wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Masar.

    Sida uu sheegay Dar, kooxdu waxay ka wada hadleen siyaabo suurtagal ah oo lagu soo afjari karo dagaalka ka socda gobolka si degdeg ah oo joogto ah. Wuxuu sidoo kale muujiyay mahadnaq qoto dheer oo uu u hayo saddexda dal ee taageeray dadaallada Pakistan ee nabadda gobolka.

    Dar wuxuu kaloo sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo labaduba muujiyay taageero ay u hayaan hindisaha nabadeed.

    c04x570g903t

  2. Wararkii ugu dambeeyay ee dagalka iraan

    • Qiimaha shidaalka ayaa kor u dhaafay $115 halkii foosto iyadoo suuqyada Aasiya ay furmeen.
    • Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay duqeynayaan bartilmaameedyo ku yaal caasimadda Iiraan, Tehran, wax yar kadib markii qaraxyo culus laga soo sheegay magaalada.
    • Wasaaradda Tamarta ee Iiraan ayaa sheegtay in weerarro lagu qaaday “kaabayaasha korontada” ay sababeen korontada oo go’day ka dhacay qaybo ka mid ah gobollada Tehran iyo Alborz, balse korontadu u muuqato in dib loogu soo celiyay inta badan meelaha.
    • Koonfurta Israa’iil, dab-damisyadu waxay xakameeyeen dab weyn oo ka kacay aagga warshadaha ee Neot Hovav, halkaas oo hore loogu dhawaaqay “shil walxo halis ah”. IDF ayaa sheegtay in ay suuragal tahay inuu sababay firir gantaal.
    • Dhanka Lubnaan, jaamacad Mareykan ah oo ku taalla Beirut ayaa si online ah u shaqeynaysa kadib markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay hanjabaad u jeediyeen jaamacadaha Mareykanka iyo Israa’iil. Tani waxay timid kadib markii laba jaamacadood oo Iiraan ku yaal lagu weeraray duqeymo Sabtidii—midda ku taalla Isfahan ayaana mar kale la weeraray Axaddii.
    • Lubnaan ayaa sidoo kale lagu aasay saddex suxufi oo Lubnaani ah oo lagu dilay duqeyn la sheegay inay si gaar ah u beegsatay, iyadoo boqolaal qof ay isugu soo baxeen baroordiiq.
    • Weerarro ayaa laga soo sheegay guud ahaan gobolka Khaliijka—oo ay ku jirto Kuwait, halkaas oo 10 askari ay ku dhaawacmeen. Gudaha Sacuudi Carabiya, sawirro ayaa muujinaya diyaarad ciidan oo Mareykan ah oo si weyn u burburtay oo ku taalla saldhig ciidan.