Caasimadda dalka Mexico waxaa dhowaan ka soo ambabaxay diyaarad ay
saran yihiin 16 eey oo ah kuwa ka qeyb qaata howlaha samatabixinta iyo barista dadka
xilliyada ay dhacaan dhulgariirada .
Mexico xilliga waxy caan ku tahay dhul gariirada waxayna leedahay
kooxo rayid ah iyo militari taqasus ku ah arrimaha badbaadinta iyo
samatabixinta kuwaas oo la geeyo meel kasta oo ay masiibo ka dhacdo.
Eeyaha hadda la soo qaaday ayaa ku guuleystay in ay hantaan
qalbiyada dadka Mexico xilliguu uu dhacay dhul gariirkii dalkaas ka dhacay
2017kii xilligaas oo ay badbaadiyeen nafo fara badan.
Mid ka mid ah eeyaha oo Frida la yiraahdo ayaa noqotay mid caan ah
oo calami ah ka dib markii la arkay iyadoo burbur ka baaraysa burbur hoostiis
gudha magaalada Mexico City xirana kabo boot ah iyo muraayadaha aragga .
Ciidamada Badda ayaa ku sharfay eydaasi in ay badbaadisay 12
qofisla markaana isla markaana 40 qof
ay bannaanka keentay howlgaladii ka dhacay Mexico. Eygaasi Freda ayaa
geeriyootay sanadkii horeiyadoo
duqowday.
Eeyihii kale ee ay isku kooxda ahaayeen ee ay 2017kii howlgalada
ku wada jireen ayaa haatan loo soo qaaday Turkiga .
Abaabulkan kooxdan eeyaha tababaran ayaa loo maray wasaaradda
Arrimaha Dibedda ee Mexico si ay gacan u siiyaan dadka Turkiga ee qaarkood laga
yaabo in ay weli ku hoos jiraan burburka dhulgariirka
Croatia , Jamhuuriyadda Czech, Jarmalka , Giriigga , liibiya ,
Poland , Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sidoo kale keenaya eeyo tababaran