Galmudug oo soo qabatay 'odeyaal la macaamilayay' Al-Shabaab
Ciidamada
ammaanka ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen odayaal la
sheegay inay la macaamileen ururka Al-Shabaab.
Odayaasha
oo gaaraya saddex, ayaa sida la sheegay ka soo laabtay deegaanno ay maamulaan
Al-Shabaab oo ka tirsan Galmudug, waxaana la qabtay kaddib markii ay ka war
bixiyeen heshiis ay sheegeen inay la galeen Shabaab.
Haddaba
muxuu yahay heshiiskaas? waxaan faahfaahin intaas dheer weydinnay wasiirka
amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo marka hore ka war-bixinayaa
odayaasha la soo qabtay.
Qoraalka Codka, Odeyaasha la macaamilay Al-Shabaab
Mas’uuliyiinta
dalka Sudan ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqay koonfurta gobolka Darfur kadib
dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.
Sida
laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sudan, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay
in dagaal uu ka dhex qarxay beelaha Dajo iyo Rizeigat ee wada dego gobolka.
Darfur waxaa ka dhacay colaad u dhexeysa
qowmiyadaha beeraleyda ah iyo xoola dhaqatada ah taasoo lala xiriiriyay dhinaca
kheyraadka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dagaalka ka dhacay gobolka Darfur
Madaxweyne Erdogan iyo Muslimiinta kale ee dunida ugu saameynta badan?
Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka.
Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacay Paris
Dibad
baxyo qallaase wata ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Paris ee dalka
Faransiiska kuwaasi oo ka dhashay dad Kurdiyiin ah oo Faransiiska lagu dilay.
Dadka
dibadbaxyada dhigaya ayaa dab ku tuurayay booliska halka booliska ay ugu
jawaabayeen sunta dadka ka ilimeysiisa.
Ma
ahan markii ugu horreysay ee Kurdiyiinta ku nool Paris lagu weeraray dalkaasi,
qaar ka mida dadka Kurdiyiinta ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in
careysanyihiin isla markaana murugeysan yihiin oo ay hadda u baahanyihiin caddaalad.
Saddex
qof ayaa ku dhimatay weerarkii Jimcihii ka dhacay Paris kadib markii la
beegsaday maqaaxi iyo dhaqanka qaabilsan oo ay leeyihiin Kurdiyiinta.
Ninka
weerarka qaaday oo isku tilmaamay nin cunsuri ah ayaa waxaa lagu hayaa xarun lagu
daweeyo xanuunada dhimirka inkasta oo sababa caafimaad looga sii daayay
halkaas.
In ka badan 50 qof oo ku dhaawacantay shil ka dhacay Canada
In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawcantay shil ka dhacay gobolka British
Columbia ee dalka Canada.
Shilkan tareen ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Merrit
halkaasoo uu heerka qabowga uu gaaray -3.9C.
Lama ogo waxa sababay shilkan.
Guddoomiyaha gobolka David Eby ayaa sheegay
in uu ka naxay markii uu maqlay dhacdadan shilka.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawacantay shilka
Shaqaale ku dhintay howlo miino baaris ah gudaha Ukraine
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha ku sugan dalka Ukraine ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah lagu dilay hawlgallo miino baaris ah oo Sabtidii ka dhacay gobolka Kherson ee koonfurta dalkaasi.
Maamulka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayeen deegaan laga xoreeyay ciidamada Ruushka.
Waxaa ku qarxay miino xilli ay doonayeen inay ka saaraan halkaas.
Weerarada ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kherson tan iyo markii ciidamada Ruushka laga saaray bishii hore.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo farriin soo diray xaley, wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushka aysan waxyeello u geysan doonin waxa uu ugu yeeray dadka reer Ukraine ee aan gabban.
Wasiirkii
Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo iska casilay xilkii
wasiirnimo ee uu ka hayey maamulkaasi ayaa ku eedeeyey madaxweynaha maamulka Koonfur
Galbeed mas'uuliyadda dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo.
Iscasilaaddiisa
ayaa salka ku heysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi iyo dagaalkii
dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo oo sida uu sheegay ay horey uga digeen.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin adag u diray 'ciidamada fududeeya' qaraxyada
Xigashada Sawirka, SNTV
Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin u dirayay ciidamada dowladda ayaa
sheegay in qarax kasta oo ka dhaca magaalada Muqdisho lasoo marsiiyo baraha
koontrool ay ciidamada joogaan isla markaana aysan macquul aheyn in arrintaas
mar kasta dhacdo.
Wuxuu
ku tilmaamay askarta fududeysa qaraxyada ay yihiin ‘kuwa dadka laayay’.
“Baabuur
kasta oo siday qarax kasta oo Muqdisho ka dhacay iyo waxa wax lagu qarxiyay bal
kontarool buu soo maray , meel askari joogo buu soo maray, ama boolis ha ahaado
ama nabad sugid ha ahaado ama militeri ha ahaado-meel askari taagan yahay buu
soo maray..askariga qaraxda dadka kusoo daaynayo ogow dadka adaa dishay ”.
Wuxuu
intaa ku daray inay haatan ay socoto baaritaan lagu hayo saraakiil ka tirsan
ciidamada oo ay la kaashanayaan hay’ado ajanabi ah kuwaasoo loo heystay inay
baabuur siday qaraxyada ay ksoo daayeen baro kontarool.
“Waa
lagu daba joogaa maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabanayaa”.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Taalibaan iyo Al-Qaacida la soo tababartay
Halkee ayay marayaan dadaallada lagu xallinayo khilaafka Baydhabo?
Culimaa'udiinka gobolka Koonfur Galbeed oo ilaa shalay waday waanwaan ay ku deminayaan shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ay u dirayaan labada dhinac, waxaanay wadaan isku dayo ay kula kulmayaan maamulka iyo mucaaradkaba.
Shariif Maxamuud Sheekh Xasan oo ah gudoomiyaha gudidaa culimada ah ee dedaalka wadda ayaa BBC-da uga warramay halka ay wax marayaan.
Qoraalka Codka, Dadaallada ay wadaan culimada awdiinka Baydhabo
Tallaabo ay qaadeen Taliban oo uu Imaamka weyn ee Al-Azhar sheegay inay shareecada kasoo horjeedo
Imaamka
weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo
in uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay inay
wax ka dhigtaan jaamacadaha dalkaas.
Shekh
Axmed Al Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay waddaaadka ugu sameynta badan muslimiinta
suniga ah ayaa ku baaqay ragga iyo dumarka inay wax bartaan.
Wuxuu
ku tilmaamay go’aanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta
Taliban inay ka laabtaan go’aanka.
Horraantii
toddobaadkan ayay aheyd markii Taliban ay haweenka ka mamnuucday inay wax ka
bartaan jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.
Waxay
amar ku siiyeen jaamacadaha inay qaabilin gabdhaha.
Dhageyso: Hooyo Soomaaliyeed iyo shan carruura ay dhashay oo ku dhintay dab ka kacay Faransiiska
Magaalada
Lyon ee dalka Faransiiska waxaa shalay lagu aasay lix qof oo Soomaali ah oo ku
dhintay dab ka kacay dhisme ay degenaayeen toddobaad ka hor.
Muna Budul iyo 5 caruura oo ay dhashay ayaa
halkaa ku dhintay, dawladda ayaa baaris kuwadda sida wax u dhaceen.
Cumar
Cigaal Nuur waa Guddoomiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee Faransiiska oo gurmadka ka
qayb qaatay ayaa BBC-da uga warramay sida
wax u dhaceen.
Qoraalka Codka, Soomaali ku dhimatay Lyon
Baaq loo jeediyay maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah
Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA KOONFUR GALBEED
Siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga qabtay dowladda
Soomaaliya ayaa wada hadal ugu baaqat ugu baaqay maamulka koofur galbeed iyo
siyaasiyiinta uu khilaafku Siyaasadeed ka dhaxeeyo .
Khilaafkaas ayaasababay iska hor imaad iyo dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku
dhinteen dad
Siyaasiyiinta baaqan soo saaray ayaa kala :
Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Madaxweynihii hore ee
Soomalaiya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya,
Xasan Cali Kheyre– Ra’iiul wasaarihii hore ee Soomaaliya Iyo Cabdi Weli Maxamed
Cali Gaas oo isna ka mid ra'iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya.
Siyaasiyiintaas ayaa baaqoooda ku sheegay in xilligan
Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab ayna nasiib darro tahay sida ay
yiraahdeen in dalka soomaaliya uu manta ka dhaco dagaal aan ahayn kan lagula
jiro Al-Shabaab.
Waxayna tacsi u direen dadkii ku dhintay iyagoo
caafimaadqab Ilaah ug baryeyy intii kale ee ku dhaawacaantay .
Waxay ugu baaqeen dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka
Koonfur Galbeedin dhabbaha wadahadalka
la qaado laguna qanco in Koonfur Galbeed laga hirgaliyo doorasho la isla oggol
yahay.
Shaley ayay aheyd markii dowladda federaalka ee
Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun
tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad
Goboleedka Koonfuur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Asalaamu Caleykum!
Kulanti wanaagsan kuna soo dhawaada tebinta tooska ee aad kaga bogan doontaan wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba.