WhatsApp oo si buuxda dib ugu soo laabtay hawada

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Mustafe Cumar: "Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay waxaa la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay".

    Madaxweynaha Dolwad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Dolwad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

    Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

    Waxaa uu sidookale sheegay in xannuunka la qeybsanayo dadkii dhaawacmay.

    "Waxaa la aasaasay guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan", ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

    Waxaa uu sidookale shegay in askarigii dilka geystay uu mudan doono ciqaab.

    "Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin", ayuu intaas raaciyay madaxweynuhu.

  2. Khaasaraha guud ee ka dhashay rasaasta ka dhacday garoonka Jigjiga

    Inta ilaa hadda la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay rasaasta ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaana ku dhaawacmay afar qof.

    Qofka dhintay ayaa ah xildhibaan Juweeria Subcis oo ahayd xildhibaanad laga soo doortay gobolka Doolo ee degmada Daratoole.

    Mid kamid ah afarta qof ee dhaawacu soo gaaray ayaa ah maareeyaha garoonka.

    Sadex qof oo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Referaalka ee Dowlad deegaanka halka midka kalena uu yaallo isbitaalka Kaara mardha.

  3. Askarigii rasaasta ku furay garoonka Jigjiga oo gacanta lagu soo dhigay.

    Juweeriya ayaa ahayd xildhibaan laga soo doortay gobolka Doolo ee degmada Daratoole.

    Xigashada Sawirka, @Juweria Subcis, Facebook

    Qoraalka sawirka, Juweeriya ayaa ahayd xildhibaan laga soo doortay gobolka Doolo ee degmada Daratoole.

    Taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamed Xassan, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaas uu furay ay ku dhimatay gabar ka tirsaneyd xildhibaannada deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, oo lagu magacaabi jiray Juweeriya Subcis, halka afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

    Waxaa uu sheegay in aanan weli la ogeyn sababta uu askarigaas xabadda ugu furay dadkii safrayay, balse uu socdo baaritaan.

    Juweeriya ayaa ahayd xildhibaan laga soo doortay gobolka Doolo ee degmada Daratoole.

    Waxay sidookale kamid ahayd xubnihii dhawaan loo doortay xisbiga talada hayya ee Barwaaqo.

  4. Faahfaahinta rasaas ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

    Juweria Subcis

    Xigashada Sawirka, Juweria Subcis, Facebook

    Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabi jiray Juweeriya Subcis ayaa ku geeriyootay rasaas galabta ka dhex dhacday garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

    Rasaasta oo uu riday askari ka mid ah ilaalada garoonka ayaa sababtay dhaawaca shan qof oo kale.

    Xildhibaanadda geeriyootay oo laga soo doortay gobolka Doolo ayaa waqti badan ka shaqeyneysay howlaha gargaarka.

    Lama oga sababta rasmiga ah ee uu askarigu rasaasta u furay, hase yeeshee, dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ay ka dambeysay markii ay murmeen askari kale oo ay ka wada tirsan yihiin ciidanka federaalka ee ilaaliya amniga garoonka.

    Dhaawacyada ayaa intooda badan ahaa rakaab ka dhoofayay garoonka.

    Falkan wuxuu hakiyay howshii garoonka diyaaradaha.

    Ciidanka Liyuu boolis oo goobta gaaray ayaa xiray askariga rasaasta furay.

  5. Wadahadallo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda Tigray oo ka socda Koonfur Afrika

    Caasimadda Tigray ee Maqalle waxaa ka dhacay duqeymo ay geysteen diyaaradaha Drones-ka

    Xigashada Sawirka, AC

    Qoraalka sawirka, Caasimadda Tigray ee Maqalle waxaa ka dhacay duqeymo ay geysteen diyaaradaha Drones-ka

    Wadahadallo nabadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda taagan gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa ka socdaa dalka Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay afhayeenka madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

    Wadahadalladan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla Tigray.

    Koonfur Afrika waxay ku rajo weyn tahay in wadahadallada ay noqdaan kuwa mirodhal ah oo horseedi doono in lasoo afjaro dagaalka.

    Wuxuu intaa ku daray in wadahadallada nabadeed lasoo gabagabeyn doono 30-ka Bishan October.

    Dhinaca dowladda federaalka ee Itoobiya waxaa wadahallada uga qeybgalayaa Redwan Hussein oo ah la taliyaha arrimaha amniga ee Ra’iisul Wasaare Abiy iyo wasiirka caddaaladda Gedion Timotheos, sida uu ku warramayo wargeyska kasoo baxa Koonfur Afrika ee Daily Maverick.

    Halka TPLF ay wadahadallada ku matalayaan afahayeenkooda Getachew Reda iyo janaraalka caanka ah general Tsadkan Gebretensae.

  6. Siciid Cabdullaahi Deni: Guddiga doorashada waxay u diyaarsan yihiin inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah

    Siciid Cabdullaahi Deni

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND TV

    Qoraalka sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay inay ka go'an tahay inuu qabto doorashada qofka iyo codka ah ee la asteeyay inay ka dhacdo dhowr iyo soddon deegaan oo maamulkaasi ka tirsan.

    Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 51-aad ee baarlamaanka Puntland, ayaa intaasi ku daray in maalinta berita ah uu soo magacaabo doono xaakimiinta Maxkamadda Sare ee maamulkaasi, kuwaasi oo qaadi doona ashtakooyinka soo bixi doona.

    "Guddiga doorashooyinka waxay diyaarsan yihiin agab, xirfad iyo farsamo ahaan ayna bilaabeen u kuurgalka wacyiga iyo qiimeynta xaaladda qabsoomidda doorashada" ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni

    Wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo talo ku biirineysa geeddi-socodka arrimaha doorashada ee Puntland.

  7. Shirka looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Maxaas

    Waxaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan maanta ka dhacay shir loogaga hadlayay ammaanka gobolka Hiiraan iyo xoojinta duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi ka socda.

    Shirkan oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya, ayaa ujeeda loo qabtay waxaa kamid ah sidii dagaalka loogu samayn lahaa maamul, difaac, iyo taakulaynba.

    Siyaasiyiinta shirkaas hogaaminaysa waxaa kamid ah, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali 'Sanbalolshe' ayaa BBC uga warramay ujeedka shirkaas.

    Qoraalka Codka, Shirka looga hadlayay arrimaha amniga
  8. Rishi Sunak oo si rasmi ah u noqday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK

    Rishi Sunak oo la kulmay boqor Charles

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Rishi Sunak oo la kulmay boqor Charles

    Rishi Sunak ayaa haatan noqday Ra’iisul Wasaarihii 57-aad ee UK kadib markii qasriga Buckingham uu maanta kula kulmay boqor Charles.

    Boqorka ayaa ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad cusub.

    Waa Ra’iisul Wasaarihii ay yeelato UK muddo sanad ah, Rishi Sunak ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii ugu da’da yaraa ee soo mara UK muddo labo qarni gudahood.

  9. WhatsApp oo si buuxda dib ugu soo laabtay hawada

    Waxaa hawada dib ugu soo laabtay WhatsApp kadib cilad ku timid bartan oo saameyay dad badan guud ahaan caalamka.

    Dad badan waxay isugu diri waayeen farriimaha WhatsApp taasoo ay isticmaalaan ku dhawaad 2 bilyan oo qof.

    Dad badan oo adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn u hadal hayay ciladda ku timid WhatsApp.

    WhatsApp

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  10. Meydka weriyihii lagu dilay Kenya oo la qaaday Pakistan

    Arshad Shariif

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Arshad Shariif

    Waxaa dalka Pakistan loo qaaday meydka weriye Arshad Shariif oo Axaddii ay toogteen booliska Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta Dunya oo uu ka shaqeyn jiray weriyaha la dilay ka hor inta uusan kasoo bixin dalkaas bishii August.

    Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta meydkiisa laga dejiyo magaalada Islamabad kadib markii meydkiisa lasii marsiiyay magaalada Doha ee Qatar.

    Waxaana lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla Islamabad.

    Booliska Kenya ayaa shaley xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.

    Arshad Shariif ayaa lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.

    Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.

  11. Shirkadda WhatsApp oo ka hadashay ciladda ku timid

    Afahayeen u hadlay shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa sheegay in dadka qaar ay haatan ay dhibaato kala kulmayaan farrimaha la isugu diro WhatsApp isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii meesha looga saari lahaa ciladdaas.

    “Waxaan la soconnaa in dadka qaar ay haatan dhibaato kala kulmayaan farriimaha la isugu diro WhatsApp, waxaan si deg deg ah uga shaqeyneynaa sidii aan ciladdaas meesha uga saari laheyn”

    Sida laga soo xigtay hay’adda dusha kala socota Internetka ee NetBlocks ayaa sheegtay in ciladda ay saameysay dadka isticmaala WhatsApp ee ku sugan guud ahaan caalamka.

  12. WhatsApp-ka oo hawada ka baxay

    WhatsApp

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa hawada ka maqan barta WhatsApp-ka oo ay dad badan si weyn u adeegsadaan, waxay arrintan saameysay dad isticmaala WhatsApp guud ahaan caalamka.

    Shirkadda Meta ee leh WhatsApp ayaa saaka shaacisay ciladdan.

    Dad badan ayaa baraha bulshada ku baahinayay cabasho ku aadan in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri karin ama wax farriin ah uusan qofka heleynin.

    WhatsApp, waxaa isticmaalaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.

    Waa mid kamid ah baraha caanka ka ah adduunka.

  13. Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay dab ka kacay iskuul ay dhigtaan ardey aragga naafo ka ah

    .

    Booliska Uganda ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku jiraan ardey ay ku dhinteen dabka ka kacay iskuul ay dhigtaan ardey aragga naafo ah oo ku yaalla deegaanka Mukono ee dhaca bariga caasimadda Kampala.

    Booliska waxay intaa ku dareen in 6 qof kale ay xaaladdoodu halis tahay isla markaana lagu daweynayo isbitaalka Herona.

    Waxaa bilowday baaritaannada lagu ogaanayo waxa sababay dabka saaka iskuulka Salaam oo ay dhigtaan ardeyda aragga naafada ka ah.

    Dabkan ayaa saameeyay guryaha ay jiiftaan ardeyda ee iskuulka.

    Uganda waxaa kusoo noqnoqday dabka ka kaca iskuulada, mararka qaar wuxuu ka bilowdaa dabka shumaca ay ardeyda ku dhex shitaan qolalka jiifka marka ay korontada tegto.

  14. Rishi Sunak oo maanta la kulmaya boqor Charles

    Rishi Sunak

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Rishi Sunak

    Rishi Sunak ayaa noqonaya Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka UK isagoo beddelaya Liz Truss oo iscasishay toddobaadkan ka dib markii qorsheyaashii dhaqaale ee ay wadatay ay shaqeyn waayeen.

    Boqor Charles ayaa rasmi ah xilkaasi ugu magacaabi doono maanta oo talaada ah isla marka ra'iisal-wasaaraha xilka ka sii degaya ee Liz Truss ay is-casilaaddeeda u gudbisay boqorka.

    Rishi Sunak ayaa u safri doonaa qasriga Buckingham isagoo halkaa kula kulmi doono boqorka oo kusoo dhaweyn doono in uu soo dhiso xukuumad cusub.

    Sunaka ayaa intaa kadib kusoo laaban doonaa xarunta Downing Street isagoo khudbad ka jeedin doono halkaas.

    Waxaa isha si weyn loogu hayaa xukuumadda uu soo dhiso doono ninka Ra’iisul Wasaaraha ka noqonaya UK.

    Rishi Sunak ayaa xilka Ra'iisul Wasaaraha Britain la wareegaya xilli dalkaasi u wajahayo dhibaatooyin dhaqaale, kuwaa oo caqabad ku noqday hoggaanka xisbiga muxaafidka ee Ingiriiska, keentayna in loo baahdo isbedel siyaasadeed.

    Rishi Sunak ayaa noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii ugu da’da yaraa ee soo mara UK muddo ka badan 200 sano.

    Waraka kale:

  15. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.