War deg deg ah, Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Ruushka
Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay iskuul ku yaalla bartamaha Ruushka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.
Waxaana goobta uu falkan ka dhacay gaaray gawaarida gurmadka deg deg ah iyo ciidamada amniga.
Iskuulkan uu weerarkan ka dhacay waxaa ku sugnaa 1000 ardey ah iyo 80 macalimiin ah.
Waxaa lagu soo warramaya in ninka weerarka geystay uu is dilay, lamana ogo sababta uu rasaasta ugu furay iskuulka.