Madaxa Midowga Yurub
u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Midowga Yurub inay
indhaha ka qarsan doonin hanjabaadda halista ah ee ka imaaneysa madaxweynaha
Ruushka Vladimir Putin ee ah in dagaalka Ukraine
u adeegsan doono hubka Nukliyeerka.
Josep Borrell wuxuu
BBC u sheegay inay si dhab ah u qaadan doonaan
hadalka kasoo baxay kadib markii uu ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka Nukliyeerka.
Hadalka
Putin ayaa imaanaya xilli Ruushka uu bilbaabay dhaqdhaqaaq uu qeyb ahaan
ciidamadiisa uu heegan ku gelinayo si ay ugu tallaabaan dhinaca afarta gobol ka
tirsan Ukraine ee uu Ruushka qabsaday.
Putin wuxuu dhawaan sheegay in heegaankan uu saameyn doono ‘muwaadiniinta
kamidka ah ciidanka keydka ah’.
Putin wuxuu sheegay in
reer galbeedka ay u handadayaan Ruushka balse Ruushka uu heysto hub badan oo
isku difaaci karo.
“Waxaan adeegsan
doonaa awood kasta oo lagu difaacayo shacabka”
Putin oo dadweynaha
kala hadlayay teleefishinka qaranka ayaa sheegay in uu qaadi doono tallaabo
kasta uu difaaco shacabka ku nool gobolka Donbas.
Wuxuu amar ku bixiyay
in sare loo qaado dhaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hagaajinta ee hubka.
Wararka kale ee la xiriira sheekdan: