You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dadka Talyaaniga oo codkooda ka dhiibanaya doorasho indhaha lagu hayo

    Dadka waddanka Talyaaniga ayaa waxa ay codkooda ka dhiibanayaan doorasho dad badan ay ku saadaalinayaan inay noqon doonto mid taariikhi ah.

    Giorgia Meloni oo hogaamisa xisbiga midig fog ee Walaalaha Talyaaniga ayaa waxa ay ku rajo-wayn tahay inay noqoto ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee haweeney ah ee uu dalkaasi yeesho, waxaana ay isbahaysi la samaysatay laba xisbi oo kale oo garabka midige ah.

    Doorashadan ayaa si dhaw loogala socdaa guud ahaan qaaradda Yurub.

    Kudhawaad 51 milyan oo qof oo Talyaaniga u dhashay ayaa codkooda ka dhiiban kara doorashadan codbixinteeda ay xirmayso caawa saqda dhexe.

    Gelinkii hore ee manta waxaa doorashadan u soo baxay 19% taas oo u eg doorashadii la qabtay afar sanadood ka hor, hasayeeshee safaf dhaadheer ayaa laga soo tebiyay qaar kamid ah goobaha codbixinta ee magaalada caasimadda ah ee Rome.

  2. Dad badan oo ku dhintay weerrar gaadma ah oo ka dhacay waqooyiga Kenya

    Booliska waqooyiga Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan kow iyo toban qof oo ay ku jiraan sideed askari ay dileen burcad lo' dhacaysay.

    Askarta ayaa waxa ay baadigoobayeen xubno ka tirsan qowmiyadda Pokot kuwaas oo goor sii horraysay weerrar ku ekeeyay tuulo halkaas ku taal kaddibna lo' ay goobtaasi kala baxsadeen.

    Caaqil deegaankaasi ka soo jeeda ayaa kamid ah dadka ku baxay qulqulatada Sabtidii ka dhacday Deegaanka Turkana.

    Bayaan ka soo baxay booliska Kenya ayaa weerrarkaasi ku tilmaamay inuu ahaa faldambi gaadma ah oo fulaynimo ah.

    Horraantii bishii Agoosto ayaa isla deegaankaasi ugu yaraan todoba qof nolosha lagu gubay illaa ay nafta ka baxday, xilligaas waxaa jiray weerraro looga shakiyay inay ka dambeeyeen maleeshiyaadka qowmiyadda Pokot.

    Dhaca xoolaha iyo iskudhacyada salka ku haya daaqa xoolaha ayaa ku badan deegaannada saxara xigeenka ah ee Kenya.

  3. Tirada dadka ku dhintay qaraxii saldhigga milateri ee Muqdisho oo korortay

    Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa oo iskuqarxiyay saldhig milateri oo ku yaal magaalada caasimadda ah, ee Muqdisho, uu dilay ugu yaraan 7-ba qof, halka sagaal kalana ay dhaawacmeen.

    Qofka isqarxiyay ayaa iska soo dhigay askari kaddibna waxa uu galay saf ay ku jireen dad doonayay inay iska qoraan milateriga, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee saldhigga milateri.

    Ururka jihaadiga ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerrarkaasi.

    Ururkan xiriirka la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa waxa uu wajahayay cadaadis milateri oo maalmihii la soo dhaafay ka haystay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

    Ciidammo ay dowladda baritaarayso oo ay hawada ka taageerayaan nabad ilaaliyayaasha caalamiga ah, ayaa waxa ay Shabaab dib uga qabsadeen dhul ay muddo haysteen.

  4. Matxafka ay yeellaan qorigii Osama Bin Ladin iyo jaakaddii Sadaam Xuseen

    Waa matxaf aan caadi ahayn - oo noociisa oo kale aan laga helin dunida oo ay ka buuxaan farshaxanno taariikhi ah. Laakiin albaabada matxafkan ma ahan mid u furuan dadka caadiga ah.

    Waa goobta kaliya ee qofka booqasho ku tagaa uu ku arki karo qorigii uu watay Osama Bin Ladin markii la dilayay, waxaa qorigaas dhiniciisa yaalla jaakadda maqaarka ka sameysan ee uu lahaan jiray madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen.

    Wuxuu ku yaallaa gudaha xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Maraykanka ee magaalada Langley, ee gobolka Virginia, hadda ayaana la dayactiray si loogu xuso sannad-guurada 75-aad ee hay’adda. Koox yar warbaahinta ka socta , oo ay ku jirto BBC-da, ayaa la siiyay fursad naadir ah.

  5. Orodyahan reer Kenya ah oo mar kale rikoor cusub dhigay

    Orodyahan Eliud Kipchoge oo maanta ka qeybgalay tartan ka dhacay caasimadda Jarmalka ayaa jebiyay rikoorkii uu horay u dhigay ee maradoonka ragga.

    Ninka 37 jirka ah u dhashay Kenya ayaa waxa uu ku orday laba saac, daqiiqad iyo sagaal ilbiriqsi, waqtigaas oo 30 ilbiriqsi ka yar rikoorkiisii hore ee uu isla caasimadda Berlin ku dhigay afar sano ka hor.

    Eliud Kipchoge ayaa sanadkii 2018 ku guuleystay tartankii orodka adduunka ee ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

    Wuxuu sanadkaas noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda wax ka yar 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.

  6. "Kulanka cabashada" ee dhexmaray Soomaalida iyo xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka

    Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa xalay lagu qabtay kulan dhex maray Soomaalida gobolkaasi iyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee gobolka oo doonayay in xiriir ay la yeeshaan bulshada Soomaalida.

    Dadyowga Soomaalida ahi ee Mareykanka ayaa u badan xisbiga Dimuquraadiga oo qaarkood ayba xilal ka hayaan, waxaana inta badan ay xisbiga jamhuuriga ku eedeeyaan Soomalai naceyb, walow haatan xisbigaasi uu isku dayayo in uu soo jiito quluubta iyo taageerada Soomaalida gobolkaasi.

    Kulanka xalay oo loogu magac daray habeenka cashada Soomaalida iyo jamhuuriga ayaa imaanaya xilli dhawaan la filayo in dalka Mareykanka ay ka dhacdo doorashooyinka xilliga dhexe.

    Weriye Siyaad Siciid Saalax ayaa ka warramaya.

  7. Militeriga Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah oo la wareegay degmada Moqokori

    Ciidamada Miltariga Soomaaliya oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ayaa barqadii galay maagalada Moqokori oo ku taala bariga fog ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaas isaga baxeen ururka Al-Shabaab.

    Inta aanay ciidamada dawladda iyo miliishiyada deegaanka ah aanay qabsan Moqokori waxay horey gacanta ugu sii dhigeen tuulooyin ay kamid yihiin Gumare, Mooro eri, iyo Terdo oo dhammaantood ku dhow Moqokori.

    Al-Shabaab ayaa xukumayay Moqokori tan iyo bishii Septemer sanadkii 2016 kii, markaas oo ay qabsadeen kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dawladda iyo kuwii Itooiya ee halkaasi joogay.

    Dhinaca kale hawgallo kale ayaa iyana lagu soo waramayaa in ciidamada dawladdu ka wadaan gobolka Galgaduud ee isla bartamaha Soomaaliya, waxaana uu weriyaha BBC-da uu soo sheegayaa in ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ay galeen dhawr tuulo oo Bari ka xiga magaalada Baxdo.

  8. Madaxweynaha Ukraine: Ciidamada kasoo goosta Ruushka si wanaagsan ayaan ula dhaqmi doonaa

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmi doono ciidamada kasoo goosta Ruushka.

    Zelensky wuxuu ka codsaday ciidamada Ruushka inay isaga baxsadaan halkaas ama ay isu soo dhiibaan Ukraine baddalkii loo maxkamadeyn lahaa inay galeen dambiyo dagaal.

    “Waxaa wanaagsan laheyd in ciidamada Ruushka ay isku soo dhiibaan Ukraine intii lagu dili lahaa duqeymaheena”

    Arrintan ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Ruushka Putin uu Sabtidii saxeexay sharci dhigaya in 10 sano xarig ah uu mudan karo askari kasta oo diida in uu dagaalka ka qeyb qaato ama sameeya amar diido.

  9. War deg deg ah, Khasaare ka dhashay qarax ismaadin ah oo ka dhacay saldhig militerig oo ku yaalla Muqdisho

    Qarax ismaadin ah ayaa ka dhacay saldhig militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas ku dhintay hal askari halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Xeradan ayaa ku taalla degmada Wadajir, waxaana lagu magacaaba Nanac oo lagu tababaro ciidamada.

    Warbaahinta gudaha ayaa kusoo warrameysaa in khasaare badan uu ka dhashay weerarka.

    Qofka qaraxa ismaadinta geystay ayaa iska dhigayay askari xilli uu gudaha u galay saldhigga militeri oo ay ka socotay shaqo qoris ciidan.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Waxaa maalmihii lasoo dhaafay gobollada Hiiraan iyo Galgudud ka socday howlgal militeri oo deegaanadaas looga saarayo Al-Shabaab.

  10. Madaxweynaha Iran oo wacad ku maray inay tallaabo ka qaadi doonaan dibadbaxyaasha

    Madaxweynaha Iran ayaa wacad ku maray in uu tallaabo ka qaadin doono dadka dibadbaxyada dhigaya kadib dibadbaxayada saameeyay dalkaas ee looga soo horjeedo dowladda.

    Madaxweyne Ibrahim Ra’isi wuxuu sheegay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxyaasha oo isugu soo baxay gobollo badan.

    Saraakiisha waxay sheegeen in 35 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ballaaran ee ka dhashay dhimashada ku timid haweeney ay xireen booliska.

    Gabadha dhimatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini ayaa waxaa maalmo ka hor xiray booliska Tehran kadib markii ay xiray xijaab aan habbooneyn.

    Madaxweynaha Iran in la baarayo dhimashada gabadhaas halka wasiirka arrimaha gudaha Iran Ahmad Vahidi uu ku adkeystay in gabadha aan loo geysan wax jirdil ah.

    Dibadbaxyada siddeedda maalmood ka socday Iran ayaa horseeday inay isku dhacaan dadweynaha iyo booliska rabshadaha ka hortaga, dibadbaxyadaas oo ku baahay magaalooyin dhowr ah.

    Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ardey iyo kooxaha bulshada rayidka la xiray xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.

  11. Kuuriyada Waqooyi oo gantaal hor leh tijaabisay

    Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal kuwa riddada gaaban ah kaas oo ku dhacay xeebaha bari ee dalkaas, waa gantaalkii ugu horreeyay ay tijaabiso tan iyo bishii June, sida ay sheegeen militeriga Kuuriyada Koonfureed.

    Wasiirka gaashaandhigga Japan, Yasukazu Hamada ayaa gantaalka ku qiyaasay in uu jaray masaafo dhan ah 50 kiiloomiitar.

    Gantaalka ayaa ku dhacay meel ka baxsan xeebaha Japan.

    Gantaalkan ayaa imaanaya xilli markab diyaaradaha xambaaro uu gaaray xeebaha Kuuriyada Koonfureed kaas oo ka qeyb qaadanaya dhoolatuska wadajirka ah ay wadaan ciidamada badda xilli maalmaha nagu soo aadan lagu wado in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay booqasho ku tegto halkaas.

    Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa tijaabada gantaalka ku tilmaanta “fal dandaansi ah oo aad u daran”.

    Qaramada Midoobey waxay Kuuriyada Waqooyi ka mamnuucday inay tijaabiso hubka Nukliyeerka iyo gantaallada baalistiga balse gantaalkan ugu dambeeyay Kuuriyada Waqooyi ayaa loo maleynayaa in uu yahay nooca baalistigga.

    Wararka la xiriira sheekadan:

  12. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.

  13. Dagaal beeleed ay ku dhinteen ku dhawaad 80 qof

    Ku dhawaad 80 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay galbeedka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

    Dagaal beeleedka gobolk Mai-Ndombe ku dhex maray beelaha Teke iyo Yaka wuxuu dhacay Arbacadi iyo Khamiisti.

    Dagaalka oo daba socday go’aan lagu kordhiyey cashuurtii la siin jiray madax dhaqameedka Teke oo loo arko iney iyagu dhulka leeyihiin.

    Tani bishii August dhacdooyin noocan ah ayaa ka dhacay isla deegaanka ay beeluhu ku dagaallameen.

    Dagaalki ugu dambeeyey oo toddobaadkan dhacay waxaa ku dhintay tiro dad ah waxaaana ku barakacay dad ka badan 20,000 oo qof.

  14. In ka badan 700 oo arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda Jigjiga

    In ka badan 700 oo arday ayaa ka qalinjabisay Jaamacadda Jigjiga oo ku taalla magaalada Jigjiga.

    Ardaydan maanta qalinjabisay oo culuun kala duwan ku takhasustay ayaa ah dufcaddii 14-aad oo Jaamacadda Jigjiga ka qalinjabisa tan iyo marki Jaamacadda la aasaasay.

    704-ta arday oo maanta Jaamacadda Jigjiga ka qalin jabisay 428 ka mid ah waxay barteen culuunta caafimaadka oo heerka shahaadada koobaad ah.

    Halka ardayda soo hartayna ay shahaadada labaad ku qaateen culuunta maamulka iyo maareynta waxbarashada, maareynta iyo xisaabaadka.

    Sawirrada qalin jabinta qaarkood:

  15. Iran: 'Dibadbaxyadu waxay iisu baddalayaan kacdoon guud'

    Shacabka gudaha iyo dibadda dalka Iran dibadbaxyada ka dhigaya ayaa sheegay xaalku inuu iisu baddalayo kacdoon guud oo looga soo horjeedo nidaamka ka arrimiya dalkaasi.

    Kaveh Abbasian oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha dibadbax ka socdo magaalada London oo BBC u warramay wuxuu sheegay dibadbaxyadu iney sii ballaadhanayaan dadka daafaha dunida ku noolna ay garab uga baahan yihiin.

    "Xaalku wuxuu ku billowday xuquuq dumar oo la raadinayo iyo booliska u qaabilsan anshaxa sida ay dumarka ula dhaqmaan balse hadda xaaladdu sida ay ku socota markaan qiimeyno waxaad mooddaa xaalku inuu kacdoon guud iisu baddalayo maadaamaa ay shacabka Iran u baahan yihiin isbeddel guud oo dalkaasi ka dhaca," ayuu yiri Kaveh Abbasian

    Dibadbaxyada ka billowday dalka Iran ayaa ka dhashay marki ay dhimatay haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo loo haystay xijaabka oo ay si aan munaasab ahayn u qaadatay.

    Booliska dalka Iran waxay sheegeen tan iyo marki ay billawdeen mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo ay ku jiraan 60 haween ah.

    Dowladduna waxay sheegtay rabshadaha maalinti siddeedaad galay iney ku dhinteen ugu yaraan 35 qof.

  16. Waddani iyo UCID oo soo dhaweeyey go'aanka guddiga doorashooyinka Somaliland

    Go'aanka guddiga doorashooyinka Somaliland waxaa soo dhaweeyay labada xisbi mucaraad ee Waddani iyo UCID.

    Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal" oo BBC u warramay ayaa sheegay iney soo dhaweeynayaan go'aanka guddiga ee ah 9 bilood kaddib in doorashada la qabto go'aankaasina labada xisbi ee mucaaradka ay ka mideyssn yihiin.

    "Guddoomiyaha Xisbiga UCID qudhiisa warsaxaafadeed buu sii daayey oo wuu soo dhaweynayaa isaga qudhiisu, isaga oo nala qaba in doorashadi 13-ka November dhici lahayd laakiin madaxweynuhu arrintaa geed hoose iyo geed saraba u koray si uu ubaajiyo doorashadaasi iney wajhtigeeda dhacdo. Isku mowqif baanu nahay iskumeel baanu ka wada taagannahay iminkana haddii la yiri doorashadi June baa la qabanayaa diyaar baanu u nahay" ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal" oo BBC u warramay.

    Doorashadda Somaliland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

    Guddiga doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa shaaciyay in aanu doorashada madaxweynaha qaban karin bisha November, uuna u baahan yahay 9 bilood oo ka billaabata bisha soo socota.

  17. Dibadbaxayaal qabsaday magaalo ku taalla dalka Iran

    Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya mudaharaadyo dowladda looga soo horjeedo iney ka dhaceen magaalada Oshnavieh oo ku taalla xadka dalka Ciraaq.

    Wariyaha BBC oo la xiriiray dad magaaladaasi ku nool wuxuu sheegay mas’uuliyiinti dowladda Iran oo halkaasi ku sugnaa iney magaalada isaga carareen, ciidamada ammaankana ay dib u gurteen.

    Boolisku waxay sheegeen tani iyo marki ay billawdeen dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo 60 haween ah ay ku jiraan.

    Dibadbaxyada rabshadaha wata oo ka soconaya dalka Iran ayaa ka dhashay haweeney gacanta Booliska ku jirtay oo dhimatay.

    Warbaahinta dowladda Iran waxay sheegtay iney 35 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada muddo ka badan toddobaad ka soconaya dalka Iiraan.

  18. Nin loo haystay inuu maseyr dartii u dilay saaxiibtii oo rubuc qarni ka dib la bari yeelay

    Sannadkii 2000, Cadnaan Syed, oo markaas ahaa arday dhigata dugsiga sare ee sannadka afraad ee Baltimore, Maryland, ee dalka Mareykanka waxaa ku dhacay xukun ah dilka saaxiibtiisii hore, oo lagu magacaabi jiray Hye Min Lee.

    Kiisku waxa uu noqday mid si weyn looga hadal hayay dalka Maraykanka, halkaas oo ay dacwad oogayaashu ku tilmaameen Syed in uu yahay qof rabshad badan oo Hinaase (Masayr) u dilay gabar da’yar oo ahayd qof karti badan.

    Isniintii, garsoore ayaa soo saaray amar uu ku burinayo dambiga lagu soo oogay, wuxuuna qabtay waqti kama dambeys ah oo ay dacwad oogayaasha ku go’aamin doonaan in dib loo maxkamadeeyo Syed iyo in kale.

    Syed ayaa mudadii uu xabsiga ku jiray ku adkeysanayay in uusan wax dambi ah lahayn. Wuxuu tagaeero ka helay meelo uusan filaynin.

  19. Atoore dilay hooyadii sigayna Ra'iisul Wasaaraha Canada

    Jilaaga reer Canada Ryan Grantham ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii uu qirtay dambiga ah in uu dilay hooyadiis Barbara Waite sanadkii 2020.

    24-jirkan, oo magaca Jeffery Augustine ku jilayay filinka da'yarta ee Riverdale, ayaa Arbacadii waxaa xukunka ku ridday Maxkamadda Sare ee Columbia ee Vancouver.

    Waxa uu qirtay dambiga ah in uu galay darajada labaad ee dilka, iyadoo markii hore lagu soo eedeeyay dil darajada koowaad ah.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in uu sidoo kale qorsheeyay in uu dilo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

    Grantham ayaa qirtay in uu hooyadiis uu ka toogtay madaxa iyo dhabarka xilli ay biyaano ciyaaraysay iyada oo ku sugan gurigooda, ku yaalla waqooyiga Vancouver, maxkamada ayaa sidaasi dhageysatay.

  20. Guddiga doorashooyinka Somaliland: Doorashada Madaxweynaha xilligeeda kuma qaban karno

    Guddiga doorashooyinka ee jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay qaban karin doorashada madaxweynaha ee lagu waday in la qabto 13-ka bisha November.

    Guddiga waxay sheegeen in farsamo iyo dhaqaale ahaan aysan diyaar u aheyn qabshada doorashada.

    Waxay sidoo kale sheegeen in doorashada Madaxweynaha ay ku qaban karaan muddo 9 bilood ah laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ee sanadkan si ay isugu diyaariyaan qabashada doorashada.

    Somaliland waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka iyadoo mucaaradka ay ku baaqayeen in doorashada lagu qabto xilligeeda.

    Waxaa tallaabadan laga yaabaa in golaha guurtida Somaliland ay kordhiyaan muddo xileedka Madaxweynaha.