Al-Shabaab oo laga la wareegay deegaan ay ku lahaayeen maxkamad

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Deegaannada lahaysto ee Ukraine oo lagu qabanayo afti ay Ruushka ugu biirayaan

    Deegaannada lahaysto ee Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Qoraalka sawirka, Deegaannada lahaysto ee Ukraine

    Mas'uuliyiinta ay Ruushku baritaaraan ee ku sugan saddex gobol oo Ukraine laga haysto ayaa waxa ay ku dhawaaqeen qorshe si degdeg ah afti halkaas loogaga qaadayo, kaas oo ay ku doonayaan inay ugu biiraan waddanka Ruushka.

    Maamullada ka jira gobollada Luhansk, Donetsk iyo Kherson ayaa dhammaan sheegaya in codbixintu ay bilaaban doonto Jimcaha soo aaddan.

    Arrintan ayaa waxa ay u muuqataa inay qeyb ka tahay qorshe ay Moscow riixayso oo ay ku dardargalinayso qabsashadeeda, xilli ay socdaan weerrarada rogaalceliska ah ee ay dhulka ballaaran dib ugu qabsadeen ciidammada Ukraine.

    Dmitry Medvedev, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddanka Ruushka, ayaa sheegay in deegaannadaas in lagu daro dalka ay Moscow u ogolaan doonto inay toos ugu ilaaliso sharcigeeda difaaca.

    Ukraine ayaa ceeb ku tilmaantay aftidaasi.

  2. Fallaagada TPLF oo Eritrea ku eedaysay inay ku soo duushay

    Fallaagada TPLF oo Eritrea ku eedaysay inay ku soo duushay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Fallaagada TPLF oo Eritrea ku eedaysay inay ku soo duushay

    Afhayeen u hadlay fallaagada Tigray ee TPLF ayaa sheegay in ciidammada dalka dariska ah ee Eritrea ay duullaan dhammaystiran ku soo qaadeen gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

    Getachew Reda, ayaa sheegay in dagaal culus uu ka soconayo dhowr aag oo ku teedsan xadka.

    Ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa warkaasi, halka dowladaha Itoobiya iyo Eritrea aanay arrintaasi wax war ah ka soo saarin.

    Fallaagada TPLF ayaa ku dhawaad laba sanadood waxa ay dagaal kula jireen ciidammda federaalka ee Itoobiya iyo xulafadooda.

    Bishii Nofeembar ee 2020-kii ayey aheyd markii dowladda Eritrea ciidammadeeda u dirtay gobolka Tigray si ay u baritaaraan milateriga Itoobiya.

  3. Shirka golaha loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay oo New York ka furmay

    Shirka golaha loo-dhan-yaha ee Qaramada Midoobay oo New York ka furmay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shirka golaha loo-dhan-yaha ee Qaramada Midoobay oo New York ka furmay

    Waxaa magaalada New York haatan ka soconaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo khudbaddiisii furitaanka uu Xoghayaha Guud ee Jamciyadda, Antonio Guterres, uu ka digay in dunida ay wajahayso jiilaal laga niyadjabo.

    Colaadaha iyo gaajada ayaa ah waxa ugu badan ee laga walaacsan yahay, xilli hay'adaha gargaarka ay dalalka qaniga ah ugu baaqayaan inay soo afjaraan waxa ay ugu yeereen dhibaatada gaajada adduunka ee iska socota.

    Duullaanka Ruushka uu ku galay waddanka Ukraine iyo dhibaatada cuntada ee caalamka ayey u badan tahay in xoogga lagu saari doono doodaha shirka.

    Agaasimaha hay'adda Qaramada Midoobay ee ka warranta xasaradaha caalamka, Richard Gowan, ayaa waxa uu sheegay inay xaddidan tahay waxa ay Qaramada Midoobay qaban karto, hasayeeshee ay weli ciyaari karto dowr muhiim ah.

  4. Duufaanta Fiona oo ku dhufatay Puerto Rico

  5. Waa kuma ninka ay dartiis isugu dhaceen Hindiya iyo Shiinaha?

    Hindiya iyo Shiinaha ayaa mar kale isku qabtay Qaramada Midoobay iyagoo isku khilaafsan dadaallo liiska argagixisada loogu darayo Sajid Mir oo ka tirsan kooxda Lashkar-e-Taiba.

    Sajid Mir waxa uu ka mid yahay eedeysaneyaasha ugu waaweyn ee lagu tuhunsan yahay weerarradii Mumbai ka dhacay sanadkii 2008.

    Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay horgeeyay codsi ku aaddan in liiska argagixisada caalamiga ah lagu daro Sajid Mir, Hindiya ayaana taageertay tallaabadaas.

    Balse Shiinaha ayaa codsiga ku gacan seyray, waxa uuna u adeegsaday codka diidmada qayaxan ee “veto”.

  6. Hay'adaha gargaarka oo ka digay in malaayin qof oo ku nool dunida ay wajahayaan gaajo daran

    In ka badan laba boqol oo hay'adaha samafalka ah ayaa ka digay in caalamka uu wajahayo gaajo aad u ba'an, iyadoo afartii ilbiriqsiba uu qof u dhinto gaajo.

    Waxa ay ku baaqeen in go'aan wax tar leh laga gaaro cunno yarida saamaysay dunida oo idil.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta uu New York ka furmayo kulanka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo xoogga lagu saari doono colaadda Ukraine iyo saameynta ka dhalatay.

    Waxay sidoo kale sheegeen in 350 malyan oo qof ay haatan wajahayaan gaajo daran.

    Hay’adaha waxay sheegeen in 50 malyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macluul.

  7. Erdogan: Putin wuxuu doonayaa in uu soo afjaro dagaalka

    Recep Tayyip Erdogan iyo Vladimir Putin oo dhawaan ku kulmay magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan iyo Vladimir Putin oo dhawaan ku kulmay magaalada Samarkand ee dalka Uzbekistan

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in Madaxweynaha Ruushka uu doonayo in uu soo afjaro dagaalka Ukraine isla markaana la qaadani doono ‘tallaabo horumar leh’.

    Wuxuu sheegay in fikaradda uu ka qaatay kulankii uu dhawaan la yeeshay Vladimir Putin ay aheyd in uu doonayay in uu “sida ugu dhakhsiyaha badan uu kusoo afjaro dagaalka”.

    Ukraine ayaa bishan ciidamada Ruushka ka qabsatay dhul ballaaran.

    Madaxweynaha Turkiga wuxuu sheegya in ‘xaaladda ay ku adkaatay’ Ruushka.

    Erdogan wuxuu sheegay in wadahadallo qoto dheer uu la yeeshay Putin kadib kulankii ay toddobaadkii hore ku yeesheen dalka Uzbekistan.

    “Wuxuu muujiyay in uu ku doonayo in sida ugu dhakhsiyaha badan uu dagaalka ku joojiyo”

  8. Labo sabab oo ay shacabku ula dagaallamayaan Al-Shabaab

  9. Meydad laga soo saaray webi mara Kenya

    Xarunta meydadka la dhigo ee Yala
    Qoraalka sawirka, Xarunta meydadka la dhigo ee Yala

    Toddobo meydad ah ayaa laga soo saaray webiga Yala ee mara galbeedka Kenya halkaas oo u dhaw deegaan labo sano ka hor laga soo saaray tiro meydad ah.

    Meydadkan oo laga soo saaray webiga labo bilood ka hor, sida laga soo xigtay warbixinta booliska oo ay arkeen saraakiil ka tirsan goobta lagu keydiyo meydadka ee Yala.

    Lamana aqoonsan meydadkan xilli lagu wado in baaritaan lagu sameeyo.

    Waxay ka dhigan tahay in tan iyo bishii January webigan laga soo saaray in ka badan 30 meydad ah.

    Hay’adaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegayaa in shacabka ku nool deegaan ay cabsi ka muujinayaan meydadka aan la aqoon ee laga soo saaray webiga.

    Booliska weli kama aysan hadlin arrintani.

    Waxaa walaac laga muujiyay dhacdooyinka la xiriira meydadka laga soo saaro webiyada Kenya.

    Sanad ka hor ayay aheyd markii 11 meydad ah laga soo saaray webiga Tana River ee mara bartmaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari.

  10. Al-Shabaab oo laga la wareegay deegaan ay ku lahaayeen maxkamad

    Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaadayay werarro ka dhan ah Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaadayay werarro ka dhan ah Al-Shabaab

    Militeriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Booco oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida uu baahiyay teleefishinka qaranka.

    Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ‘dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda’ ay gacanta ku dhigeen deegaanka Booco oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen maxkamad iyo saldhigyo.

    Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka.

    Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 100 dagaalyan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgallo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

  11. Baadariyo lagu afduubtay Cameroon

    Deegaannada dhaca waqooy galbeed iyo koonfur galbeed Cameroon waxaa ka dhacay dagaallo uu dhiig badan ku daatay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Deegaannada dhaca waqooy galbeed iyo koonfur galbeed Cameroon waxaa ka dhacay dagaallo uu dhiig badan ku daatay

    Siddeed qof oo ay ku jiraan badaariyo ka tirsan Catholic iyo dad cibaadeysanayay ayaa waxaa qafaashay kooxo gooni u goosed ah oo ka dagaallama koonfur galbeed dalka Cameroon.

    Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa dab qabadsiisay kaniisadda xilli ay weerarka ku qaadeen deegaanka Nchang. Ma jirto cida sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

    Mas’uuliyiinta kaniisadda Catholic-ga ee aggaas ayaa sheegay inay ka naxeen weerarka.

    Waxay sheegeen in dadkii ku cibaadeysanayay halkaas ay bartilmaameed u noqdeen hanjabaadaha iyo afduubka tan iyo sanadkii 2016-kii.

    Mid kamid ah waddaadada ayaa BBC u sheegay in kooxaha afduubka geystay ay codsanayaan in la siiyo lacag madaxfurasho ah.

    Deegaannada dhaca waqooy galbeed iyo koonfur galbeed Cameroon waxaa ka dhacay dagaallo uu dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay kooxaha gooni u goosadka ee ka howlgala gobolka af-Ingiriiska looga hadlo iyo dowladda.

    Waxaa colaaddaas ku dhimatay in ka badan 6,000 qof halka ku dhawaad hal malyan qof ay guryahooda ka qaxeen, sida laga soo xigtay International Crisis Group.

  12. Uganda oo ku dhawaaqday in uu ka dillaacay cudurka Ebola

    .

    Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola ayaa ku dhintay bartamaha Uganda kadib markii saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen in cudueka uu ka dillaacay halkaas.

    Wasiirka caafimaadka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qofka u dhintay cudurka markii hore lagu arkay astaamaha Ebola.

    Ninka u geeriyooday cudurka ayaa kasoo jeeday tuulada Mubende oo qiyaastii 147km u jirta magaalada caasimadda ah ee Kampala.

    Kiiskan ayaa ah mid naadir ah oo ah nooca Ebola ee laga helay sida ay xaqiijisay xarunta qaabilsan cilmi baarista feyraska, sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

    Ha’yadda waxay sheegtay in 8 qof oo lagu arkay astaamo looga shakisan yahay cudurka haatan la daweynayo isla markaana shaqaalaha caafimaadka u dirayaan goobaha uu ka dillaacay cudurka.

  13. Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay malaayiin doolar si wax loog qabto abaaraha

    Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 700 malyan oo doolar si wax looga qabto abaaraha ka taagan halkaas.

    Hay’adaha USAID iyo OCHA ayaa ka qeyb qaadanayaa sare u qaadidda howlaha gargaarka ah ee loo fidinayo shacabka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

    Dhibaatooyinka ka dhashay abaarta ba'an ee Soomaaliya ka taagan ayaa saamaynteeda maalin ba mid dhiillo leh laga soo sheegayaa, Halista ugu weyna waxay timid kaddib markii la waayey roobabkii di'i jirey afar xilli oo isku xiga.

    Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta abaaraha Soomaaliya.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Wararka la xiriira:

  14. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.