Bisadda 15ka sano xoreysatay xafiiska reysal wasaaraha ingiriiska oo hadda xaalad cabsi ah wejeheysa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Kaftanka diyaaradda ee Kylian Mbappé iyo tababarihiisa ee ay carada ka dhalatay

    Kylian Mbappé

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kylian Mbappé

    Kooxda kubadda cagta Faransiiska ee Paris St-Germain ayaa dhaleeceyn kala kulantay kaftan ku saabsan in kooxdu ay diyaarad gaar ah u adeegsatay safar gaaban.

    Tababaraha kooxda Christophe Galtier iyo xiddiga Kylian Mbappé ayaa wax laga weydiiyay safarkii ay kooxda heysata horyaalka France dhawaan ku tagtay magaalada Nantes ee galbeedka ku taal.

    Mbappe wuu qoslay Galtierna waxa uu sheegay in kooxdu ay eegayso suurtagalnimada in ay ku safraan doon ciid ah, taas beddelkeeda. Siyaasiyiinta Faransiiska ayaa kooxda ku booriyay inay mas’uul ka noqdaan deegaanka.

    PSG ayaa 3-0 kaga badisay Nantes Sabtidii, laakiin muranku wuxuu bilaabmay Axadii markii sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha tareenada Faransiiska ee SNCF uu bartiisa twitterka ku soo qoray Paris-Nantes wax ka yar laba saacadood ayuu ku socdaa tareenka xawaaraha dheereeya.

    Markii la weydiiyay shir jaraa’id oo ay qabteen Isniintii, Galtier iyo Mbappé ayaa is eegay, weeraryahanka ayaana qosol la dhacay.

    macalin Galtier ayaa markaa ku jawaabay Waan ogaa in su'aashani ay soo socoto. Si aan daacad kuugu ahaado, saaka waxa aanu kala hadalnay shirkadda qabanqaabinaysa safarradayada, waxaanan eegaynaa in aan ku safrno doonyaha ciida.

    Mbappé ayaa sidoo kale la weydiiyay aragtidiisa, laakiin wuxuu sheegay inuusan waxba ka heyn arrintaas.

    Muuqaal laga soo duubay faallooyinkooda ayaa isla markiiba noqday sameyn yeeshay taasoo keentay jawaabo caro leh oo ka imanaya dadka isticmaala baraha bulshada, deegaanka iyo wasiirrada. Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire ayaa u sheegay BFM TV Talaadadii, Waan jeclahay Mbappé, dhammaanteen waan heli karnaa qosolka waqtiga ugu yar, runtiina waxay ahayd daqiiqadda ugu wanaagsan.

    Isticmaalka diyaaradaha gaarka ah ayaa noqday mowduuc aad looga hadal hayo Faransiiska iyo guud ahaan caalamka xagaagan, iyadoo dadka isticmaala baraha bulshada ay inta badan dhaleeceeyaan isticmaalkooda xilli ay jiraan kulayl, abaaro iyo fatahaado.

    Naadiyada Horyaalka Ingiriiska ayaa si joogto ah u duula ciyaaraha. Arsenal ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay inay hore 14 daqiiqo u duushay Norwich 2015, halka Tottenham ay 20 daqiiqo duulimaad ku tagtay Bournemouth isla sanadkaas.

  2. Saddexda qodob ee ay mudnaanta kowaad siineyso Liz Truss

    Qorshada Liz Truss

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Hadal ay dhowaan jeedisay Liz Truss ayey ku sheegtay qodobada ugu muhiimsan ee ay muhiimadda siineyso inta ay reysal wasaaraha tahay.

    Dhaqaalaha: Truss waxay sheegtay inay diiradda saari doonto in Britain ay mar kale shaqeyso iyada oo leh qorshe geesinimo leh oo lagu kobcinayo dhaqaalaha sidoo kalana loo marayo canshuur dhimis iyo dib u habeyn.

    Waxay sheegtay in ay dhimi doonto cashuuraha si ay ugu abaalgudo shaqada adag oo ay kor ugu qaado koboca iyo maalgashiga uu ganacsigu hoggaamiyo taas oo qayb ka ah hadafkeeda ah in Boqortooyada Midowday ay ka shaqeyso.

    Waxay intaas ku dartay inay hubin doonto in xukuumaddeedu ay dhisto isbitaallo, iskuullo, iyo waddooyin.

    Tamarta: Truss waxay ballan qaaday iney wax ka qaban doonto dhibaatada tamarta ee uu sababay dagaalka Putin. Waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabo todobaadkan si ay wax uga qabato biilasha tamarta iyo si loo adkeeyo tamarta mustaqbalka.

    NHS-ta: Reysal wasaaraha waxay sheegtay inay hubin doonto in dadku ay heli karaan ballamaha dhakhaatiirta, iyo inay helaan adeegyada NHS ee ay u baahan yihiin, waxaan ka dhigi doonaa adeegeena caafimaadka mid adag. ayay tiri.

  3. Bisadda 15ka sano xoreysatay xafiiska reysal wasaaraha ingiriiska oo hadda xaalad cabsi ah wejeheysa.

    Larry bisad 15 sano ku nool  Downing Street

    Bisad la yiraahdo larry ayaa ku nool xafiiska reysal wasaaraha ingiriiska.

    larry wuxuu hadba nolosha la bilaabaa masuulka cusub ee la wareega xafiiska waxa ayna waqti lasoo qaadatay saddex reysal wasaare iyaddo hadda sugeysa soo dhoweynta reysal wasaaaraha cusub ee Britain liz truss.

    dhacdada cajiibka ah ayaa noqoneysa in larry mar waliba uu ahaa bisadda kaliya ee ku nool xafiiska reysal waasaraha ingiriiska, balse hadda ayaa laga cabsi qabaa in godkiisa ay biyo uguso galaan maadamaa ay macquul tahay in qoyska reysal wasaaraha cusub ay laftigooda wataan bisad kale.

    larry ayaa markaas wajihi doona cillad hor leh maadaama boos ay xoreysatay lagu ciriirin doono. larry ayaa salaami doona reysal wasaaraha cusub ee UK xilliga xafiiska Downing Street laguso dhaweynayo.

    larry ayaa la siiyay darajo sare markii uu muddo sanado ah ku nolaa xafiiska. larry ayaa leh bar ciwaan oo twitter ah halkaasi oo uu kaga hadlo arrimaha siyaasadda iyo waxyaabaha isaga quseeya waxaana ku xiran dad badan.

    Intii lagu guda jiray dhacdo olole bishii Ogosto, Ms. Truss, xoghayahii arrimaha dibadda ee Britain, waxay xustay inay xiriir aad u wanaagsan la leedahay Larry, iyadoo tiri Si joogta ah ayuu ii garab istaagaa.

    Waxaan u maleynayaa inaan ahay mid ka mid ah golihiisa wasiirada ee uu doorbidayo. Larry, Ms. Truss ayaa soo jeedisay in meesha bisadda ee Downing Street ay ahaan doonto mid ammaan ah.

  4. Wax ka ogow kooxaha caawa lagu furayo Champions League

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanayaa Horyaalka Yurub iyadoo kooxaha kala duwan ay u kala safreen waddamo kala duwan oo ku yaalla Yurub.

    Tartankan ayaa marka hore waxaa dheelayaa kooxaha ku jira Gurubyada kala duwan iyadoo kooxaha badiya ay u gudbi doonaan wareegga 16-aad.

    Kooxaha caawa dheelaya:

    Dinamo Zagreb iyo Chelsea

    Celtic iyo Real Madrid

    Sevilla iyo Man City

    B Dortmund iyo FC Copenhagen

    RB Salzburg iyo AC Milan

    RB Leipzig iyo Shakhtar Donetsk

    Benfica iyo Maccabi Haifa

    PSG iyo Juventus

  5. Liz Truss oo noqotay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK

    Liz Truss ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain taas oo afjareysa labo bilood oo xaalad kala-guur ah ah kadib markii lagu khasbay Boris Johnson in uu xilka ka dego faddeexado dhowr ah dartood.

    Boqoradda Elizabeth ka codsatay Liz Truss inay soo dhisto dowladd kadib markii ay kulan kula qaadatay gurigeeda ku yaalla Scotland.

    Waxay xilka la wareegeysaa kadib saameynta ka dhalatay dhaqaale xumada ka taagan Ingiriiska iyo dagaalka Yurub.

    Liz Truss oo la kulantay boqoradda

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Liz Truss oo la kulantay boqoradda
  6. Faahfaahin kasoo baxeysa qarax ka dhacay Baraawe

  7. Warbixin: Kuuriyada Waqooyi waxay hub siisaa Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, RUSSIAN DEFENCE MINISTRY

    Ruushka wuxuu ku khasbanaaday in agab militeri uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi kadib cunaqabateynta lagu soo rogay xukuumadda Moscow, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

    Sida laga soo xigtay warbixin sirdoon oo ay heshay warbaahinta New York Times, Ruushka wuxuu malaayiin madaafiic ah iyo gantaallo kasoo iibsaday Kuuriyada Waqooyi.

    Sarkaal Amerikaan ah ayaa sheegay in Ruushka uu ku khasbanaaday in hub uu kasoo iibsado Kuuriyada Waqooyi xilli uu dagaalka socdo dagaalka Ukriane.

    Waxaa lagu soo warramay in toddobaadkii lasoo dhaafay uu Ruushka dalbaday diyaaradaha Drones-ka ee Iran.

    Iran iyo Kuuriyada Waqooyi waxay bartilmaameed u noqdeen cunaqabateynta reer galbeedka, waxay xiriir la yeesheen Ruushka tan iyo markii Vladimir Putin uu duullaan ku qaaday Ukraine.

  8. Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xubno ka tirsan guddiga doorashada

    Golaha Wakiillada Jahmuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaaqday ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddida doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay hore u diideen balse madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyay.

    Ilaa 70 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay dhammaan xubnaha maanta la ansixiyay.

    Xildhibaanada Golaha fadhiyay waxa ay ahaayeen 70 xildhibaan dhammaantoodna way u codeeyeen.

  9. Ugu yaraan 35 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Burkina Faso

    Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxaha jihaad-doonka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

    Baabuur ay la socdeen dadka ayaa waxaa la kacay qarax miino xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaannada Djibo iyo Bourzanga.

    Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah.

    Weerarada ay kooxaha ka geystaan ayaa sare u kacay Burkina Faso tan iyo bishii January oo ay militeriga talada la wareegeen.

    Burkina Faso wuxuu kamid yahay dalalka ugu saboolsan adduunka, wuxuuna la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhashay weerarada ay kooxaha ka geystaan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

    .
  10. Madaxweynaha cusub ee Kenya waa xoolo-dhaqato fahmaya Soomaalida – Xildhibaan Aadan Keynaan

    Xildhibaan Aadan Keynaan

    Xigashada Sawirka, Adan Keynan

    Qoraalka sawirka, Xildhibaan Aadan Keynaan

    Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Ceeldhaas ee Ismaamulka Wajeer ayaa sheegay in Soomaalida ay wax badan ka faa'iidi doonto dowladda cusub ee William Ruto.

    Wuxuu sheegay in madaxwaynaha cusub uu yahay nin xoolo-dhaqato ah, isla markaana uu fahamsan yahay dhibaatada dadka xoolo-dhaqatada ah.

    "Waxaan filayaa gobolkaas Soomaalida iyo xoolo-dhaqatada oo dhan in ay horumar gaari doonaan, sababtoo ah isaga naftiisa waa xoolo dhaqato oo meesha uu ka imaaday badi waa xoolo-dhaqato," ayuu yiri Aadan Keynaan.

    Wuxuu intaas ku daray xildhibaan Aadan Keynaan in uu madaxda Soomaalida ee gobolka Waqooyi-bari ay intooda badan taageersanaayeen Raila Odinga oo doorashada lagaga guuleystay.

    "Boqolkiiba 60 Azimio ayaan dhiseynay, halka 40% ay dhinaca kale dhisayeen. Marka dalkan waa dal dimuqraaddi ah. Waxaan filayaa dalkan dastuur ayuu leeyahay nin kastana dastuurkaas ayuu hoos imaanayaa," ayuu intaa ku daray.

    Xildhibaan Keynaan ayaa sheegay in iminka ay isu diyaarinayaan sidii ay u noqon lahaayeen mucaarad dowladda toosiya.

    "Waddankan waxaa jira kuwa xukuma iyo kuwa ilaaliya, marka annaga mucaaradka ayaan ahaanaynaa. Dowladda waxa wanaagsan oo dadka isu keenaya gacan ayaan ku siinaynaa. Wixii qalad aan u aragnana waxaan leennahay halkaas waa qalad," ayuu yiri.

  11. Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka caddaalladda u raadsada Al Shabaab

    Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

    Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga digay dadka inay caddaallad u raadsadaan Al Shabaab.

    Taliyaha wuxuu shacabka ugu baaqay inay booliska kusoo wargeliyaan haddii ay dhacdo in looga yeero goobaha Shabaab.

    “Ma ahan in la aado… ninkii baabuur ka ijaaro iyo kuwa u tega kuli kuwa dagaallamayo iyo dadkaas u adeegayo waa isku mid” ayuu yiri taliyaha booliska.

    Taliyaha wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay buruburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka Basra.

    Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa kadib markii ciidamada Gor-Gor ay howlgal ka fuliyeen deegaanno hoostaga Shabeellaha Hoose.

  12. Tiro maleeshiyaad ah oo ku qarqamay webi xilli ay ka cararayeen duqeymaha Nigeria

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Tiro kamid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla dalka Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada ka wadaan gobolka waqooyiga bari ku yaalla ee Brono, sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka amniga qaabilsan.

    Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoostaga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.

    Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

    Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar dagaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen.

    Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay guryahooda ka qaxeen kadib weerarrada maleeshiyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.