You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Culimada Afghanistaan oo Taliban ka codsady inay dib u furaan iskuulada gabdhaha.

    Culimada iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka ee Bariga waddanka Afghanistaan ayaa mas’uuliyiinta Taliban ka codsaday inay dib u furaan dugsiyada waxbarasho ee gabdhaha.

    Waxaa ay kooxda Dhalibaan sidookale ka codsadeen inay tix geliyaan xuquuqda waxbarasho ee gabdhaha dalkaasi.

    Bishii Maarso, Talibaan ayaa amartay in dib loo xiro dugsiyada sare ee gabdhaha, kaddib saacado kooban oo y furnaayeen.

  2. Japan oo xukun dil ah ku fulisay nin dad dilay 14 sano kahor.

    Dowladda Japan ayaa xukun dil ah ku fulisay nion 39 sano jir ah, kaas oo sanadkii 2008-dii todoba qof ku dilay magaalada Tokyo ee caasimadda Japan, kaddib markii uu weerar lagu qaaday xarun laga tukaameysanayay.

    Tomohiro Kato ayaa la sheegay inuu fuliyay mid kamid ah dilalka ugu arxan daradda badan taariikhda waddankaasi Japan.

    Kato waxaa uu ahaa 25 sano jir markii uu xili duhur ah gaari tareen ah jiirsiiyay dad shacab ah, kuwaas oo ka tukaameysanayay suuqa Akihabara, waxaana ku dhintay sadex qof.

    Intaa kaddib, waxaa uu mindi geliyay dad ku sugnaa isla goobtaas, wuxuuna weerarkaasi ku dilay afar qof halka sided kalena ay ku dhaawacmeen.

  3. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo gaaray Itoobiya.

    Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, socdaalkiisii ugu dambeeyay uu ku marayo afar dal oo ka tirsan Africa.

    Booqashadiisa ayaa looga gol leeyahay xoojinta xirriirka ay Moscow la leedahay qaaradda, halkaas oo dalal badan ay ka gaabsadeen inay dhinac ula safataan dagaalka Ruushka isla markaana ay Ruushka ku cambaareeyaan dullaanka uu ku qaaday Ukraine.

    Lavrov ayaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo xubno ka tirsan howlgalka Midowga Africa,

  4. Qoys 1,000 doolar ku abaal guday shimbir ka fakatay

    Qoys ku nool dalka Hindiya ayaa lacag $1,065 oo doolar ku abaal mariyay dad usoo helay shimbir ay lahaayeen oo ka fakatay.

    Qoyskan oo ku nool gobolka Karnataka ayaa baadigoobayay shimbirta ayaa markii hore shaaciyay inay abaalmarin siin doonaa qofkii usoo hela shimbirtan lagu magacaabo Rustoma.

    Waxay qoyska Shetty xanaaneysanayeen labo shimbirood oo saddex sano ka hor ay kasoo iibsaden magaalada Bangalore, Hindiya waxaa dadka loo ogolyahay inay xanaaneystaan shimbiraha balse ururrada u ololeeyo xuquuqda xayaawanada ayaa ku baaqay in xayiraad lagu soo rogo ka ganacsiga shimbiraha.

    “Si wanaagsan ayaan ula dhaqannay shimbiraha, qoyskeena ayay qeyb ka ahaayeen, waligeen ma aan xabisin” ayuu yiri Arjun Shetty oo xanaaneysta shimbirta.

  5. Museveni oo farriin adag u diray Reer Galbeedka kadib markii uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu isaga go’aan ka gaarayo cidda cadowga u ah xilli uu jiro warar sheegayo in Uganda ay hal dhinac ay taageeri doonto xilli uu socdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

    Museveni ayaa hadalkan sheegay xilli isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ay shir jaraa’id ku qabteen dalkaas xilli uu booqasho ku marayo dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.

    “Ma rumeysanin in aad cadow ka dhigto qof kale cadawgiis’ ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo farriin cad u diray Reer Galbeedka.

    Museveni wuxuu intaa ku daray in Uganda iyo Afrikaba ay doonayaan inay xiriir ganacsi la yeeshaan Ruushka iyo caalamkaba.

    Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in dalkiisa uu si weyn usoo dhaweynayo waxa uu ku tilmaamay “mowqiifka iyo mas’uuliyadda isku dheelitiran” ay Uganda ka qaadatay dagaalka Ukraine.

    Wuxuu hadalkiisa raaciyay in Ruushka uu qaddarinayo xuquuqda dalalka madaxabannaan.

    Sergey Lavrov wuxuu beeniyay eedeynta ah in Ruushka uu ka dambeeyo gabaabsiga ku yimid shidaalka iyo raashiinka, dhibaatadaas oo ka dhalatay dagaalka Ukraine..

  6. Dowladda Soomaaliya oo caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka Itoobiya iyo Masar

  7. Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta?

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin gurmadka abaaraha, amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

    Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta ay ku kulmeen dalka Masar.

    Soomaaliya ayaa kamid dalalka xubinta ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

  8. Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab

    Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

    Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helokobtarada.

    Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa labo gantaal oo ay riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Illo wareedyadaasi waxay BBC-da u sheegeen in ku dhawaad labaatan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka xalay ka dhacay Shabeellada Hoose.

    Illaa hadda Al-Shabaab kama hadlin weerarka ka dhacay Tooratoorow, mana jiraan illo madaxbannaan oo ka hadlaya sida aagaasi waxa uga dhaceen.

  9. Qaadka ka baxa gobolka Sanaag

    Xilli dhowaan dib loo fasaxay qaadka Miirowga ee Kenya, ee la geeyo Soomaaliya ayaa beeraleyda qaadka buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag waxay walaac ka muujinayaan tallaabadaas oo ay u arkaan in caqabad ay ku tahay suuqa qaadkoodu iyadoo Somaaliyana, gacasiga qaadka ay ku tartamayaan Kenya iyo Itoobiya.

  10. Maxamed Bin Salmaan oo booqasho ku maraya Yurub

    Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta booqashadiisii ugu horreeyay tan iyo dilkii weriye Jamaal Khaashuqji ku tegaya dalalka Yurub.

    Wuxuu booqashadiisa ka bilaabayaa dalalka Faransiiska iyo Giriigga, waxay booqashada Maxamed Bin Salmaan imaaneysaa xilli shidaalka iyo arrimaha tamarta ay si weyn u daneynayso Yurub.

    Dhaxal Sugaha ayaa maanta tagaya Giriigga iyadoo lagu wado in madaxda dalkaas uu kala hadlo iskaashiga dhanka militeri iyo tamarta.

  11. Ruushka oo weli sii wado duqeymaha uu ka geysanayo Ukraine

    Ruushka ayaa gantaallo iyo madaafiic ku garaacay magaalada koonfurta ku taalla ee dekedda leh ee Mykolaiv.

    Saraakiisha ayaa sheegay in weerar lagu qaaday dekedda iyo meelo kale.

    Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale beegsaday tuulooyin ku yaalla gobolka Odesa halkaas duqeymaha ay burburiyeen guryo.

    Ruushka wuxuu sidoo kale duqeeyay magaalada Kharkiv iyo magaalooyin dhaca bariga Ukraine.

    Waxaa lagu soo warramaya in dab uu ka kacay bakhaar shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla magaalada Donestk oo uu Ruushka maamulo.

    Warbaahinta Ruushka ayaa ku warrantay in khasaaraha uu ka dhashay duqeymaha ay waddo Ukraine.

    Lama ogo khasaaraha ka dhashay weeraradaas.

  12. Hoggaamiyaha TPLF oo farriin cusub soo diray

    Hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in ciidamada Tigray ay hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya.

    Warbaahinta ay maamusho TPLF ee Tigray Tv ayaa baahisay hadalka hoggaamiyaha Debretsion Gebremichael xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha.

    “Waa in aan hub ka dhigis ku sameyno sababta oo ah dastuurka Itoobiya ayaa dhigaya in maamulada aysan lahaan ciidan, waxbo kama jiro arrintaas”

    Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa isku diyaarinaya inay yeeshaan wadahadal nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku barakaceen malaayiin qof.

  13. Itoobiya oo war hor leh kasoo saartay dagaalka Liyuu Booliska iyo Shabaab

    Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada ay dileen 85 kamid ah dagaalyahannada Shabaab isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

    Ciidamada militeriga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaal ka dhanka Al Shabaab.

    Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab looga nadiifinayo Shabaab iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Dowlad Deegaanka ay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 100 Shabaab ah kuwaas la sheegay in xilliggaas ay isku hareereeyeen tuulada Huhlul oo ku taalla gobolka Afdheer kadib markii ay Shabaab kasoo tallaabeen tuulada Aato ee gobolka Bakool.

    Al Shabaab weli kama aysan hadlin arrintan balse waxay hore u sheegeen inay dileen ugu yaraan 87 kamid ciidamada Liyuu Booliska ee Dowlad Deegaanka.

    Goob joogayaal ayaa BBC u sheegay inay arkeen in dagaalyahannada Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyagoo galay dhinaca Itoobiya.