Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Culimada Afghanistaan oo Taliban ka codsady inay dib u furaan iskuulada gabdhaha.
Culimada iyo hogaamiyeyaasha qabaa’ilka
ee Bariga waddanka Afghanistaan ayaa mas’uuliyiinta Taliban ka codsaday
inay dib u furaan dugsiyada waxbarasho ee gabdhaha.
Waxaa
ay kooxda Dhalibaan sidookale ka codsadeen inay tix geliyaan xuquuqda
waxbarasho ee gabdhaha dalkaasi.
Bishii
Maarso, Talibaan ayaa amartay in dib loo xiro dugsiyada sare ee gabdhaha, kaddib
saacado kooban oo y furnaayeen.
Japan oo xukun dil ah ku fulisay nin dad dilay 14 sano kahor.
Dowladda Japan ayaa xukun dil ah ku fulisay nion 39 sano
jir ah, kaas oo sanadkii 2008-dii todoba qof ku dilay magaalada Tokyo ee caasimadda
Japan, kaddib markii uu weerar lagu qaaday xarun laga tukaameysanayay.
Tomohiro Kato ayaa la sheegay inuu fuliyay mid kamid ah
dilalka ugu arxan daradda badan taariikhda waddankaasi Japan.
Kato waxaa uu ahaa 25 sano jir markii uu xili duhur ah
gaari tareen ah jiirsiiyay dad shacab ah, kuwaas oo ka tukaameysanayay suuqa
Akihabara, waxaana ku dhintay sadex qof.
Intaa kaddib, waxaa uu mindi geliyay
dad ku sugnaa isla goobtaas, wuxuuna weerarkaasi ku dilay afar qof halka sided
kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka arrimaha
dibedda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, socdaalkiisii
ugu dambeeyay uu ku marayo afar dal oo ka tirsan Africa.
Booqashadiisa
ayaa looga gol leeyahay xoojinta xirriirka ay Moscow la leedahay qaaradda,
halkaas oo dalal badan ay ka gaabsadeen inay dhinac ula safataan dagaalka
Ruushka isla markaana ay Ruushka ku cambaareeyaan dullaanka uu ku qaaday
Ukraine.
Lavrov ayaa
la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya
iyo xubno ka tirsan howlgalka Midowga Africa,
Qoys 1,000 doolar ku abaal guday shimbir ka fakatay
Qoys ku nool dalka Hindiya ayaa lacag $1,065 oo
doolar ku abaal mariyay dad usoo helay shimbir ay lahaayeen oo ka fakatay.
Qoyskan oo ku nool gobolka Karnataka ayaa baadigoobayay shimbirta ayaa
markii hore shaaciyay inay abaalmarin siin doonaa qofkii usoo hela shimbirtan lagu magacaabo Rustoma.
Waxay qoyska Shetty xanaaneysanayeen labo shimbirood oo saddex sano ka
hor ay kasoo iibsaden magaalada Bangalore, Hindiya waxaa dadka loo ogolyahay
inay xanaaneystaan shimbiraha balse ururrada u ololeeyo xuquuqda xayaawanada
ayaa ku baaqay in xayiraad lagu soo rogo ka ganacsiga shimbiraha.
“Si wanaagsan ayaan ula dhaqannay shimbiraha, qoyskeena ayay qeyb ka
ahaayeen, waligeen ma aan xabisin” ayuu yiri Arjun Shetty oo xanaaneysta shimbirta.
Museveni oo farriin adag u diray Reer Galbeedka kadib markii uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Yoweri Museveni
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu isaga
go’aan ka gaarayo cidda cadowga u ah xilli uu jiro warar sheegayo in Uganda ay
hal dhinac ay taageeri doonto xilli uu socdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Museveni ayaa hadalkan sheegay xilli isaga iyo wasiirka
arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ay shir jaraa’id ku qabteen dalkaas xilli
uu booqasho ku marayo dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.
“Ma rumeysanin in aad cadow ka dhigto qof kale cadawgiis’
ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo farriin cad u diray Reer Galbeedka.
Museveni wuxuu intaa ku daray in Uganda iyo Afrikaba ay
doonayaan inay xiriir ganacsi la yeeshaan Ruushka iyo caalamkaba.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay
in dalkiisa uu si weyn usoo dhaweynayo waxa uu ku tilmaamay “mowqiifka iyo mas’uuliyadda
isku dheelitiran” ay Uganda ka qaadatay dagaalka Ukraine.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay in Ruushka uu qaddarinayo xuquuqda
dalalka madaxabannaan.
Sergey Lavrov wuxuu beeniyay eedeynta ah in Ruushka uu ka
dambeeyo gabaabsiga ku yimid shidaalka iyo raashiinka, dhibaatadaas oo ka
dhalatay dagaalka Ukraine..
Dowladda Soomaaliya oo caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka Itoobiya iyo Masar
Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh iyo Xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta?
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha
ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka wadahadlay arrimo ay
kamid yihiin gurmadka abaaraha, amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.
Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii Xasan
Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha ururka Jaamacadda Carabta ay ku kulmeen dalka
Masar.
Soomaaliya ayaa kamid dalalka xubinta ka ah
ururka Jaamacadda Carabta.
Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab
Qoraalka sawirka, Weerarkan ayaa lagu tuhunsan yahay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka
Warrarka laga helayo
Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar
koontarool oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta oo ka dhacday
deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal
gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo
yaqaano helokobtarada.
Sida laga soo xigtay illo
wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa labo gantaal oo ay riday diyaarad nooca
aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen
Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga
u kaca.
Illo wareedyadaasi waxay BBC-da u sheegeen in ku dhawaad labaatan ka
tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka xalay ka dhacay Shabeellada Hoose.
Illaa hadda Al-Shabaab kama
hadlin weerarka ka dhacay Tooratoorow, mana jiraan illo madaxbannaan oo ka
hadlaya sida aagaasi waxa uga dhaceen.
Qaadka ka baxa gobolka Sanaag
Xilli dhowaan dib loo fasaxay qaadka Miirowga ee Kenya, ee la geeyo Soomaaliya ayaa beeraleyda qaadka buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag waxay walaac ka muujinayaan tallaabadaas oo ay u arkaan in caqabad ay ku tahay suuqa qaadkoodu iyadoo Somaaliyana, gacasiga qaadka ay ku tartamayaan Kenya iyo Itoobiya.
Dhaxal Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta booqashadiisii
ugu horreeyay tan iyo dilkii weriye Jamaal Khaashuqji ku tegaya dalalka Yurub.
Wuxuu booqashadiisa ka bilaabayaa dalalka Faransiiska iyo Giriigga,
waxay booqashada Maxamed Bin Salmaan imaaneysaa xilli shidaalka iyo arrimaha
tamarta ay si weyn u daneynayso Yurub.
Dhaxal Sugaha ayaa maanta tagaya Giriigga iyadoo lagu wado
in madaxda dalkaas uu kala hadlo iskaashiga dhanka militeri iyo tamarta.
Ruushka oo weli sii wado duqeymaha uu ka geysanayo Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Ruushka
ayaa gantaallo iyo madaafiic ku garaacay magaalada koonfurta ku taalla ee
dekedda leh ee Mykolaiv.
Saraakiisha
ayaa sheegay in weerar lagu qaaday dekedda iyo meelo kale.
Ciidamada
Ruushka ayaa sidoo kale beegsaday tuulooyin ku yaalla gobolka Odesa halkaas duqeymaha
ay burburiyeen guryo.
Waxaa
lagu soo warramaya in dab uu ka kacay bakhaar shidaalka lagu keydiyo oo ku
yaalla magaalada Donestk oo uu Ruushka maamulo.
Warbaahinta
Ruushka ayaa ku warrantay in khasaaraha uu ka dhashay duqeymaha ay waddo
Ukraine.
Lama ogo
khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Hoggaamiyaha TPLF oo farriin cusub soo diray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Debretsion Gebremichael
Hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in
ciidamada Tigray ay hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya.
Warbaahinta ay maamusho TPLF ee Tigray Tv ayaa baahisay hadalka hoggaamiyaha Debretsion Gebremichael xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha.
“Waa in aan hub ka dhigis ku sameyno sababta oo ah dastuurka Itoobiya ayaa dhigaya
in maamulada aysan lahaan ciidan, waxbo kama jiro arrintaas”
Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa isku diyaarinaya inay yeeshaan wadahadal
nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku
barakaceen malaayiin qof.
Itoobiya oo war hor leh kasoo saartay dagaalka Liyuu Booliska iyo Shabaab
Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa
sheegay in ciidamada ay dileen 85 kamid ah dagaalyahannada Shabaab isla
markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.
Ciidamada militeriga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka
Liyuu Booliska oo wado dagaal ka dhanka Al Shabaab.
Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay
in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab looga nadiifinayo Shabaab iyadoo shaley
uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla
xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.
Toddobaadkii
lasoo dhaafay ayay aheyd markii Dowlad Deegaanka ay sheegtay in ciidamadeeda ay
dileen in ka badan 100 Shabaab ah kuwaas la sheegay in xilliggaas ay isku hareereeyeen
tuulada Huhlul oo ku taalla gobolka Afdheer kadib markii ay
Shabaab kasoo tallaabeen tuulada Aato ee gobolka Bakool.
Al
Shabaab weli kama aysan hadlin arrintan balse waxay hore u sheegeen inay dileen
ugu yaraan 87 kamid ciidamada Liyuu Booliska ee Dowlad Deegaanka.
Goob
joogayaal ayaa BBC u sheegay inay arkeen in dagaalyahannada Shabaab ay ka
gudbeen xuduudda Soomaaliya iyagoo galay dhinaca Itoobiya.
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.