You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Daawo: Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxii ka dhacay Jowhar

    Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.

    Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay huteel ay degenaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.

    Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku sugan Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu burburiyay hudheelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa hudheelka la weeraray iyo guryiha ku dhaw dhaw.

  2. Diyaarad hub sidday oo ku burburtay Giriigga

    Diyaarad xamuul ah oo sidday 11 tan oo hub ah ayaa ku burburtay waqooyiga dalka Giriigga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

    Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku wajahneyd dalka Bangladesh, waxay kasoo dhaqaaqday dalka Serbia.

    Dhammaan 8 qof oo saarnaa diyaaradda Antonov-12 ayaa ku dhintay shilka.

    Goob joogayaal ayaa baahiyay muuqaal muujinayo diyaaradda uu dab qabsaday.

    Duuliyihii diyaaradda ayaa codsaday in si deg deg ah uu diyaaradda ugu dejiyo garoonka Kavala kadib markii ay cilad ku timid matoorka diyaaradda balse taas ma dhicin.

  3. Qarax ka dhacay magaalada Jowhar

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu

    Warrarka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lagu weeraray hudheel ku yaala bartamaha magaalada oo ay daganaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka deegaanka.

    Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku sugan Jowhar ayaa BBC-da u sheegay in qaraxu burburiyay hudheelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa hudheelka la weeraray iyo guryiha ku dhaw dhaw.

    Sarkaalkaasi tiro sugan oo ah khasaaraha ka dhashay qaraxa ma sheegin, iyadoo ay tahay xili hore maadaama uu socdo gurmadka loo sameynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.

  4. Axmed Budul Ismaaciil, abwaan iyo fanaan dhaantooyinka ku caan baxay

  5. Jabuuti ma waxay ka niyad xumaatay xiriirka Soomaaliya ay la yeelatay Eritrea?

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasha rasmi ah ku maraya Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashadani oo qayb ka ah socdaal uu madaxweynuhu ku marayo qaar ka mid ah waddamada gobolka.

    Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal uu xiriir soo jireen ah ka dhaxeeyo sanadihi u dambeeya xiriirkooda waxaa soo dhex galay madmadow siyaasadeed.

    Booqashada Madaxweynaha oo la sheegay iney qayb ka tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal meeshana looga saari lahaa madmadowgi jiray.

    Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaan BBC uga warramay booqashada Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ee Jabuuti waxa uu ka dhigan yahay iyo xiriirka labada dal waxa uu ku soo kordhinayo.

    "Waa muhiim in madaxweynaha uu socdaalladiisa ugu horreeya uu ka dhigo Jabuuti, markaa waxaan rajeynayaa wax tabasho ah booqashada madaxweynaha ee Jabuuti in taas ay meesha ka saarto, dalalka xiriirka gaarka leh wey ka tashadaan arrimaha qaarkood”

    “Jabuuti waxay dareemeysaa in Eritrea ay dhulkeeda qaar heysato in maxabiisa Jabuutiyaan ah ay weli Eritrea ku maqan yihiin markaa iyadoo colaadda oo weli u dhexeysa Jabuuti iyo Eritrea ay tahay mid taagan ayaa inaga oo Jabuuti ay tahay dalka aan isugu dhaw nahay ayaynu xiriir la sameynayay Eritrea, markaa arrintaas waxaa laga yaabaa in xooggaa yar oo niyad xumo ah oo Jabuutiyaanka ka xishoodeen inay toos u sheegaan laakiin la dareemi karo ay suurtogal tahay inay jirtay” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad.