You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Daawo: Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Cudurkii dadka sanka dhiigga ka keenayeen oo xogtiisa la ogaaday

    Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in cudurkii la garan waayay ee ka dillaacay koonfurta dalkaas la ogaaday in uu yahay cudur lagu magacaabo Leptospirosis.

    Tanzania waxa sheegtay in khuburrada caafimaadka ayaa baaritaan ku sameeyeen dheecaanka bukaanada uu ku dhacay cudurka kuwaas oo ku sugnaa gobolka Lindi.

    Wasiirka caafimaadka Ummy Mwalimu ayaa sheegtay in cudurkan bakeetiyada ah uu kasoo faracmay xayawaanka isla markaana uu usoo gudbay banii’aadanka.

    Boqolkiiba 10 dadkii uu ku dhacay cudurkan ayaa waxaa lagu arkay calaamado ay kamid yihiin , kelyaha iyo beerka oo shaqo gabay iyo dhiig bax.

    Ku dhawaad boqolkiiba 5 ilaa 10 kiisaska waxay ahaayeen kuwa xaaladdooda ay tahay halis.

  2. Daawo: Toddobaadka ciyaaraha Soomaalida ee Toronto

    Toddobaadka ciyaaraha Soomaalida ayaa ku soo gabagaboobay magaalda Toronto, iyada oo ay guusha la hoydeen kooxda Ohio United.

  3. Cudur lamid ah Ebola oo ka dillaacay Ghana

    Saraakiisha caafimaadka ee dalka Ghana ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyay ee Fayraska Marburg, oo ah cudur aad u faafa oo la mid ah Ebola.

    Saraakiisha Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in labada bukaanba ay ku dhinteen isbitaalka.

    Sagaashan iyo siddeed qof ayaa ku jira karantiil iyadoo looga shakisan yahay inuu haleelay fayraskan.

    Fiidmeerta ayaa la ogaaday in uu kasoo faracmay feyraskan, saraakiisha ayaa dadka uga digay inay ka fogadaan godadka ay ku nooshahay fiidmeerta.

  4. Qeybo kamid ah qaaradda Yurub oo holcaya

    Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa ka digay in dabka uu baabi’iyo 15 gobol oo ka tirsan dalkaas xilli kuleyl uu saameyn ku hayo Yurub.

    Kuleyl ba’an ayaa ka taagan koonfur galbeed Faransiiska xilli kooxaha dab damiska ay ku dadaalayaan sidii loo dami lahaa dabka ku faafaya keymaha.

    Waxaa sidoo kale socda dadaallada shacabka looga daadgureynayo goobaha uu dabka saameeyay.

    Dabka ka kacay Spain, Portugal iyo Giriigga ayaa horseeday in kumannaan qof ay guryahooda ka qaxaan.

    Faransiiska oo kaliya ah wuxuu dabka sababay inay guryahooda ka qaxaan in ka badan 16,000 qof.

    Meelaha uu sida ba’an ugu faafay dabka waxaa kamid ah gobolka dalxiiska caanka ku ah ee Gironde, wuxuu dabka baabi’iyay in ka badan 14,000 hektar.

  5. Dulimaadyada garoonka Aadan Cabdulle oo dib u bilowday kadib hakad ku yimid

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu

    Duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilowday kadib markii ay saacad iyo dheeraad hakad ku jireen.

    Diyaarad rakaaba oo ka timid Baydhabo ayaa barqadii ku dhacday garoonka, taasoo xanibtay dulimaadyada diyaaraddihii garoonka ka bixi laha ama soo cago dhigan lahaa.

    Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ka badbaaday shilka diyaaradeed.

    Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa BBC-da u sheegay in la nadiifiyay goobtii ay ku dhacday diyaaradda isla markaana ay si caadiya u bilowdeen duulimaadyadii garoonka Aden Cabdulle.

    Axmed waxa kale oo uu sheegay in la bilaabi doono baaritaanka sababihii keenay dhicitaanka diyaaradda.

  6. Sawirrada diyaaraddii ku dhacday garoonka diyaraaha ee Muqdisho

    Waxaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo leedahay shirkadda diyaarada ee Jubba.

  7. War deg deg ah, Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ka timid magaalada Baydhabo ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

    Muuqaallo lagu qaaday taleefanka gacanta, ayaa muujinaya qiic hawada isku shareeray, kadib dhicitaanka diyaaradda.

    Wakaaladda warrarka ee SONNA ayaa sheegtay inay dhamaan bad qabaan shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda.

  8. Sheekadaan oo ku saabsan nin Soomaali ah oo tagay waddanka Ingiriiska, sanadihii 1920s

  9. Suudaan oo dib u furtay xudduuda ay la wadaagto Itoobiya

    Suudaan ayaa dib u furtay marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.

    Guddiga farsamada ee golaha amniga iyo gaashaandhigga Suudaan ayaa sheegay in xudduuda la furay kadib markii madaxda Suudaan iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

    Golaha amniga iyo gaashaandhigga ayaa intaa ku daray in ciidamada ay xoojinayaan howlgallada lagu sugayo amniga xudduudda si ay uga hortaggaan kooxaha hubeysan ee kasoo tallaaba halkaas.

    Hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan iyo Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi iyagoo ku heshiiyay in lasoo afjaray dagaalkii ka taagnaa xudduuda.

    Xuduudka Gallabat ayaa la xiray 27-kii Juun ka dib markii Suudaan ay ku eedeysay Itoobiya in ay dishay 7 askari.

    Suudaan waxay wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah dilka ciidamadeeda halka Itoobiya ay beenisay inay laaysay askarta.

    Suudaan iyo Itoobiya waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muran ku saabsan lahaanshaha dhulka beeraha qaniga ku ah ee Al Fashaqa.

  10. Maxay tahay sababta uu madaxweynaha Ukraine shaqada uga ceyriyay madax aad ugu dhaweyd?

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalka ka dib eedeymaha loo soo jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin Ruushka.

    Wuxuu sheegay in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasady ee ku yaalla Ukraine.

    Ilaa 651 qof ayaa la sheegay inay la shaqeynayaan Ruushka kuwaas oo lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran isla markaana ay baarayaan laamaha amniga, sida uu sheegay madaxweynaha.

    Xeer ilaaliyaha, oo la yirahdo Irna Venedik-tova iyo madaxa amniga, Ivan Baka-nov ayaa durbababa la bedelay.

    Mas’uuliyiinta shaqada laga joojiyay weli kama aysan hadlin go’aanka madaxweynaha.

  11. Soomaalida ka ganacsata qaadka ee Kenya oo ka hadlay sababta ilaa hadda aysan u dhoofin qaadka

    Ganacsatada qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya ayaa sheegtay wakhti dheer iney sugayaan ka hor inta diyaaradaha qaadka sida aysan u duulin Soomaaliya, taasoo ka dhalatay xeerar cusub oo la socda heshiskii dhoofinta qaadka oo ay Soomalaya iyo Kenya dhawaan kala saxiixdeen.

    Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka oo heshiiska dib loogu furay suuqyada Somaaliya ee qaadka Kenya ayaa dowladda Kenya ka codsaday iney fuddudeyso shatiyada ganacsiga yo xeerarka la halmaala.

    Mid ka mid ah Ganacsatada qaadka oo ku nool magaalada Nairobi oo magaciisa kusoo gaabiyay Cabdullaahi ayaa BBC-da u sheegay in ganacsatada qaadka ay wajahayaan caqabad ay kamid tahay canshuurta lagu soo rogay.

    Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo.

    Balse markii ugu horeysay, ganacsatada jaadka Kenya waxaa looga baahan doonaa inay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan.

  12. Maxaa hor taagan sixidda imtixaannada dugsiyada sare ee Puntland?

    Puntland ayaa sheegtay in imtixaanaadkii dugsiyada sare loo sixi waayey lacag la'aan awgeed.

    Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in lacagaha imtixaanaadka lagu saxo ay bixin jireen waalidiinta, dowladda, iyo hay'ado uu sheegay in ay gacan ka siin jireen arrimahaas balse ay waayeen dhaqaalihii ay hay'adaha ka heli jireen.

    Wasiirka ayaa intaas ku daray in Puntland ay adduunka la wadaagto dhaqaale xumida soo wajahday, sixid la'aanta imitixaanka ay arrintaas sabab u tahay.

    Halkan ka dhagayso wasiirka oo waraysi gaar ah BBC-da siiyey.

  13. Itoobiya oo ku guulaysatay koobka adduunka ee oradka Maaratoon-ka

    Tamirat Tola oo Ethiopian ah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka ee ka socda Maraykanka.

    Waxa uu khadka kaga gudbay laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay.

    Itoobiya ayaa hadda haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka 10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maar.

  14. Kaneeco booliiska u horseedday in ay soo qabtaan tuug alaab xaday

    Booliska Shiinaha ayaa ku guuleystay inay aqoonsadaan mid ka mid ah tuugada kaneeco awgeed. Balse sidee ku dhacday arrintani?

    Wargeys ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa qoray in nin tuug ah uu jabsaday guri dabaq ah oo ku yaalla magaalo ku taalla dalka Shiinaha oo uu ka xaday alaabo qaali ah oo guriga taallay, balse waxa muuqata in uu daalay oo uu dhex seexday guriga.

    Si kastaba ha ahaatee, nasiib-darradiisa kaneeco ayaa qaniintay, taas oo keentay in uu soo tooso, dabadeedna wuu dilay oo gurigii ka baxay.

    Sheekadu halkaan kuma ekaan, balse haddayba bilaabatay.

    Markii ay booliisku u yimaadeen guriga si ay u baaraan tuugada, waxay ka heleen kaneeco la dilay mid ka mid ah gidaarada dabaqyada, sidaas darteed waxay u qaateen baaritaanka shaybaarka.

    Natiijadii baadhista dhiiga ee ay kaneecadu ka nuugtay ka hor inta aanay dilin, waxay keentay in la ogaado DNA-ga tuuggii, waxaanay booliiska ku hagtay dembiilaha, kaas oo la xidhay, ka dibna qirtay dembiga.

  15. Maxamed Bin Salmaan oo cashar lama filaan ah u dhigay madaxweyne Joe Biden

    Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay hadalka madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan dilka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa sheegay in dilka weriyaha uu ahaa mid nasiib darro ah.

    Wuxuu intaa ku daray in Sucuudiga uu qaaday tallaabooyinka adag oo ka dhan ah dilkii Khaashuqji.

    “Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay in khaladaadka noocan ah ay ka dhacaan dalal badan sida Mareykanka, Mareykanka wuxuu galay khalad, wuxuu tallaabo ka qaaday kuwa dambiyada galo isla markaana wuxuu ka shaqeeyaa sidii loo sixi lahaa khaladaadka, Sacuudiga Carabiya waa dal mas’uul ah wuxuu qaaday taallaabooyin adag oo lamid ah kuwaas” ayuu yiri Feysal Bin Farxaan.

    Wuxuu intaa ku daray in Maxamed Bin Salmaan uu Biden kusoo hadal qaaday dilka ay u geysteen ciidamada Israa’iil weriyihii ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera iyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan dilka weriyaha.

    Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay Biden in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay qiyam udub dhexaad u ah mabaadii’da dalka Islaamiga ah iyo dhaqanka carbeed.

    Wuxuu u sheegay Biden, “Waxaa muhiim ah in arrimaha qiyamka lagu soo hadal qaaday kulanka balse ha isku dayin in qiyamkaaga aad marsiiso dadka kale, haddii aad sameyso arrintaas saameyn xun ayaa ka dhalan kartaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu soo hadal qaaday dilka weriyihii Sacuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji xilli uu kulan la yeeshay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

    Biden oo booqasho ku joogo Sucuudiga, wuxuu doonaya inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeyo dalkaas.

    Biden wuxuu horey u ballaan qaaday in Sucuudiga uu noqon doono waddan ‘ la fogeeyay’ kadib diiwaankiisa arrimaha xuquuqul insaanka.

    Biden ayaa sheega in Maxamed Bin Salmaan uu caddeeyay dilka weriye Jamaal kaas oo lagu dilay sanadkii 2018 qunsuliyadda Turkiga ee Sucuudiga,

  16. Warbixin ku saabsan ciyaarta Istunka oo ka mid ah ciyaaraha dhaqanka Soomaalida

  17. Dab halis ba’an ku hayo qeybo kamid ah Yurub

    Kumannaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa weli dadaal ugu jiraa sidii ay ku damin lahaayeen dab kusii faayo keymo ku yalla dalalka Bortuqiiska, Faransiiska iyo Spain xilli uu kuleyl daran ka jiro dalalkaas.

    Faransiiska ayaa daadgureeyay in ka badan 14,000 qof oo halis ugu jiray dabka ku baahay deegaanada dhaca koonfur galbeed dalkaas, dabka ayaa sidoo kale ku faafaya Croatia iyo Giriigga.

    Masuuliyiinta Botuqiiska ayaa sheegay in ugu yaraaan 238 qof ay u dhinteen kuleylka saameeyay dalkaas tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Heer kulka Spain iyo Botuqiiska wuxuu gaaray in ka badan 45 C, dhowr qof ayaa loo maleynayaa inay u dhinteen kuleylka daran.

    Dabka ayaa sidoo kale ka kacay xadka Spain ee u dhow beerta qaranka ee Montfrague, oo ah kayd dabiici ah oo caan ku ah duurjoogta. Dabka ayaa baabi’iyey kumannaan hektar toddobaadkan.

    Dabka ka kacay keymaha ayaa baabi’iyay ilaa 7,300 hektar oo ku yaalla koofurta galbeed ee Faransiiska, waxaana ay ku qasbeen 10,000 oo qof in ay ka barakacaan guryahoodii, oo u badnaa dalxiisayaal, qaarna waxay aadeen guryo ay sameeyeen masuuliyiinta maxalliga ah.

  18. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Jowhar

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu garab taagan tahay maamulka Hirshabeelle isla markaana uu gacan ka siin doono sidii loo caawin lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa.

    Wuxuu khadka teleefoonka kula hadlay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle kaas oo xog ka siiyay xaaladda iyo dhibaatada ka dhalatay qaraxa, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  19. Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Jowhar

    Ugu yaraan sedex qof ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lagu weerarray hudheel ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, sida laga soo xigtay sarkaal caafimaad oo ku sugan isbitaalka magaalada.

    Sarkaalkaas waxa kale oo uu BBC-da u sheegay in labaatan qof oo dhaawacyo kala duwan qaba la soo gaarsiiyay isbitaalka, waxana ku jira wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa Jowhar ka dhacay, inkastoo faahfaahin intaa ka badan aysan bixin.

    Goor sii horeysay ayay ahayd markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray weerarray lagu qarxiyay bartamaha magaalada Jowhar, kaas oo gaystay burbur baaxad leh oo gaaray hudheelo iyo guryo ku yaala bartamaha magaalada.

    Waa qaraxiii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Jowhar.