Raysal wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Raysal wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

    BBC

    Xigashada Sawirka, Sheekh Aadan Madoobe.

    Qoraalka sawirka, Xamza ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

    Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulamo la qaatay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka.

    Xamza ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

    “Kulanka oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxaana uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe oo lagu faah faahiyey kulankaasi.

    Xamsa ayaa sidoo kale kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

    labada Aqal ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalamaha soo socdo ay ka doodaan ansixinta raysal wasaaraha magacaaban ka hor inta uusan soo dhisin golihiisa wasiirada.

    Cabdi Xaashi.

    Xigashada Sawirka, Cabdi Xaashi.

  2. Ingiriiska oo laga joojiyay dad uu geyn rabay Rwanda

    Ilaa iyo 7 ruux ayaa saarnaa diyaaradda

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ilaa iyo 7 ruux ayaa saarnaa diyaaradda

    Dawladda ingiriiska ayaa sheegtay in ay si taxadar leh u eegeyso eedeymaha xukun maxkamadeed oo lagu hakiyay duulimaadka kooxdii ugu horeysay ee magangalyo doon ah oo dawladda Ingiriisku gayn lahayd Rwanda habeenkii talaadada.

    Diyaaradda oo la filayay in ay qaaddo ilaa iyo 7 ruux oo magan-galyo doon ahaa ayaa soo degtay kadib markii go’aan ay soo saartay maxakamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub uu caqabad sharci ku noqday London.

    Dawladdu waxay sheegtay in qorshahaan dadka lagu geynayo Rwanda uu yahay mid niyad jab ku ah kuwa dadka tahriibiya, laakiin dadka ka soo horjeeda waxay sheegeen in uu yahay mid lacag badan ku kacaya bani’aadanimadana ka baxsan.

    Wasiirka arimaha gudaha ingiriiska Priti Patel ayaa sheegtay in kuwii laga reebay diyaaradda la saari doono duulimaadka xiga.

  3. Dad ku dul socday dhuxulo dab ah si loo dhiirri galiyo ayaa isbitaal lagu dabiibayaa

    sawirka dadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Arintaan ayaa dhaqan ka ah meelo badan oo caalamka ah

    Shan iyo labaatan qof ayaa laga daweynayaa dab ay ku gubteen wuqooyiga Switzerland kadib markii ay ku dul socdeen iyaga oo caga-cad dhuxulo nool-nool oo dab ah taas oo qayb ka ahyd jimicsi niyadda loogu dhisayo shaqaalaha.

    Saddex iyo toban ka mid ayaa loola cararay isbitaal iyaga oo laga daweynayo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray dhacdadaan oo taaladadii ahayd.

    Koox balaarran oo gargaarka degdega ah oo gaaraya ilaa toban ambalaas ayaa soo gaaray goobta dhacdada.

    Kooxdan ayaa ku dul lugeeyay dhuxulo dab ah oo dhulka lagu daadiyay oo fidsanaa dhawr mitir, isla markiiba waxay dareemeen xanuun daran, sidaas waxaa sheegay booliska.

    Saraakiil ayaa bilaabay baaritaan baaritaan iyaga oo cadeymo ka aruuriyay goobta ay wax ka dhaceen oo ah koonfurta magaalada Zurich.

    Ku dul socoshada dhuxulo dab ah oo nool-nool ayaa loo yaqaan ku-dul-socosho dab, iyada oo mararka qaar loo isticmaalo casharada dhiiro-galinta iyo munaasabadaha samafalka. Meelo kale oo caalamka aha waxaa looga isticmaalaa qaab tijaabo ah.

  4. Cabdirashiid Janan: "Amarada xubnihii dawladdii madaxweyne Farmaajo ayaa wali nalagu dhibaateynayaa"

    Cabdirashiid Janan
    Qoraalka sawirka, Cabdirashiid waa gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo

    Diyaarad rakaab ah oo uu la socday gudoomiye hore ee degmada Luuq iyo dad kale oo shacab ayaa lagu eedeeyay in ay is hortaag ku sameeyeen maamulka degmada Luuq.

    Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay amarka isku deyga hakinta socdaalkaan in ay lahaayeen xubno ciidan ah oo ka mid ahaa dawladii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Cabdirashiid ayaa yiri: " Taliyaha Milatariga gobolka amar uusan bixinaynin ayuu janaraal Biixi oo taliyaha ciidamada lugta ah ka bixinayaa Xamar. Askari ama sarkaal uu xukumo taliyaha gobolka ayuu wacayaa, wuxuu leeyahay sidaas iyo sidaas yeel."

    Xubanaha lagu eedeeyay ishor taagga diyaaradaan wali kama aysan hadlin eedda loo jeediyay.

  5. Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ra'iisul wasaare cusub

    Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu u magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliye Xamze Cabdi Barre.

    Wuxuu sheegay in Xamze uu yahay nin aqoon iyo karti u leh xilka uu u magacaabay, isaga oo ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan ra'iisul wasaaraha.

    Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

    Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.

    Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaaday gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.

    Wuxuu ka mid yahay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya ee sanadkaan laga soo doortay Jubbaland.

    Xamze wuxuu ahaa xubin ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee hugaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

  6. Warbaahinta oo looga yeeray madaxtooyada Soomaaliya

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

    Weriyeyaasha ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo la filayo in uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kula hadlo warbaahinta.

    Saraakiisha madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay inay weriyeyaashu soo xaadiraan xafiiska madaxweynaha saacad gudaheed.

    Lama shaacin ujeedka loo wacay weriyeyaasha, laakiin waxaa soo baxaya dareen ah in laga yaabo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqo Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

    Wixii war ah oo kasoo kordha arrinkan, halkan ayaa idinkula soo wadaagi doonaa.

  7. Fannaan Maxamed Shariif oo lagu aasay isla magaaladii uu ku dhashay

      • Author, Cumar Sebriye
      • Role, Qoraa

    Waxa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ku geeriyooday Maxamed Shariif Nuur oo ahaa heesaa, mullaxan iyo weliba kabanyaqaan aad loo tixgeliyo.

    Maxamed sannadkii 1958 ayuu ku dhashay magaalada Afgooye ee uu ku geeriyooday laguna aasay. Magaalada Afgooye ayuu ku noolaa ilaa uu gaadhay fasalka sideedaad ee waxbarashada dugsiga dhexe. Sannadkii 1978 ayuu Maxamed Shariif ku biiray kooxdii horseed ee ciidanka Milatariga ka dibna wuxuu ka mid noqday laxameeyayaasha ugu cadcad kooxda marna waxaaba la sheegaa inuu ahaa ka koowaad.

    Cabdullaahi Nuur Cawaale (Xalweyste) oo ah fannaan horena uga tirsanaa kooxda haddana ah guddoomiyaha kooxda Fannaaniinta Horseed ee ciidanka milatariga ayaa yiri “ Maxamed wuxuu ahaa nin kooxda oo uu muddo dheer ka mid ahaa welina ka tirsanaa doorweyn ugu jiraymarnaba lama ilaabi karo kaalintiisii heesaanimo iyo tii laxanka ee uu dad badan kaga sarreeyey”.

    q

    Xigashada Sawirka, Qoyska Maxamed Shariif

    Qoraalka sawirka, Fannaan Maxamed Shariif
  8. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ballan qaad u sameeyay fanaan Iidle Yare

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka kulmay fanaan Iidle Yare isla markaana uu ballan qaaday in uu ka caawin dooni 'sidii daryeel caafimaad uu ku heli lahaa'.

    Iidle Yare ayaa dhawaan baahiyayay qoraal taabtay quluubta Soomaalida oo uu soo dhigay Facebook taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

    Iidle Yare ayaa farriinta ku sheegay in "Alle uu uga tegay ilmihiisa", taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

    Iidle oo deggan magaalada Nairobi ayaahadda u safray magaalada Muqdisho, isagoo halkaa ka sii aadi doono dibedda si u helo daryeel caafimaad.

  9. Muxuu maanta Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 50-aad ee baarlamaanka Puntland?

  10. Muuse Biixi oo arrin ‘mucjiso ah’ ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday safiirka Soomaaliya

    Madaxweynaha Somaliland

    Xigashada Sawirka, Teleefishinka Somaliland

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa arrin ugub ah ku tilmaamay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya isla markaana sheegay in aysan aqbaleyn, sida uu baahiyay teleefishinka Somaliland.

    “Ninkii safiirka u ahaa Soomaaliya shirkaa wuu ka carooday wuu isaga baxay isaga oo leh aniga iyo Somaliland meel ma wada fariisan karno, waa arrin ugub ah”

    “Laakiin waa arrin mucjiso ah oo aysan Somaliland qaadan karin” ayuu yiri Muuse Biixi.

    Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa imaanaya xilli shaley safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

  11. Masar, Israa'iil iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis dhanka shidaalka ah

    Israa’iil, Midowga Yurub iyo Masar ayaa heshiis ku meel gaar ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira kaas oo ku saabsan dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shir ka dhacay tamarta oo ka dhacay dalkaas.

    Heshiiska ay ku kala saxeexdeen magaalada Qaahira ayaa noqonayaa tallaabadii ugu dambeysay ee Midowga Yurub uu ku doonayo inuu ku joojiyo ku tiirsanaanta shidaalka Ruushka, iyadoo uu sii socdo dagaalka Ukraine.

    Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku-tiirsanaanta shidaalka Ruushka ku tilmaamay mid u oggolaanaysa Moscow inay sameyso dhaqan ay ugu amar taagleneyso Yurub.Heshiiska ay galeen Israa’iil iyo Masar ayaa si weyn kor ugu qaadi doonaa xaddiga gaaska dabiiciga ah ee Israa’iil ay u dhoofiso Masar, si halkaas loogu sifeeyo kadibna looga sii gudbiyo suuqyada Yurub.

    Waxaa lagu qiyaasaa Israa’iil in ay haysato kayd shidaal ah oo gaaraya ugu yaraan hal trillion oo cubic mitir.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  12. Ergeyga u qaabilsan abaaraha Soomaaliya oo gaaray Buulaburde

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo gaaray Buulaburde
    Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo gaaray Buulaburde

    Wafdi ka socda hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo Ergyga gaarka ah ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka u qaabilsan arimaha gurmadka abaaraha ayaa saaka tagay maagalada Buulaburde ee gobbolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay u kuur galayaan xaaladda dadka ay saameysay abaarta ku dhufatay gobolka.

    Boqollaal qoys oo ka soo hayaamay deegaannada miyiga iyo tuulooyinka ku xeeran Buulaburde ayaa hadda ku sugan halkaasi, waxana la soo weriyay duruufo nololeed oo aad u adag inay haysato qoysaskaasi.

    Hirshabeelle oo kaliya dadka ay abaartu saameysay waxa lagu qiyaasayaa ku dhawaad hal milyan oo qof, waxayna barakicisay dad ka badan sideetan kun oo qof.

  13. ‘Nato hub awood leh ayay siineysaa Ukraine’

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dalalka ka tirsan ururka ay sii wadi doonaan in hub awood leh ay siiyaan Ukraine kuwaas oo ay kamid yihiin hubka difaaca gantaallada ee ridada dheer.

    Wuxuu intaa ku daray in lagu wado in taageero hor leh oo la siinayo Ukraine looga dhawaaqi doono shirka Brussels.

    “Ukraine xaalad halis ah ayaa ka jirtaa, gargaar deg deg ah ayay u baahan tahay” ayuu yiri Stoltenberg.

    • Maxay tahay sababta dalkan uu dadkiisa ugu baaqay inay iska yareeyaan cabidda Shaaha?

      Dad badan oo reer Pakistaan ah ayaa ku tiirsan cabidda shaaha

      Xigashada Sawirka, Getty Images

      Qoraalka sawirka, Dad badan oo reer Pakistaan ah ayaa ku tiirsan cabidda shaaha

      Shacabka Pakistaan ayaa loogu baaqay inay iska yareeyaan cabidda shaaha badan si looga hortaggo dhaqaalaha badan ee ku baxo soo dhoofinta caleenta shaaha.

      ‘Cabidda laba koob maalintii waxay hoos u dhigeysaa dhaqaalihii badnaa ee Pakistaan uga bixi jiray soo dhoofinta shaaha” ayuu yiri Axsaan Iqbaal oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda Pakistan.

      Pakistaan waa dalka ugu badan ee soo dhoofsada shaaha, waxaana sanadkii lasoo dhaafay uga baxday $600 malyan oo doolar.

      “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay yareeyaan cabidda badan ee shaaha, maalintii waxaa ku filaan hal koob ama labo koob oo shaah sababta deyn ayaa kusoo dhoofsanaa caleenta shaaha” ayuu yiri Ixsaan Iqbaal oo la hadlayay warbaahinta Pakistaan.

      Waxay arrintani imaaneysaa xilli uu hoos u dhac ku yimid keydka sariifka lacagaha qalaad ee Pakistaan, waxayna arrintani dowladda ku khasabtay inay yareyso dhaqaalihii ugu bixi jiray soo dhoofinta badeecadaha iyo loo xoojiyo dhaqaalaha gudaha.

    • Kenya oo war kasoo saartay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya

      .

      Xigashada Sawirka, PSCU

      Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida iyo jiritaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

      Waxay sheegtay inay ka ‘qoomamaneyso in calanka Somaliland ee sida khaldan uga soo muuqaday shirkii diblumaasiyadda’ ee ka dhacay Kenya.

      Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay dhibaatada ka dhalatay arrintaas.

      Hadalkan kasoo baxay Kenya ayaa imaanaya xilli shaley safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.

      Kenyatta ayaa shaley la yeeshay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.

      War saxaafadeed ay soo saartay dowladda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaliland ayaa waxa ku sheegtay in ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo maanta ka baxay shir uu madaxweynaha Kenya Uhuru u yeeray ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

      War ka soo baxay safaaradda Somaaliya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay si ula kac u martiqaadday qof ka Socday Somaliland oo qoraal ka soo baxay safaaradda uu ku tilmaamay gobol ka tirsan Soomaaliya.

    • Maxaa ka socda magaalada Ceerigaabo?

    • TPLF oo rajeyneyso in Kenya ay soo kala dhexgasho iyaga iyo Itoobiya

      .

      Xigashada Sawirka, AFP

      Xooggag Tigray oo in muddo ah dagaal kula jiray dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wafdi heer sare ah ay u soo diraan wadahadal ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan Tigray.Wax shuruud ah kuma aysan xirin wadahadallada sida ku cad warqad kasoo baxday madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael.

      Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay sameysay guddi wahadal la yeelan doono TPLF si loo soo afjaro colaadda ka taagan gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

      TPLF iyo dowladda Itoobiya waxay rajo ka muujiyeen in wadahadal lagu dhameeyo colaadda ka taagan gobolka ee labo malyan qof ku khasabtay inay guryahooda ka cararaan.

      Dagaal u dhexeeyay TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii November sanadkii 2020, kaas oo ku faafay gobollada deriska sida gobolka Amxaarada iyo Canfarta balse xaaladda ay aheyd mid deggan tan iyo bishii March oo dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac si gargaar loo gaarsiiyo shacabka.