You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xiisadda Ukraine: Xarun koronto oo halis ah ayuu Ruushka weeraray.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

Jamaludin Ahmed Abdirahman

  1. Faransiiska oo fariin u diray shacabkiisa ku nool Ruushka

    Dawladda Faransiiska ayaa muwaadiniinteeda u sheegtay in ay Ruushka ka baxaan haddii joogitaankoodu aanu "muhiim ahayn" maadaama colaadda Ukraine aad u sii xumaanayso.

    sidoo kale wadamadda UK iyo Mareykanka ayaa iyaguna digniino tan la mid ah soo saaray waxayna sidoo kale guud ahaan ka mamnuuceen diyaradaha Ruushka in ay wadamadooda soo galaan.

  2. Dhibaato xoogan oo laga soo sheegayo Mariupol oo ku taala xeebta Badda Madow

    Magaalada dekedda leh ee Mariupol ee ku taal xeebta Badda Madow ayaa waxaa weli ka socda weerarro isdaba joog ah.

    Maayarka magaalada ayaa sheegay, “Xitaa ma qaadi karno dhaawacyada waddooyinka, guryaha, maadaama aysan duqeynta joogsan".

    Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku boorisay dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada iyaga oo adeegsanayo waxa ay ugu yeereen ‘dariiqa cagaaran’ oo ah wadooyinka nabdoon ee magaaladaasi looga bixi karaan.

  3. Ruushka iyo Belarus oo laga mamnuucay ciyaaraha Paralympics ee 2022-ka

    Guddiga caalamiga ah ee Paralympic ayaa sheegay in ciyaartoyda ka socda Ruushka iyo Belarus aan loo ogolaan doonin in ay ka qeyb galaan ciyaaraha Olombikada Jiilaalka 2022-ka ee ka dhacaaya Beijing.

  4. Maxaa ku dhacay kolonyadii milatariga Ruushka ee ku wajahnaa Kyiv?

    Haddii aad hada nagu soo biirayso, waa kuwan wararkii ugu dhanbeeyay ee xaalada Ukraine.

    Afar qarax oo waaweyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga maqalay gudaha magaalada Kyiv balse ma cadda cidda lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.

    Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in kolonyo baabuur ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhow Kyiv “ay istaageen” shidaal iyo cunto yari awgeed.

  5. Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday Ruushka in ay la baxaan ciidamadooda

    Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah ugala baxaan Ukraine.

    Qaraarka ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu isugu yeereen.

    Intii ay socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

    Waa kulankii ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.

  6. Kharkiv waan haysan doonnaa, Duqeeda ayaa sidaas yiri

    Duqa magaalada hareereysan ee Kharkiv ayaa sheegay in duqaynta ruushka ay waxyeelo culus u geysatay bulshada, laakin wuxuu wacad ku maray in magaaladu aysan marnaba gacanta u gali doonin duulaanka Vladimir Putin.

    Igor Terekhov ayaa BBC da u sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacayo guud ahaan hareeraha magaalada, xaaladuna tahay mid culus.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Ruushku ay si joogta ah duqayn iyo gantaallo ugu garaacayaan goobaha ay dadku degan yihiin, wuxuu intaas ku daray in uu helay war sheegaya in ciidamada Moscow ay bartanka magaalada ku qarxiyeen wax ay ugu yeereen “bam faaruq ah”.

    Wuxuu intaas ku daray in weerarka Ruushku “uusan marnaba joojin doonin” isaga oo sheegay in ciidamada Ukraine ay eryanayaan wax uu ugu yeeray “koox naf-lacaari ah”, wuxuu ugu baaqay wadamada caalamka in ay sameeyaan wax walba oo ay ku joojin karaan duulaanka Ruushka.

  7. Soomaalida Maraykanka iyo afka Soomaaliga

  8. Midowga Yurub oo u jawaabay wiilka Museveni oo ka hadlay dagaalka Ukraine

    Midowga Yurub ayaa cambaareeyay wiilka Museveni oo taageero u muujiyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

    Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub oo ku sugan dalka South Sudan ayaa ku tilmaamay hadalka wiilka Museveni mid “aan la aqbali karin”

    Dionyz Hochel wuxuu sheegay in Uganda ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii si bareer ah ay u taageereyso duulaanka Ruushka ee Ukraine.

    Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalka “"Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?"

    Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa shaley tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine".

  9. Maxaa sababay sicir bararka ka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya?

    Mas'uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sicir-bararka baahsan ee ka jira halkaasi u aaneeyay wax-soo-saar la'aantadadka deegaanka, sarrifka doolarka iyo ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno, waxa ayna sheegayaan in ay haatan qaadayaan tallaabooyin dahwr ah oo lagu dhimayo sicirka cunnada daruuriga ahi.

    Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in maamulka deegaanku uu la socdo qiimaha badeecadaha kala geddisan ay uga soo degaan dekadda Berbera, si ay u sahlanaato in la xakameeyo macaashka ay ganacsatadu ka raadiyaan badeecadahaasi.

    Haddaba arrintaasi ayaanu ka wareysannay wasiirka ganacsiga ee DDS,Malaw Ibraahim Cabdi oo u warramay wariye Ismaaciil Buurgaabo

  10. Koox isu diyaarinaysa inay ku biiraan dagaalka ka socda Ukraine

  11. Sawirrada ciidamada Ruushka ee qabsaday magaalo ku taalla Ukraine

    Ruushka ayaa sheegtay inay ciidamadiisa ay la wareegeen magaalada Kherson oo ku taalla badda madow ee dalka Ukraine.

    Balse hogaamiyeyaasha maxalliga ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay ku hareereysan yihiin magalada balse aysan la wareegin.

    Muuqaal lasoo dhigay barta Youtube wuxuu muujinayaa militeriga Ruushka oo ku sugan bartamaha magaalada.

    BBC-da waxay xaqiijisay in muuqaalkan laga soo duubay bartamaha magaalada Kherson.

  12. Ukraine oo sheegtay tirada ciidamada Ruushka ay ku dishay dagaalka

    Militeriga Ukraine wuxuu sheegay in dagaalka ay ku dileen 5,840 kamid ah ciidamada Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka.

    Sidoo kale waxay sheegeen inay Ruushka ay ka qabsatay gantaallo isla markaana ay burburisay hub fara badan, baabuurta gaashaaman ee dagaalka iyo 30 kamid ah diyaaradaha dagaalka.

    BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto balse xoghayaha gaashaandhigga UK ayaa rumeysan in ciidamada ay jab xooggan kala kulmeen dagaalka Ukraine.

  13. Dowladda oo caawineyso Soomaalida kasoo qaxeysa dagaalka Ukraine

    Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso daadgureynta Soomaalida ay saameeyeen colaadda ka taagan dalka Ukraine, xilli kumannaan qof oo ka qaxay dalkaasi ay galeen waddamada Poland, Romania iyo Moldova.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia, Maxamed Cabdullaahi, ayaa BBC u sheegay in ilaa haatan ay ku guuleysteen in Soomaalidii halkaa ku xayirnayd ay galaan waddanka Poland. wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaraare.

  14. Ilaa hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine?

    Shacabka Ukraine ayaa kusoo waabariistay dhawaqa qalabka ka diga duqeymaha.

    Ruushka wuxuu duqeymo ka fuliyay magaalooyin dhaca, waqooyiga, koonfurta iyo bariga Ukraine.

    Dhinaca waqooyi-magaalada Kharkiv

    • Militeriga Ukraine wuxuu sheegay in ciidamada dalaayadaha ku booda ay weerar ka geysteen halkaas.
    • Waxaa jiraa warar sheegayo in gantaal lala beegsaday dhismaha saldhig boolis iyo jaamacad ku taalla Kharkiv.
    • Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay duqeynta halka 112 qof ay ku dhaawacmeen.
    • Kharkiv waa caasimadda labaad ee Ukraine, waxay 30km u jirtaa xadka Ruushka, waana magaalo ay u badan yihiin dadka ku hadla luqadda Ruushka.

    Dhinaca Koonfureed:

    • Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen magaalada Kherson oo dhacda koonfurta Ukraine.
    • Duqa magaalada Kherson wuxuu sheegay in magaalada ay ku jito gacanta dowladda halka mas'uuliyiinta maxalliga ay sheegeen in magaalada gebi ahaanba ay ku hareereysan yihiin ciidamada Ruushka.
    • Dhinaca kale, duqa magaalada xeebeedka Mariupol wuxuu sheegay in duqeyn joogto ah ay kala kumayaan Ruushka.

    Kyiv

    • Gawaarida gaashaaman ee dagaalka ee Ruushka ayaa 15 mayl u jiraa Kiev iyagoo ku sugan waqooyiga caasimadda.
    • Gantaallada Ruushka waxaa lala beegsaday anteeno teleefishin talaadadii, shan qof ayaa ku dhimatay weerarkaas halka shan kale ay ku dhaawacmeen.
  15. Ciidamada Ruushka oo qabsaday magaalo ku taalla Ukraine

    Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay magaalada Kherson oo ku taalla koonfurta Ukraine, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka.

    Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay noqoneysaa magaaladii ugu weyneyd ee ku taalla Ukraine ee gacanta u gasho ciidamada Ruushka.

    Ciidamada Ruuska ayaa xaley lagu arkay waddooyinka magaaladan, Duqa magaalada Kherson wuxuu sheegay in ciidamada ay qabsadeen xarunta laga raaco tareenka iyo garoonka diyaaradaha.

  16. Madaxweyne Biden: "Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay"

    Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin u dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

    Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Ukraine.

    Joe Biden wuxuu yiri “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan”

    Isago oo canaanayay Ruushka ayaa yiri, “Weerarka lasii qorsheeyay ee aan laga fiirsan”

    "Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay"

  17. Ciidanka Ruushka ee diyaardaaha ka booda oo weerar ku qaaday caasimadda labaad ee Ukraine

    Militeriga Ukraine ayaa xaqiijiyay in ciidamada dalaayadaha ku booda ee Ruushka ay weerar ku qaadeen caasimadda labaad ee Ukraine si ay u qabsadaan magaaladan lagu hareereysan yahay.

    Waxay intaa ku dareen in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen cisbitalka ciidamada ee gobolka, isla markaana uu dagaalku socdo

    Kharkiv ayaa xuddun u aheyd dagaalka ka socda Ukraine kadib duulaanka Ruushka.

    Talaadadii, gantaal ayaa ku dhacay xarunta dawlada hoose ee magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, waxaana ka dhashay qarax weyn oo burburiyay baabuur iyo dhismooyin.

    Ruushka ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay deegaanno ay dadka ku badan yihiin oo ku yaalla Kharkiv, madaxweynaha Ukraine, Zelensky ayaa markii dambe weerarka ku tilmaamay dambi dagal.

    Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay magaalada Kharkiv Talaadadii, tobanaan kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiishaku howlan gurmadka deg deg ah.

    Halkan ka akhriso wararka la xiriira Ukraine:

  18. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.