You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xiisadda Ukraine: Xarun koronto oo halis ah ayuu Ruushka weeraray.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

Jamaludin Ahmed Abdirahman

  1. Firir gantaal oo ku soo dhacay guriga Zelensky.

    Firir loo maleynayo in uu yahay mid gantaal ayaa ku soo dhacay guriga madaxweyne Zlenesky ee ku yaala Kyiv, sidaas waxaa yiri afhayeenkiisa.

    Sergii Nykyforov ayaa laba masawir soo galiyay boggiisa Facebook kuwaas oo muujinaya firirka oo dhex yaala daaradda guriga madaxweynaha oo ku yaalla koonfurta Kyiv.

    Afhayeenka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku falciliyay kaliya “way isigtay”.

  2. Ukraine waxay la daalaa-dhacaysaa weerar internet oo aad u daran.

    Madaxada ammaanka dhinaca internet ka ee Ukraine ayaa sheegay in ay ku jiraan dagaal culus oo dhinaca internet ka ah iyo mid dhulka ah intaba.

    Waxay sheegeen in ay ku jiraan dagaal joogto ah, kaas oo lagu hayo internet ka dawladda iyo shabakadaha kaabayaasha, sidoo kale internet ka bulshada rayidka ah ayaa la bartilmaameedsaday.

    Ku xigeenka madaxa Adeegga Dawlada ee Xiriirada Khaaska ah Viktor Zhora ayaa sheegay in difaaciisa internet ka uu aad isaga caabinayo inta badan weerarada , laakiin dagaal aan la saadaalin Karin ayay kula jiraan Ruushka.

    Group ay ciidamadu ku leeyihiin barta Telegram ayaa xubnaha ku jira hadda yihiin 270,000, laakiin wasaarada warbaahinta casriga ah ayaa sheegtay in ay mararka qaar noqonayaan xubnuha group ka 400,000 oo badankoodu yihiin burcada internet ka.

  3. Ukraine: Xarun koronto oo halis ah ayuu Ruushku weeraray.

    Mas’uuliyiin u hadlay Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay weerareen xaruntii ugu weyneed ee korontada laga dhaliyo nuclear ka ee Ukraine, saacado uun kadib markii uu dab ka dhashay duqaymo lagu garaacay goobta.

    Mas’uuliyinta ayaa sheegay in dabka ka kacay Warshadda Zaporizhzhia uusan saameyn dhismayaashii waawaynaa ee xarunta, haatanna gacanta lagu hayo.

    Ma jiro wax saadaalin ah oo tilmaamaysa heerka kor ukaca shucaaca ka dhashay goobta.

    Hay’adda caalamiga ah ee tamarta nuclear ka ayaa walaac ka muujisay xaalka

  4. Qarax ka dhacay masaajid ku yaalla Pakistan

    Qarax xoogan oo ka dhacay masaajid laga buuxo oo ku yaala magaalada Peshawar ee wadanka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 56 ruux.

    Booliska ayaa sheegay in daraasiin dad ah ay ku dhaawacmeen qaraxa oo loo maleynayo in uu ahaa mid ismiidaamin ah oo salaadii jimcaha ee maanta ka dhacay masaajid ay leeyihiin shiicadu

    Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la soo warinayaa in ay ku jiraan xaalad halis ah.

    Dad goob joogayal ah ayaa sheegay in laba nin oo doonayay in ay masjidka galaan ay rasaas ku fureen waardiyaasha, wax yar kadibna qaraxu dhacay.

    Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qarxa.

  5. Mareykanka oo war cusub ka soo saaray xaalada Ukraine

    Safaaradda Mareykanka ee kutaala Ukraine ayaa sheegtay in dambi dagaal ay tahay in la weeraro warshad tamarta nukliyeerka ah.

    Mareykanka ayaa sido kale sheegay in Duqeymaha uu Putin ku hayo warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ayaa tahay talaabo kale oo sii xumeyn karta duulaanka Ukraine lagu soo qaaday .

  6. Yaa tuuray Gantaalka la filayo in uu ku qarxo Dayaxa sacaadaha soo socda?

    Gantaal lagu qiyaasay in culeyskiisu yahay saddex tan ayaa la filayaa in uu dayaxa ku dul burburo sacaadu marka ay tahay 12:25 GMT maanta oo Jimca ah.

    Saynisyahannada ayaa waxay markii hore u maleeyeen in gantaalka ay leedahay shirkadda SpaceX uu leeyahay Elon Musk, ka dibna waxay markale shegeen in uu leeyahay dalka Shiinaha, arrintaas oo Shiinuhu iska diiday.

    khubaradu waxay sheegeen in sameyn weyn uusan dayaxa u geysan doonin.

    Saynisyahannadu waxay sheegeen in maalmo ama xitaa toddobaadyo ay qaadan karto si loo xaqiijiyo cidda leh gantaalkan.

  7. Ruushka oo sharci culus ku soo rogay shacbkiisa

    Aqalka hoose ee baarlamaanka Ruushka, ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay sharci ka dhan ah dadka "wararka been abuurka ah" ka faafiiyo ciidamada qalabka sida uu Ruushka.

    Sharcigan hadda la ansixiyay ayaa arrintaasi ka dhigaya dambi ilaa 15 sano oo xabsi ah lagu muteysan karo.

    Sharcigan ayaa wali u baahan in aqalka sare ee wadankaasi uu ansixiyo.

  8. Masuul Katirsan Ukraine oo NATO ka codsaday inay Ciidamo u soo diraan

    Magaalada dekedda leh ee Mariupol oo ku taal koonfurta Ukraine, ayaa waxaa weli ku socdo duqeymo xooggan.

    Ku xigeenka duqa Magaalada Mariupol ayaa hogaamiyayaasha NATO ka codsaday inay ciidamo u soo diraan dalka Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka aanu joogsan doonin ilaa uu dalkaasi ka dhigo meel lama degaan ah sido kaleena ay xasuuqaan dad badan oo rayid ah.

    Isagoo la hadlayay BBC-da ayaa waxaa uu yiri "Waxay u egtahay in [Madaxda NATO] aysan fahmin in Putin uusan joojin doonin duulaankan, Madaxda NATO way baqayaan tanina waa wax aad looga xumaado".

  9. UK oo baaq cusub u jeedisay Beesha caalamka

    Ra'iisal Wasaare ku xigeenka UK ayaa sheegay in duqeymaha uu Ruushku ku hayo warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine uu yahay "weerar halis ah oo aan ka fiirsasho lahayn oo lagu qaaday goob Nukliyeer ah" ayna tahay in dhammaan beesha caalamku ay si dhab ah u qaataan,

    Wadamo badan ayaa ka digay halista ka dhalan karta weerarkan waxayna sheegeen in ay saameyn weyn ku yeelan doonto midowga Yurub.

    Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ku yeelanayaan magaalada New York si "loo kordhiyo cadaadiska la saaray Putin".

  10. Markab laga leeyahay Estonia oo qarax lagula eegtay Ukraine

    Markab nooca xamuulka qaada ayaa ku dagay xeebaha dalka Ukrain kadib markii uu qarax ku dahacay.

    Milkiilayaasha Markabkan oo ka soo jeeda dalka Estonia ayaa Waxay sheegeen in lix ka mid ah shaqaalihii markabka ay dhammaan soo badbaadisay dowladda Ukraine.

    Markabkan oo uu ka babanaya calanka Panama ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay dalka Estonia oo lagu magacaabo Vista Shipping Agency.

    Dalka Estonia ayaa xubin ka ah gaashaanbuurta Nato,wuxuuna xuduud la leeyahay Ruushka.

  11. Xiisadda Ukraine:Welwel cusub oo soo wajahay midowga Yurub

    Macalin wax ka baro mid ka mid ah Dugsi ku yaala magaalada Zaporizhzhia ayaa BBC-da u sheegay inuu xalay arkay ciidamada Ruushka oo bambooyin ku tuuraya xarunta warshada Nukliyeer ah ee Ukraine.

    Arrintan ayaa hadda walaac ku abuurtay dhamaan wadamadda Midowga Yurub maadaama ay tahay mid ka mid ah warshadaha tamarta Nukliyeerka ah ee ugu weyn Yurub .

    Caalmka ayaa aad u cambaareeyay weerarka uu Ruushka ku qaaday warshada tamarta Nukliyeerka.

  12. Shirkadda labaad ee ugu wayn shidaal qodista Ruushka oo dalbatay in dagaalka la joojiyo

    Shirkadda labaad ee ugu wayn shidaal qodista Ruushka ee lagu magaacabo Lukoil ayaa ku baaqday in la dhameeyo xiisadda Ukraine.

    War murtiyeed lagu qoray mareegta shirkadda ayaa lagu sheegay, in shirkaddu ka walwal-santahay musiibooyinka ka socda Ukraine, ayna taageereyso wadahadalo lagu dhameynayo xiisadda.

    Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dhameeyo gacan ka hadalka ayna taagersanyihiin xalwaara oo lagu gaaro wadahadal dhexmara dhinacyada.

    Shirkadda ayaa la rumaysan yahay in ay kamid tahay shirakadihii ugu waawaynaa ee ka soo hor jeesta duulaanka Ruushka.

  13. Putin oo sheegay in weerarka Ukraine uu ku socdo qorshe la jeexay.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hawlgalkiisa khaaska ah ee Milatari, laakiin loo yaqaano duulaanka Ruushka uu ku socdo qorshe la jeexay.

    Hadalkiisan ayaa yimid kadib markii falanqeeyayaal badan ay sheegeen in dagaalka Ukraine uu yahay mid qorshe la’aan ah.

    Khudbad laga sii daayay television ka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukriane in ay afduubteen kumanaan dad ajanabi ah, ayna u isticmaalayaan dadka “gabaad ay xabada isaga dhigaan” arintaan wax cadeyn ah uma uusan hayn Putin.

    Wuxuu intaas ku daray in dadka Ruushka iyo Ukraine ay ahaayeen hal dad, uuna burburin doono kuwa ka soo horjeeda ee reer galbeedku abuureen.

  14. Zalensky oo wadahadal ka dalbday Putin

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay wadada ugu dhaw ee lagu joojin karo dagaalka Ukraine in ay tahay wadahadal toos ah oo ay wada-galaan isaga iyo madaxweyne Vladimir Putin.

    “Ma dooneyno inaan weerarno Ruushka, mana qorsheyneyno in aan weerarno. Maxaad naga rabtaan annaga? Nooga taga dhulkeena” ayuu yiri

    Wuxuu intaas ku daray isaga oo soo xiganaya wada hadal ka dhacay miis dheer bishii hore:

    "Aan wada fariisano. 30 mitir meel ay noo dhaxaysana ha fariisan, sidii aad sameysay markii aad la kulmeysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron”

  15. Daawo: Wariye toos hawada ugu jira oo uu madfac dul maray, kaddibna gabbaday

    Daawo waxa dhacay markii qarax ka dhashay madfac uu iftiimiyay hawada magaalada Kyiv.

    Madfaca ayaa u muuqday in uu dul maray wariye ka tirsan telefishinka CBS oo toos hawada ugu jiray si uu uga warramo xaaladda.

    Wariyaha oo lagu magacaabo Charlie D'Agata, oo dhammeystirayay warka ayaa ka gabbaday qaraxa, xilli ay kaamirada duubeysay.

  16. Putin oo madaxweynaha Faransiiska u sheegay waxa uu ka damacsan yahay Ukraine

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron in Ruushku uu ku guuleysan doono in Ukraine uu ka dhigo wadan dhexdhexaad ah ,taasoo uu ku sheegay inay tahay hadafkii uu halkaas ka lahaa.

    Putin waxa kale oo uu Macron u sheegay in aanu ku raacsanayn khudbad uu shalay jeediyay hoggaamiyaha Faransiiska, taasi oo uu ku sheegay in madaxweynaha Ruushka uu keligii masuul ka yahay dagaalka.

  17. UK oo hanjabaad u dirtay Ruushka

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK Liz Truss, oo ku sugan Lithuania oo ay weheliyaan xulafada Nato ee gobolka Baltic ayaa sheegtay in wax ka qabashada gardarrada Ruushka uusan aheyn dagaal u yaala Ukraine oo kaliya laakiin uu sidoo kale yahay werar lagu soo qaaday "dhammaan xorriyaddeenna iyo ammaankeenna ".

    Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la kordhiyo cunaqabateenadda hada lagu soo roogay oo la curyaamiyaa guud ahaan dhaqaalaha Ruushka.

  18. Madaxda magaalada Mariupol oo ka cabanaaya biyo la'aan iyo koronto la'aan

    Maamulka Mariupol ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu si ula kac ah u weerarayo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada koonfurta Ukraine si ay cadaadis u saaraan dadkeeda.

    "Ma haysano koronto iyo biyo ," ayay golaha deegaanka ku sheegeen warbixin ay soo saareen.

    Mariupol, oo ah deked istaraatiiji ah oo ku taal badda Azov, ayaa weli ku jirta gacanta Ukraine, waxaana sidoo kale ku hareereysan ciidamada Ruushka iyo kuwa taageersan, iyadoo ay magaalada duqeymo xoogan ku socdaan .

  19. Ruushka Muxuu ka yiri suurtagalnimada in Dagaal Nukliyeer ah dhaco?

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Moscow ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu sheegay in waxa kaliya ee lagu bedeli karo cunaqabatayntu hadii shaqeynweydo ay tahay dagaalkii saddexaad ee aduunka – Lavrov oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hadii uu dhaca dagaalka sadexaad ee aduunka uu noqon karo oo kaliya “dagaal hubka Nukliyeer ah la isku adeegsado”.

  20. Mid kamida magaalooyinka gacanta Ruushka sii galaysa oo dhibaato laga soo sheegayo

    Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka Kherson ayaa maanta dadka magaaladaasi uu furay xarun tabaruc ah ooay dadka ka heli karaan cunooyin kala duduwan , biyo iyo dawo .Magaaladan ayaa sii galeysa gacanta Ruushka.

    Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in sahayda cunnada aysan ku filneyn, ayna jiraan dad badan oo dhaawac ah oo u baahan in dibadda loo qaado si loo daweeyo.