Dibadbaxyaal shinni ku weeraray boolis

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Koonfur Afrika oo lagu maxkamadeeyey qof lagu eedeeyey inuu gubay baarlamaanka dalkaasi

    Ninka la tuhunsan yahay Zandile Christmas Mafe

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ninka la tuhunsan yahay Zandile Christmas Mafe

    Maxkamad ku taalla magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa maanta kasoo hormuuqdey nin lagu eedeeyey inuu dab qabad siiyey baarlamaanka dalkaasi.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in 49 jirkan, Zandile Christmas Mafe, uu u muuqdey qof jahwareersan. Waxaa uu wajahayaa ruuxani eedo ay kamid yihiin jabin guri, gubid iyo xatooyo.

    Waxaa lagu sii heyn doonaa xabsiga muddo toddobaad ah, si ay u suura gasho in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo ruuxani.

    Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Mr Mafe laga qabtey baarlamaanka isagoo wata walxaha qarxa. Qareenkiisa ayaa sheegay ay booliisku ay qabteen qof aan isaga aheyn.

    Dabkan oo geystay khasaare baaxad leh, ayaa bilowdey kahor inta aysan qorraxdu soo bixin Axaddii, waxaana markii hore lagu dhawaaqey in la xakameeyey Isniintii, illaa iyo dabeylo xoogan mar kale dabkii dib u kiciyeen. Kooxda dab damiska ayaa sheegay in la xakameeyey.

    Ma jiraan wax khasaare nafeed oo laga soo wariyey dabkani. Baarayaashu waxey sheegeen in nidaamka rusheynta biyaha uusan si wanaagsan u shaqeynin, maadaama biyihii la jarey.

  2. Q/M oo soo dhoweysay Shirka Muqdisho ku dhex marey Beesha Caalamka iyo Golaha Wada Tashiga Qaranka

    Shirka Beesha Caalamka iyo Golaha Wada Tashiga Qaranka

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Qaramada Midoobay

    Qoraalka sawirka, Shirka Beesha Caalamka iyo Golaha Wada Tashiga Qaranka

    Ergeyga gaarka ah ee Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxeysa u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhoweeyey shirka maanta Muqdisho ku dhex marey Golaha Wada Tashiga Qaranka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

    Wuxuu wax ku ool ku tilmaamey in goluhu suura galiyay qabsoomidda shirka, isagoo ku booriyey golaha iney dadajiyaan doorashada Soomaaliya, si kalsooni loo galiyo shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba.

    Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa tilmaantey muhiimadda ay leedahay in la saxo hanaanka doorashada loo qabanayo, si dhammaan dadka ka qeyb galaya ay ugu wada qancaan.

    Ergeyga ayaa ku nuux nuux sadey in marka la dhameeyo doorashada, loo gudbayo hawlaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka.

  3. Golaha Wada Tashiga Qaranka iyo Midowga Murashaxiinta oo ku kulmey Muqdisho

    Midowga Murashaxiinta

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha

    Qoraalka sawirka, Midowga Murashaxiinta

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Midowga Murashaxiinta.

    Midowga Murashaxiinta ayaa u gudbiyey Golaha Wada Tashiga Qaranka qoddobo muhiim ah.

    Qoddobadaas waxaa kamid ah turxaan bixinta guddiyada doorashada, amniga iyo in baaris lagu sameeyo dhacdadii 27-kii December ee 2021-kii.

    Afhayeenka Midowga Murashaxiinta Ridwaan Xirsi, ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka gudbiyeen ay yihiin hubinta odayaasha iyo guddiga xulaya ergooyinka.

    Ridwaan ayaa carabka ku dhuftey iney muhiim tahay in jadwalka doorashada la caddeeyo, iyo sidoo kale in waqti ku filan la siiyo murashaxiinta oo ay uga dhex ololeeyaan ergada wax dooraneysa.

    Golaha Wada Tashiga Qaranka iyo Midowga Murashaxiinta

    Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha

    Qoraalka sawirka, Golaha Wada Tashiga Qaranka iyo Midowga Murashaxiinta
  4. Maxay shacabka reer Kenya ugu careysan yihiin maqaayadda caalamiga ah ee KFC?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maqaayadda caalamiga ah ee KFC laamaheeda ku yaalla Kenya ayaa waxaa soo wajahay gabaabsi dhanka baraadhada shiilan ah ama jibsi.

    “Dhammaantiin waxaad jeceshehiin baradhadeenna shiilan, haatan wey naga dhammaatay, waan ka xunnahay, kooxdeena waxay si adag uga shaqeynayaan sidii ay arrintani u xallin lahaayeen” ayaa lagu yiri qoraal KFC Kenya ay soo dhigtay barta Twiiter-ka.

    Sababta uu gabaabsiga ugu yimid baraadhada shiilan ayaa ah inay daaheen maraakiibtii u keeni jirtay baraadhada kadib saameynta ka dhalatay samarka Karoona, sida uu ku warramay wargeyska Business Daily Africa.

    KFC waxaa baraadhada looga keenaa dibadda maadama aysan gudaha dalka ka qaadanin si cuntada ay kariyaan ay u noqoto mid tayo leh oo u wanaagsan caafimaadka isla markaana dadka u keenayana ay soo marayaan qaabab kala duwan oo lagu xaqiijinayo tayada, ayuu yiri madaxa fulinta ee shirkadda ee Bariga Afrika, Jacques Theunissen.

    Macaamiisha KFC ee ku sugan Kenya ayaa caradooda ku muujiyay barta Twitterka iyaga oo ka careysan sababta maqaayadda aysan u adeegsanin baraadhada laga soo saaro Kenya.

    “Tani , waa wax aan la aqbali karin, haddii aysan baraadhada ka iibsan beeraleyda Kenyanka ah marka dhammaan waan qaadaceynaa KFC” ayuu qoray mid kamid ah dadka istimaala Twitter-ka ee Kenya.

  5. Sicir-barar saameeyay nolosha dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

    Sicir barar baahsan ayaa laga soo sheegayaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, oo ay ku jiraan kumannaan qaxooti Soomaali u badan, iyadoo bilihii ugu dambeeyay aad loo dareemayay sare u kaca ku yimid sicirka cunnooyinka daruuriga ahi.

    Sicir-bararkaasi ayaa saamayn weyn ku yeelatay nolasha dadka qaxootiga ahi ee danyarta u badan isla markaana ku tiirsan gargaarka bani'aadanimo ee ay bixiyaan hay'adaha samafalka.

    Haddaba waxyaabaha keenay sicir bararkani iyo xaaladda guud ee nolosha dadka qaxootiga ahi ayaan ka waraysannay Boosteeyo Saalax Suudi oo ka mid ah dadka ku nool Dhadhaab.

    Qoraalka Codka, Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab
  6. Taariikh nololeedka sheekhii ku dhintay dagaalkii Boosaaso

  7. Imisa ayuu jiraa qofka ugu da’da weyn adduunka?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kane Tanaka, oo ah qofka ugu da'da weyn adduunka ayaa dhawaan jirsatay da’da 119 , sida laga soo xigtay farriin ay Twitter-ka soo dhigtay gabadh ay ayeey u tahay oo lagu magacaabo Junko Tanaka.

    “Waxay inoo tahay guul weyn in Kane Tanaka ay gaartay da’da 119, waxaan ku rajeynayaa nolol farxad leh” ayay tiri Junko.

    Junko ayaa baahisay sawirka dhalooyinka cabitaanka shirkadda Cocacola oo xusuus ahaa kuwaas oo haweeneydan la siiyay mar loo dabbaaldegayay dhalashadeeda, waxaana dhalooyinka lagu xardhay magaceeda iyo da’deeda.

    Kane oo u dhalatay dalka Japan waxay dhalatay sanadkii 1903, waxaana guursaday nin mehrad ganacsi ku lahaa dalkaas, waxay markii dambe ka shaqeyn jirtay mehradda ganacsi tan iyo markii ay gaartay da’da 103.

  8. Raghad Xuseen: Waa tuma Gabadha Saadaam Xuseen ee Carabta la hor timid sawirkii aabeheed?

    5 sano kaddib geeridii madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Saadaam Xuseen - oo la daldalay 30-kii bishii December ee sanadkii 2006 - gabadhiisa Raqad ayaa baaq u jeedisay dadka Carabta ah.

    Raqad Saadaam Xuseen, oo ugu weyneyd gabadha uu dhalay hoggaamiyihii Ciraaq ayaa ka codsatay bulshada Carbeed inay midoobaan ayna door ka qaataan sidii isbaddal loogu sameyn lahaa dunida Carabta.

    Iyadoo hor fadhisa sawir kaSaadaam Xuseen oo weyn, una muuqatay inay u adeegsaneyso xasuusin ahaan, ayay Raqad ka dalbatay muwaadiniinta Ciraaq inay iska illoobaan cadaawadda ka dhaxeysa ayna midoobaan.

    "Ka tag cuqdadda iyo waxyaabaha aad gocaneyso, qof walbana ha cafiyo qofka kale," ayay tiri Raqad Xuseen.

    Khudbaddeeda hadal heynta dhalisay ayay Raqad sidoo kale uga hadashay colaadda ka jirta meelo ka mid ah dalalka Carabta iyo khilaafka u kala dhaxeeya.

    "Ciraaq waa in aysan la safanin mid ka mid ah garabyada Carabta. Waxaan idinka codsanayaa inaad hilmaantaan farqiyada idiin dhaxeeya. Waxaan Ciraaq wax u tari karnaa kaliya marka aan mideysan nahay," ayay ku tiri farriinteeda oo ahayd muuqaal loogu talogalay sanad guurada kasoo wareegtay geerida aabeheed.

  9. Madaxda ka qeybgashay shirka Golaha Wadatashiga oo kulan la qaatay xubno ka socday beesha caalamka

    Xubno ka socday beesha caalamka ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee ka qeybgaleysa shirka Golaha wadatashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaaraha wuxuuu sheegay wakiilada beesha caalamka “in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, bulshada rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale” sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    .

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

  10. Dibadbaxyaal shinni ku weeraray boolis

    Waxay shinnida qaniintay tiro kamid ah booliska

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waxay shinnida qaniintay tiro kamid ah booliska

    Afar ka mid ah beeralayda dhaqatada shinnida ayaa lagu xiray dalka Chile ka dib markii ay dhigeen dibadbaxyo ay ku codsanayeen in dowladda ay ka taageerto xirfaddooda.

    Beeraleyda ayaa bannaanbaxyo ka dhigay afaafka hore ee xarunta madaxtooyda oo ku taalla caasimadda Chile ee Santiago.

    Waxay shinnida qaniintay 7 kamid ah saraakiisha booliska oo doonayay inay goobta ka qaadaan sanaadiiq ay ku jirtay shinnida oo ay dadkii dibadbaxyada waday ay dhigeen waddo weyn oo ku taalla halkaas.

    Abaaraha ba’an ee ka taagan Chile ayaa dhibaatada ku reebay dhaqashada shinnida taas oo saameysay ilaha cuntada ee shinnida sida ubaxa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Si ay cabashadooda u muujiyaan beeraleyda, waxay afaafka hore ee madaxtooyada hor dhigeen 60 sanaadiiq ah oo ay ku jirtay shinni gaareysay 10,000 si ay booliska uga hor istaagaan in goobta ay ka eryaan.

    Dibadbaxyaasha waxay doonayeen in dowladda ay dib u eegis ku sameyso qiimaha malabka ama inay ka taageerto wax soo saarka malabka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Mas’uuliyiinta wasaaradda beeraha ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada soo wajahday beeraleyda shinnida isla markaana ay waxka qabanayaan xaaladdooda.

  11. Xaggee marayaan dadallaada lagu joojinayo colaadda ka taagan Sool iyo Nugaal?

    Deegaanka Saax-meygaag ee u dhaxeeya gobollada Nuugaal iyo Sool oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd xiisad colaadeed ayaa haatan waxaa ka soconaya dedaallo nabadeed oo ay wadaan cuqaasha iyo waxgaradka maleeshiyo beeleedyadii maalmahanba halkaasi ku dagaallamayay.

    Colaaddan oo ilaa haatan galaafatay nolasha ugu yaraan 20 qof oo u badan dad reer miyi ah ayaa u dhaxeysa laba beelood oo halkaa wada dega, waxayna salka ku haysaa muran dhanka lahaanshaha dhul-daaqsimeed hadda la deegaameeyay.

    Dhowr jeer oo hore ayaa xal laga gaaray arrintan balse marar abdan ayay soo noqnoqotay.

    Mursal Maxamuud Cabdi o kamid ahaa waxgaradkii horay ugu jiray xallinta khilaafka beelahani, ayaa BBC-da uga warramay halka ay haatan marayaan deldaallada nabadaynta iyo waxa haatan dib usoo celiyey dirirta.

    Qoraalka Codka, Xiisaadda ka taagan deegaannada hoostaga Sool iyo Nugaal
  12. Wasiir hore oo looga shakiyay "falal argagaxisinimo" oo xabsiga loo taxaabay

    Noureddine Bhiri

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Noureddine Bhiri

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee arrimaha cadaaladda ee dalkaas xabsiga loo taxaabay isla markaana looga shakiyay “falal argagixisinimo”

    Noureddine Bhiri oo ka tirsan xisbiga Ennahdha ayaa dhawaan la xiray.

    Wuxuu ka soomay cuntada, wuxuu sidoo kale diiday in uu qaato dawooyin xilli Isniintii la geeyay cisbitaal ku yaalla dalkaas.

    Wasiirka arrimaha gudaha Taoufik Charfeddine ayaa Isniintii sheegay inay jiraan warbixinno lala xiriira falal argagixisinimo oo mas’uuliyiinta ku khasbay inay tallaabo qaadaan.

    Xisbiga Ennahdha ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyey madaxweyne Kais Saied ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay Ra'iisul wasaaraha isla markaana uu joojiyay howlihii baarlamaanka sannadkii hore.

    Xubno ka tirsan xisbiga ayaa ka deyriyay xaaladda caafimaad ee Noureddine Bhiri maadama uu xannuunsan yahay.

    Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa xaaskiisa ayaa ku warrantay in wadno xanuun uu kusoo booday isla markaana laga hor istaagay in ay la kulanto.

  13. Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga oo maalintii labaad galay?

    .

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

    Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

    Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.

    Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

    shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra'iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisal wasaarihiisa.

    khilaafkan ayaa dib u dhac hor leh u keenay doorashada markii horeba xilligeeda dhaaftay.

  14. Asalaama Caleykum.

    Kulanti wacan ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.