Maxaa loo hadal hayaa meherka Safiya Tusmo?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ergeyga midowga Afrika ee soomaliya

    Kulanka labada masuul

    Xigashada Sawirka, TV QARANKA

    Qoraalka sawirka, Kulanka labada masuul

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

    Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha xilliga Kala-guurka ee Soomaaliya.

    Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan dowladda fedraalka ee soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Ku-xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo

  2. Dagaal ka dhacay xadka Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya

    Sawir hore deegaanka Garba-ciise
    Qoraalka sawirka, Sawir hore deegaanka Garba-ciise

    Wararka ka imanaya deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu saaka ka dhacay aagga Caydhkaal oo dhanka bari ka xigta Magaalada Cadeyti ee Gobolka Siti.

    Sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka dagaalka waxaa soo qaaday ciidamo ka soo duulay Deegaanka Canfarta.

    Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 6 kale.

    Maamulada labada deegaan ee Canfarta iyo deegaanka Soomaalida ayaan wali ka hadal dhacdadan.

  3. Qaraxyo ka dhacay dalka Afqanistan, Qaraxyo ka dhacay dalka Afqanistan

    Sawir hore

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Qaraxyo ka dhacay dalka Afqanistaan ayaa waxaa ku naf waayay inta la xaqiijiyay 3 qof.

    weeraradan ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar ee ku yaalla bariga Afqanistaan waxayna dad goobjoogayaal ah sheegeen in qaraxyada ka dib ay maqleen rasaas.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka qaraxyada ku dhintay ay dhammaantood rayid ahaayeen.

    Kooxda la baxday dowladda islamka ayaa lagu eedeeyaa weerarada dalkaasi ka dhacay.

  4. Waa kuma Soomaaliga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy Axmed?

    .

    Xigashada Sawirka, M UGAS MUHUMED

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.

    Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka xoog looga tuurayo ra'iisal wasaare Abiy Axmed. Waxaa isbahaysigaasi ka mid ah urur aan horay loo aqoon oo magaciisa lagu sheegay Somali State Resistance, uuna hogaamiyo Maxamuud Ugaas Muxumed.

    BBC-da ayaa waxaa u suurogashay inay wareysato Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan Washington, waxa uu sheegay in ujeedka loo asaasay ololihiisa uu yahay in "qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago."

    Waxa uu yiri dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.

  5. Booliska Suudaan oo kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay Khartuum

    Booliiska dalka Suudaan ayaa u isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiisa dibadbaxayaal dimuqraadi doon ah oo isugu soo baxay magaalada caasimadda Khartuum.

    Xalay waxay dibadbaxayaasa dhigteen jid-gooyooyiin iyaga oo ka soo horjeeda afgembigii dalkaasi ka dhacay bishii aanu soo dhaafnay.

    Qabanqaabiyayaasha ayaa doonaya in ay sii kordhiyaan cadaadiska ay ku hayaan dowladda militariga si uu dalka dib ugu laabto dowlad rayid ah.

    Dadkii ka qeyb qaadanayay dibadbaxyadii maanta ka dhacay Suudaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dadkii ka qeyb qaadanayay dibadbaxyadii maanta ka dhacay Suudaan
  6. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka Itoobiya

    Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxaycaasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kuwaas oo tagaeero ugu muujiya dowladda dagaalka kula jirta isbaheysiga xoogaga fallaagada ee qeybta waqooyi ee dalkaasi Itoobiya

    Maamulka Adis Ababa ayaa abaabulay isu soo baxyadaan iyadoo ciidamada fallaagada ay sii wadaan dagaallada kuna sii dhawaanayaan cassimaddadhanka kalana waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee dhinacayada ka soo gaaraya dunida si loo helo xal nabadeed oo loogu joojinayo dagaalka .

    Magaalada Jigjiga ee dowladdeegaanka ayaa ka mid ah meelaha ay manata dibadbaxyadu ka dhaceen iyadoodhowrkii maalmood ee la soo dhaafaynadibadbaxyo kuwaan la mid ahlagu qabtay magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Itoobiya .

    Haddaba wararkii ugu dambeyay waxaa ka warramayaa wariye Ismaaciil Buurgaabo.

    Qoraalka Codka, Xaaladda Itoobiya
  7. Maxaa loo hadal hayaa meherka Safiya Tusmo?

    Waxaa si weyb baraha bulshada aad looga hadal hayaa meherka Safiya Tusmo oo ah gabadh fanaanad ah.

    Waxaana lagu mehriyay 120 neef oo geel taas oo hadal heyn badan dhalisay. Dadka qaar waxay ku tilmaameen meherkii ugu qaalisanaa abid.

    Ka bood X boggan, 1
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 1

    Ubax Muxamed Cali oo kamid ah gabdhaha adeegsada barta Twitter-ka ayaa sheegeysaa in haatan ay howl u taallo ragga guurdoonka ah.

    Ka bood X boggan, 2
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 2

  8. Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo ka hadlay isku daygii dil ee uu ka badbaaday

    Mustafa al-Kadhimi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Mustafa al-Kadhimi

    Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida isla markaana ay shacabka is dejiyaan kadib markii uu ka badbaaday isku daygii lagu dili rabay xilli gurgiisa oo ku yaalla Baghdad lagu soo weeraray diyaarad nooc aan duuliyaha wadin.

    Mustafa al-Kadhimi wuxuu kasoo muuqday teleefishinka qaranka isaga oo xaqiijiyay in wax dhib ah uusan kasoo gaarin weerarkii lala damacsanaa in lagu khaarijiyo.

    Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra'iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay.

    Guriga Ra'iisul Wasaaraha ee weerarka lagu qaaday

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Guriga Ra'iisul Wasaaraha ee weerarka lagu qaaday
  9. Waa kuma Soomaaliga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy Axmed?

  10. Muxuu Mustafe (Cagjar) u sheegay odeyaashii uu la kulmay?

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka ItoobiyaMustafe Muxumed Cagjar oo xalay magaalada Jigjiga kula hadlayay qaar ka mid waxgaradka deegaankaasi ayaa sheegay in aanay aqbali doonin cidkasta oo Addis Ababa timaada oo maamul u sooo dhista deegaanka ama keenta ciidan aan kan federaalka ahayn.

    Waxgaradkii kulankaas uu khudbadda ka jeedinayay madaxweyne Mustafe ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed Carab, oo ka tirsan Golaha Nabadda iyo Midnimada Deegaanka, wuxuu BBC uga warramay waxa ay ka wadahadleen?

    Qoraalka Codka, Waxgaradkii la kulmay madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida
  11. Isu soo baxyo lagu taageerayo dowladda Itoobiya oo ka dhacay Addis Ababa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tobonaan kun oo qof ayaa maanta ka qeybgalayaa isu soo baxyo ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kaas oo taageero loogu muujinayo dowladda Itoobiya oo waddo dagaal ka dhan fallaagada ka dagaallanta waqooyiga dalkaas.

    Mas’uuliyiinta waxay soo qabanqaabiyeen isu soo baxyada dowladda lagu garab istaagayo xilli dagaalyanahada TPLF ay guulo badan soo hoyinayaan, waxaana socdaa dadaallo calami ah oo lagu codsanayo in colaadda lagu joojiyo.

    Markii TPLF ay qabsatay magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Amxaarada, waxay u muuqataa jabhadda inay ku wajahan tahay dhinaca caasimadda.

    Maalmihii lasoo dhaafay deegaanno dhaca Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo Itoobiya.

    Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay shacabka ugu baaqday inay diiwaangeliyaan hubka ay heystaan si ay u difaacaan caasimadda.

  12. Doorashadii Puntland oo dhalisay sare u kaca kiisaska cudurka Karoona

    Wasaaradda Caafimaadka dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in intii lagu guda jiray doorashadii hordhaca ahayd ee ka dhacday saddexda degmo ay korodhay tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19.

    Wasaaradda ayaa sheegtay inay kor u qaadi doonaan wacyigelinta waxyeellada cudurka, sidoo kalana ay dajin doonaan habraacyo cusub oo cudurka lagu xakamaynayo.

    Arrintan ayaa imanaysa xilli haatan la galay waqtiga qaboobaha oo ay howlwadeennadu caafimaadku ka digayaan in halista cudurku uu intii hore ka badan yahay.

    Haddaba wasiirka caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax, ayaa khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBCda Axmednagaashe.

    Qoraalka Codka, Doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland oo lala xiriiriyay faafidda Covid-19
  13. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.