Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Hay'adaha amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gaadiid lagu wareejiyay

    Hay'addaha amniga Deegaanka ayaa 40 gaadiid lagu wareejiyay maanta,

    150 gaadiidka kala duwan ah oo ay Dowlad deeganka soomalida dalbatay ayaa haatan waxaa soo gaadhay 99 oo keli ah iyadoo in ta harsan la soo dhameystiri doono.

    Gawaadhidan oo ah intooda badan kuwa fudud ee shaqooyinka dowladda ayaa waxaa ku baxday lacag gaadhaysa 426 Milyan oo Birr sida uu sheegay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha dowlad deeganka soomaalida.

    Baaburtan ayaa wax badan ka bedeli doona ammniga deeganka iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka.

    DDS

    Xigashada Sawirka, SRTV Rasmi Page

    DDS

    Xigashada Sawirka, SRTV Rasmi Page

    DDS

    Xigashada Sawirka, SRTV Rasmi Page

  2. Booliska oo si degdeg ah ula cararay Ra'iisul wasaaraha Canada

    Justin Trudeau ayaa lagu qasbay inuu baajiyo isu soo bax doorasho kadib markii dadweyne cadheysan oo mudaaharaadayay ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen. Ra'iisul wasaaraha Canada ayaa lagu waday inuu khudbad u jeediyo taageerayaashiisa Bolton, Ontario,

    laakiin xafladda ayaa loo joojiyay arrimo amni awgeed. Tobanaan ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Fagaarayaasha waxayna ku qeylinayeen waxyaalo anshax xumo ah ka hor inta uusan Mr Trudeau hadlin.

    Justin Trudeau ayaa lagu qasbay inuu baajiyo isu soo bax doorasho

    Xigashada Sawirka, Reuters

  3. Maraykanka: 117,000 ayaan ka soo daadguraynay Kabul

    Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa ka warbixiyay daadguraynta ka socota garoonka diyaaradaha ee Kabul

    Jananka howlgalada daadguraynta Maraykanka u qaabilsan Gen William Taylor ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay Afghanistan kasoo qaaden 117,000 kun oo qof.

    Waxaa uu sheegay in 1,400 oo qof maanta la diiwangeliyay haatan ay sugayan inay diyaaraduhu daabulan.

    Balse dad kale oo badan oo reer Afghanistan ah ayaa ku soo xoomayay garoonka iyadoo ay soo dhowaatay muddada kama dambeysta ah ee ciidamada Mareykanka loo qabtay inay uga baxaan dalkaasi oo ah 31 August.

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday dhammeystirka howlgalka, isagoo intaas ku daray "nama carqaladeyn doonaan argagixisada".

    Maj Gen William Taylor

    Xigashada Sawirka, EPA

  4. Dad caraysan oo gubay xafiiska ICRC ee Baardheere

    Warrarka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad carayan ay dab qabadsiiyeen laan kamid ah laamaha hay'adda bisha Cas ku leedahay magaalada Baardheere.

    Dabka ayaa baabi'iyay dhamaan qaybaha ay xaruntu ka koobnayd oo ay ku jirto qaybtii kaydka daawada.

    Haddaba sii aad u heshoo faahfaahina dheeraada , halka hoose ka dhagesyo weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan,oo mar sii horeysay ka warbixiyay sida wax u dhacen

    Qoraalka Codka, Warrarka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya.
  5. Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeshay Amisom

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambasador Francisco Madeira.

    Labadan masuul ayaa ka hadlay Amniga Guud ee Deegaannada Hirshabeelle, qorshaha la dagaallanka argagixisada iyo sidii loo sameyn lahaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabab, iyo Arrimaha Doorashooyinka.

    Madaxweynaha Hirshabeelle

    Xigashada Sawirka, AMISOM

    Madaxweynaha Hirshabeelle

    Xigashada Sawirka, AMISOM

  6. Talyaaniga oo dadkii ugu badnaa ka daadgureeyay Afghanistan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Talyaaniga ayaa maanta 5,000 oo qof oo u dhalatay Afghanistan ka daadgureeyay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Waana tiradii ugu badneyd oo dal ka tirsan Yurub uu ka daadgureeyo Afghanistan, sida ay dowladda sheegtay.

    Waxaa jira ifafaallooyin muujinaya in hawlgalkii degdegga ahaa ee lagu daadguraynayey shacabka Afghanistan ee ka baxaya garonka Kabul oo ku dhaw yahay in uu dhammaado xilli ay jiraan walaacyo cusub oo ku aaddan weerar ka dhaca halkaas.

    Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan daadguraynta dadka shacabka ah, illaa iyo marka u danbaysa.

    Dhanka kalena madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa ka digay ururka isugu yeera dawladda islaamka ay weli yihiin halis jirta kaddib weerarkii ay ku dhinteen 170-ka qof garoonka diyaaradaha ee Kabul.

  7. Puntland oo bixineysa kaararka codbixinta

    Guddiga KMG ah ee doorashooyinka u qaabilsan Puntland ayaa sheegay in dhawaan ay kaararka codbixiyayaasha gaarsiin doonaan saddexda degmo ee diiwaangelinta laga sameeyay.

    Gudoomiye kuxigeenka guddigaas, Jaamac Xirsi Faarax ayaa sheegay in 48 kun oo kaar ay ku hawlan yihiin diyaarintooda.

    Gudoomiye kuxigeenka ayaa u warramay weriye Axmed Cawil.

    Qoraalka Codka, Guddiga doorashada Puntland
  8. Ururka Taliban oo codsi u diray haweenka ka shaqeeya xarumaha caafimaadka

    Taliban ayaa ka codsatay haweenka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee dalkaas inay dib ugu laabtaan shaqadooda.

    Afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay “in haweenkan ay si joogto ah shaqadooda dib ugu laabtaan”

    Balse ma uusan soo hadal qaadin waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda dumarka kale ee ka shaqeeyo dalkaas.

    Horraan Taliban waxay haweenka dalkaas fartay in guryahooda ay joogaan si ay u ilaaliyaan amnigooda.

    Haweenka Afghanistan waxay walaac ka muujinayeen mustaqbalkooda kadib markii kooxda Taliban ay la wareegtay dalka.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

  9. Maxaa Taalibaan ku khasbay in Turkiga ay ku wareejiyaan maamulka garoonka Kabul?

  10. Wasiir hore oo loo xiray lacag uu 'xaday' oo uu aroos ku galay

    Wasiir hore oo ka tirsanaa dowladda Malawi ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in lacagaha dowladda dadweynaha uu u adeegsaday maalgelinta arooskiisa oo ka dhacay dalkaas.

    Charles Mchacha wuxuu xilliggaas ahaa wasiirka waraabka, waxaana lagu eedeeyay in lacagaha dadweynaha uu ku kireystay huteel kuwa raaxada ah halkaas oo ay toddobada kaga baxeen isaga iyo gabadha uu la aqal galay.

    Wargeyska Nation ee kasoo baxa Malawi ayaa sidoo kale ku warramay in labo sarkaal oo kale oo dowladda ka tirsan ay xirtay laanta ka hortagga musuq maasuqa dalkaas.

    Laanta la dagaalanka musuq maasuqa waxay sheegtay in saddexda sarkaal lagu soo oogi doono dacwado la xiriira xatooyo iyo musuq maasuq.

    Waxay dhammaantood beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  11. Tirada kiisaska cudurka Karoona ee Somaliland oo korodhay

    Waxaa dhawaanahan deegaannada jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland laga dareemayaa sare u kaca kiisaska cusub ee cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyadoo horraan loogu dhawaaqay in wax kiisas cusub aysan ka jirin Somaliland.

    Waxaana laga cabsi qabaa in Somaliland ay ku jirto billowgi mowjaddii seddexaad ee cudurka.

    Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa BBC uga warramay waxa keenay kororka kiisaska cususb ee cudurka safmarka ee Karoona.

    Qoraalka Codka, Cudurka Covid-19 iyo Somaliland
  12. Imaam caan ah oo kumanaan doolar ugu deeqay mashruuc lagu dhisayo kaniisad

    Sheekh Cusmaan Sharubutu

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Sheekh Cusmaan Sharubutu

    Madaxa golaha imaamyada dalka Ghana Sheekh Cusmaan Sharubutu ayaa in ka badan 8,000 oo doolar ugu deeqay mashruuca dhismaha kaniisadda qaran ee muranka badan ka dhaliyay dalkaas.

    Ghana waxay ku caan ku tahay isdhexgalka dadyowga aaminsan diimaha kala duwan inkasta oo deeqdan uu Imaamka ku bixiyay kaniisadda loo arko arrin lama filaan ah.

    Imaamkan 102 jirka ah wuxuu sheegay in sababta uu dhismaha kaniisadda ugu deeqay dhaqaalahan ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeyo muslimiinta iyo kiristaanka.

    Labao sano ka hora yay aheyd markii Sheekh Cusmaan uu ka qeybgalay munaasabad duco ah oo ka socotay kaniisad, arrintaas oo dood badan ka dhalisay baraha bulshada dalkaas.

    Dowladda Ghana ayaa dhawaan bilowday olole dadka ay ugu baaqeyso inay dhaqaale ay ugu deeqaan dhismaha kaniisadda.

    Waxaana kaniisaddan laga dhisaya caasimadda Ghana ee Accra, waxaana lagu wadaa inay ku baxdo dhaqaale gaarayo $100 Milyan oo doolar.

    Dad badan ayaa dhaleeceeyay mashruucan dhisitaanka kaniisadda oo ay ku tilmaameen mid lagu khaldamay oo ay aheyd in mudnaanta la saaro xoojinta dhaqaalaha dalkaas.

  13. Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

    Waddada isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti
    Qoraalka sawirka, Waddada isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti

    Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa bilowday dadaal ay ku joojineyso dagaalka maalmihii u dambeeyey Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmarayey Galbeedka Gobolka Siti.

    Xukumadda Addis Ababa ayaa labada dhinac ay dirirtu dhex mareyso ugu baaqday iney si degdeg ah xabadda u joojiyaan isla markaana miiska wadahadalkana isugu yimaaddaan.

    Dagaalka maamlmihi la soo dhaafayna waxaa ku dhintay dad boqol kor u dhaafaya, iyo dad badanna ay ku barakaceen.

    Dhinacyada dagaallamayana waxay kala sheeganayaan iney dagaalka guulo ka gaareen oo ay dhulal kala qabsadeen inkasta oo ay BBC-da aysan arrintaas xaqiijin karin.

    Waxaana horey u fashilmay heshiisyo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda soo noq-noqotay ee Soomaalida iyo Canfarta.

  14. Afghanistan: Mareykanka oo duqeyn ku 'dilay ninkii qorsheynta u qaabilsanaa' kooxda Isis-K

    Ciidamada Mareykanka ee ilaalinaya garoonka diyaaradaha ee Kabul

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Mareykanka ee ilaalinaya garoonka diyaaradaha ee Kabul

    Militeriga Mareykanka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay dileen ninkii kooxda Isis-K u qaabilsanaa qorsheynta xilli ay bariga Afghanistan ka fuliyeen duqeymo ay u adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka.

    Sarkaal loo maleynayo in uu ka tirsan yahay kooxda IS-K ayaa lagu beegsaday weerarkan uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Nangarhar.

    Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul,qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan ku dhawaad 170 qof oo ay kamid yihiin 12 kamid ah ciidamada Mareykanka.

    Waxaana dalka Afghanistan ka socdaa dadaalla lagu daadgureynayo dadka tan iyo markii ay halkaas qabsadeen ururka Taliban.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Jimcihii sheegay inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Isis -K - ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan.

    Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan.

  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.