You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faroole muxuu ka yiri tanaasulka musharrixiinta qaar?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Abiy Axmed oo codsi u diray shacabka Itoobiya

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay shacabka ay suurtagalka tahay inay kusoo biiraan ciidamada si loola dagallamo fallaagada Tigray.

    Wuxuu sheegay in dhammaan shacabka Itoobiyaanka ee awoodda leh inay muujiyaan jeceylka ay u qabaan dalkooda isla markaana ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF kaas oo ka socda deegaanno ku yaalla waqooyiga dalkaas.

    Bishii June, dowladda waxay xabad joojin uga dhawaaqday gobolka Tigray , markii dambe ciidamada fallaagada Tigray waxay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay kamid tahay caasimadda Mekelle.

    Boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay dagaallada ka socda Tigray, ku dhawaad 400, 000 qof oo ku nool gobolka ayaa wajahaya macluul.

  2. Aways Abuukar: "Waxay aaminsan yihiin in abtigey uu i habaaray iyo in ay taabasho iiga qaadayaa"

  3. Dad ku dhintay dagaal dhexmaray dagaal dhexmaray Shabaab iyo Amisom

    Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.

    Barqadii ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay wadada u galeen Al-Shabaab halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.

    Dagaalka Kadib ayaa la sheegay in ciidamada Uganda shan qof oo rayida ay kala baxeen beer ku taala halka uu dagaalku ka dhacay.

    Sidoo kalena laba darawal oo kalena kala dageen gawaaridii ay wateen, hal goobna lagu wada dilay todobada qof.

  4. Mareykanka oo degenaansho gaar ah siinayo dad aanan sharciga heysan

    Dadka kasoo jeedo dalal dhowr oo Soomaaliya ay kamid tahay ee ku nool Mareykanka ayaa ka faa'ideysan doonaa degenaansho gaar ah oo ay bixineyso dowladda oo loogu talagalay dadka aanan sharciga heysan.

    Waxaana dalalkaas kamid ah Burma, Soomaaliya, Syria, Venezuela iyo Yemen.

    Waxaa hadda furan codsiyada dadkan lagu siinayo degenaanshaha kumeel gaarka ah.

    Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa dadka ugu baaqday inay codsadaan sharcigan, sida ay ku shaacisay barta ay ku leedahay Facebook.

  5. Dacarta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Afrika oo dabar go’ ku dhaw

    Waxaa sare u kacay tirada dacarta laga dhoofiyo gudaha Kenya arrintaas oo horseedi karto inay dabar go’do, sida wargeyska Daily Telegraph ay u sheegtay Emily Wabuyele oo ka shaqeysa ilaalinta dhirta.

    “Dacarta waa la qariyaa iyadoo sida qudaarta dalka looga daabulo, haddii dacarta laisku daweyn karo markaa waxay halis ugu jirtaa inay dabar go’do”

    Wargeyska Daily Telegraph ayaa ku warramay in dacarta si sharci darro ah loogu dhoofiyo Yurub iyo Asia kuwaas oo laga qaado dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika.

    “Waxay dabar gooynayaa geedkan, waa geed da’ weyn, arrintani waa masiibo” ayay tiri Emily Wabuyele.

  6. Qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Amisom ee Soomaaliya

    Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

    Dad ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii hore weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday kolonyada ciidamada Uganda, dabadeedna la maqlay hub culus oo ay labada dhinac isku ridayaan.

    Ilaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu dhaliyay balse war ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in gaari kuwa qafilan ah ay gubeen, tiro askarta Uganda kamid ahna ay dileen inkastoo illo madaxbannaan oo xaqiijinaya aanay jirin.

    Dhinaca kale AMISOM wax wara lagama hayo oo ku saabsan weerarka ciidamadooodu lagu qaaday, balse guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Uganda iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay dileen ugu yaraan lix ka tirsan Al-Shabaab.

    Warrar kalena waxay sheegayaan in jiraan dad rayid ah oo dhintay.

    Dhinaca Kale Gobolka Mudug waxa la soo weriyay in dad rayida oo la socday mooto bajaaj ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda la dhigay meel aan sidaa uga fogeeyn deegaanka Bacaadweyn.

    Dad ku sugan Bacaadweyn ayaa BBC-da u sheegay in dhawr qof oo dumara oo la socday moota bajaajta ay dhinteen, mooto wadihiina uu soo gaaray dhaawac culus. Illaa hadda ma cadda sababta loo beegsaday haweenka la socday mooto bajaajta.

  7. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Kenya

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo lagu wado in galabta uu kula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    Waxaana wafddiga Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweysay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo dhawaan booqasho ku tegtay Muqdisho.

  8. TPLF oo ka hadashay weerar lagu qaaday gobolka Canfarta

    Fallaagada ka dagaalanta waqooyiga Itoobiya ee Tigray ayaa beenisay inay ka dambeysay weerar shaley lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

    Afhayeen u hadlay TPLF ayaa sheegay in wararka ku saabsan weerarkaas ay yihiin kuwo laga naxo isla markaana sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sidii baaritaan loogu sameyn lahaa weerarka ka dhacay Canfarta.

    Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

    Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka inkasta uusan wax faahfaahin ah ka bixin tirada dhimashada.

    Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

    Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

  9. Puntland oo ku dhawaaqday maalinta ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in berri la qabanayo doorashada Aqalka Sare ee maamulkaas.

    "In doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbacada" ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga Facebook ee baarlamaanka Puntland.

    Puntland waxay shaacisay liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare iyo guddiga qabanayo doorashadaas.

    Soomaaliya waxaa ka socotaa howlaha qabashada doorashada Aqalka Sare iyadoo doorashada ay ka dhacday Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo lagu soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada ku matali doono Aqalka sare.

    Maamulka Galmudug weli ma uusan shaacin liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare.

  10. Dowladda oo faahfaahin ka bixisay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Kenya

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha ee Kenya xilli ku wajahan yihiin dalkaas.

    Wuxuu sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay ka bilaabaneyso magaalo xeebeedka Mombasa halkaas uu kula kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

    “Safarkan inta aan ku jirno kama mid aha in laga hadlo arrimaha khuseeya badda oo ah kiis ay maxkamadda go’aankeeda sii deyn doonto” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

    Kadib Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu u gudbi doonaa magaalada Nairobi si uu tego safaaradda iyo kulan uu la yeelan doono jaaliyadda Soomaalida ee Kenya.

  11. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay Kenya

    Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay dalka Kenya kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaas.

    Arrintan ayaa ka dambeysay xilli Soomaaliya ay booqasho ku joogtay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo la kulantay mas’uuliyiinta dowladda oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal iyo arrimo kale.

  12. Puntland oo shaacisay xubnaha qabanaya doorashada Aqalka Sare

    Maamulka Puntland ayaa magacaawday shan xubnood oo qaban doonta doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay ka dhacdo halkaas.

    Tani ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu soo saaray liiska musharraxiinta doorashada Aqalka Sare ee maamulkaas.

  13. Cudur cusub oo ka dilaacay galbeedka Afrika

    Saraakiisha caafimaadka ee dalka Guinea ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg oo xannuun faafa oo lamid ah feyraska ka dhasha Ebola.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in loo baahan yahay ka hortagga cudurka.

    Feyraska Marburg waxaa la rumeysan yahay in uu kasoo bilowday fiidmeerta taas oo u gudbisa banii’aadanka.

    Baaritaan lagu sameeyay bukaan u ku dhacay cudurka oo ku nool dalka Guinea ayaa lagu ogaaday in uu ku dhacay feyraska Marburg.

    Dr Matshidiso Moeti oo ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurka uu si baahsan u faafi karo.

    Waxaa dalka Guinea ka socdaa dadaallo lagu baadigoobayo dadka loo maleynayo in uu la kulmay ninkan.

  14. Xubnihii hore uga tirsanaa Aqalka Sare ee kasoo muuqday liiska Puntland

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa shaaciyay murashaxiinta u tartamaya 11-ka xubnood ee uu maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Waxaa kamid ah siyaasiyiin hadda xilal ka haya Puntland, halka laga tagay sagaal kamid ah senatarada ka tirsan baarlamaanka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

    Iyadoo laga soo reebay laba keliya ah kuwaas oo kala ah Cabdiraxrmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen oo horey uga tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.