Qoraal la soo dhigay bogga madaxtooyada Kenya ee Facebook
ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu soo dhoweynayo soo
celinta xiriirka labada dal.
Wuxuu sidoo kale dalbaday in “si saaxiibtinimo ah xal looga
gaaro khilaafka xuduudda badda” ee labada dal u dhexeysa, kaas oo yaalla
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).
Uhuru Kenyatta ayaa maanta Mombasa kula kulmay Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga Kenya.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu,
oo maanta la hadlay BBC Somali wuxuu meesha ka saaray in laga wada hadlayo
arrinta badda, inta uu Rooble booqashada ku joogo Kenya.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu adkeeyay in "muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin
doono go'aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ."