Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday gobolka Canfarta
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Nin codsigiisii magangelyo doonka la diiday oo baadari ku dilay Faransiiska
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wararka ka
imanaya Faransiiska ayaa sheegaya in maydka baadari kaatoli ah laga helay tuulada Saint-Laurent-sur-Sèvre
ee dalka Faransiiska. Ninka
la tuhunsan yahay inuu qudha ka jaray baadariga ayaa la sheegay inuu yahay nin
magangelyo doon ahaa oo u dhashay dalka Rwanda oo codsigiisii la diiday.
Waxa kale oo
ay wararku tibaaxayaan in sidoo kale ninkaa la tuhunsan yahay lagu eedaynayo in
qudhiisu ka masuul ahaa dab la qabadsiiyey sannadkii hore kaniisadda magaaladaa
oo khasaare ballaadhan gaadhsiiyey kaniisadda.
Daraasad ka dardaar werinaysa abaaro iyo duufanno dunida ku soo fool leh
Qaramada
midoobay ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in aadamuhu keligii ka masuul
yahay korodhka heer kulka dunida ee badda iyo berrigaba.
Waa warbixintii
ugu dhiillada badnayd ee ay QM soo saarto waxaanay gudida hawshaa loo saaray warbixinteeda
ku sheegtay in isbedelka cilmilada laga dareemi doono dhammaan daafahadunida oo la arki doono heer kul sareeya,
roobab mahiiganno ah, abaaro iyo duufaanno.
Hase yeeshee
warbixinta waxa lagu sheegay in ay jirto fursad lagaga hor tagi karo in
xaaladdu ka sii darto hadii la dhimo qiiqa iyo kaarboonka hawada lagu sii
daayo. Warbxintu waxay sidoo kale saadaalisay in heer kulka dunidu qarnigan kor u dhaafi doono hal iyo badhkii digrii
sentigiraydh ee hore loo saadaaliyey.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Safaaradda Kenya ee Muqdisho oo maanta dib loo furay
Qoraalka sawirka, Wasiirada arimaha dibada Kenya iyo Soomaaliya
Safaaradda ay Kenya ku leedahay
magaalada Muqdisho ayaa maanta dib loo furay.
Waxa safaaradda xadhiga ka jartay
wasiirka arimaha dibada Kenya,Raychelle Omamo, oo Soomaaliya booqasho ku tagtay
maalintii shalay ahayd. Waxaana kala qayb galay wasiirka arimaha dibada
Soomaaliya iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Kenya.
Safaaradda waxa dib loo furayaa
muddo sideed bilood ah oo ay xidhnayd ka dib markii ay Soomaaliya xidhiidhka
diblomaasiyadeed u jartay Kenya bishii Diisember ee 2020 oo ay ku eedaysay in
ay si toos ah u faro gelisay arimaha gudaha ee dalkeeda, hase yeeshee ay Kenya
arintaasi beenisay.
Khilaafkaas ayaa la xaliyey bishii
May ee sannadkan ka dib markii uu Amiirka Qadar, Tamiim Bin Xamad, telefoonka
kula xidhiidhay labada madaxweyne ee labda dal.
Waxa qaybta daryeelka culus ee
isbitaal ku yaal dalka Singapore laga
saaray ilmo la rumaysan yahay inuu yahay kii ugu miisaanka yaraa dunida ee
dhasha oo ku jiray muddo 13 bilood ah.
Kwek Yu Xuan markii ay dhalatay waxa
miisaankeedu ahaa 212 g oo u dhiganta miisaanka xabbad tufaaxa dhererkeeduna
wuxuu haa 24 cm.
Intii ay isbitaalka ku jirtay Yu
Xuan waxa la siinayey dawooyin badan oo kala duwan waxaanay nolosheedu ku
tiirsanayd mishiino kala nooc ah.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in
caafimaadkeeda iyo korriinkeeduba si fiican u hano qaadeen intii ay gacantooda
ku jirtay haatanna ay fiican tahay oo dhakhtarka laga saarayo.
Lacagtan oo ay bixinayaan deeq
bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto
dardargalinta doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.
Dhinaca kale isla maanta
waxa magaalada Muqdisho dib loo furay safaaradda dalkan Kenya ku leeyahay
Soomaaliya oo xirneyd dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababbo la xiriira
khilaafka ka dhaxeeyay labada wadan oo hadda u muuqda inay meelo badan isaga
soo dhawaanayaan.
Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday gobolka Canfarta
Xigashada Sawirka, AFAR COMMUNICATION
Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.
Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.
Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.
Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.
Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.
‘Al Shabaab’ oo sii deysay darawaallo qaad waday
Xigashada Sawirka, Daily Nation
Koox lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo
warramaya inay sii daayeen labo qof oo darawal ka ahaa baabuur jaad siday oo
mareysay deegaanka Kulan ee dhaca duleedka Gaarisa ee gobolka waqooy bari
Kenya, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.
Ragga afduubtay darawalladan ayaa la baxsaday gaarigii jaadka
siday.
Darawallada ayaa gaaray saldhigga booliska ee Dhadhaab halkaas oo ay ka hor sheegeen dhibaatadii ay la kulmeen intii ay gacanta ugu jireen
kooxahaas.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria oo la afduubtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Nigeria ayaa la afduubtay,
sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka gobolka dhaca bartamaha ee Niger.
Laamaha amniga ayaa lagu soo warramayaa inay bilaabeen howlgal
ay ku baadigoobayaan sarkaal la afduubtay.
Dhawaan ayay aheyd markii waaliddiinta dhalay guddoomiyaha
baarlamaanka gobolka Zamfara ee Nigeria la afduubtay.
Dr Doolaal oo ka sheekeynaya dhacdo uu goobjoog u ahaa oo ku saabsan Muuse Biixi Cabdi
Golaha Amniga oo lagu wado in uu ka doodo amniga badda Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa in uu qabto dood furan oo looga hadlayo amniga badda Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Amniga warbixin ka siin doonaa arrimaha amniga ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee xafiiska Qaramada Midoobey ee qaabilsan nabadda iyo siyaasadda.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Karoona ee Gaarisa oo korodhay
Waxaa
mar kale sare u kacday tirada dadka uu soo ridanayo fayraska Corona ee
magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya, iyadoo xanuunku haatan ku sii
fidayo tuulooyinka ku xeeran magaaladaasi.
Sara
u kacan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid tahay,
dadka oo aan u hoggaansameyntalooyinka
ka hortagga cudurka.
Mas'uuliyiinta
caafimaadka ee deegaankaasi, ayaa aaminsan in magaaladda ay hadda wajaheyso
mowjadda labaad ee fayraska Corona, isla markaana uu noqon karo faraca cusub
fayraska oo loo yaqaanno Delta.
Qoraalka Codka, Cudurka Covid-19 iyo saameynta uu ku hayo Gaarisa
"Wax kasta waxaa ka horreeya saaxibtinimada" sida caalamka looga hadal hayo Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa hadal heysaa
dhiirigelinta uu Cabdi Nageeye uu u muujiyay Bashiir Cabdi xilli ay ka qeybgalayeen
tartanka orodka dheer ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in ‘Cabdi
Nageeye uu saaxibtinimada uu ka horumariyay wax kasta maadama Bashiir Cabdi uu
ugu baaqay in uusan ka harin si kaalmaha hore uu u galo’
Reuters waxay cinwaan uga dhigtay sheekada labada orodyahan ee Soomaalida ah, "Wax kasta waxaa ka horreeyaa saaxibtinimada xilli Nageeye uu gacan haatiyay Bashiir Cabdi si uu kaalin wanaagsan uga galo tartanka"
“Markii ay inoo soo hartay 800m, waxaan doonayay in aan
dheereeyo balse waxaan ka fakaray Bashiir oo aan ku dhahay, horey usoo soco”
ayuu yiri Nageeye.
Soomaalida ayaa baraha bulshada si weyn uga hadal heysay orodyahanadii
Soomaalida ahaa ee u kala tartamayay dalalka Netherlands iyo Belgium.
Tartankaas waxaa ku guulaystay Eliud Kipchoge oo u dhashay Kenya halka kaalinta labaad iyo saddexaad ay kala galeen Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-ka.
Waxaa la arkayay Cabdi Nageeye oo matalayay Netherlands oo ku
gacan haatinayay Bashiir Cabdi oo ka dambeeyay xilli ay ordayeen.
“Waxaan nahay labo
wiil oo Soomaali ah hadduu iga horreeyay maanta ama maalmihii hore aan ka
horreynayay , wax macno ay noogu fadhido ma laha ..waa is dhiiregelin, Soomaali
haddan nahay waan is dhiirigelinaa meel kasta oo aan kala joogno ” ayuu yiri
Bashiir Cabdi oo BBC-da u warramayay.
“Maanta kolba soo
soco, wax yar baa inoo haray, hortaada fiiri..kolba ereyo ayuu ii sheegayay oo
dhiirigelin ii ahaa”
Qoraalka sawirka, Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya
Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa
sheegaya inay is rasaaseeyeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku
sugan Soomaaliya, sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka.
Wararka waxay intaa ku darayaan in dhawaac uu soo gaaray
askari halka midka kalena uu dhintay.
Lama ogo sababta ka dambeysay dhacdadan.
Dagaalka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ee 22 qof ay ku dhinteen
Mas’uuliyiinta dalka Chad waxay sheegeen in 22 qof ay
dhinteen halka 18 ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal dhexmaray dad xoolo
dhaqato iyo beeraley ku sugnaa gobolka
galbeedka ku yaalla ee Hadjer-Lamis.
Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Abdramane
Koulamallah ayaa sheegay in ciidamo loo diray gobolka ay dhibataadan ka
dhacday si xiisadda ay u dejiyaan.
Colaadda ka dhex taagan dadka beeraleyda ah iyo
carabta xoolo dhaqatada ah ayaa ah mid marar badan soo laba kacleysay oo ay dad
badan ku dhinteen.
Barasaabka gobolka ayaa wakaaladda wararka ee
AFP u sheegtay in dagaalka uu Sabtidii ka qarxay halkaas kaas u dhexeeyay dadka
Boulala iyo bulshada carabta ee xoolo dhaqatada ah.
Asalaamu Caleykum
Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.