ONLF: "TLPF wax xiriir ah oo ay nala soo sameysay ma jiro"

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. UK iyo Mareykanka oo muwaadiniintooda ka codsaday in ay deg deg uga baxaan Afghanistan

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa muwaadiniintooda ka codsaday in ay si dhaqso leh uga baxaan dalka Afghanistan, sababo la xiriira xaaladda amniga halkaas oo sii xumaaneysa.

    Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa sheegtay inay siin karto amaah dib u celin ah muwaadiniinta Mareykanka ah ee aan awoodin inay iibsadaan tigid ay dib uugu laabtaan dalkooda.Xalay xafiiska arimaha dibadda Britain ayaa ka digay in argagixisada ay u badan tahay inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Afghanistan.

    Waxay sheegtay inay ku boorisay muwaadiniinteeda inay adeegsadaan duulimaadyada ganacsiga oo aysan ku tiirsanaan safaaradda Ingiriiska, si daadgureyn degdeg ah loogu sameeyo.

    Digniintaan ayaa timid kadib markii Taalibaan ay sheegtay inay igacanta ku dhigeen magaalada waqooyiga dhacda ee Sheberghan.

  2. Guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo labo hoggaan kala doortay

    .

    Guddiga doorashada gobollada Waqooyi ee garabka gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa goor dhoweyd doortay gudoomiye iyo gudmooye ku xigeenka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi, iyagoona gudmooye u doortay Saleebaan Ceydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeenna ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

    Doorashadan ayaa imaaneysa xilli maanta duhurki uu ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka Maxamed Xuseen Rooble uu soo dhaweeyay doorasho ay guddoonka guddiga doorashada gobollada Waqooyi ay ku doorteen xubnaha gudoomin doona guddiga, taas oo ay ka maqnaayeen xubnaha garabka gudoomiye Cabdi Xaashi.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta sheegay inuu sii wadi doono waan waanta uu ka dhex wado Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dowladda federaalka Mahdi Guuleed.

    Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi ayaa la isku khilaafsanaa, iyadoo arintanna ay sii abuuri karto kala duwanaasho hor leh.

  3. Ra'iisul wasaaraha Giriigga oo sheegay in ay waajib tahay badbaadinta nolosha aadanaha

    Raiisul wasaaraha dalka Giriigga oo uu dab ka holcayo ayaa sheegay in dalkaasi ay tahay inuu si degdeg ah u beddelo hannaankiisa ku aaddan ka hortagga dabka iyo daadadka. Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay inay waajib tahay in badbaadinta nolosha aadmiga ay noqoto muhiimadda koowaad.

    Balse wuxuu garwaaqsaday cambaareynta ku saabsan sida ay dowladdu wax uga qabatay dabka, wuxuuna sheegay inay jiri doonaan tallaabooyin mustaqbalka loogu talo galay sida, in dib dhir loogu beero dhulka uu dabku baabi’iyay.

    Dabka ayaa kumannaan qof ku qasbay inay ka qaxaan guryahooda ku yaalla hareeraha Athens iyo meelo kale. Dabeylo aan la saadaalin karin ayaa carqaladeeyay dadaallada lagula dagaallamayo dabka. Labo qof oo looga shakiyay inay dabka huriyeen ayaa la xiray.

    .
  4. ONLF: "TLPF wax xiriir ah oo ay nala soo sameysay ma jiro"

    Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)

    Qaar ka mid ah asxaabta mucaaradka ah ee dalka Itoobiya a ku baaqay wada -hadal qaran si loola si loo soo afjaro dhammaan khilaafaadka jira isla markaana wax laga qabto dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka taagan qeybo kamid ah Itoobiya.

    Ururka ONLF ee deegaanka Soomaalida ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wada -hadal loo maro sidii looga bixi lahaa xiisadda taagan dalkaas , halka Xisbiga Dimuqraadiga ee Hibir uu isnahorey u soo saaray baaq kan la mid ah.

    Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa BBC u sheegay in aragtidoodu ay tahay in la joojiyo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya isla markaana wadahadal lagu xalliyo xiisadda.

    “Qowmiyadda Soomaalida dagaallo badan baa kusoo dhacay oo ay dowladda Itoobiya hoggaamineysay, marka khibrad baan u leenahay dagaallada dowladda Itoobiya ka dhex dhaca, sidaa daraadeed waxaan u aragnaa dhibaatada taagan in lagu xallin karayo in xoggaga dagaallamayo in dagaalka ay joojiyaan”

    “Maya anaga wax xiriir ah nalama aysan soo sameyn, sida uu dagaal inoo dhexmaray, wadahadal nama dhexmarin, TLPF wax xiriir ah oo anaga nala soo sameysay ma jiro.” Ayuu yiri Caddaani Hirmooge.

  5. Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo maanta soo bandhigay nidaam cusub oo lacagaha la isugu diri karo

    .

    Baanka Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay soo bandhigaya hannaan ay lacagaha isugu diri karaan ama isugu wareejin karaan Baannanka gaarka loo leeyahay ee ka hawgala Soomaaliya.

    Macaamiisha iyo ganacsatada ayaa horey dhib badan ugu qabay inay koontooyinka ay ku leeyihiin Baananka kala duwan lacago ku kala wareejiyaan iyagoo adeegsanaya habbabka lacagaha la isugu wareejiyo.

    Munaasabad weyn oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu gudoomiyaha Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi uga dhawaaqay daahfurka barnaamijkan cusub.

  6. Muran ka dhashay haweenay billad ku guuleystay oo wax laga weydiiyay qorshaheeda guurka

    Gong Lijiao

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gong Lijiao

    Wareysi ay warbaahinta dowladda ee Shiinaha la yeelatay haweeney la guddoonsiiyay billad dahab ah oo ku saabsan goorta ay dooneyso inay guursato oo ay ilma yeelato ayaa aad ugu baahay baraha bulshada.

    Qeybta CCTV-ga ee wareysiga ay la yeesheen Gong Lijiao, oo ku guuleysatay tartanka kama dambeysta ee tuuriyada haweenka oo Axaddii dhacay, ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday inay “ qof rag ah u egtahay”

    Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa cambaareeyay wareysigaasi.

    Waxaayaad ugu hadal hayeen baraha bulshada iyagoo calaamadda Hashtag-ga ugu dhigay “ guurku ma wuxuu yahay waxa keliya lagala hadli karo haweenka?”

    Gong waxay sheegtay inay qaab ahaanu egtahay qof rag ah, balse ay gabar tahay.

    Mar wax laga weydiiyay qorshaheeda guurka ayaa waxay ku jawaabtay in ay guursan doonto, ilma na ay yeelan doonto, oo ay taasi tahay waddo uu qof walba mari doono.

    Kumanaan qof oo adeegsada baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay su’aalaha la weydiiyay Gong, muuqaalkaasi oo ay daawadeen in ka badan 300 oo milyan oo qof.

    Intooda badan ayaa taageero u muujiyay Gong, iyagoo fariimo dhiiragelin ah ugu reebay boggeeda Weibo oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

    “Kama dhigna in aanay la guursan karin, ee ma jiro nin u qalma, marka aan ka hadleyno haweenka, ma aha guur iyo qaab dhismeedka qofka, balse tahay riyada iyo guulaha”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay boggaasi Weibo.

    Dalka Shiinaha waxaa sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay qalliin ay dumarka ku qurxinayaan jirkooda.

  7. Ardeyda Soomaalida Mareykanka oo dhigan doono maaddo luqadda Af Soomaaliga ah

    Waaxda waxbarashada magaaladda Minneapolis ee waddanka Mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqaday in ardayda dhigata fasallada xanaanada ilaa fasalka 12aad ee Dugsiga Sare ee iskuullada dowladda ay dhigan doonaan maado luuqada Af-Soomaaliga oo kala heer ah.

    Madaxa waaxdaas ayaa shalay arrintaasi uga dhawaaqay kulan ay ku daahfurayeen magaaladaasi.

    Arrintan waxa ay Soomaalida uga dhigan tahay iyo sida loo soo dhaweeyeyba, waxaa joogay xafladdii mashruucaasi lagu daahfuray oo warbaxintan umuurtaasi ku eegaya weriye Siyaad Saciid Saalax.

  8. Khadar Xariir Xuseen oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada waqooyi

    Khadar Xariir

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Khadar Xariir

    Xubno kamid ah guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Somaliland ayaa maanta xerada Afisiyoone ku doortay gudoomiye iyo ku xigeen.

    Waxaana guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland loo doortay Khadar Xariir Xuseen kadib markii uu tanaasulay Maxamed Cabdullaahi Jirde oo la tartamayay.

    Khadar Xariir ayaa guddoomiye u ahaa guddigii u kala diray Ra’iisul wasaaaraha.

    Waxaa doorashadan ka maqnaa 4 xubnood oo horey guddiga uga biyo diidsanaa xilli ay soo xaadirtay 7 xubnood oo kaliya ah.

  9. Mid kamid ah xarumaha laga dukaameysto ee Nairobi oo ka macaashay Soomaalida

    Xarunta Two Rivers

    Xigashada Sawirka, Daily Nation

    Qoraalka sawirka, Xarunta Two Rivers

    Mid kamid ah xarumaha waaweyn ee laga dukaameysto magaalada Nairobi ayaa ka macaashay munaasabad lagu xusayay dhaqanka Soomaalida oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne badan oo Soomaali ah xilliggii malmihii lagu gudo jiray Ciidda oo lagu qabtay halkaas, sida uu qoray wargeyska Business Daily.

    Xarunta Two Rivers ayaa xuska dhaqanka Soomaalida ka qabtay in ka badan 9 malyan oo doolar intii u dhexeysay 19-kii ilaa 25-kii bishii July ee sanadkan.

    Xarumaha ganacsiga iyo dukaamada ku dhex yaalla xarunta Two Rivers ee Nairobi ayaa si weyn ugu tiirsan dadka inta badan soo booqdo halkaas gaar ahaan marka ay dhacayaan xafladaha.

    “Muddadii toddobaadka aheyd ay socotay munaasabadda waxaan ka qabanay in ka badan 9 malyan oo doolar…in ka badan 100 kamid ah ganacsatada waratada ayaa ku sugnaa goobta” ayay tiri Shurea Nkutu oo xisaabiye ka ah mid kamid ah xarumaha Two Rivers.

  10. Militeriga Israa'iil oo duqeeyay saldhigyo ay lahaayeen ururka Xamaas

    Militeriga Israa’iil wuxuu sheegay in xaley ay duqeeyeen saldhigyo ay ururka Xamaas ku lahaayeen marinka Qaza kadib markii buufin gubaneysa ay ku weerareen Israa’iil.

    Militeriga waxay sheegeen inay beegsadeen goob ay gantaallada kasoo tuurayeen ururka Xamaas.

    Saraakiisha Israa’iil waxay sheegeen in buufinta holceysa ay horseeday in afar goobood uu dab ka kaco kuwaas oo ku yaalla gobolka Eshkol oo u dhaw Qaza, ilaa hadda lama soo tebin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  11. "Xirafadda Teeb Garaacista waxaan kusoo korsaday 17 carruur ah"

  12. Nin dad tooriyeeyay oo sheegay inuu ka xanaaqay haween faraxsan oo tareen la saarnaa

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Nin ayaa toori ku weeraray dad rakaab ah oo saarnaa tareen gudaha magaalada Tokyo ee caasimadda Japan, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 10 qof.

    Ninkan ayaa booliska u sheegay in uu ka xanaaqay haween faraxsanaa oo tareenka la saarnaa isla markaana uu damcay in uu laayo, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

    Markii uu ninkan weerarka fulinayay, tareenka wuxuu marayay meel u dhaw magaalada Seijogakuen.

    Sida ay sheegeen baarayaasha, ninka lagu tuhunsan yahay weerarka in uu ka baxsaday goobta inkasta oo markii booliska Tokyo ay Sabtidii xaqiijiyeen inay xireen nin 30 jir ah balse ma aysan xaqiijin wararka ku saabsan in la xiray ninka rakaabka tooriyeeyay.

    Inkasta oo Japan uu kamid yahay waddamada ugu nabdoon adduunka, waxaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro lagu fuliyay toori.

  13. Taliban oo xabsi ka sii daaysay boqolaal maxaabiis ah

    Maalmihii lasoo dhaafay Afghanistan waxaa ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ururka Taliban

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maalmihii lasoo dhaafay Afghanistan waxaa ka socday dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ururka Taliban

    Kooxda Taliban ee ka dagaallanta Afghanistan ayaa sheegtay inay la wareegtay xabsi ku yaalla gobolka waqooyiga dhaca ee Jawzjan islamarkaana ay sii daayeen boqolaal maxaabiis ah.

    Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay maxaabiista oo ka baxsanaya xabsiga magaalada Shebhergan.

    Waa gobolka ay ku badan yihiin taageerayaasha madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afghanistan Abdul Rashid Dostam halkaas oo taageerayaashiisa ay garwadeen ka ahaayeen olole ka dhan ah kooxda Taliban.

    Taliban ayaa dhawaan la wareegtay magaaladii ugu horreysay tan iyo markii ay bilaabeen dagaallo hor leh oo ka dhan ciidamada dowladda.

    Maalmihii labada dhinac waxay sheeganayeen in guulo ay ka gaareen dagaallada.

  14. Khilaafka harreeyay doorashada guddoonka gobollada waqooyi ee maanta dhaceyso

    Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi
    Qoraalka sawirka, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

    Xubnaha loo soo xulay in ay noqdaan guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu wadaa in ay maanta doortaan gudoomiyaha guddigaas iyo ku xigeenkiisaba.

    Hasayeeshee 4 xubnood oo ka mid ah guddigaasi oo uu hore u soo magcaabay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay ka qayb gali doonin doorashdaasi illaa laga xallinayo khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta gobollada waqooyi.

    Waxaana sida halkaas ka cad weli taagan khilaafkii muddaba soo jiitamayey ee ka taagnaa doorashada kuraasta gobollada woqooyi oo ay ku kala aragti duwan yihiin xubnaha xukuumadda ku jira ee waqooyiga iyo siyaasiyiinta kale ee reer woqooyiga ah ee uu hor kacayo gudoomiye Cabdi Xaashi.

    Siyaasiyiintaas ragga ugu culus waxaa ka mid ah Ridwaan Xirsi Maxamed, oo hore u soo noqday Ra’isal wasaare ku xigeen haatanna u tartamaya xilka madaxtinimada, waxa uu xafiiska ra’iisul wasaaraha kuu eedeeyay inuu hawsha doorashada gobollada woqooyi ku hayo faro gelin toos ah oo uu ka baxay dhexdhexaadnimadii looga fadhiyay.

    Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, kaas oo sheegay in aanay doodda dhinacaas haba yaraatee lahayn macne sharci ah oo loo qaateen ah oo aan garawshiiyo dambe laheyn haddii doorashadu maanta dhacayso.

    Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmay xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi isla markaana sheegay in doorashadii guddoomiyenimada guddiga ee hore loo dhisay la baab’iyay xilli xafiiskiisa uu shaaciyay in doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ay maanta dhaceyso.

  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.