Ciyaaraha Puntland: Labada ciyaartooy ee walaala ah ee u kala safnaa labo gobol oo iska soo horjeeday

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Janan sare oo isku dayey inuu jagada ka tuuro Riek Machar

    Janan sare oo katirsan dalka Koonfurta Sudan, ayaa ku dhawaaqey isaga qudhiisa inuu yahay hoggaamiyaha ururka mucaaradka, isagoo dalbadey in jagada madaxweyne kuxigeenka laga tuuro Riek Machar.

    General Simon Gatwech Dual, ayaa ku eedeeyey Mr Machar inuu carqaladeynayo hiigsiga dhaq dhaqaaqa ururka SPLM IO).

    Ku dhawaaqista ayaa timid ka gadaal markii ay shir qaateen jananada ururka SPLM-IO), kuwaasoo ku taliyey in General Getwech uu la wareego booska madaxweyne kuxigeenka uu ka hayey dowladda wadaaga ee xiliga kala guurka.

    Gen Gatwech is no stranger to controversy and was in June reportedly dismissed by Mr Machar as the chief of the opposition forces.

    General Gatwech ayaa aheyn markii uggu horeysay ee uu abaaro xaalad khilaaf, iyadoo bishii lixaad ee sanadkanna laga hoggaaminta ciidanka mucaaradka.

    Ha yeshee taageerayaasha Machar ayaa ku gacan seyray hadlaka kasoo baxey jananka,iyagoo sheegay in taasi aysan waxba ka badalin qaab dhismeedka dowladda.

    Janan Simon Gatwech Dual

    Xigashada Sawirka, AFP

  2. Madaxweyne K/xigeenka Kenya oo ka hadlay sababta looga hor istaagay in Kenya safar dibadda ah uga baxo

    Madaxweyna K/xigeenka Kenya William Samoei Ruto

    Xigashada Sawirka, William Ruto

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa ku tilmaamay tallaabadii looga joojiyay safar uu ku aadayay dalka Uganda qorshe ka dhan ah damaciisa siyaasadeed.

    Wareysi uu saaka siiyay Raadiye maxalli ah oo la yirahdo (Inooro FM), ayuu William Ruto ku sheegay inuu horay booqasho rasmi ah iyo mid gaar ah oo aan fasax laga weydiin ugu ku tagay Uganda.

    Wuxuu sharraxay in socdaalkiisu uu uga gol lahaa inuu wax ka soo barto sanduuqa maalgeinta ee Uganda si waafaqsan ololihiisii dhowaan ee ahaa in sare loogu qaado nolosha dadka dakhligoodu hoseeya ee ku nool Kenya iyo sido kale in la kobciyo guud ahaan dhaqaalaa Kenay.

    Markii la weydiiyay sababta uusan madaxweynuhu Uhuro uusan war uga hayn qorshaha socdaalkiisa, Ruto ayaa ku jawaabay ‘Ma hubtaa in madaxweynuhu uusan xogta safarkayga?’

    Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddadii 9 -ka sano ahayd ee uu soo ahaa madaxweyne ku -xigeenka, aan marnaba la weydiin fasax la xiriira safaradii uu dibadda ku aaday, wuxuuna la yaabay sababta ay hadda arrintan u soo ifbaxday.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaan dib ugu ku raaxaysan xiriirkii walaaltinimo ee ay lahaayeen bilowgii 2013 kii oo ahayd markii ay qabteen hogaanka dalkani Kenya.

    Xiriirkooda ayaa xumaaday ka dib markii ay ‘is -gacan qaadeen dhex hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 -kii, kadib doorashadii ku celiska ahayd ee muranka dhalisay.

    Tan iyo markaasina madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu u muuqday mid dhinac ka taagan waajibaadka rasmiga ah ee dalka.

  3. Xildhibaan Maareeye oo ku gacan seyrey is doorashada xubnaha guddiga doorashada ee reer waqooyiga

    Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargeliyay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka xildhibaannada gobollada Woqooyi ee Soomaaliland in doorashada Guddoonka Guddiga la qaban doono maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo haysa, iyadoo ka dhici doonta xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

    Arintan ayaa imaanaysa maalin uun kadib markii Ra’siul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble uu kulan la qaatay 11-ka xubnood ee Guddiga oo horey isugu khilaafay qaabka ay isu dooranayaan.

    Durbana siyaasiyiinta reer Woqooyiga ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdiilaahi ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsanayay in 8 kaliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

    Haddaba si aan u ogaano cabashada iyo faahfaahin waxaan khadka talefoonka kula xiriirnay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

    Halkan ka dhageyso wareysiga

    Qoraalka Codka, Kooxda C/xaashi oo kasoo horjeestay guddiga doorashada somaliland
  4. Cumar Filish oo kormeerey waddooyinka Muqdisho ay fatahaaduhu saameeyeen

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeay qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho, oo ay kusoo fatahmeen biyo aad u tiro badan, oo ka dhashey roobab maalmahanba ka da'ayey magaalada.

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Sheegay inay dayac tirayan Wadooyinka Robabka waxyeleyen.

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Wada dadaalo lagu Hagaajinayo Wadooyinka Magaalada oo uu sameyay Robabkii ka da'ay Caasimadda

    Xigashada Sawirka, Gobolka Banaadir

    Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish

    Xigashada Sawirka, Gobolka Banadir

    Biyo wadooyinka la yeelo

    Xigashada Sawirka, Gobalka Banadir

  5. Ciyaaraha Puntland: Labada ciyaartooy ee walaala ah ee u kala safnaa labo gobol oo iska soo horjeeday

    .

    Xigashada Sawirka, Puntland Tv

    Labo ciyaartooy oo walaala ah ayaa u kala saftay ciyaaraha gobollada ee ka socda maamulka Puntland xilli maanta ay dhexmartay ciyaar.

    Cabdisalaan Cabdullaahi Salaad (Dheemaanka) wuxuu u dheelayay gobolka Haylaan halka walaalkii Cabdicasiis Cabdullaahi Salaad (Dida) uu isna matalayay gobolka Nugaal.

    Waxay ciyaarta ku dhammaatay 0-2 oo ay guusha ku raacday kooxdii ka socotay Nugaal.

  6. Maxaa lagu saleeyaa sarifka lacagaha iyo sicirka magaalada Wajaale?

  7. Suudaan oo ku biireysa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC

    Suudaan waxay ballan qaaday in caddaalladda ay heli doonaan dhibanayaasha dambiyadii dagaal ee ka dhacay Darfur

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Suudaan waxay ballan qaaday in caddaalladda ay heli doonaan dhibanayaasha dambiyadii dagaal ee ka dhacay Darfur

    Golaha wasiirada Suudaan ayaa si wadajir ah ugu codeeyay hindise sharciyeed u horseedayo dalkan in uu ku biiro maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, sida uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdok.

    “Caddaallada iyo isla xisaabtanka waa arrimaha lafdhabarka u ah Suudaanta cusub taas oo ay ka go’antahay xaqiijinta sharciga” ayuu yiri Xamdok.

    Waxay tallaabadan u horseedeysa in Suudaan ay maxkamadda ICC ku wareejiso dadka looga shakisan yahay in gobolka Daarfuur ay ka geysteen dambiyo dagaal iyo xasuuq , dadkaasna waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir.

  8. Wakhtiga la qabanayo doorashada guddoonka guddiga gobollada waqooyi oo la shaaciyay

    Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaciyay in Sabtida nagu soo aadan la qaban doono doorashada guddoonka guddiga qabanayo doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland.

    Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii shaley Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu la kulmay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

    Wuxuu sheegay in doorashadii guddoomiyenimada guddiga ee hore loo dhisay la baab’iyay isla markaana dib loo soo dooran doono guddoon cusub.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  9. Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo xabsiga laga sii daaynayo

    Zuma waxaa lagu riday 15 oo xarig ah kadib markii uu dhagaha ka fureystay amarka maxkamadda

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Zuma waxaa lagu riday 15 oo xarig ah kadib markii uu dhagaha ka fureystay amarka maxkamadda

    Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa Talaadada nagu soo aadan laga sii daayn doona xabsiga si uu uga soo hormuuqdo maxkamadda dhageysan doono dacwadda musuq maasuq ee loo heysto.

    Go’aankan kasoo baxay maxkamadda ayaa imaanaya toddobaadyo uun kadib markii in ka badan 300 qof ay ku dhinteen rabshadihii ka dhashay xiritaanka Zuma.

    Waxaana lagu wadaa in la xoojiyo amniga dalkaas xilli ay u muuqato in taageerayaasha Zuma ay isugu uruuri doonaan maxkamadda ku taalla magaalada Pietermaritzburg – waana magaalo ay si weyn ay u saameeyeen rabshadhihii iyo boobkii laga geystay halkaas.

  10. Itoobiya oo shaacisay sababta ay shaqada uga joojisay hay'ado ka howlgeli jiray Tigray

    .

    Xigashada Sawirka, MSF / NRC

    Dowladda Itoobiya ayaa hakisay shaqadii ay gobolka Tigray ka qaban jireen labo hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

    Ha’yadda MSF waxaa laga joojiyay howlihii gargaarka ay ka fulin jiray Tigray iyo saddex gobol oo kale halka NRC ay sheegtay in tallaabadan ay saameysay howlihii samafalka ay ka qaban jirtay guud ahaan Itoobiya.

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in kooxaha gargaarka ay faraha la galeen waxaan shaqadooda ahayn ayna shaqaaleysiiyeen shaqaale ajaanib ah oo aan heysan waraaqaha oggolaanshaha ay ka howlgalaan. dalkaasi

    Itoobiya waxay sidoo kale hay’adahan ku eedeysay inay baahinayaan warar marin habaabin ah.

    Hay’adda NRC ayaa caawinaad u fidisaa ku dhowaad 600,000 oo qof oo ku sugan Itoobiya.

  11. Shimbir sababtay saxmad laga dareemay waddo oo xabsi la dhigay

    Booliska Ingiriiska ayaa xiray shimbir la sheegay inay sababtay saxmad laga dareemay waddo ku taalla dalkaas xilli cabasho ay ka timid dadweynaha.

    Booliska Cambridgeshire ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin dhowr ah oo ku saabsan shimibirta carqaladeysay isu socodkii gaadiidka ee waddada Hardwick.

    Saraakiisha waxay shimbirta geeyeen meel fariisiin ah.

    .

    Xigashada Sawirka, Alamy

    .

    Xigashada Sawirka, CAMBRIDGESHIRE CONSTABULARY

  12. Weerar lagu qaaday guriga wasiirka gaashaandhigga Afghanistan

    Waa weerarkii ugu weynaa ay fuliyaan maleeshiyaadka ku dhawaad muddo sanad ah

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Waa weerarkii ugu weynaa ay fuliyaan maleeshiyaadka ku dhawaad muddo sanad ah

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay weerar culus oo lagu qaaday guriga wasiirka gaashaandhigga Afghanistan ee ku yaalla Kabul.

    Bismillah Khan Mohammadi ma uusan joogin gurgiisa xilli dabley ay isku qarxiyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay la beegsadeen goobta amnigeeda sida weyn loo adkeeyo ee aagga cagaaran.

    Qoyska wasiirka ayaa laga daadgureeyay guriga, waxaana la dilay afar kamid ah dableydii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Kooxda Taalibaan waxay sheegtay inay ka dambeysay weerarka.

    Waxaana lagu soo warramaya in 20 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

  13. Soomaaliya: Cudurka Covid-19 oo dad hor leh soo ritay

    Waxaa si kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Karoona ee gudaha Soomaaliya, sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka.

    Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cudurka Covid-19 laga helay 97 qof guud ahaan Soomaaliya kadib markii la baaray 1483 qof halka tirada dhimashada cudurka ay tahay 9, sida ku cad xogta wasaaradda caafimaadka.

    Soomaaliya waxaa horraan saameeyay mowjadda labaad ee cudurka xilli sanadkii hore ay korodhay tirada dadka u dhimanayay cudurka.

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

  14. Meydad hor leh oo laga helay xadka Itoobiya iyo Suudaan

    Webigan ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Webigan ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray

    Dhakhtar ku sugan xuduudda Suudaan iyo Itoobiya gaar ahaan goobtii dhawaan laga helay meydadka ayaa sheegay in saaka uu arkay labo meyd hor leh oo ay dibadda keeneen biyaha webi mara halkaas.

    Dr Tewodros Tefera wuxuu sheegay in 12 meydad ah uu ku arkay webiga Setit maalmihii lasoo dhaafay.

    Dhawaan ayay aheyd markii goobtan lagu arkay tiro meydad ah.

    Webiga Setit oo Itoobiya looga yaqaano Tekeze ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray halkaas oo ay ku dagaallamayeen dagaalyahanada Tigray iyo ciidamada Itoobiya.

    BBC waxay aragtay muuqaallo ku saabsan meydadka saaka laga soo saaray halkaas.

  15. Dabley afduubatay markab marayay xeebaha Cummaan

    Markabka MV Asphalt Princess

    Xigashada Sawirka, STEVE GERONAZZO

    Qoraalka sawirka, Markabka MV Asphalt Princess

    Dabley ayaa qafaalatay markab uu ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan, waxaana markabka lagu khasabay in uu u shiraacdo dhinaca Iran, sida laga soo xigtay Hay’adda sirdoonka badda ee dalka Britain, Lloyds List.

    Markabkan oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess, ayaa waxaa raacay rag hubeysan markii uu u soo dhowaaday marinka Hormuz.

    Ma kala cadda cidda afduubatay markabka balse dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in falkan looga shakisan yahay ciidamada Iran.

    Ciidamada Kacaanka Iran waxay iska fogeeyeen eedeymaha loo jeediyay oo ay ku tilmaameen ‘daandaansi ka dhan’ xukuumadda Tehran.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan la weeraray markab laga leeyahay Israa’iil oo marayay Cummaan kaas oo ay ku dhinteen labo qof oo kamid ahaa shaqaalihii markabka.

  16. Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Somaliland oo sheegay in khilaaf dambe uusan dhici doono

    Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta iyo cadaallad u sameynta xildhibaannada, xisbiga ay doonaan haka soo jeedaane.

    Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shalay kursiga ku hantiyay 42 cod, ayaa wareysi gaar ah oo BBCda uu siiyay waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahanyahay in loogu shaqeeya dadweynaha xilalka ay hayaan u soo doortay.

    Guddoomiyaha la doortay ee Cabdirisaaq Khaliif ayaa waxaa tartan adag uu kula jiray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka socda xisbiga talada haya ee Kulmiye.

    Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha:

    Qoraalka Codka, Cabadirisaaq Khaliif Axmed
  17. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.