Xuska toddobaadka naas nuujinta
Toddobaadkan waxaa dunida oo dhan loogga asteeyey toddobaadka naas nuujinta adduunka, si bulshooyinka looggu dhiirri geliyo faa'iidada ay carruurta u leedahay naas nuujinta.
Drs. Caasha Cumar Kabloow, oo ah dhakhtarad ku takhasustay hooyada iyo dhallaanka oo ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in ilmaha markuu dhasho aanu laheyn difaaca jirka, balse iney ka helaan caanaha ka yimaada naaska hooyada.
Caasha ayaa intaa ku dartey in dhammaan waxyaabaha korriinka iyo difaaca uu u baahan yahay cunuga yar, ay ku idiil yihiin caanaha hooyada.
Waxey ku tilmaantey Dhakhtarad Caasha caanaha budada ee gasacyada, kuwo aan u badali Karin carruurta caanaha hooyada, oo ay tahay in laga digtoonaado.