Ra'iisul Wasaaraha oo war kasoo saaray doorashada gobollada waqooyi

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xuska toddobaadka naas nuujinta

    Naas nuujin
    Qoraalka sawirka, Naas nuujin

    Toddobaadkan waxaa dunida oo dhan loogga asteeyey toddobaadka naas nuujinta adduunka, si bulshooyinka looggu dhiirri geliyo faa'iidada ay carruurta u leedahay naas nuujinta.

    Drs. Caasha Cumar Kabloow, oo ah dhakhtarad ku takhasustay hooyada iyo dhallaanka oo ka howlgasha magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in ilmaha markuu dhasho aanu laheyn difaaca jirka, balse iney ka helaan caanaha ka yimaada naaska hooyada.

    Caasha ayaa intaa ku dartey in dhammaan waxyaabaha korriinka iyo difaaca uu u baahan yahay cunuga yar, ay ku idiil yihiin caanaha hooyada.

    Waxey ku tilmaantey Dhakhtarad Caasha caanaha budada ee gasacyada, kuwo aan u badali Karin carruurta caanaha hooyada, oo ay tahay in laga digtoonaado.

  2. Beelo dagaalsanaa oo heshiis ku gaarey degmada Dooloow

    Dooloow

    Xigashada Sawirka, GOOGLE

    Qoraalka sawirka, Dooloow

    Colaad bishii hore degmada Doolow ee Soomaliya ku dhex martay laba beelood oo halkaasi wada daga, ayaa gaarey heshiis nabadeed

    Heshiiskan ayey in muddo ah kasoo shaqeynayeen ergooyin labada beelood ah, oo ay dirirtu dhex martey u kala dab qaadayey.

    Waxey labada beelood ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo, dadka colaaddaasi ku barakaceyna ay deegaanadooda dib uggu soo noqdaan.

    Warqadda lagu baahiyey go'aanka ergada ee heshiiska labada beelood, ayaa waxaa lagu sheegay ciddii heshiiskaasi u hoggaansami weyso in tallaabbo sharci ah laga qaadayo.

    Guddoomiyaha ergada labada beelood ee ku dagaalantey degmada Dooloow Soomaaliya, Macalin Xasan Cali Cabdille, ayaa sheegay in lagu dagaalamey dhul beereed iyo dhul deegaan, taasoo uggu danbeyn laga heshiiiyey.

    Wuxuu intaa ku darey guddoomiyuhu in dhulka la isku heysto lagu kala furdaamin doono lahaanshihiisa maxkamadaha gobolka, sidaasna lagu soo gaba gabeynayo muranka.

  3. Dowladda Itoobiya oo ku gacan seyrtay iney wada hadal la furto TPLF

    Zadiga Abreha

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Zadiga Abreha

    Wasiirka dimuqraadiyeynta Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa u sheegay BBC-da in dowladda Itoobiya aaney wada hadal la furi doonin hoggaanka TPLF.

    Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inaaney wada hadal la fureynin koox argagaxiso ah, waa sida ay hadalka u dhigeene, taasoo bilooyin u dagaalamaysay iney la wareegto xukunka gobolka Tigreega ee gobolka dalkani.

    Wareysi uu siiyey toddobaadkii hore dhamaadkiisii mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, toddobaadkii hore dhamaadkiisii, General Tsadqan Tinsay, ayaa dalbadey xabad joojin iyo in la sameeyo hannaan kala guur oo siyaasadeed.

    Isagoo ka jawaabayey wareysiga BBC-da ee mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayuu wasiir Zadig Abraha sheegay in dowladdiisa aaney la fadhiisaneyn hoggaamiyeyaasha TPLF, si ay ula hadasho.

    Wuxuu intaa ku darey in xaaladda haatan ee waqooyiga Itoobiya aaney aheyn sida loo buun buuninayo.

    Ha yeeshee, wuxuu sheegay in dowladda aaney qaadi doonin tallaabo iyo ficil ku habboon, illaa iyo inta uu ka dhamaanayo dulqaadka.

  4. Nin iska dhigay qof dumar ah si uu saaxibtii ugu sameeyo imtixaam

    Ardey wax ka dhigta mid kamid ah jaamacadaha Senegal ayaa la qabtay kadib markii uu iska dhigay qof dumar ah si imtixaamka luqadda Ingiriiska ugu sameeyo gabadh saaxibtii ah.

    Waxaa baraha bulshada Senegal lagu baahiyay Khadim Mboup oo ku labisan xijaab guduudan.

    Ardeygan 22 jirka ah wuxuu sheegay in sababta uu ugu dhaqaaqay tallaabadaas ay aheyd in saaxibtii ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska, sida ay tebisay warbaahinta gudaha.

    Isniintii ayuu maxkamad kasoo muuqday isaga iyo saaxibtii, waxaana loo heystaa wax isdabamarin dhanka imtixaanaadka ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Dagaalkii Soomaalida iyo Canfarta oo mar kale dib u billowday

  6. Faa'idooyinka naasnuujinta u leedahay ilmaha

    Toddobaadkan waxaa dunida oo dhan looga asteeyey maalinta naas nuujinta adduunka si bulshooyinka loogu dhiirrageliyo faa'idada ay carruurta u leedahay naas nuujinta habboon.

    Ilmaha sida wanaagsan loo naas nuujiyana wuxuu helayaa faa'idooyin tira badan oo isugu jira mid jireed iyo mid maskaxeed.

    Khubarada caafimaadkana waxay sheegayaan in aysan jirin wax caanaha naaska looga maarmi kara oo ilmaha yar u beddeli kara.

    Dr Caasha Cumar Kabloow oo ah dhakhtarad ku takhasustay hooyada iyo dhallaanka oo ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa BBC uga warrantay faa’idooyinka naas nuujinta ay u leedahay hooyada iyo ilmaha.

    Qoraalka Codka, Faa'idada Naasnuujinta
  7. Meydad tiro badan oo laga helay webi mara xadka Tigray iyo Suudaan

    Gobolka waqooyiga dhaca ee Tigray waxaa saameeyay dagaallada horseeday in malaayiin qof ay guryahooda ka qaxaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Gobolka waqooyiga dhaca ee Tigray waxaa saameeyay dagaallada horseeday in malaayiin qof ay guryahooda ka qaxaan

    Tiro meydad ah oo dul sabeynayay webi mara xadka Suudaan iyo Itoobiya ayaa lagu arkay halkaas, sida laga soo xigtay dad ku sugan dhinaca Suudaan.

    Meydadka qaar waxaa ka muuqday dhawaac rasaas ah halka qaarkoodna ay gacmaha ka xirnaayeen.

    Webiga Setit oo Itoobiya looga yaqaano Tekeze ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray halkaas oo ay ku dagaallamayeen dagaalyahanada Tigray iyo ciidamada Itoobiya.

    Qof ka shaqeeya arrimaha caafimaadka oo kasoo qaxay Tigray kuna Suudaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu aasay meydad gaarayo 10 tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Wuxuu intaas ku daray in la helay meydad hor leh oo gaarayo 28 la helay.

    Wakaaladda wararka AP oo soo xiganeyso sarkaal ka tirsan dowladda Suudaan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka Kassala ay arkeen 50 meydad ah oo la rumeysan yahay inay yihiin dadkii kasoo qaxayay colaadda Tigray.

    Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

  8. Ra'iisul Wasaaraha oo war kasoo saaray doorashada gobollada waqooyi

    Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaley la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha wuxuu shaley la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la kulmay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashadii guddoomiyenimada guddiga ee hore loo dhisay la baab’iyay iyo inuu dib isu dooran doono, sidaa darteed goobta iyo waqtiga ay doorashadoodu dhici doonto la soo sheegi doono.

    Wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi laga doonayo inay 'ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan'

    “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

    Waxaana arrintan lagu wadaa inay soo afjarto khilaafka harreeyay hanaanka doorashada gobollada Waqooyi kadib markii labo garab ay u kala jabeen guddiga Gobolada Waqooyi ee Doorashada.

  9. Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Nairobi

    Waxay u muuqatay in uu sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeyo madaxweyne  Uhuru Kenyatta  iyo ku xigeenkiisa William Ruto

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Waxay u muuqatay in uu sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeyo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa laga hor istaagay in uu ka dhoofo dalka xilli uu ku wajahnaa Uganda.

    Ruto ayaa saacado ku sugnaa garoonka ka hor inta aanan laga hor istaagin safarka.

    Waxay saraakiisha socdaalka ka codsadeen in uu tuso warqad muujinayso in fasax uu kasoo qaatay saraakiisha dowladda iyo in kale.

    Bishii July ayay aheyd markii la arkay sawir muujinayo Ruto oo la fadhiya madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni xilli uu booqasho ku tagey halkaas.

    Waxaa maalmihii dambe sii xumanayay xiriirka madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiisha sare ee dowladda.

    Madaxweynaha Kenya ayaa horraan ku eedeeyay Ruto in dalka gudahiisa uu ku marayo safaro micno darro ah.

    Ruto wuxuu si weyn u xoojinayaa ololaha uu ku baadigoobayo madaxtinimada, horraan wax martiqaad ah kama uusan helin xukuumadda gaar ahaan marka la qabanayo shirarka.

  10. Kaalinta Soomaaliya ay ka gashay tartanka orodka Japan

    Cali Iidow Cali

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Cali Iidow Cali

    Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartanka orodka ee olimbikada ee ka socda Tokyo dalka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.

    Wuxuu ku tartamayay 1500 M ee tartanka orodka, wuxuu ku orday saddex saacadood 43 daqiiqo iyo.96 ilbiriqsi.

    Halka Suleymaan Ayaanle oo u ordaya Jabuuti uu gudbay wareegga labaad ee tartanka, waxaana la filayaa in Khamiista uu ka qeybgalo wareegga labaad ee tartanka.

    Waxaa dhawaan guuldareysatay Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka feerka kadib markii ay ka badisay gabadh oo u dhalatay dalka Romania.

  11. Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo la doortay

    Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland kadib tartan adag oo dhex maray Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye.

    Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda xisbiga Waddani ayaa helay codad gaarayo 42 cod.

    Cabadirisaaq Khaliif Ahmed

    Xigashada Sawirka, Cabadirisaaq Khaliif Ahmed

    Qoraalka sawirka, Cabadirisaaq Khaliif Ahmed
  12. Faratoon iyo Cabdirisaaq oo loo qori tuuray

    Labada musharax ee guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa loo qori tuurey xagga kala horeynta kooda loo hor codeynayo.

    Tani ayaa ka dambaysay kadib markii xildhibaanada ay ku kala aragti duwaanaadeen kooda horeynaya.

    Xildhibaanada Kulmiye ayaa ayaa ku dooday in magaca xisbiga la adeegsado oo sida ay ugu kala horeeyaan alif beetada loogu kala hor codeeyo , halka xisbiyada Waddani ay qabeen in la isticmaalo magacyada musharixiinta.

    Kadib tashi ay sameeyeen shir guddoonka ayay ku go’aamiyay in loo qori tuuro, waxaana lambarka koowaad heley Yaasiin Faratoon, halka Cabdirisaaq Khaliif uu heley nambarka labaad.

  13. Buuq ka dhashay kalfadhiga Golaha Wakiilada Somaliland

    Saaka waxaa fadhigoodii ugu horreeyay yeelanaya golaha wakiilada cusub ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

    Waxaa si rasmi ah u furmay kulanka iyadoo la lagu dooran doono hoggaanka Golaha Wakiillada ee dhawaantan la soo doortay.

    Tartan adag ayay xisbiyada ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen saddexda kursi ee lagu tarmayo ee kala ah guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.

    Buuq iyo fowdo ayaa ka dhashay kulanka kadib markii guddoomiyaha maxkamadda Sare shir guddoominta uu ku wareejiyay Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon oo uu sheegay in uu yahay xubinta ugu da’da weyn Golaha Wakiilada.

    Mucaaradka waxay ku doodeen in ninkan shirka guddoominta loo dhiibay uu isaga qudhiisa u tartamayo doorashada guddoonka Golaha Wakiilada.

  14. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.