Sucuudiga oo ka hadlay duqeymaha Israa'iil ee Qaza

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. "Israa'iil waxaa ku dhacay gantaalladii ugu badnaa abid"

    Ururka Xamaas ayaa saaka gantaallo ku riday magaalooyin ku yaalla Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ururka Xamaas ayaa saaka gantaallo ku riday magaalooyin ku yaalla Israa'iil

    Waxaa markii ugu horreysay Israa’iil ku dhacay gantaalladii ugu badnaa abid ee lagaga soo rido dhinaca Marinka Qaza, sida ay sheegeen militeriga Israa’iil.

    Janaraal Ori Gordin ayaa warbaahinta u sheegay in iyo tan Isniintii ay 3,000 gantaal ay Xamaas kusoo rideen Israa’iil.

    Wuxuu intaas ku daray in gantaallada ay ridayaan Xamaas ay yihiin kuwa dheeraya marka loo barbardhigo gantaallo horey looga soo riday dhinaca Israa’iil iyo dagaalkii 2006-dii ee Xisbullaah.

  2. Falastiiniyiinta oo u mahadceliyay ciyaartooy calanka Falastiin ka dhex lulay garoon kubadda cagta ah

    Madaxa xafiiska diblomaasiyadda Falastiin ee London ayaa warqad mahad celin ah u qoray labo ciyaaryahan oo calanka Filistiin ka dhex lulay garoon kubadda cagta ag iyagoo u dabaal degayay guushii FA cub-ka ay ka gaareen kooxda Leicester ee ka dhisan Ingiriiska.

    Husam Zomlot ayaa sheegay in taageerada ay muujiyeen Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury ay ahayd mid aad loogaga diirasady dhulka Falastiin oo dhan.

    Xaley London waxaa ka dhacday ciyaar xiiso leh oo lagu soo gabagabeynayay koobka FA cup, Ciyaarta waxaa ku badiyey 1-0 Liecester oo markii ugu horeysay qaaday koobka FA-ga.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Weriye ka tirsan BBC oo tebin toos ah ku jiray oo dhisme ku yaala Gaza ay Israa'iil la beegsatay gantaallo

  4. Puntland oo bilowday diiwaangelinta doorasho qof iyo cod ah

    Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay laga daahfuray diiwaangelinta doorasho qof iyo cod ah.

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta daahfuray barnaamijkan xilli uu ku sugnaa magaalada Qardho, waxay ka dhigan tahay in dadweynaha Puntland ay codkooda ka dhiibaan goobaha codeynta.

    Waxaana maanta si rasmi ah loo bilaabay Puntland diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta daah furayay diiwaangelinta dadweynaha ka hor doorashada

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta daah furayay diiwaangelinta dadweynaha ka hor doorashada
    .

    Xigashada Sawirka, SONNA

  5. Sucuudiga oo ka hadlay duqeymaha Israa'iil ee Qaza

    Dowladda Sucuudiga ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “xadgudbka ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta”

    Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo in Israa’iil ay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha.

    Wuxuu intaas ku daray in boqortooyada Sucuudiga ay taageereyso dadaal kasta oo lagu sii xoojinayo nabadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

    Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga
  6. Biden oo teleefoon kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil iyo madaxweynaha Falastiin

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa teleefoon kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan halkaas.

    Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in uu taageerayo tallaabada Israa'iil ee ah inay is difaacdo.

    Balse wuxuu Biden walaac ka muujiyay dadka ka dhimanayo labada dhinac xilli uu dagaalka sii socda.

    Wuxuu ugu baaqay Israa'iil inay ka shaqeyso sidii loo ilaalin lahaa weriyeyaasha kasoo warrama halkaas.

    Dhanka kale, Madaxweyne Biden wuxuu madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas u sheegay inay ka go'antahay sidii Mareykanka uu kusii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Falastiin.

    Wuxuu ku baaqay in Xamaas ay joojiyaan gantaallada ay ku ridayaan Israa'iil.

  7. Ururka Xamaas oo soo jeediyay in xabadda la joojiyo

    Khasaaraha ka dhashay duqeymaha laga geystay Qaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeymaha laga geystay Qaza

    Ururka Xamaas ayaa lagu soo warramayaa in uu soo jeediyay in heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka haatan ka socda halkaas.

    Waxaana arrintani garwadeen ka ah dhexdhexaadiyaal kasoo jeedo Masar.

    Israa'iil waxay ku gacan seyrtay arrinta ku aadan in heshiis xabad joojin la gaaro.

    Siyaasi kasoo jeedo Israa'iil Naftali Bennett ayaa BBC u sheegay in Israa'iil ay sii wadi doonto weerarka ka dhanka ah Xamaas tan iyo inta laga soo afjarayo hadafkii laga lahaa duqeynta Qaza.

    Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa maalinkii toddobaad duqeymo ka wadaa marinka Qaza.

    Israa'iil waxay duqeymo ka geysatay guriga hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Al Sinwar halkaas oo kamid ah goobaha bartilmaameedka u ah.

    Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeymaha maanta oo Axad ah laga geystay marinka Qaza ay ku dhinteen 26 qof.

  8. Jabhad ka howlgasha Itoobiya oo afduubatay dad u dhashay Shiinaha

    Jabhad ka dagaalanta dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay afduub u haystaan saddex muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaas oo macdan qodis ka waday Gobolka Oromiya ee galbeedka waddankaasi.

    Ciidanka xoreynta Oromada ee OLA ayaa sheegay inay raggaasi ku qabteen meel u dhow magaalada Mendi.

    Waxay sheegeen in aaney aqoonsaneyn qandaraasyada macdan qodista ee ay bixiso dowladda isla markaana howlahaas ay horseedeen barakac saameeyay shacabka.

    Jabhadda OLA oo ka go'day urur siyaasadeedka mucaaradka ee Oromo Liberation Army ayaa lagu eedeeyay afduubyo iyo weeraro ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

    .
  9. Israa'iil oo duqeysay guriga hoggaamiyaha Xamaas

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka geystay guriga hoggaamiyaha ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar.

    Ma kala cadda tirada dadka ku dhimatay ama ku dhaawcantay duqeymihii ugu dambeeyay ee laga geystay Qaza xilli dagaallada ay galeen maalinkii toddobaad.

    Ururka Xamaas ayaa gantaallo ku riday Israa’iil, arrintaas oo dhalisay cabsi ah inay gabbaad ay raadsadaan.

    Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo.

    Wuxuu sheegay in wadahadallo la bilaabo doono oo kaliya ah marka la joojiyo gantaallada lagu ridayo dhinaca Israa'iil.

    Saraakiisha caafimaadka ee Qaza waxay sheegeen in 150 qof ay kamid yihiin carruur ay ku dhinteen halkaas, halka Israa'iil ay sheegtay in dhinaceeda ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof.

  10. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Axad taariikhda waxay ku beegantahay 16-ka bisha May 2021