You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Halkan ka daawo markii ciidamada Israa'iil ay gantaallada ku garaacayeen dhismaha Qaza Tower

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xarun laga hago diyaaradaha oo laga furay magaalada Goday ee Deeganka Soomaalida

    Waxaa xadhigga laga jaray xarun laga hago diyaaradaha oo Wakaaladda Duullimaadyada Itoobiya ( Ethiopia civil aviation ) ka hirgalisey magaalada Godey.

    Xaruntan oo dhismaheeda la billaabay sannadkii 2012-ka T.I (tirsiga Itoobiya),ayaa waxaa ku baxday lacag gaaraysa 21 Milyan oo Birr oo u dhiganta $491,kun oo doolar.

  2. Dibadbaxayaal taageersan Falastiin ayaa isugu soo baxay Yurub

    Meelo kale oo Yurub kamid ah ah, dadku waxay socod ku marayeen waddooyinka iyagoo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta.

    Magaalada Paris booliska ayaa suunta dadka ka ilmaysisa u adeegsaday dadkii dibedbaxayay sababtoo ah dowladda ayaa mamnuucday wax mudaharad ah iyadooka cabsi qabto in colaado isku bedelan.

    Boqolaal qof oo kale ayaa sidoo kale isugu soo baxay jidadka magaalooyin kale, oo ay ku jiraan Lyon iyo Marseille, kuwaas oo si nabadgelyo ah u dhacay.

    Magaalada Madrid, dhowr kun oo qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada halka caasimada Jarmalka ee magaalada Berlin, dibadbaxayaasha ayaa dhalooyin iyo dhagxaan ku tuuray booliska.

    Xayiraadihii Coronavirus ayay dadka mudaharaday jabiyen, taas oo keentay in boolisku kala eryan.

  3. Taliyaha Africom oo Kismaayo booqday

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Janan Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay Jubaland.

    Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.

  4. London oo dibedbax Falastiin lagu tageerayo lagu qabtay

    Kumanaan Dad oo ka qiiraysan xaaladda Falastiin aya isagu soo baxay magaalada London ee dalka UK.

    Tiro badan oo dad ah ayaa isagu soo baxay bananka hore ee safaarada Israa’iil ee London. Dadka dibedbaxayay ayaa sitay calanka Falastiin.

    Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo, Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.

    Militeriga Israa'iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhismo ay degenaayeen dagaalyahanada Xamaas.

  5. Farmajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maaliinta dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo xusaya waxaa uu ubax dhigay Taallada Halgamayaasha SYL.

    Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii Aas-aaska Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

  6. Doorashadii deegaanka Soomaalida oo dib loo dhigay

    Guddiga doorashoyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in doorashada dowlad deegaanka Soomaalida dib loo dhigay.

    Guddiga oo maanta kulan la yeeshay xisbiyada ka diiwangashan dalka Itoobiya ee doorashada lixaad ka qayb galaya oo dhan.

    Kulankaasi oo oo lagu falanqeeyey qiimayntii diiwaangalintii doorashada ee maalintii shalay ahdy dhamaatay.

    Ugu dambeyntina gudiga doorashadu wuxuu ku dhawaaqay:

    In Doorashadii Deegaanka Soomaalida dib loo dhigay oo laga reebay Ethiopia is daba marin baahsan oo hadhaysay diiwaan galintii doorashada DDS darteed.

    Shirka waxaa ka qayb galay dhamaan Axsaabta Mucaaradka ee deegaanka soomaalida sida FEP & ONLF.

  7. Halkan ka daawo markii ciidamada Israa'iil ay gantaallada ku garaacayeen dhismaha Qaza Tower

  8. Militeriga Israa'iil oo xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ay degenaayeen warbaahin caalami ah

    Militeriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ku yaalla Gaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP.

    Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

  9. Israa’iil oo burburisay dhismo ay degnaayeen warbaahin caalami ah

    Dhismo ku yaalla marinka Qaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP ayaa burburay kadib markii Israa’iil ay duqeysay.

    Ka hor weerarka waxaa laga guuray dhismaha kadib markii milkiilaha dhismaha ay digniin u dirtay Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dhismaha waxaa ku yaallay xafisyo iyo guryo dhowr ah.

  10. Dagaalyahanada Xamaas oo dhowr gantaal ku garaacay Israa'iil

    Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa'iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.

    Weerarkan ayaa ahaa mid ay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa'iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza.

    Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.

    Militeriga Israa'iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhismo ay degenaayeen dagaalyahanada Xamaas.

  11. Masar oo soo daadgureyneyso dadka ku dhaawacmay Qaza

    Masar ayaa 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay usoo daabulaan dadka ku dhawaacmay duqeymaha Israa'iil si loogu daweeyo cisbitaallada Masar, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

    Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Masar ayaa ka tallaabay xadka Rafah.

    Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari kale oo gurmad ah ay u dirtay Qaza kuwaas oo la filayo in xilli dambe ay gaaraan halkaas.

    Waxaa lagu wadaa in dadka dhaawac ah ay qaabilaan saddex cisbitaal oo ku yaalla Masar, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha iyo saraakiisha caafimaadka.

    Saraakiisha ku sugan Qaza waxay sheegeen in 950 qof ay ku dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo dagaallada ka qarxeen halkaas.

  12. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad xilka madaxtinimada loo dhaariyay

    Waxaa maanta markii shanaad xilka madaxtinimada loo caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay, doorashadaas ay qaadaceen mucaaradka Jabuuti.

    Waxaana munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

  13. Sawirrada: Dagaalka Israa'iil iyo Falastiin

    Weli waxay dagaallo ka taagan yihiin marinka Qaza iy Israa'iil , Israa'iil waxay duqeymo ka fulisay Qaza halka dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku weerarayaan koonfurta Israa'iil.

    Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in 7 qof oo kasoo kala jeeday labo qoys ay ku dhinteen duqeymaha ay Israa'iil ka fulineyso halkaas kadib markii ay ku habsadeen xero qaxooti oo ku taalla Qaza xilli dagaalka uu galay maalinkii lixaad.

    Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah sawiradda ka turjumaya xaaladda.

  14. Wiil ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo buundo fiican ka keenay imtixaankii dugsiyada sare ee Kenya

    Cabdiqaadir Salaat Maxamed wuxuu buunddo wanaagsan ka keenay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya, wuxuu wax ku bartay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

    Cabdiqaadir Salaat oo 21 jir ayaa helay natiijada A- oo ka dhigan boqolkiiba 79 cel celis ahaan.

    Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay sanado ka hor ku laabteen Soomaaliya.

    “Waxaan aad u jeclaa oo aan aad ugu wanaagsanaa maaddada Chemistry-ga oo ilaa hadda aan jeclahay oo aan doonayo in aan macalin ka noqdo” ayuu yiri Cabdiqaadir.

    Natiijooyinkii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya ayaa la shaaciyey Isniintii sida ay sheegeen saraakiisha waxbarashada waxaa ka muuqatay horumar fiican oo ardadada gobolka ay gaareen.

    Halkan ka dhageyso wareysiga ay BBC-da la yeelatay Cabdiqaadir Salaat.

  15. Ergey ka socda Mareykanka oo Israa’iil gaaray si dagaalka loo joojiyo

    Ergey ka socda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Tel Aviv si uu u bilaabo wadahadallo ku aadan joojinta dagaalka sii socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

    Hady Amr oo wuxuu la kulmi doonaa dhinacyada Israa’iil, Falastiin iyo saraakiisha Qaramada Midoobey iyadoo laga rajo qabo in la gaaro heshiis xabad joojin ah.

    Militeriga Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka fuliyay marinka Qaza halka dagaalyahanada Falastiniyiinta ay gantaallo ku garaaceen Israa’iil.

  16. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo caleemo saarayo xilka madaxtinimada

    Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Jabbuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle.

    Waxaana halkaas ku sugan madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaaraan.

    Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen.

    Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

    Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

    Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

    Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

    Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

  17. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Sabti taariikhda waxay ku beegantahay 15-ka bisha May 2021-ka.