Halkan ka daawo markii ciidamada Israa'iil ay gantaallada ku garaacayeen dhismaha Qaza Tower
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Xarun laga hago diyaaradaha oo laga furay magaalada Goday ee Deeganka Soomaalida
Xigashada Sawirka, SRTV
Waxaa xadhigga laga jaray xarun laga hago diyaaradaha oo Wakaaladda Duullimaadyada Itoobiya ( Ethiopia civil aviation ) ka hirgalisey magaalada Godey.
Xaruntan oo dhismaheeda la billaabay sannadkii 2012-ka T.I (tirsiga Itoobiya),ayaa waxaa ku baxday lacag gaaraysa 21 Milyan oo Birr oo u dhiganta $491,kun oo doolar.
Xigashada Sawirka, SRTV
Xigashada Sawirka, SRTV
Dibadbaxayaal taageersan Falastiin ayaa isugu soo baxay Yurub
Xigashada Sawirka, Reuters
Meelo kale oo Yurub kamid ah ah, dadku waxay
socod ku marayeen waddooyinka iyagoo taageero u muujinaya Falastiiniyiinta.
Magaalada Paris booliska ayaa suunta dadka ka
ilmaysisa u adeegsaday dadkii dibedbaxayay sababtoo ah dowladda ayaa mamnuucday
wax mudaharad ah iyadooka cabsi qabto in colaado isku bedelan.
Boqolaal qof oo kale ayaa sidoo kale isugu soo baxay jidadka magaalooyin
kale, oo ay ku jiraan Lyon iyo Marseille, kuwaas oo si nabadgelyo ah u dhacay.
Magaalada Madrid, dhowr kun oo qof ayaa isugu
soo baxay bartamaha magaalada halka caasimada Jarmalka ee magaalada Berlin, dibadbaxayaasha ayaa
dhalooyin iyo dhagxaan ku tuuray booliska.
Xayiraadihii Coronavirus ayay dadka
mudaharaday jabiyen, taas oo keentay in boolisku kala eryan.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, re
Taliyaha Africom oo Kismaayo booqday
Xigashada Sawirka, JUBALAND STATEHOUSE
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Janan Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay Jubaland.
Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.
Xigashada Sawirka, JUBALAND STATEHOUSE
London oo dibedbax Falastiin lagu tageerayo lagu qabtay
Xigashada Sawirka, Reuters
Kumanaan Dad oo ka qiiraysan xaaladda Falastiin aya isagu soo
baxay magaalada London ee dalka UK.
Tiro badan oo dad ah
ayaa isagu soo baxay bananka hore ee safaarada Israa’iil ee London. Dadka dibedbaxayay
ayaa sitay calanka Falastiin.
Arrintan ayaa
imaanaysa iyadoo, Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen
ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Israa’iil oo burburisay dhismo ay degnaayeen warbaahin caalami ah
Dhismo ku yaalla marinka Qaza oo ay degenaayeen warbaahinta
Aljazeera iyo AP ayaa burburay kadib markii Israa’iil ay duqeysay.
Ka hor weerarka waxaa laga guuray dhismaha kadib markii
milkiilaha dhismaha ay digniin u dirtay Israa’iil, sida ay ku warrantay
wakaaladda wararka ee Reuters.
Dhismaha waxaa ku yaallay xafisyo iyo guryo dhowr ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Dagaalyahanada Xamaas oo dhowr gantaal ku garaacay Israa'iil
Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa'iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.
Weerarkan ayaa ahaa mid ay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa'iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza.
Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah.
Masar oo soo daadgureyneyso dadka ku dhaawacmay Qaza
Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty Images
Qoraalka sawirka, Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay duqeymaha ay Israa'iil ka fulisay marinka Qaza
Masar ayaa 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay
marinka Qaza si ay usoo daabulaan dadka ku dhawaacmay duqeymaha Israa'iil si loogu daweeyo cisbitaallada Masar, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Masar ayaa ka tallaabay xadka
Rafah.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari kale oo gurmad ah
ay u dirtay Qaza kuwaas oo la filayo in xilli dambe ay gaaraan halkaas.
Waxaa lagu wadaa in dadka dhaawac ah ay qaabilaan saddex
cisbitaal oo ku yaalla Masar, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha iyo
saraakiisha caafimaadka.
Saraakiisha ku sugan Qaza waxay sheegeen in 950 qof ay ku
dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo dagaallada ka qarxeen halkaas.
Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad xilka madaxtinimada loo dhaariyay
Waxaa maanta markii shanaad xilka madaxtinimada loo caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay, doorashadaas ay qaadaceen mucaaradka Jabuuti.
Waxaana munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Xigashada Sawirka, State House Kenya
Xigashada Sawirka, State House Kenya
Xigashada Sawirka, State House Kenya
Sawirrada: Dagaalka Israa'iil iyo Falastiin
Weli waxay dagaallo ka taagan yihiin marinka Qaza iy Israa'iil , Israa'iil waxay duqeymo ka fulisay Qaza halka dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku weerarayaan koonfurta Israa'iil.
Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in 7 qof oo kasoo kala jeeday labo qoys ay ku dhinteen duqeymaha ay Israa'iil ka fulineyso halkaas kadib markii ay ku habsadeen xero qaxooti oo ku taalla Qaza xilli dagaalka uu galay maalinkii lixaad.
Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah sawiradda ka turjumaya xaaladda.
Qoraalka sawirka, Bariga Qudus, waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeyo dibadbaxyaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israa'iil
Wiil ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo buundo fiican ka keenay imtixaankii dugsiyada sare ee Kenya
Cabdiqaadir Salaat Maxamed wuxuu buunddo wanaagsan ka keenay
natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya, wuxuu wax ku bartay xeryaha
qaxootiga ee Dhadhaab.
Cabdiqaadir Salaat oo 21 jir ayaa helay natiijada A- oo ka
dhigan boqolkiiba 79 cel celis ahaan.
Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay sanado ka hor ku laabteen
Soomaaliya.
“Waxaan aad u jeclaa oo aan aad ugu wanaagsanaa maaddada
Chemistry-ga oo ilaa hadda aan jeclahay oo aan doonayo in aan macalin ka noqdo”
ayuu yiri Cabdiqaadir.
Natiijooyinkii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya ayaa la shaaciyey Isniintii sida ay sheegeen saraakiisha waxbarashada waxaa ka muuqatay horumar fiican oo ardadada gobolka ay gaareen.
Halkan ka dhageyso wareysiga ay BBC-da la yeelatay Cabdiqaadir Salaat.
Qoraalka Codka, Cabdiqaadir Salaat Maxamed
Ergey ka socda Mareykanka oo Israa’iil gaaray si dagaalka loo joojiyo
Ergey
ka socda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Tel Aviv si uu u bilaabo wadahadallo
ku aadan joojinta dagaalka sii socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.
Hady
Amr oo wuxuu la kulmi doonaa dhinacyada Israa’iil, Falastiin iyo saraakiisha
Qaramada Midoobey iyadoo laga rajo qabo in la gaaro heshiis xabad joojin ah.
Militeriga
Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka fuliyay marinka Qaza halka dagaalyahanada
Falastiniyiinta ay gantaallo ku garaaceen Israa’iil.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dagaalkan ayaa noqonqayaa midkii ugu ba'naa ee ka dhaca gobolka in muddo ah
Waxaa maanta lagu wadaa in ay
magaalada Jabbuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar
Geelle.
Waxaana halkaas ku sugan madax tiro
badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka
Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaaraan.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen.
Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.
Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.
Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.