Shiinaha oo lagu eedeeyay in uu si kutalagal ah u fasaxay gantaalka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Baarlamaanka Suudaanta Koonfureed oo la kala diray

    Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir

    Madaxweynaha Suudaanta Konfureed Salva Kiir ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas si loo soo magacaabo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka.

    Ururada bulshada rayidka iyo dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in go'aankan in muddo laga dhuur sugayay.

    Heshiis nabadeed oo saddex sano ka hor ay dowladda iyo mucaaradka galeen ayaa dhigayay in afar meelood meel xildhibaanada lasoo magacaabayo ay kasoo jeedaan mucaaradka u hoggaamiyo Riek Machar.

    Halka inta badan xildhibaanada lasoo magacaabayo ay noqon doonaan kuwa ka tirsan xisbiga haya talada ee SPLM.

    Xildhibaanada waxaa soo xushaa xisbiyada kala duwan ee dalkaas.

    Dagaalkii ka dhacay South Sudan sanadkii 2013-kii, waxaa ku dhintay ugu yaraan 380,000 qof halka malaayiin qofna ay ka qaxeen guryahooda.

  2. Qaar ka mid ah dadka ku nool agagaarka webiga Shabeelle oo ka cabsi qabo in mar kale webigu ku soo fataho

    Waxaa jira walaac ah in webiga Shabeelle uu si weyn ugu fataho deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellooyinka.

    Dadka deegaannadaas ayaa billaabay inay carro-tuur ka sameeyaan meelaha ay isleeyihiin wuu ka fatihi karaa webiga.

    Fatahaadihii u dambeeyay ayaa waxaa ku barakacay kumannaan qoysas ah.

    Cali Barsanji Huud oo ah nabadoon ku sugan tuulada Mukeydheere oo ka tirsan degmada Balcad ayaa BBC u sheegay in dadka si iskood ah isu xilqaameen fullinta hawlo ay uga gaashaamanayaan fatahaadda webiga.

    Qoraalka Codka, Cabsi laga qabo in webiga Shabeelle uu fatahaad sameeyo
  3. Dab ka kacay warshad shidaalka sifeysa oo ku taalla Suuriya

    Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa ku warrantay in warshadda shidaalka sifeysa ee ugu weyn gobolka Homs uu dab qabsaday.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Suuriya in ka qeyb kamid warshadda uu ka bilowday dabka, inkasta uusan ka dhalan wax khasaare ah.

    Waxaana la baahiyay muuqaal ku saabsan qiiq iyo uuro madow oo warshadda ka baxaya.

    Bishii January ee sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dab uu ka kacay halkan.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

  4. In ka badan 50 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

    In ka badan 50 qof oo u badan gabdho ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaraxyadii is xig xigay ee shaley ka dhacay iskuul ku yaalla caasimadda Afghanistan ee Kabul.

    In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaas.

    Haatan waxaa la aasayaa qaar kamid ah dadkii ku dhintay weerarka halka qaar kamid ah qoysaska ay weli ku raad joogaan carruur ka maqan.

    Dalalka caalamka ayaa dhaleeceeyay qaraxa.

    Dadkii ku dhintay qaraxa oo la aasayo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dadkii ku dhintay qaraxa oo la aasayo
  5. Shiinaha oo lagu eedeeyay in uu si kutalagal ah u fasaxay gantaalka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ha’yadda maamusho Hawada Sare ee Mareykanka ayaa dhaleeceysay Shiinaha isla markaana sheegtay inuu xakameyn waayay mid kamid gantalladiisa fakaday ee badda kusoo dhacay.

    Ha’yadda NASA waxay sheegtay in Shiinaha uu ku guuldareystay in uu raaco mas’uuliyadda ah in uu qaado tallaabo ka hor inta aanan gantaalka baxsan.

    Shiinaha ayaa doordibay in gantaalka uu si iskiis ah usoo laabto inkasta oo ay xakameyn kareyn, Shiinaha wuxuu in arrintaas ay tahay mid caadi ah balse dalalka kale ayaa qabaa in gantaallada hawada sare loo diro loo soo dejiyo si xakameysan.

    Balse Shiinaha ayaa qiray in gantaalkan oo dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Badweynta Hindiya meel u dhaw jasiiradda Maldive.

    Dhawaan ayay aheyd markii Mareykanka uu sheegay in qorshaha uusan ugu jirin inay soo ridaan gantaalka balse ay ku rajo weynaayeen in uu kusoo badda.

  6. Roobab khasaare dhaliyay oo ka da’ay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Waxaa hakad uu ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka u kala goosha magaalada Godey iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Shabeelle kadib markii ay go’day buundada tuulada Laab kadib markii ay burburiyeen roobab xooggan oo toddobaadkan halkaas ka da’y.

    Sidoo kale roobabka waxay burburiyeen buundo isku xirta qeybo kamid ah gobolka Qoraxey.

    Waxaa maalmihii lasoo dhaafay roobab mahiigaan ah ay ka da’een Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka gobolka.

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV

  7. Dad badan oo ku dhaawacmay rabshado ka dhacay magaalada Qudus

    Dad badan oo ku dhaawacmay rabashadaha ayaa la geeyay cisbitaallada, sida laga soo xigtay ha'yadda Bisha Cas ee Falastiin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dad badan oo ku dhaawacmay rabashadaha ayaa la geeyay cisbitaallada, sida laga soo xigtay ha'yadda Bisha Cas ee Falastiin

    Rabshado hor leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Qudus kaas oo u dhexeeyo booliska Israa’iil iyo shacab Falastiiniyiin ah.

    Rabshadahan u dambeeyay waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah.

    Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo

    Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhawaacmeen rabshadaha halka booliska Israa’iil ay sheegeen in sarkaal uu kaga dhawaacmay qalaalasahan u dambeeyay ee ka dhacay Qudus.

    In ka badan 200 Falastiiniyiin ah iyo 17 sarkaal oo booliska Israa'iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo shaley ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa'iil.

    Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

    .
  8. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa maalin Axad ah taariikhda waxay ku beegantahay 8-da bisha May sanadka 2021-ka.