Xiisad ayaa
ka taagan bariga magaalada Qudus iyo daanta galbeedka xilli lagu guda jiro
bisha barakeysan ee Ramadan.
Waxaa xalay ay
isku dhacyo ka dhaceen xaafadda lagu magacaabo Sheikh Jarrah, halkaasi oo
qoysas Falastiiniyiin ah ay wajahayaan in laga raro ka dib kiis maxkamadeed oo
muddo dheer socday.
Xalay
boooliiska Israa’iil ayaa qaaday tallaabo ay kala dambeynta ku soo
celinayaan ka dib markii ay dibadbax dhigeen kumannaan qof oo misaajidka Al
Aqsa ku soo tukaday salaadda taraawiixda .
Madaxwaynaha
Falastiniyinta, Mahmoud Abbas ayaa cambaareyay waxa uu ugu yeeray
“weerarada dambiga ah” halka kooxda Xamaas ay Israa’iil uga digeen cawaaqib
xumada ka dhalan karta ficiladooda.
Mareykanka,
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dalal kale ayaa dhankooda ugu baaqay
dhammaan dhinacyada in ay daganaan muujiyaan oo ay is xakameeyaan.
Midowga Yurub
ayaa wax aanan la aqbali Karin ku tilmaamay xiisadda sii kordhaysa ee ka taagan Daanta Galbeed iyo magaalada Qudus.
Maamulka
madaxwayne Biden oo dhankooda walaac ka muujiyay iska hor imaadyadani ayaa ku
cadaadinaya Israa’iil in aysan fulin howlaha dadka Falastiiniyinta goobtaasi
looga rarayo.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda ugu baaqay beesha caalamka
in ay arrintan soo faragaliyaan si looga hortago in dadkaasi si qasab ah looga
raro xaafadda lagu magacaabo Sheikh Jarrah .
Isku dhacyadii
u dambeeyay waxaa ku dhaawacmay 17 kamid ah askarta Israa’iil.
Israa’iil ayaa xoog ku haysata bariga magaalada Qudus tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii carabta iyo Israa’iil sanadkii 1967.