Ma laga yaabaa in Mareykanka uu soo rido gantaalka fakaday ee shiinaha?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Galmudug oo beesha caalamka kala hadlay doorashada iyo shirka dhawaan dhacaya

    Madaxweyne Qoorqoor

    Xigashada Sawirka, Galmudug State House

    Madaxweynaha maamulka galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la yeeshay maanta qaar ka mid ah saaxiibbada beesha caalamka,waxaana kulankaan looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo shirka wadatashiga qaranka ee la filayo in ay isugu yimaadaan dhinacyada Soomaalida 20-ka bishaan.

    Mas’uuliyiinta saaxiibada beesha caalamka ayaa ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Igad.

    Dhawaan ayay ahayd markii raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu shaaciyay shirka wadatashiga qaranka kaas oo looga arrinasanayo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

  2. Madaxweynaha Tanzania oo qaadday talaabo uu diiddanaa madaxweynihii iyada ka horeyay

    Saamiya Suluhu

    Xigashada Sawirka, Aqalka Madaxtooyada Tanzania

    Madaxweynaha Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay munaasabad dadweyne iyadoo xiran wajir xir ama face Mask.

    Madaxweynihii iyada ka horeeyay, John Magufuli oo geeriyooday bishii Maarso ayaa marwalba inkirsanaa cudurka wuxuuna diidi jiray inuu wajiga xirto si uu uga taxadaro fayaraska karona.

    Ms Saamiya waxay xirtay wajiga iyadoo joogta gudaha iyo meel ka baxsan dalka Tanzaniya gaar ahaanna toddobaadkan mar ay booqasho laba maalmood ah ay ku tagtay dalka Kenya.

    Munaasabad ka dhacday magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaniya jimcihii, waxay kula kulantay in badan 800 oo ah dad waaweyn oo ka kala yimid qaybaha dalka .

    Waxay u sheegtay in dadka waaweyn ay khatar ugu jiraan cudurka loona baahanyahay in la taxadaro si looga badbaado.

    Tan iyo markii ay xukunka la wareegtay, haweenaydaan 61 jirka ah kama aysan baqin inay muujiso inay diyaar u tahay inay qaaddo waddo ka duwan tii Mr Magufuli marka ay timaaddo xirashada waji xirka iyo la tacaallida cudurka.

    Waxay sameysay guddi khubaro ah oo kala taliya xaaladda Covid-19 ee wadanka iyo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah si dadka loo badbaadiyo.

  3. Qaraxyo gaystay dhimasho iyo dhawaac oo Kaabul ka dhacay

    Qarax hore

    Xigashada Sawirka, EPA

    Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof dilay in ka badan 50 kalana lagu dhaawacay qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla caasimada Afghanistan ee Kabuul.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn oo is xigxigay ay ka dhaceen galbeedka magaalada una dhow dugsi sare oo ay dowladdu maamusho laguna magacaabo Sayeed-ul-Shuhada.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in ardayda ay ka baxayeen iskuulka markii ay qaraxyadu dhaceen. Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya boorsooyinka iskuulka oo laga tagey iyo burburka gaariga ku gubtay wadada agteeda.

    Degmada ku taalla galbeedka Kabuul waxaa ku nool inta badan bulshada Shiicada ah ee Hazara kuwaas oo si isdaba joog ah u bartilmaameedsanayeen sanadihii la soo dhaafay kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS.

  4. Cuntada iyo Ramadaanta

  5. Walaac laga muujiyay isku dhacyada ka dhacay masaajidka Qudus

    Qalalaasaha ka dhacay gudaha masaajidka Qudus

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qalalaasaha ka dhacay gudaha masaajidka Qudus

    Xiisad ayaa ka taagan bariga magaalada Qudus iyo daanta galbeedka xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

    Waxaa xalay ay isku dhacyo ka dhaceen xaafadda lagu magacaabo Sheikh Jarrah, halkaasi oo qoysas Falastiiniyiin ah ay wajahayaan in laga raro ka dib kiis maxkamadeed oo muddo dheer socday.

    Xalay boooliiska Israa’iil ayaa qaaday tallaabo ay kala dambeynta ku soo celinayaan ka dib markii ay dibadbax dhigeen kumannaan qof oo misaajidka Al Aqsa ku soo tukaday salaadda taraawiixda .

    Madaxwaynaha Falastiniyinta, Mahmoud Abbas ayaa cambaareyay waxa uu ugu yeeray “weerarada dambiga ah” halka kooxda Xamaas ay Israa’iil uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta ficiladooda.

    Mareykanka, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dalal kale ayaa dhankooda ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay daganaan muujiyaan oo ay is xakameeyaan.

    Midowga Yurub ayaa wax aanan la aqbali Karin ku tilmaamay xiisadda sii kordhaysa ee ka taagan Daanta Galbeed iyo magaalada Qudus.

    Maamulka madaxwayne Biden oo dhankooda walaac ka muujiyay iska hor imaadyadani ayaa ku cadaadinaya Israa’iil in aysan fulin howlaha dadka Falastiiniyinta goobtaasi looga rarayo.

    Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda ugu baaqay beesha caalamka in ay arrintan soo faragaliyaan si looga hortago in dadkaasi si qasab ah looga raro xaafadda lagu magacaabo Sheikh Jarrah .

    Isku dhacyadii u dambeeyay waxaa ku dhaawacmay 17 kamid ah askarta Israa’iil.

    Israa’iil ayaa xoog ku haysata bariga magaalada Qudus tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii carabta iyo Israa’iil sanadkii 1967.

  6. Wadaad caan ka ah Itoobiya oo dowladda ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay Tigray

    Itoobiya waxay beenisay in tacaddiyo ay u geysatay dad rayid ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Itoobiya waxay beenisay in tacaddiyo ay u geysatay dad rayid ah

    Madaxa ugu sarreeya kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda inay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray.

    Wadaadkan oo lagu magacaabo Abune Mathias ayaa sheegay in dowladda habeen iyo maalinba ay ka shaqeyneysay sidii ay u burburin laheyd gobolka.

    Wadaadka oo qudhiisu kasoo jeedo Tigray ayaa sheegay in uu is xakameynayay markii uu dagaalka ka qarxay gobolka, waana markii ugu horreysay uu ka hadlo xaaladda Tigray.

    Wuxuu intaas ku daray in xitaa xasuuq laga fuliyay gudaha kaniisado.

    Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysatay inay beegsaneysay hoggaanka TPLF balse aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka.

  7. Weerar lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Ciraaq

    Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa sheegay in diyaarad Drones ah ay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Amerikaan ah.

    Waxaana lagu soo warramayaa in weerarka uusan wax khasaare ah geysan balse uu burburiyay qeybo kamid ah dhismo ku yaallay saldhigga ciidamada cirka ee Ceyn Al Asad ee dhaca galbeedka gobolka Anbar.

    Waa markiii afaraad oo diyaarad aan duliye wadin ama madaafiic lagu weeraro saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

    Weeraro ayaa horey uga dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Ceyn Al Asad ee Ciraaq

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Weeraro ayaa horey uga dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Ceyn Al Asad ee Ciraaq
  8. Ma laga yaabaa in Mareykanka uu soo rido gantaalka baxsadka ah ee shiinaha?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mareykanka wuxuu Khamistii sheegay inay si dhaw ula socdaan halka uu maray gantaalka balse haatan aysan qorshaha ugu jirin inay soo ridaan gantaalka baxsadka ah ee Shiinaha.

    “Waxaan ku rajo wenahay in uu ku dhici doono dhul isla markaana uusan waxyeello u geysan doonin dadka” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.

    Wuxuu intaas ku daray “Waxaa lagu rajo weyn yahay in uu kusoo dhaco badda ama dhul lamid ah”

    Raadaarada sida dhow ula socda gantaalka wayn ee Shiinaha waxay qiyaasayaan halka la filayo dhulka ee uu ku dhaci doono.

    Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay hawada sare.

    Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

  9. Putin: Tallaalka Ruushka waa mid laisku haleyn karo sida qoriga AK 47

    Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid laisku haleyn karo oo amni ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid laisku haleyn karo oo amni ah

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dhawaajiyay in tallaalka uu soo saaray dalkiisa uu yahay mid laisku haleyn karo sida hubka AK 47.

    Wuxuu hadalkan ka sheegay xilli uu Khamistii shir la lahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka Tatyana Golikova.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saraakiisha caafimaadka dalkaas ay diiwaangeliyeen tallaal looga hortaggayo cudurka Karoona kaas oo loogu magac daray Sputnik Light.

    Putin wuxuu isbarbardhig ku sameeyay xilliggii maamulkii Soviet-ka oo uu hubka Kalashnikov ahaa mid caan ah oo ilaa iyo maanta si weyn loo adeegsado.

    Wuxuu carabaabay hadal uu horraan jeediyay dhakhtar kasoo jeedo Austria kaas oo horraantii sanadkan ka hadlay waxtarka tallaalkan.

  10. Saameynta ka dhalatay roobabka ka da'ay Muqdisho

  11. Taariikh nololeedka xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo Muqdisho ku geeriyooday

    Waxaa gelinkii danbe ee shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee, xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo horey u soo noqday Ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arimaha dibadda, haatanna ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka .

    Xildhibaanka oo xilal kala duwan soo qabtay, muddo badanna ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu maalmahaanba xanuunsanaa.

    Taariikhda marxuumka ayaa waxaa BBC uga warramay Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka Soomaaliya.

    Qoraalka Codka, Taariikh nololeedkii Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
  12. Soomaaliya: “Xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya ma khuseeyo dacwadda badda”

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ay tahay arrin gaar ah oo aanan khuseyn muranka badda ee ka dhex taagan labada dal.

    Wuxuu intaas ku daray in dacwadda khilaafka badda ay go’aan ka gaari doonto maxkamadda Caddalladda Adduunka isla markaana ay sugayaan go’aan kama dambeys ah.

    “Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah” ayuu ku yiri qoraal oo soo dhigay barta Twitter-ka.

    Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, kaas oo hakad ku jiray muddo dhowr bilood ah.

    Go'aankan ayaa lagu sheegay bayaan wadajir uga soo baxay labada dhinac oo uu warfidiyeenka u aqriyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliiya.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa maalin Sabti ah taariikhda waxay ku beegantahay 8-da bisha May sanadka 2021-ka.